Friday 17 April 2026
Dagaalka waxa lagu tibaaxaa fahanbixino kala jaad ah, sida in uu yahay masiibo bani aadanimo oo lagu le’do, fashil ku yimaadda wadaxaajoodka ama dublamaasiyadda iyo isku dhaca aydhiyoolajiyadaha loollamaya ee kala qaayasoorka geddisan. Si la mid ah marar kale, waxa la huwiyaa qolof dahaadha damacyada dhabta ah ee riixaya, kolkaas ayaa lagu daboolaa weedho qurxiya oo la liqi karo, sida in dagaalka looga dan leeyahay xaqiijinta danaha iyo amniga qaramada, iyada oo khatar soo fool leh lagu baajinayo. Hayeeshee, luuqaddaas ay ku dheehan tahay waddaniyadda iyo amnidoonku, waxa barbar socda xaqiiqo kale oo daahsoon; dagaalku sida oo kale waa il dhaqaale oo laga hodmo oo hanti laga tabcado.
Laga soo ambaqaado warshadlayda hubka, qandaraaslayaasha, silsiladaha xidhiidhiya ee u kala goosha afaafka warshadaha ilaa furimaha hore ee dagaalku waa kudlad xidhiidhsan oo ka macaasha khilaafka. Gagooyinka dagaalka ee dunidan casriga ahi ma aha oo qudha goob lagu loollamo oo la burburiyo balse, waa suuq baaxad leh oo badeecad loo iibkeeno. Qormadan waxa aynnu ku faallayn doonaa qaabka uu dagaalku u noqday ganacsi iyo saamaynta uu ku yeeshay siyaasadda, anshaxa iyo aadaminimada. Innaga oo si gaar ah diiradda u saari doonna shirkadaha Maraykanka, maaddama oo in ka badan 40% silsilada wareejinta hubka ee dunida uu Maraykanku maamulo.
Aan ku bilowno e, fahanbixinta isku milanka milatariga iyo warshadaha hubka farsameeya ‘military-industrial complex’ waxa ay si mug leh u soo shaacbaxday kadib khudbadii sagootinta ahayd ee uu jeediyey Madaxweynihii 34aad ee Maraykank ee Dwight Eisenhower (1953-61), khudbadaas oo uu kaga digay xidhiidh saamayneed oo aan damaanad lahayn oo dhexmara hay’addaha milatariga iyo warshadaha hubka farsameeya, kaas oo ay cawaaqib xumo ba’an ka dhalan karto. Eisenhower qudhiisa ayaa hore u ahaa taliye ciidan oo wax ka soo hoggaamiyey isbahaysigii Jarmalka lagu jabiyey dagaalkii labaad ee dunida, ka hor inta aanu siyaasadda Maraykanka horjooge ka noqon; hadalkiisa waxa loo tixgaliyaa qayladhaan ku sal leh waaya’aragnimo warran oo saamaynteedii waayadan danbe la dhaaday.
Si kooban isku milanka milatariga iyo warshadaha hubku waa xidhiidh seddex geesood ah oo dhexmara seddex kudladood oo ka kooban hay’addaha milatariga oo isugu jira waaxaha kala duwan ee ciidanka, sida dhul, cir, bad, wardoonka iyo waaxaha difaaca; Warshadaha farsameeya hubka iyo tiknoolayjiyada kala geddisan ee ciidanka; iyo ugu danbayn nidaamka siyaasaddeed oo ay ku jiraan xukuumadda, golayaasha sharci dajinta iyo siyaasad curiyayaasha unka miisaaniyadda milatariga. Seddexdan kudladood waa ay kala danaystaan oo is xoojiyaan; si fudud milatarigu waxa uu u baahan yahay hub iyo miisaaniyad badan, warshadaha hubkuna waxa ay raadcaynayaan macaash, halka siyaasiyiintu ay ka dhaxlaan xilal, xoolo iyo shaqo abuur ay ku celiyaan degmooyinkii laga soo doortay ee ay warshadaha hubku ka hawlgalaan.
