Skip to main content

Thursday 22 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Dagaalka Qiimaha iyo Qaab-dhismeedka Suuqa

12 December, 2024
Image
Jubba
Macmiil loo wareejinayo lacag loo soo diray, Xawaalada Jubba laanteeda Muqdisha. (Xuquuuda Sawirka: read Mohamed Abdiwahab/AFP via Getty Images)
Share
Hordhac

Markii ay duntay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa bilaabmay qalalaase iyo dagaallo sokeeye, badi dadkii Soomaaliyeedna waa ay  qaxeen oo waxa ay galeen dalal shisheeye. Kolkii ay jirtay dawladdii Soomaaliya, waa ay jireen socdaalka ay Soomaalidu ku tagaan dalalka shisheeye, si gaar ah, kuwa Carabta oo xoogsi loo tagi jiray, markii ayse dawladdu burburtay waxaa khasbayay waa amni darro iyo suurtagalnimada nolosha dalka oo aad u hoosaysay. Dadka u qaxay ee nolosha u raadsaday qurbaha, badankood ama dhammaantoodba, waxa ay ka tageen qoysaskooda oo ay si uun ugu suurtagali wayday in ay dalka ka baxaan, kuwaas oo ku qaxay meeshay is dhahayeen waad ku nabadgalaysaan. Qoysaskaas waxaa soo wajahday in ay waayaan adeeg dawladeed, sidoo kalena ay waayaan meelo ay ka helaan dhaqaale, maaddaama aanay jirin shaqooyin loo xaadiro iyo ilo dhaqaale oo kale. Shaqo la’aantaa iyo dhaqaalahaa hooseeya ayaa keentay in Soomaalidii dibadda gashay ay isu xilqaamaan in ay biilaan oo lacag u soo diraan qoysaskooda iyo ehellada ay dalkii burburay ee halista amni iyo nololeed galay ay kaga yimaaddeen. Kolkii ay soo baxday baahida loo qabo in lacagaha ay qurbajoogtu soo dirayso la soo gaarsiiyo dalka ayay aasaasmeen xawaalado hor leh oo ka shaqaynaya sidii loo fududayn lahaa isu gudbinta lacagaha. Dagaallada sokooye ka hor xawaaladuhu hore waa uga jireen dalka, balse waxa ay si xawli ah u shaqo galeen bilowgii sagaashameedyadii.

Muddo ka dib, habka isku dirka lacaga ee Soomaaliya, shirkadihii ku jiray waxa ay ka sameeyeen horumar la taaban karo, badankood waxa ay soo kordhiyeen hab lacag isku diris oo ka fudud midda xawaaladaha, waxaana horumarradaa la samaynayo qayb weyn ka qaadanaysay tartanka u dhexeeya shirkadaha suuqa ku jira, iyada oo ay jiraan sababo kale oo muhiim ah, ayna ka mid yihiin; hoosaynta habka bangiyada dalka, maqnaanshiyaha fulin siyaasadeed iyo tayabeelka ku imaanayay lacagta dalka. Waxaa soo if baxday in shirkadaha isgaadhsiintu, oo markii horeba dhinac kaga jiray suuqa xawaaladaha, ay soo kordhiyaan hab fudud oo taleefanka ah oo lacagaha laysugu diro sida: Sahal oo Golis ah, ZAAD oo Telesom ah, EVC oo Hormuud ah iyo E-Dahab oo Somtel ah, habkan cusub waxa uu qayb ka noqday in uu soo gaabiyo cimriga xawaaladaha dhabbahana u xaaro yagleelidda bangiyo laga hirgaliyo dalka. Shirkadahan isgaadhsiinta oo bixiya adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; isgaadhsiinta, lacag isu dirista, adeegga internateka iyo kuwo kale, ayaa noqday meelaha ugu cad cad ee ay ka socdaan dib u habaynta iyo horumarrada adeeg ee la taaban karo. Maaddaama suuqa ay ku loolamayaan uu yahay mid furan, oo aanay muddo badan ka jirin dawlad awood u leh in ay suuqa xorta ah nidaamiso, waxa ay sababtay in ay ku tartamaan sidii ay adeegyadooda u iibgayn lahaayeen una kasban lahaayeen macaamiisha Soomaalida.

