Wednesday 19 November 2025
Mararka qaar ka fursan mayso in qofku is wayddiiyo: suurogal ma tahay in dhaleecaynaha qabow ee laga soo saaro gaboodfallada Dagloo se aan wax raad ah ku lahayn dagaalka, ay ka dambayso ka helid reer Galbeedka, siiba Maraykanku, ay ka heleen Jeneraalka Suudaaniga ah ee fallaagoobay, Maxamed Xamdaan Dagloo “Xamiidti”?
Sidan baan ka fekeray, anigoo u fiirsanaya jawaabaha laga bixiyo falalka fallaagada RSF ku kacayaan, sida bartilmaameedsigoodii Masaajidka al-Faashir, ee tobannaanka qof lagu dilay. Maraykanka iyo dalalka Yurub oo aan indhaha ka laaban karin dhacdo sidan oo kale ah, ayaa dhaleeceeyey iyaga oo aan tilmaamin cidda dambiga gaysatay, cidna aan dambiga saarin. Habdhaca hadalka dhacdadan laga soo saaray, oo inta badan dalalku ka sinnaayeen, waa hadal ku kooban dambiyeynta dagaalka socda iyo ka codsiga dhammaan dhinacyada in ay ixtiraamaan mabaadi’da aadamiga ah iyo anshaxa dagaalka.
Xitaa xaaladaha laga maarmi waayo in la dhaleeceeyo hawlgal aan loo dulqaadan karin oo weliba la xuso magaca RSF, bayaanka waxa lagu soo khatimaa dhaleecaynta dhammaan xadgudubyada iyo xusidda in aan xal milatari suurogal ahayn, arrinkan oo ka dhigan in lagama maarmaan laga dhigayo u laabashada wadahadal, oo keenaya in Xamiidti kaalintiisa sii haysto.
Maraykanka iyo dalalka Yurub oo aan indhaha ka laaban karin dhacdo sidan oo kale ah, ayaa dhaleeceeyey xad gudubyada iyaga oo aan tilmaamin cidda dambiga gaysatay.
Arrimahan waxa lagala soo dhex bixi karaa in sida aannu u aragno Xamiidti ay si aad ah uga duwantahay sida ay u arkaan siyaasiyiinta reer Galbeedku. Annagu, oo aan ula jeedo dadka dhibtu kasoo gaadhay hawlgalladiisa milatari iyo weerarrada taageerayaashiisu ku hayaan dadka badhtamaha dalka deggan, waxa keliya ee aannu u aragnaa waa uun dambiile aan ka dhawrsan fal kasta, xuduudna aanay lahayn dambiyada uu geli karaa. Sidan cagsigeeda, tusaale ahaan Maraykanku, waxa ay ninkan u arkaan qaab sidayada ka duwan, iyagoo u arka nin dhallinyar oo awooday in uu sannado kooban gudahood magac ku sameeyo, isle’egta siyaasadeed iyo milatari ee dalkaas weyn ee kakan uu boos ka cidhiidhsado. Waxa intaas sii dheer, ninkan waxbarashadiisu koobantahay, se musuqa ku helay derajada u sarraysa ee millatari, in uu damaciisu gaadhsiisanyahay in uu gebi ahaanba dalka qabsado, sidaasna ku dhawaaday, oo ah arrin fajaciso ah.
Ka helitaanka loo hayaa wuu soo afjarmi karaa, oo cid kastaa way ka hadhi kartaa, haddii uu ku guuldarraysto xejinta booska udubdhexaad u noqoshada isle’egta awoodda Suudaan. Se hadduu ku guulaysto mashruuciisa shakhsi, oo uu noqdo qofka Suudaan wax laga wayddiiyo ee awooddaas hanta, Maraykanka iyo Yurubiyaanka waxa ka suurowda in ay dambiyadiisa hore ka tirtiraan, oo ay sidii waaqaca ula dhaqmaan, xitaa waxa suurogal ah in ay isbahaysi ka dhigtaan, mararna ku baqomaalaan dambiyadiisii hore.