Warbixin uu sannadkii 2025 soo saaray Machadka Caalamiga ah ee Cilmi Baadhista Nabadda ee Stockholm waxa uu ku faalleeyey boqolka shirkadood ee ugu sarreeya shirkadaha difaaca ee soo saara hubka iyo adeegyada ciidanka. Warbixintu waxa ay tibaaxaysaa in suuqa difaacu uu figta ugu sarraysa tiigsaday; dakhli ahaan waxa ay shirkadahaasi sannadkii 2024 oo qudha soo xareeyeen dakhli lacageed oo dhan $679 bilyan. Ku dhawaad kala badh ka mid ah dakhligaas oo u dhiganta $334 bilyan waxa soo saaray shirkadaha Maraykanka oo qudha, halka Shiinuhu uu kaalinta labaad soo fadhiistay oo uu ka helay $88 bilyan, Ingiriiska ayaa isna kaalinta seddexaad cidhiidhsaday oo ay shirkadihiisu ka macaasheen $52 bilyan, halka Ruushku uu kaalinta afraad ku dhacay oo uu $31 bilyan oo qudha qoondada ku yeeshay.
Isla sannadkaas oo kaliya 5.9% ayuu kordhay dakhliga qalabka iyo adeegyada milatarigu, halka tobankii sanno ee u danbeeyey uu 26% sare u kacay. Sababaha uu dakhliga hubka iyo adeegyada milatarigu cirka isugu shareeray waxa uu Machadku ku tilmaamay saamaynta dagaallada dunida ka oogan sida kan Yukrayn iyo kii Qasa, hardanka juqraafi siyaasaddeed ee quwadaha ka dhex aloosan iyo guud ahaan xiisadaha colaadeed iyo saansaanta amni ee mustaqbalka dunida.
Boqolka shirkadood ee qiimaynta lagu sameeyey waxa muquuniyey shirkadaha Maraykanka oo 39 shirkadood oo ka mid ah xaabsaday. Halka tobanka ugu sarreeya ay shanta shirkadood ee ugu sarreeya la carraabayeen lixdii sanno ee u danbaysay. Waa shirkadaha loogu yeedho shanta waaweyn ‘The big five’. Kuwani waa shirkadaha sanceeya dhammaan tiknoolajiyada, qalabka, hubka iyo adeegyada kala geddisan ee milatariga Maraykanka. Waa shirkadaha farsameeya hubka ay dawladdu ka iibiso ama ku caawiso dawladdaha kale. Waa shirkadaha saamaynta dadban ku leh siyaasadda difaaca iyo arrimaha dibadda ee dawladda Maraykanka.
Qandaraaslayaashan difaacu waxa ay kala qaybsadeen oo farsameeyaan dhammaan hubka iyo qalabka kala jaadka ah ee ciidanka ee laga xusi karo: taangiyada, gantaallada, gujisyada badda, diyaaradaha dagaalka,nidaamyada difaaca, darooniska iyo dayax gacmeedyadda xogta ururiya. Sida oo kale, waxa ay bixiyaan adeegyo kala duwan oo aan alaab ahayn, sida; isku xidhka saadka milatariga, dayac tirka hubka, tababarka ciidanka, xog ururinta, shabakadaha xidhiidhka iyo dagaalka intarnaydka ‘cyber warfare’. Hawlqabadyadan oo ah mishiinka dagaalka dhaqaajiya ayey balaayiin doollar oo macaash ah ka soo hooyaan; bilmetel shirkada Lockheed Martin oo ah tan ugu tunka weyn qandaraaslayaasha difaaca ee dunidu waxa ay hilaaddii 2024 oo kaliya sancaynta iyo iibka hubka ka soo galay dakhli lacageed oo dhan $64.7 bilyan, RTX iyana waxa ay ka heshay dakhli dhan $43.6 bilyan. Halka seddexda shirkadood ee kale ay soo xareeyeen dakhli u dhexeeya min $37.9 bilyan ilaa $30.6 bilyan.