Shirkadda Somnet oo ka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada internateka dalka, macaamiisha ugu badanna ku leh magaalada Muqdisho, ayaa 13kii Noofeembar ee sannadkan 2024 samaysay qiime dhimis dhanka interneetka ah. Waxa ay $0.5 ku bixinaysaa 48 saacadood oo interneet aan dhamaanayn ah, isla ku hadal aan dhacayn iyo adeegga Nasiye oo laga daawado ciyaaraha iyo filimada. Kolkii ay saa samaysay ayay shirkadaha Hormuud iyo Somtel kaga jawaabeen in ay iyana hoos u dhigaan qiimaha adeegyada ay bixiyaan. Dagaalka qiimaha ee ka dhex dhacay shirkadahan oo saamayn weyn yeeshay, ma’aha kii koowaad ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana badanaa sababa marka ay shirkad cusub suuqa soo galayso ama mid hore ugu jirtay damcayso in ay mid cusub ka saarto in ay adeegsadaan xirfaddan.

Qoraalkan waxa aan kaga  hadli doonnaa qaababka ay u dhisan yihiin suuqyadu iyo loolallanada ka dhex taagan shirkadaha. Waxa aan si gaar ah xoogga u saari doonnaa suuqa ay shirkadaha kooban ku jiraan (Oligopoly) oo ah midda lagu sifayn karo shirkadaha isgaadhsiinta Soomaaliya iyo saameynta ay lee dahay Dagaalka Qiimuhu, si wax uun looga fahmo dagaalka qiimaha ee badanaaba ka dhex dhaca shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida iyo kuwa la mid ka ah ee xaddiga shirkadaha ku jiraa yar yihiin, sida; shirkadaha korontada iyo kuwa biyaha. Qoraalku waa mid si guud uga hadlaya mawaadiicdaas.

Qaab-dhismeedka Suuqa

Qaab-dhismeedka Suuqu waa sifooyinka suuqa ee go’aamiya habdhaqanka shirkadaha ka hawlgalaya, waana jaantusyada suuqa ee go’aamiya habka ay shirkaduhu u tartamaan oo u sameeyaan go’aamada ay ku gaarayaan qiimaha iyo wax soo saarka alaabadooda. Dhaqaale yahannadu waxa ay qaybaha ama qaab-dhismeedka suuqa u qaybiyeen afar qaybood oo kala ah; Loollanka Qumman (Perfect Competation), Tartan kootaysan (Monopolistic Competition), Oligopoly iyo Monopoly. Saddexda danbe ayay ugu yeedhaan Loollanka aan Qummanayn (Imperfect Competition) oo liddi ku noqonaysa tan ugu horraysa. Afartan qaybood ee suuqa ayaa lagu salleeyaa habka iyo nooca uu suuqu noqonayo, iyada ayaana go’aamisa badi go’aannada uu qaadanayo ganacsaduhu ama shirkaddu iyo qaabka loo wajahayo isbedbedelka suuqa.

Kolka la joogo dhaqaalaha, muhiimad weyn ayay lee dahay fahanka qaab-dhismeedka suuqu, sababtoo ah, waxa ay innaga caawinaysaa in aan fahanno sida ay shirkaduhu u dhaqmaan, sida loo dajiyo qiimayaasha iyo sida ay shirkaduhu u maareeyaan khayraadkooda.