Waa suurogal in arrinkani la yaab ku noqdo cidda la socota maqaallada iyo warbixinaha Galbeedka, oo si faahfaahsan uga warranta xadgudubyada ay galaan xoogagga Xamiidti, oo dhaafsiisan beegsiga ciidamo kale, ahna falal dhac, boob, kufsi iyo xasuuq loo gaysto birmagaydada rayidka ah, se waxa habboon in la is xusuusiyo, in cafintan [aynnu saadaalinnay] oo kale hore u dhacday, weliba isla Xamiidti. Bilawgii qarnigan, kolkaas oo warbixinaha reer Galbeedku si daran u dhaliili jireen dambiyada Janjawiid ka gaysatay Daarfuur, haddana Yurubiyaanka laftoodaa isbahaysi la galay Xamiidti oo Janjawiid hoggaamiye u ahaa, kolkii uu jaranjarrooyinka dawladda soo fantay, iyagoo is illawsiiyey tilmaamihii hore loo huwiyey. Isbahaysigaasi waxa uu ahaa in la iska kaashado hor istaagidda tahriibayaasha raba in ay Yurub soo gaadhaan.
Kulan uu Wasiirka Difaaca Maraykanka uu la sameeyey ciidamadiisa, oo ah nin si cad ugu raadaysan jawiyada dagaalladii Saliibiga, waxa isoo jiitay kolka uu sheegayo in aan askariga u habboonayn in uu ka fekero waxa anshax ahaan saxan, sababtoo ah shaqadiisay kala dhantaalaysaa, se ay waajib ku tahay in uu isku hawlo dhabaynta guusha iyo fulinta ujeeddooyinka dagaalka. Waa nooc ka mid ah dhiirrigelinta in askartu adeegsan karaan xadgudub, kol haddiiba arrinkaas waxtar ku jiro oo guul lagu keenayo.
Maraykanku, Maxamed Dagloo waxa uu u arkaa, nin dhallinyaro ah oo awooday in uu sannado kooban gudahood magac ku sameeyo kuna sigto in uu Suudaan oo dhan qabsado oo loo dabo fadhiisto.
Qaabkan askarta oggolaanshaha lagu siinayaa waa suurogal in uu fajaciso noqdo, se ma aha wax cusub. Dhammaan waynnu ognahay in ciidanka Maraykanku gaboodfallo ka gaysto dhulalka waaqaca ah iyagoon ka labalabayn, xitaa in Maraykanku dammaanad ilaalin ah ka siiyo dabagalka caalamiga ah si kastoo ay dambiyo usoo galeen. Waa wax lagu tilmaami karo habka Maraykan u shaqeeyo, ahna isla habka toos uga muuqanaya jawaabta Wasiirkii Arrimaha Dibedda Maraykanka ee hore, Madeleine Albright, oo si qabaw uga jawaabtay 1996-kii su’aal ku saabsan cunaqabataynta Maraykanku saaray Ciraaq oo sababtay dhimashada nus malyuun carruur ah, iyadoo leh: “Waa arrin habboon”.
Waxa aynnu isku dayaynaa qaabka aynnu u sharraxi karno dambiyada iyo xadgudubyada ay ka gaysanayaan ciidamada Xamiidti meel kasta oo ay galaan, se waxa aynnu illawsannahay in xadgudubyada fallaagadu gaysatay oo dhammi iliilad yar ka noqonayaan tog rogmanaya oo dambiyo ah oo ay galeen Galbeedka iyo Maraykanku, oo ay ka gaysteen mustacmaradahooda iyo duullaannadoodii ay ku rabeen awood-ballaadhsiga, dhul-ballaadhsiga iyo khayraadka.