Kadib weerarkii u danbeeyey ee ay dalka Iraan sida wadajir ah ugu qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil, saamiyadda suuqa ee shirkadahani cirka ayey isku shareereen; iyada oo shirkada Lockheed Martin uu saamigeeda suuqu kordhay 3%, halka RXT uu sare u hinqaday 4.5%, si la mid ah Northrop Grumman ayuu iyana 5% siyaaday. Dhanka kale, sida uu taliska dhexe ee ciidanka Maraykanku sheegay waxa weerarka Iraan loo adeegsaday in ka badan 20 nooc oo ka mid ah hubka ay shirkadahani soo saaraan.
Si la mid ah, dagaalladii hore ee ay ka midka ahaayeen dagaalkii Afgaanistaan, kii Suuriya iyo duullaankii Ciraaq ayey macaash maangad ah ka mahoobiyeen. Waxa la soo tabiyaa in kolka laga soo bilaabo hilaaddii 2001 ay dawaladda Maraykanku dagaallada ku kharash garaysay dhaqaale qiimihiisu dhan yahay $14 tirilyan, ku dhawaad kala badh lacagtaasi waxa ay ku dhacday gacanta shirkado qandaraaslayaal ah oo gaar loo leeyahay. Waa macaash baaxad leh oo ay muddo kooban kaga midho dhaliyeen garoomada dagaalka.
Waaxda dagaalka ee Maraykanku waa waaxda ugu miisaaniyadda badan caalamka, celcelis ahaan sannadihii u danbeeyey $900 bilyan ayey ahayd, waa miisaaniyad ka badan iskudarka sagaalka waddan ee ku taxan diiwaanka ku soo xiga. Saami ballaadhan oo ka mid ah miisaaniyaddu waxa ay jeebka ugu dhacdaa shirkadaha qandaraaslayaasha difaaca. Waa dhaqaale shirkadaha iyo shacabka Maraykanka uun dib ugu noqda; halka dunida kale loo dhoofiyo hub iyo baaruud ay isku gumaadaan. Deeqaha uu Maraykanku ku caawiyo dalalka dagaallada ku jira sida Yukrayn, waxa loo sii mariyaa qandaraaslayaasha difaaca oo hub ugu beddela dhaqaalaha loo yaboohay.
Warbixin kale oo uu soo saaray Machadka Quincy waxa ay tibaaxaysaa in waaxdda difaaca ee Betagoonku afartii sanno ee u dhaxaysay 2020-24 ay shirkadaha difaaca ee gaarka loo leeyahay ku wareejisay dhaqaale dhan $2.4 tirilyan si ay ugu maalgeliyaan dagaallada iyo horumarinta hubka, sida oo kale $771 bilyan oo ka mid ah lacagtaas waxa abaalmarin qandaraasyo ah ku qaatay shanta shirkadood ee waaweyn oo kaliya.
Geesta kale, qandaraaslayaasha hubka waxa barbar socda qandaraaslayaal kale oo isla mashruucan dagaalka uun ka dheefa, waxa ka mida shirkadaha loojistikada iyo kaabayaasha. Caadi ahaan dagaalku waxa uu u baahan yahay silsilad xidhiidhsan oo isku xidha saadka ciidanka ee kala geddisan, sida; cuntada, shidaalka, dhismaha saldhigyada, guryeynta, doobbiga iyo daabulista. Tusaale ahaan shirkadda KBR oo ah shirkad bixisa adeegyada dhismaha, doobbiga, saadka iyo socdaalku waxa ay kaligeed dagaalkii Ciraaq ka faa’iiday $30 bilyan oo ah qandaraasyo isugu jiray loojistiko, dhismaha saldhigyada, dayactirka qalabka iyo doobbi. Si la mid ah waxa dagaalka ka macaasha shirkadaha calooshood u shaqaystayaasha ah ama shirkadaha milatariga ee gaar loo leeyahay ‘private military companies (PMC) ee arxanka darran, sida Blackwater oo malaayiin doollar ka heshay dagaaladdii Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Badanka shirkadahani waxa ay ka hawlgalaan tababarka ciidanka, sugida amniga diblamaasiyiinta iyo madaxda, sirdoonka iyo indho indhaynta. Sannadkii 2004 waxa ay shirkadani ka heshay Wasaaradda Arrimaha Dibedda qandaraas ku kacay $1 bilyan oo ay ku qaadatay sugida amniga diblamaasiyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ku sugnaa Ciraaq, sida oo kale waxa ay dhaleecayn xooggan kala kulantay dilka 17 qof oo shacab ahaa oo ay rasaas oodda kaga qaadeen askar ay shirkadu shaqaalaysiisay oo ku sugnaa guddaha Baqdaad.
