Monday 23 June 2025
“Iminka, wax kasta waa isbeddeleen,” waa odhaahda ay ugu hadalhaynta badan yihiin jiilashii hore. Waxa ay gaboobeen iyada oo tabihii noloshu, maalinba maalinka ka dambeeya, ay sii fududaanayaan. Wax kasta, iminka si fudud ayaa ay ku faafaan. Ku abaabulmaan. Arrimo si u dednaa, ayaa si yar u feydma. Waqtigan, cidda keliya ee dhibbanaha u ah horumarka iyo casriyowga, waa waxyaalihii abkasoogaadhka ahaa, ee la gu liqi jiray biyo la’aanta.
Dhaj Wayl (Deutsche Welle), ama sida badanaa loo yaqaan Dhii Dhabalyuu Dhokumantari (DW Documentary), oo ah shirkad wartabineed oo la ga lee yahay Jarmalka, ayaa waxa ay soosaartay 2018-kii, dhokumantari la gu falanqaynayo afar gabdhood noloshooda dumarnimo. Nololmaalmeed dumareed, oo sir iyo caadba qaawan. Dumarku waxa ay kala yihiin Masiixa Cali Najaad, oo ka soo jeedda Iiraan. Caasha Kamaara, oo ka soo jeedda Gini. Maariya Folorensa, oo ka soo jeedda Arjantiina. Goormihaar Goor, oo ka soo jeedda Hindiya.
Afartooduba waxa ay u taagan yihiin afarlayda qumciga. Masiixa waxa ay dhibbane u ahayd dabarro diimaysan. Caasha Kamaara, waxa ay dhibbane u ahayd xeerdhaqameed. Goormihaar Goor, waxa ay dhibbane u ahayd qawmiyadnimada iyo dagaallada sokeeye, halka Maariyana ay dhibbane u ahayd cunfiga laboodnimada. Qaarkood waxa ay ku soo noolaayeen dalal aqlabiyaddu u hoggaansan tahay dadnimatirka dumarka, sida Masiixa oo Iiraan ku soo qaadatay in badan oo nolosheeda ka mid a. Waxa ay ku xabbisnayd kijo ay is ku dherer yihiin, oo aan loo dhisin iyada mooyaane. Sida ay tidhi: “waxa aan ka bilaabay isbeddel yar kijadayda,” oo waxa ay lahayd dhiirranaan ay ku odhan jirtay walaalkeed: “haddii ay gaaban tahay jikadu, ku fadhiiso gambadhkaas oo weelka dhaq.” Dhiirranaanteedu dhalan ayaa ay ka ahayd, oo waxa ay gaadhay heer ay ka baxdo jikadii, oo ay noqoto suxufiyad. Waa ay la sii durugtay, heer ay arrimo dawladeed oo musuqmaasuq daarran ay bannaanka keentay. Waxa dhiirrinayay waxa ay ahayd, waxa ay isu haysatay in ay tahay qof, dabadeed dumar, dabadeed muwaaddin dabagalaya xuquuqdiisa. Se afkalaqaad iyo anfariir ayaa ay ku noqotay, subaxdii ay aragtay gaarigeedii yaraa oo dambas noqday. Hanjabaado hore iyo cagajuglayn hore waa ay qabtay. Se qof u fikiraya si dabiici ah, doonaya wixii uu xaq u lahaa, ma “hush” baa uu kaa ga tegi oo ku gu dayn? Haa, sidaas ayaa ay u moodaysay Masiixa. Se markii ay aragtay in ay nolosheedii ku soo biyashubatay sidii kuwii ka horreeyay: in la waayo meel ay cidhib iyo jaan dhigtay, ama in ay si nabad leh u ga doosho gurigeeda iyo ciiddeeda. Sidaas la ajligeed, ayaa ay ku joogtaa Ingiriiska.
Qaarkoodse, waxa ay ku adkaysteen in aysan meella u dhaqaaqin, oo wixii ay huri karaan aysan hagran, sida Caasha Kamaara. Caashi waxa ay dhibbane u soo noqotay caqiidadhaqameed ah: gabadha haddii aan la ga faquuqin xubinka tarankeeda, ma noqonayso gabadh xil iyo xurmo leh. Gini, oo ah waddan ay daashadeen xanuunnada galmada la gu ka la qaado, siyaasadxumo riiqayso, dheellitirnaan bulsho aysan jirin; diiraddooda koowaad waxa ay ku liishaaman tahay bawdyo dhexdood. Sida Caasho qabto, dhibaatadaasi Gini keli ku ma aha. Waxa ay ka jirtaa ayaa ay tidhi: “Suudaan, Hindiya iyo Soomaaliya. Waxa aan xidhiidh toos ah iyo wada shaqayn inna ga dhaxaysaa hablo ka soo jeeda waddamadaas. Mid waliba iyada ayaa iskeed isu gu xilqaantay in ay si uun ku la dagaallamaan cadowgooda.”
