Saturday 13 June 2026
Maanta khatarta ugu weyn ee Soomaaliya ma aha oo kaliya Al-Shabaab ama amni-darro, balse waa burburka ku socda kalsoonidii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka dowladnimo. Soomaaliya waxay maraysaa marxalad siyaasadeed iyo mid sharci oo aad u xasaasi ah. Odayaashii hore waxay dhihi jireen “Lug jiis ah waa lagu socon karaa, balse sharci jiis ah laguma socon karo.” Khilaafyada ku saabsan dastuurka, doorashooyinka, federaalka, muddo xileedka dowladda, iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ayaa sii kala fogeeyey dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka.
Kadib burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, Soomaaliya waxay gashay marxalad dagaallo sokeeye, kala qaybsanaan qabiil iyo dowlad la’aan ah. Shirar badan oo dib-u-heshiisiin ah ayaa fashilmay sababtoo ah dhinac walba wuxuu doonayay guul gaar ah, halkii laga gaari lahaa tanaasul qaran.
Shirkii Carta ee Jabuuti 2000 wuxuu beddelay fahamka siyaasadeed ee dalka. Waxaa la aqbalay xaqiiqo ah in Soomaaliya aan xoog lagu maamuli karin, balse lagu maamuli karo heshiis iyo awood-qaybsi. Halkaas waxaa ka dhashay Jamhuuriyaddii Saddexaad ee Soomaaliya oo lagu heshiiyay afar tiir: nidaam baarlamaani ah, awood-qaybsi beeleed (4.5), federalayn, iyo doorashooyin afartii sano mar dhaca. Sidoo kale, shirkii Mbagathi ee Kenya 2004-tii waxaa ka soo baxay Dastuurka KMG ah oo noqday saldhigga dowladnimada aan maanta haysano.
Sannadkii 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib loo doortay iyadoo dad badan ay filayeen in uu ka faa’iideysto waayo-aragnimadiisii hore, kuna hoggaamiyo dalka jihada xasillooni iyo dib u heshiisiin siyaasadeed. Hase yeeshee, waxaa muuqata in jihada siyaasadeed ee dowladdu qaadday ay dhalisay jahawareer siyaasadeed, kala shakiga dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.
Mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada waxay aaminsan yihiin in awoodda dowladda lagu koobay koox ama xisbi siyaasadeed oo gaar ah, taas oo dhaawacday isku dheelitirkii iyo kalsoonidii siyaasadeed ee dalka. Arrintaas waxay abuurtay dareen ah in saaxadda siyaasadda la ciriirinayo halkii laga ballaarin lahaa awood-qaybsiga dowlada.
Qodobka 1-aad ee Dastuurka KMG ah wuxuu dhigayaa in “Soomaaliya ay tahay dal federaal ah”. Sidoo kale, Qodobka 54-aad wuxuu qeexayaa in “awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada lagu saleeyo wada-xaajood iyo heshiis”. Labadan qodob waxay si cad u muujinayaan in nidaamka dowladeed ee dalka uu ku dhisan yahay federaal iyo wada-tashi siyaasadeed, isla markaana isbeddel kasta oo weyn uu u baahan yahay heshiis dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.
Madaxweynaha, isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) marka laga reebo Puntland ayaa soo bandhigay dastuur cusub, doorasho qof iyo cod ah, iyo saddex xeer oo kala ah: Xeerka Doorashooyinka, Xeerka Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha, iyo Xeerka Xisbiyada
Siyaasadda. Hase yeeshee, maadaama Puntland bilowgiiba ka maqnayd heshiisyadaas, Jubaland-na markii dambe ay ka baxday, xubnihii soo harayna ay sameysteen hal xisbi oo siyaasadeed waxaa soo baxaysa dood sharci iyo mid siyaasadeed oo ku saabsan in go’aannada ka soo baxa NCC aysan noqon karin kuwo qaran oo loo dhan yahay.
Waxaa sidoo kale jira dood ku saabsan isbeddellada la xiriira nidaamka dowladeed iyo ballaarinta awoodaha madaxtooyada. Dad badan waxay qabaan in haddii awoodda siyaasadeed lagu ururiyo hal xarun iyadoo aan heshiis siyaasadeed jirin ay dib u soo laaban karto cabsidii hore ee la xiriiray kelitalisnimo.
Mashruuca doorashada qof iyo cod wuxuu noqday arrinta ugu muranka badan siyaasadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka waxay ku doodaysaa in dalka loo gudbinayo dimuqraadiyad rasmi ah, halka mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu qabaan in aan weli la gaarin jawigii siyaasadeed iyo amni ee lagu qaban lahaa doorashooyin loo dhan yahay. Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in saaxadda siyaasadda lagu soo koobo tiro yar oo xisbiyo ah, taas oo ay siyaasiyiin badan u arkaan mid dhaawici karta tartanka siyaasadeed iyo matalaadda bulshada.