1.    Loollanka Qumman

Loollanka Qumman waa suuq ku muunadaysan in shirkadaha ku jiraa aanu ka dhex jirin tartan toos ah, maadaama uu suuqu yahay mid xaami ah oo keensanaya in aan shirkadaha ku jira si gaar ah u helayn aqoonsi lagaga sooco kuwa kale. Suuqa Loollanka Qumman waxa uu lee yahay shardiyo gaar ah oo looga baahan yahay, una ah sifooyin lagu garto, shardiyadaas oo aan ku soo koobi karno afar shardi oo ay khasab tahay in laga helo. Shardiga koowaad ee laga rabo suuqa waa in alaabta taalla suuqa isku mid ama isku nooc tahay, shirkadaha suuqan ku jira alaabta ay soo saaraan waa in ay isku mid yihiin oo aanay waxba ku kala duwanayn, taas oo la micne ah in wax-soo-saarka shirkadda B, shirkadda T iyo shirkadda J ay si dhammaystiran isku mid u yihiin. Shardiga labaad ayaa ah in suuqa ay ku jiraan tira aad u badan oo iibiyayaal iyo iibsadayaal ah, taas oo ka dhigaysa in shirkadaha ku jiraa ay saamiyaddooda ku aadan suuqa ay u siman yihiin. Shardiga saddexaad ayaa ah in iibiyayaasha iyo iibsadayaashu ay xor u yihiin soo galista suuqa iyo ka bixista suuqa, oo aanu jirin wax caqabbad sharci ah ama caqabbad suuq ah oo sababaya in ay ku adkaato soo galista iyo ka bixista suuqa. Taas oo la micne ah in shaqsiyaadka ama shirkaduhu ay xor u yihiin in ay alaab soo saaraan ama aysan soo saarin iyo in ay wax iibsadaan ama aysan iibsan. Shardiga afraad ayaa ah in iibiyayaasha iyo iibsadayaashu ay labaduba aqoon dhammaystiran u lee yihiin suuqa ama ka hayaan xaqiiqada suuqa.

Maadaama, suuqa Loollanka Qumman ay ku jiraan tirabadan oo iibiyayaal iyo iibsadayaal ah, sidoo kale, alaabta suuqa taal ay isku mid tahay, shirkadaha suuqu ma dajiyaan qiimaha alaabada suuqa, waxa ayna qaataan hadba qiimaha saxda ah ee suuqa yaalla. Sidoo kale, waxyaabaha ka dhiga suuqan in aan tartan ka dhex dhicin waa in alaabta suuqa taalla ay isku mid tahay, qiimuhuna isku mid yahay, taas oo macmiilka ka dhigaysa in aanu kala jeclayn shirkadda uu ka iibsanayo alaabta. Sidoo kale, faa’iidada muddada dheer ee suuqan waa eber, sababtoo ah, haddii faa’iidada muddada dheer uu noqdo mid togan oo wax laga faa’iidayo, waxaa suuqa soo galaya shirkado badan, maadaama aanay jirin caqabbad hortaagan in ay suuqa ku soo biiraan, waxa ayna shirkadahaa badan ee soo galay xilliga faa’iidada sababayaan khasaare, taas oo keenaysa in shirkado badan oo kale suuqa ka baxaan, maadaama bixitaankuna aanu lahayn wax caqabbad ah. Isbedbedelkaas ayaa keenaya in faa’iidada mudda dheer ee suuqu noqdo eber.

Tusaalayaasha badi la adeegsado ee ugu habboon suuqan waxaa ka mid ah; beerashada (tusaale; qamandiga ama bariiska) iyo kalluumaysiga. Suuqa Loollanka Qumman waa suuq xagjir ah, waxa ayna dhaqaalayahannadu badanaa tilmaamaan in ay adag tahay ama badanaa aanayba ka dhicin ama ka samaysmin suuqa noocan ah nolosha caadiga ah, maadaama ay yar tahay in la helo shirkado ama suuq buuxiya afarta shardi ee qaabkan.