Caasho, sannadkii 2016, ayaa ay siddeed iyo toban doollar ku yabyabtay mareeg yar se waxa ay is lee dahay la dagaallan, ma aha wax dhibaato loo yaqaan, oo waxa ay ku qeexday: “Caammadii hablahooda waa ay gudayaan. Dadkii waxbartay iyaguna waxba ma dhaamaan. Hantiile iyo saboolba ku ma muransana in hablaha xubintooda taranka la ga jaro.”
Hawl aan la la wadin ayaa ay Caashi is ku xilqaantay. Waddankeeda hablaha ku nool sagaashan iyo lix boqolkiiba waa ka naafo guudkooda. Arrinku waa muqaddasoobay. Waxa uu noqday summad sharaf iyo qawmiyadnimo, oo Caasha ayeeyadeed waxa ay lee dahay: “Kolka hablaha la gudo, waa ay toosaan oo ma noqdaan saqajaamado dhillooyin ah.”
Gini oo keliya ku ma eka dhibaatada la gu hayo dumarka jidhkooda, oo dumarka Arjantiina iyagu waxa ay la’ yihiin xuquuqdoodii nololeed.
“Waxa aan ahay femenistiyad. Waxa aan marsadaa maykab, timahaygana waa daryeelaa. Naftayda waa u roon ahay. Intaasba u ma samaynayo nin dartii. Dumarnimaduna, waa hadba sida ay haweenaydu u aragto,” ayaa ay Maariya Folarensa ay hadalka ku bilowday.
Maariya waxa ay ka soo jeeddaa Arjantiina. Waddan soddonkii saacadoodba ay haweenay dhimato. Tobankii hablood ee dhintaba, toddobo waxaa dilay lammaanahooda. Sida ay Maariya tidhi: “Cidda qudhgoysa dumarkaas waa dad ay isu dhaw yihiin oo ay garanayaan.” Sababtana waxa ay ku sheegtay “Awood ayaa ay u lee yihiin. Nidaam la xisaabtamaya ma jiro.”
Maariya waxa ay dantu badday, maaddaama ay cidinna u maqnayn ceelna u qodnayn, in ay baraha bulshada ka samayso madal ay isu gu yimaaddaan dad raba—oo badanaa ah dumar—in ay wax ka beddelaan xaaladda nololeed ee dumarka Arjantiiniyaanka ah. Waa koox markii inani dhimatoba, shaaraca isu gu yimaadda, oo la dhaho Niyuunameenos ama Nafiba Naf Kale Ka Ma Liidato. Bannaanbaxaas ay Maariya ka bilowday baraha bulshada iyo haashtaag yar oo ay soo raacisay bostigeeda, waxa uu isu beddelay bannaanbaxyada u gu waaweyn ee dumarka Laatin Ameerika ay xuquuqahooda ku dhacsadaan. Iminka, baraha bulshadu waxa kasta waa beddeli karaan. Wax kasta oo hore loo maqalna waa la gu soo gudbiyaa. Muuqaal nabadayn daarranaa ayaa ay ku tidhi Goormihaar Goor:“Aabbahay ma aysan dilin Baakistaan, ee waxaa dilay dagaalka.”
Goormihaar waxa ay ka dhalatay reer ay ku weyn tahay qawmiyadnimadu, oo Hindiya ku dhaqan. Aabbaheed waxa uu ahaa sarkaal ciidan. Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka dagaallamaysay dagaalkii bilowday horraantii bishii Maayo ee loo gu magacdaray Kargiil. Kargiil wuxuu ka mid ahaa iskahorimaadyadii u gu dhimashada badnaa ee soo mara Hindiya—xorriyaddii kaddib. Hindiya ayaa ku guulaysatay dagaalka, dadkii dhintayna—sida uu yeelo mujtamac kasta oo qawmiyaddu ku weyn tahay—dagaal yahannadii waxa loo aqoonsadayay halyeeyo qaran.