Dhanka kale, waxa jira shirkado kale oo u diyaarsan in ay ka macaashaan kolka uu dagaalku dhammaado. Waa shirkadaha dib u dhiska kaabayaashii iyo burburkii deegaanka ee uu dagaalku sababay. Waxa ay dib u dhisaan kaabayaashii dhaqaalaha iyo nolosha ee burburay, taas oo ay balaayiin doollar oo kale ku baxdo. Bilmetel, burburkii ay Israa’iil u gaysatay magaaladda Qasa iyada oo adeegsanaysa hubkii shirkadaha Maraykanka waxa ay Qaramada Midoobay ku qiimaysay dib u dhiskeeda lacag gaadhaysa $70 bilyan, waa dhaqaale baaxad leh oo ay ka faa’iidaysan doonaan isla shirkadaha Maraykanka ee gacanta loo galin doonaa. Halkan waxa ka furan laba suuq oo meerta ah: suuqa burburinta iyo suuqa dib u dhiska.
Qandaraaslayaasha milatariga iyo iskaashatooyinka warshadaha hubka farsameeya waxa ay galaangal ku leeyihiin siyaasadda iyo maamulka hadba talada haya. Waa galaangal wajiyo badan oo xaglo kala geddisan ka yimaad, xaglahaas oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha ay ku bixiyaan ololaha doorashada ee xildhibaanada golaha wakiillada iyo aqalka sarre. Doorashadii u danbaysay ee Maraykanka 98% ka mid ah xildhibaannada Koongareeska ayaa maalgelin ka helay shirkadaha milatariga, xilligaas oo ay shirkaduhu deeqaha musharixiinta ku kharash gareeyeen lacag gaadhaysa $150 milyan. Ujeedka ay shirkadaha milatarigu musharixiinta uga taageeraan dhaqaalaha doorashadu waa in kolka ay goleyaasha fadhiistaan ay u ol’oleeyaan ‘lobbying’ oo u codeeyaan kordhinta miisaaniyadda difaaca, maalgelinta barmaamijyo hubeed oo gaar ah, ansixinta iibka hubka laga iibiyo xulafada Maraykanka.
Shirkaduhu waxa ay maalgelin xooggan ku bixiyaan guddiyadda adeega ciidanka ‘armed services committee’ ee labada aqal, sida Roger Wicker oo ah guddoomiyaha guddida adeega ciidanka ee aqalka sare oo ol’olihii doorashadiisa loogu deeqay $418 kun oo caawimo ah, waa deeq qaataha ugu weyn ee shirkadaha hubka. Halka Susan Collins oo ah guddoomiyaha guddida qoondaynta aqalka sarre ‘appropriation committee’ oo korjoogtaysa dhammaan kharashaadka dawladda dhexe, loogu deeqay dhaqaale dhan $89 kun.
Intaas waxa dheer, shirkadaha milatarigu waxa ay saamayn ku leeyihiin wacyiga nukhbada, siyaasiyiinta iyo shacab weynaha qudhiisa. Waxa ay abuuraan haltebin ‘narrative’ u adeegaysa danahooda gaarka ah, oo waxa ay maalgeliyaan xarumaha fekerka ‘think thanks’, warbaahinta iyo khubarada amniga ee hawl gabka noqday si ay u qaabeeyaan aragtida bulshada. Saxaafadda, xarumaha fekerka iyo machadyada ku tiirsani waxa ay sannad walba daabacaan kummanyaal maqaal iyo warbixinood oo tabantaabinaya in la kordhiyo kharashaadka milatariga, in hub cusub la horumariyo iyo in tallaabooyin milatari laga qaado dawladdaha madaxa adag, baaqyadaas oo saamayn ku yeesha nukhbada siyaasadda iyo aragtida dadwaynahaba.