2.    Suuq Kootaysan (Monopoly)

Suuqa kootaysan (Monopoly) waa suuq hal shirkad iibiye ka tahay, ayna ka jiraan iibsadayaan badan. Suuqan waa midka sida tooska ah uga soo horjeeda kan Loollanka Qumman, waana mid ka tirsan suuqa aan Loollanku qummanayn, wuxuuna yahay kiisa ugu xagjirsan. Ereyga Monopoly waxaa laga soo dheegtay Giriig, “Mono” oo la micne ah “One; Keli” oo ka turjumaysa tirada shirkadaha ee suuqa ku jirta, halka “Poly” oo asalkeeda Polien yahayna ay la micne tahay “To Sell; Iibin”. Shuruudaha uu suuqani lee yahay, waxaa ka mid ah: shardiga koowaad, waa in suuqu uu lee yahay hal iibiye oo kaliya (Single Seller). Shardiga labaad ayaa ah in aanu jirin shayga suuqa yaalla shay kale oo lagu beddelankaro ama la la barbar ordi karo. Shuruudda saddexaad ayaa ah in galitaanka suuqu uu adag yahay oo aanay cid walba iska gali karin, caqabbaduna ay tahay mid dad sameey ah ama mid dabiici ahba, (Entry Barrier). Shardiga afraad ayaa ah in aanu meesha ka jirin wax tartan ah.

Maaddaama suuqan ay ku jirto hal shirkad, aanayna jirin cid kale oo la tartamaysa iyo alaab kale ama adeeg kale oo waxa ay hayaan lagaga doorsan karo, waxa ay shirkaddu awood u lee dahay in ay iyadu dajiso qiimaha alaabteeda. Waxyaabaha badanaa keena in uu abuurmo suuqa kootaysani waxaa ka mid ah: in aqoonta taknoolajiyadeed ee waxa laga ganacsanayo helitaankiisu cid gaar ah taqaano, in ay jirto lahaanshiyo asalka alaabta ceeriin ee wax lagu soo saarayo, in siyaasadda dawladdu keento oo cid loo xiro suuqa, in baaxadda suuqu sababto oo baahida suuqa hal shirkad daboosho iyo in ay jiraan sababo kale oo dabiici ah.

Xilligan la joogo suuq kooto oo Badhax La’ waa ku yar tahay dunida, waxaana la odhan karaa waxaa sabab u ah laba arrimood. Tan koowaad, waa in shirkad walba oo suuqa haysata kaligeed ay xooga saartay sidii ay faa’iido badan u heli lahayd, qiimahana kor ugu qaadi lahayd, taasna ay ka dhalatay in dawladuhu ka soo saaraan shuruuc lagu xakamaynayo kootada. Tan labaad ayaa ah in ay soo badanayaan heerka iskubeddelista alaabaha, taasna ay keentay in ay yaraadaan samaysankii monopoly-gu.

3.    Suuqa Tartanka Kootaysan (Monopolistic Competition)

Suuqa tartanka kootaysani waa mid ka mid ah qaab-dhismeedka suuqa ee looyaqaan Loollanka Aan-qummanayn (Imperfect Competition), waa suuq ay ku jiraan shirkado badan oo gadaya alaabo isku mid ah, balse, ku kala duwan wax yar (Product Differentiaion). Maadaama aanay suuragal ahayn jiritaanka Loollan Badhax La’ ‘Pure Competatition’ oo ay jiraan in hal shay, tusaale biyaha caagadaha, oo asalka isku mid ah, haddana loo kala sameeyo magacyo (brand) kala duwan, loona kala bedelo hadba shayga ay ku jiraan iyo xaddiyada waxa uu ka kooban yahay shaygaasi, sidoo kalena uu jiro awood kooban oo ay shirkaduhu u lee yihiin in ay dajistaan qiime, sida monopoly,  iyaga oo wax-soo-saarkooda wax yar ka duwaya kuwa la tartamaya. Sidaas darteed, ayay dhaqaalayahannadu aqoonsadeen jiritaanka suuqa tartanka xadidan.

Astaamaha suuqani lee yahay waxa uu qayb ka mid ah la wadaagaa suuqa  kootaysan ama Monopoly-ga, halka qaybo kalena uu la wadaago kan Loollanka Qumman (Perfect Competition), waa suuq u dhexeeya labadaa suuq ee xaqjirka ah. Astaamaha uu suuqani lee yahay, waxaa ka mid ah. Astaanta koowaad, suuqa waxaa ku jira shirkado badan oo ku loolamaya suuqa. Tan labaad, shirkaduhu waxa ay soo saaraan alaabo isku mid ah oo wax yar ku kala duwan (sida; magaca ama qaabka. Differentiation). Tan saddexaad, waa in galitaanka  iyo ka bixitaanka suuqu dhibaatadiisu yar tahay. Tan afraad waa in shirkaduhu ku tartamaan qiimaha shayga, tayadiisa iyo suuqgayntiisa.