Marnaba la ga ma filayn, inan Goormihaar oo kale ah, dhal sarkaal ah, in ay maalin soo muuqato iyada oo leh: “dagaalka ayaa ka mus’uul ah dhimashada aabbahay.” La ga ma filayn inan iyada oo kale ah, sannad kasta aan la ga waayi jirin sannadguurada la gu xusayo halyeeyadaas, ahaan jirtay sida ay sheegtay inan aad u neceb wixii Bakistaani iyo muslim sheegtaba, in ay sidaas yar u ga tanaasulayso qaddiyaddeeda qawmiga ah.
Markii uu muuqaalkaas faafay, meel kasta ka dhacay, Goormihaar waxa ay noqotay ceebtii oo qof ah. Dhiigyaridii oo aan biyo is marin. Maangaabnimadii dumarnimada oo badhax la’. Se iyadu waxa ay taagan tahay dhanka ay og tahay in ay ku dambaynayso haddii dagaal dhaco, oo waxa ay lee dahay: “Ma aqaan sabab la ga weynaynayo qawmiyadnimada iyo dagaallada sokeeye. Mar kasta cuqubada dagaalku waxa ay ku dambaysaa dumarka iyo carruurta. Aniguna taas ayaa aan og ahay, oo aan u ga dhiidhiyayaa dagaal.”
Afartaas hablood waayahoodu, waxa ay isu gu tageen hal inan oo ku nool Soomaaliya. Soomaaliyada weyni is ma dhaanto, oo meel dumarka u roon ma jirto. Ma leh nidaam ilaaliya. Waxa ay dhibbane u yihiin dabarro dhaqan, diimeed iyo dagaallo sokeeye.
Masiixa ayaa waxa ay tidhi iyada oo qeexaysa sida ay u la xidhiidho dumarka ku caddiban Iiraan: “Intarneedku waxa uu inna siiyay awood lamafilaan ah. Si kasta oo la isu gu dayo in la inna muquuniyo, haddana malaayin ayaa ay gaadhaa runtu.” Marlayba ma sii ridana tabaha dulmiiluhu, oo sida uu meel dhaw isaga eegayo ayaa meel uusan filanayn toosh loo ga soo ridaa. Dabadeed waxa ay ciyaaraan islameeraysiga la yidhaa si kasta oo ay daliilladu u adag yihiin, indhaha is ka rid.
Baraha bulshadu, waa meesha keliya ee u furan haweenka ku daalaadhacaya waddamada dhaqammada abkasoogaadhka ahi gadhwadeenka ka yihiin. Sida Masiixa qabto: “Baraha bulshadu, waa maxkamaddayada. Waa meesha keliya ee aannu ku tusi karno adduunweynaha sida ay Iiraan u gu xidho dumarka marka ay timahooda shalmadda ka yar qaadaan. Qooqaagu waa qaawan yahay, marka aannu caddaynta soo bosti garayno.”
Baraha bulshadu, sida oo kale, dumarka Soomaaliyeed waa maxkamaddooda ay ku qaawin karaan qooqa laboodnimada, tacaddiyada joogtada ah ee jinsi, muquuninta dhanka siyaasadda iyo wax kasta oo matali kara. Waddan ku jira kaalinta afraad ee waddamada u gu liita marka la eego tusaha sinnaan la'aanta jinsiga ee UNDP, haweenka Soomaaliyeed waxa ay samayn karaan oo keliya kacdoonno dhijitaalaysan.
Dhawaan ayaa ay ahayd, yagleelistii warbaahintii u gu horraysay abid ee dumar maamulo. Fatxi Maxamed Axmed, oo ah tifaftiraha guud ee Bilan—xaruntii warbaahineed ee u gu horreysay ee Afsoomaali ku baxda ee dumar hawlwadeenno ka yihiin—ayaa iyada oo ka maragkacaysa waxa ay tidhi: “Soomaaliya horay u ma arag Bilan oo kale, bar dhacdooyinka loo gu soo tebiyo si’aragga haweenka.”
Se taabuu ayaa ay waxaasi ka dhigan yihiin, marka aan la joogin caalamka dhijitalka. Gabadha haashtaagyada ku soo wadaagaysa baraha bulshada, waaqic ahaan, waa gabadh aan u dhawayn waxa ay ku hamminayso. Doonisteedu iyo hiigsigeedu, waxa uu lid ku yahay dhaqanka reerkeeda, qawaaniinta diinteeda, xaaladda siyaasadeed ee waddankeeda. Sidaas la ajligeed, gabadha Soomaaliyeed riyadeeda waa ta Masiixa oo hammigeeda u weyni yahay sida ay ku tidhi gunaanadka dhokumantariga:
“Riyadaydu waa in aan arko, dumarka oo la siman ragga.”