Sida oo kale, iskaashatooyinkan hubku waxa ay saamayn dadban ku leeyihiin siyaasadda arrimaha dibedda ee dawladda; tusaale ahaan cahdigii ka danbeeyey 1990yaddii waxa ay u ol’olayn jireen in gaashaanbuurta NATO la balaadhiyo oo lagu fidiyo dalalka barriga Yurub ee ka soo dhexbaxay burburkii Midowgii Soofiyeedka. Fiditaanka gaashaanbuurta waxa ugu hoos jiray suuq balaadhan, maaddama oo dawlad kasta oo NATO ku soo biirtaa ay ku qasban tahay in ay hubkeeda iyo nidaamyadeeda difaaca casriyeyso oo ay hubka shirkadaha Maraykanka isku qalabayso, yoolkaas oo ugu danbeyn midho dhalay oo ay balaayiin doollar ka hantiyeen. Si la mid ah guddiyada ama boodhka shirkadaha waxa xubno ka ah xoghayeyaashii hore ee waaxda difaaca, khubaradii amniga qaranka iyo taliyeyaashii ciidanka ee hawl gabka noqday, kuwaas oo sii adkeeya isku milanka labada dhinac.
Laga yaabaa kudladaha tabantaabinaya shirkadaha difaacu in ay ku andacoodaan qodobo badan oo baarka u sii fidhaya farsamaynta iyo horumarinta hubka, sida in is-hubaynta iyo hubku ba lama huraan u yahay amniga qaramada, inuu yahay awood lagu kala gabado ‘deterrence’ oo nabadgaliyada caalamka ka qayb qaata kolka awooddaha cartamaya la isku dheeli tiro ‘power balance’, iyo in uu yahay horumarinta hal abuurka iyo tiknoolayjiyada iinsaanka oo uu dedaalkoodu daahqaadyo cusub oo aqooneed soo kordhiyo. Hayeeyshee, geesta kale ka macaashka dagaalku waxa uu abuuray wayddiimo iyo naqdi anshaxeed; si faa’iido dhaqaale loo sameeyo ma loo hurin karaa colaado malaayiin nafood galaafta? Ka macaashka silica iinsaanku miyaanu ahayn danbi aanu damiirka iyo aadantinimadu aqbali karin oo anshax darro ah?
Dhab ahaan, ka macaashka dagaalku waxa uu badeecadaynayaa silica iinsaanka, oo dhimashadu waxa ay noqotay dalab suuqa riixa, dagaalkana waxa ay u rogtay fursad dhaqaale, tan oo iyaduna sii dhiirigelinaysa hurinta colaado iyo dagaallo dabadheeraada oo lagu riiqmo. Dagaalku waxa uu noqday meerto dhaqaale oo ay hantigoosadku hantida ku balaadhsadaan.
Jeebweynta warshadaha hubka leh ee macaashka laba jibaaraya iyo siyaasiyiinta kuraasta raaxadda leh ku dangiigaana dhab uma dareemayaan xannuunka gabood falka ay seeska u yihiin. Balse, saxariirka waxa maraya maatida iyo maxasta ay guryahooda sida roobka bambooyinku ugu hoobanayaan. Silica waxa maraya carruurta iyaga oo subaxii farxad iyo raynrayn ku waabariistay, ee waxbarasho u soo jarmaaday uu ku habsaday madfac meel daran laga soo ganay oo dhulka la jaray dhismihii dugsiga ee ay hoos hadhsanayeen. Silica waxa maraya malaayiinta la barakiciyey ee aan hoy, hu’ iyo hunguriba meel ku ogayn. Lurka waxa marayaa kummanyaalka ehelkii iyo asxaabtii ay jeclaayeen laga dilay. Leeleelka waxa maraya boqollaalka dhaawacyada jidheed iyo doogaha nafsaddeed ka dhaxlay colaadaha ay burjuwaasiyiintu ku naaxeen. Deegaanka iyo hantida la burburiyey ayaa qiimaha bixinaya. Ummadaha madax bannaanidoodii iyo qabkoodii la duugayo ayaa dhibane u ah.