Skip to main content

Wednesday 19 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Dagaallo ka soo Xoogeystay Badhtamaha Itoobiya

29 September, 2025
Image
Dagaallo ka soo Xoogeystay Badhtamaha Itoobiya
Askarta dowladda ee la qabtay ee Wollo, Waqooyiga Itoobiya (xigasho: Borkena)
Share

Dagaallo hor leh iyo kala qabsi deegaan ayaa maalmihii u dambeeyay ka socday koonfurta iyo waqooyiga deegaanka Wollo ee gobolka Amxaarada Itoobiya, kaas oo la sheegay in xoogagga Fano ay qabsadeen magaalada Mekane Selam oo ku taalla dhanka koonfureed ee Wollo, taas oo dhanka waqooyi ka xigta Addis Ababa masaafo dhan 464 km. Magaalada ayaa waxa iskaga baxay ciidankii dawladda iyo saraakiishii xukuumadda ee ku sugnaa, inta aanay la wareegin xoogagga Fano.

Sidaas oo ay tahay, iska horimaadyo ka dhacay magaalada ayaa waxa lagu dilay madaxii xafiiska maleeshiyada magaalada iyo ku-xigeenkiisii. Waxana ay dawladdu kaga jawaabtay in ay goobaha u dhaw magaalada ku qaaddo duqeymo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha wadan (drones). Sida ay soo xigatay warbaahinta DW, xoogagga Fano ayaa maalintii xigtay iskaga baxay magaalada waxana dib ugu soo noqday ciidanka dawladda.

Dhanka kale, xoogagga Fano ayaa sheegtay in ay in ka badan 400 oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ku dileen waqooyiga isla gobolkaas, iyaga oo halkaas ka sheegtay guulo. Taliyaha Guud ee ciidanka Itoobiya ayaa hore u sheegay in ay naafeeyeen inta badan xooggii hubeysnaa, hase ahaato e, dagaalladan ayaa muujinaya in ay mucaaradka hubeysani ay weli xooggan yihiin, xilli walaac laga qabo in colaad goboleed ay dhex marto dalalka Itoobiya iyo Erateriya oo aanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn Muddooyinkii dambe, sidoo kalena aan weli la dhammeystirin colaaddii gobolka Tigree oo aan si buuxda la isugu raacin fulinta heshiiskii Pretoria.