Arrinku uma baahna dib usoo celinta sooyaalkii hore iyo dib isu xasuusinta wixii dhacay kolkii ay reer Galbeedku gaadheen qaaradda Ameerika iyo qaabkii ay ku degaamaysteen ka dib markii ay cidhibtireen dadkii degganaa intoodii badnayd amaba addoonsadeen, se waxa innagaga filan in aynnu xusuusanno dagaalladii Maraykanku ka gaystay Ciraaq iyo Afgaanistaan iyo sida dadka ruuxdooda loogu dheelayey, oo gaadhsiisan heer tuulooyin la xasuuqo iyadoo lagu cudurdaaranayo in laga shakiyey joogitaanka dad la baadigoobayo.
Dhinac kale, marka aynnu u kuurgalno sheekooyinka halyeeyada iyo sheekooyinka guusha milatari ee Maraykan, waa dhif in ay laga waayo weyneynta hal-ku-dhigga ah “ujeeddadu waxa ay bannaysaa jidka loo marayo”, oo qofka ku khasbaya in uu keliya eego ujeedka loo socdo, loona fiirsan jidka lagu gaadhayo. Waxa iga yaabsaday sheekada Hennery Morgan, oo tafiirtiisa u aasaasay bangi Maraykan oo caan ah, se isagu keliya ahaa budhcad; waa budhcad sheekadiisa lagu faano se, sida bulshooyinka qaar dhaqanka ka dhigtay boobka iyo dagaalladu ay u tabiyaan sheekooyinkooda ku saabsan hawlgalladooda, una arkaan falal geesinnimo.
Ma aaminsani sida qoraallada qaar qabaan, in Maraykanku rabo kala qaybinta Suudaan, amaba dantiisu ku jirto goynta Daarfuur. Haddii ay sidaas tahay doonistiisu, mar hore ayaa la samayn lahaa.
Dhammaan arrimahani waxa ay innaga dhigayaan in aynnu arrinka si sidii hore ka duwan u eegno, oo aynnu sawiranno in wayddiinta dhabta ah ee maanta Maraykanku iswayddiinayaa aanay ahayn su’aasha anshaxa iyo in waxa Xamiidti samaynayo ee dambiyo ah lagu nabi karo isir-sifayn iyo dambiyo ka dhan ah aadamaha, se taas cagsigeeda ay iswayddiinayaan mid dheef ku dhisan oo ah: Xamiidti ma ku guulaysan doonaa hankiisa, oo ma u suurogeli doontaa in uu dalka gacanta ku dhigo, sidaana ma ku noqon doonaa awoodda Suudaan, oo lagu tiirsan karo, mise maya?
Haddii uu guulaysto, waa hubaal in xaaladdu isbeddelayso, oo bogag cusub baa lala furanayaa, si la mid ah tobannaan hoggaamiye oo hore, oo falay xadgudubyo aan la koobi karin, se si fudud nidaamka caalamiga ahi gosha u gashaday ka dib markii raalli ahaanshaha Maraykanka ay heleen.
Se aan caddeeyo e, ma aaminsani sida qoraallada qaar qabaan, in Maraykanku rabo kala qaybinta Suudaan, amaba dantiisu ku jirto goynta Daarfuur. Haddii ay sidaas tahay doonistiisu, mar hore ayaa la samayn lahaa xilli uu Xamiidti gacanta ku hayo qaybo badan oo galbeedka Suudaan ah. Ma jiro wakhti ka habboon xilligan, oo ay ku filantahay gacan ku dhigid ama cadaadis ku saarid afti lagu dheelo natiijada kasoo baxda, oo sidaas lagu dhabeeyo ujeedkaas haddii la rabo.
Arrinka sida cad u muuqdaa waa in looga warsugayo Xamiidti oo aan la rabin in uu ku kaaftoomo gobolka Daarfuur oo khayraadka sabool ka ah, kuna dhex jira meel murugsan, se la rabo in uu awoodo in uu gacanta ku wada dhigo Suudaan; keligii ama soo ceshado isbahaysi dib uga dhiga mid sharfan oo fagaaraha ku soo celiya.