Dimuqraadiyaddu ma aha oo keliya “cod bixinta” ee waa kalsoonida lagu qabo nidaamka codka lagu bixinayo. Haddii guddiyada doorashada, sharciyada, iyo geeddi-socodka siyaasadeed loo arko kuwo dhinac u janjeera shacabka iyo siyaasiyiintuba waxay luminayaan kalsoonidii nidaamka.
Qodobka 91-aad ee Dastuurka wuxuu qeexayaa muddo xileedka Madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta dood xooggan oo ku saabsan in isbeddellada siyaasadeed ee hadda socda ay horseedi karaan muddo kororsi.
Mucaaradku waxay aaminsan yihiin in sababta ugu weyn ee loo beddelayo nidaamka siyaasadeed iyo doorashooyinka ay tahay in lagu helo waqti dheeraad ah. Dowladda Federaalka, dhankeeda, waxay ku doodaysaa in dib-u-habeynta nidaamka doorashada ay tahay mid lagama maarmaan u ah hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Laakiin su’aasha ugu weyn waxay tahay: haddii aan heshiis siyaasadeed jirin, sidee sharciyad iyo kalsooni loogu heli karaa nidaam cusub? Xeer ama sharci si dhab ah looguma fulin karo dowlad iyada lafteeda lagu muransan yahay sharciyaddeeda siyaasadeed. Taasi waa saldhigga ugu weyn ee khilaafka maanta jira. Sidaas darted, khilaafkan haddii uu sii socdo wuxuu dhalin karaa gacan ka hadal iyo kala daadasho nidaamka dowladnimo.
Dowladdu weli si buuxda uguma taliso dhammaan dalka. Deegaanno badan waxaa saameyn ku leh Al-Shabaab, halka qaar kalena ay ka jiraan colaado qabiil iyo xasillooni-darro siyaasadeed. Sidaas darteed, su’aasha ugu weyn waxay tahay: sidee loo qaban karo doorashooyin loo dhan yahay iyadoo aan amniga dalka si buuxda loo xaqiijin. Sida aan wada ognahay, doorasho kasta waxay u baahan tahay amni, kalsooni siyaasadeed, hay’ado dhexdhexaad ah iyo nidaam ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadeed.
Haddii dhinacyo muhiim ahi aysan aqbalin habka loo wajahayo doorashada, natiijada ka soo baxda waxay noqon kartaa il cusub oo khilaaf iyo xasillooni-darro.
Xiisadihii Raaskambooni iyo Baydhabo waxay muujiyeen heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee dalka. Khilaafyada doorashooyinka iyo maamulka ayaa mararka qaar isu beddelay iska hor imaadyo ciidan oo dhaawacay sumcadda dowladda iyo kalsoonida shacabka. Tusaale, haddii laba masuul oo doorasho isku fahmi waayay ay is weerareen, maxaa dhici kara haddii la qabto doorasho qof iyo cod ah oo aan heshiis lagu ahayn? Dhacdooyinkaas waxay noqdeen digniin muujinaysa in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo dhab ah khilaafyada siyaasadeed waxay isu beddeli karaan isku dhac dhaawaca dowladnimada iyo midnimada bulshada.
Nidaamka federaalka Soomaaliya waxaa loo sameeyey in lagu yareeyo cabsiidii laga qabay awood dhexe iyo kalsooni darradii ka dhalatay colaadaha. Federaalku wuxuu dowlad-goboleedyada iyo bulshada siiyey door siyaasadeed si ay u dareemaan inay qayb ka yihiin dowladnimada.
Marka awoodda dib loogu ururiyo xarunta dhexe, iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu gaarin, waxaa dib u soo laabanaya cabsidii hore. Maamul-goboleedyada qaar maanta waxay dareemayaan in awooddoodii siyaasadeed la wiiqayo, halka mucaaradkuna ay qabaan in saaxadda siyaasadda la ciriirinayo.
Taariikhda Soomaaliya waxay muujinaysaa in dowlad kasta oo ku tiirsan awood keliya, isla markaana iska indha-tirta heshiis siyaasadeed ay ugu dambayn wajahdo khilaaf iyo xasillooni-darro. Sidaas darteed, Jamhuuriyaddii Koowaad waxay ku burburtay khilaaf siyaasadeed iyo dowladnimo daciif ah, halka Jamhuuriyaddii Labaad ay ku burburtay kelitalisnimo. Maanta, Jamhuuriyadda Saddexaad waxay wajahaysaa halis weyn taas oo ah in la wiiqo heshiiskii siyaasadeed ee lagu dhisay dowladnimada Soomaaliya.
Dastuurku ma aha warqad sharci oo keliya, ee waa heshiis bulsho iyo is-aaminaad siyaasadeed. Sharcigu marka uu noqdo mid aan lagu heshiin, wuxuu isu beddelaa sharci aan lahayn kalsooni iyo aqbalaad. Sidaas darteed, maanta badbaadada dowladnimada Soomaaliya waxay ku jirtaa wada-tashi dhab ah, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, nidaam doorasho oo caddaalad ah iyo ilaalinta dheellitirka awoodaha dowladda.