Suuqa tartanka kootaysan waa midka ugu badan ee ka shaqeeya suuqa dunida, waana midka ay ganacsiyadu badankood ku jiraan. Tusaalayaasha ugu macquulsan ee aan soo qaadan karno waxaa ka mid ah; biyaha mooyasaxada shirkadaha soo saara, asalka waa isku mid, waxayse ku kala duwan yahiin wax yar oo magacu ka mid yahay, sidoo kale, cabitaannada fudfud ee ay ku jiraan Coke, Fanta, Marinda iyo qaar kale.

4.    Suuqa Tartanka Xadidan (Oligopoly)

Suuqa tartanka xadidani (Oligopoly) waa suuq ay maamulaan shirkado kooban, kuwaas oo soo saara alaabo isku mid ah ama wax yar ku kala duwan. Suuqani waa mid isu qaabeeya habab kala jaad ah, haddii shirkadaha ku jiraa heshiiyaan waxa uu la dhaqan noqdaa kan kootaysan (Monopoly), haddii shirkaduhu is qabtaanna waxa uu la mid noqdaa suuqa tartanka xoogan ka dhex socdo. Magaca Oligopoly waxaa laga keenay luuqadda Giriiga, “Oligo” waxa uu la micne yahay “Few; wax yar” halka “Poly” ay iyana la micne tahay “Iibin”.

Astaamaha uu suuqani lee yahay waxaa ka mid ah; midda koowaad, shirkado kooban ayaa suuqa ku jira (labo, saddex, iwm). Midda labaad, go’aan qaadashada shirkaduhu waa isku tiirsan yihiin, go’aanka shirkadi qaadato waxa uu saameynayaa midda kale ee suuqa kula jirta. Midda saddexaad, shirkaduhu waxa ay soo saaraan alaab ama bixiyaan adeegyo isku mid ah ama wax yar ku kala duwan. Midda afraad, shirkaduhu waxa ay lee yihiin awood door ah oo ay qiimaha ku dejiyaan. Midda shanaad, caqabadaha gelitaanka suuqani aad ayuu u sarreeya oo ma sahlana in shirkad cusub iska gasho.

Tusaalayaasha shirkadaha suuqan ku jira waxaa ka mid ah; shirkadaha isgaadhsiinta, shirkadaha soo saara gawaarida iyo kuwa diyaaradaha. Suuqan samaysankiisa waxaa qayb weyn ka gaysta ama sababa, waa gelitaanka suuqa oo adag, maadaama kharashaadka ku kaca shirkadaha hore ugu jiray uu sarreeyo, sidoo kalena, uu tartan xoog leh kuwii hore kala kulmayo. Qaabka uu u dhaco loollanka suuqan waxa aan kaga waramaynaa qaybtan xigta ee Dagaalka Qiimaha.

Dagaalka Qiimaha iyo Suuqa Tartanka Xadidan (Oligopoly)

Dagaalka Qiimuhu waa muddo gaaban oo ay ganacsiyada tartamayaa hoos u dhigaan qiimaha alaabtooda ama adeegooda, si ay ugu guulaystaan saamiyo suuqa ah oo dheeraad ah. Suuqa Oligopoly waa midka uu ka dhaco loollanka ugu adag ee mararka qaar sababa khasaare gaarsiisan in suuqa layskaga saaro ama laysu gaysto khasaare aan muddo dheer laga soo kaban karin, taas ayaana keentay kolka shirkadaha ay dhexmarto tartan sababa in ay isu jabiyaan qiimaha la siisanayo alaabta ama adeegyada, ficilkoodaas loogu yeedho ereybixinta Dagaalka Qiimaha “Price War”, sababtoo ah, labada shirkadooda, kan qiimaha jabiyay iyo kan lagu jabiyay, midkoodna faa’iido lahubo kama helayo. Badanaa shirkadaha uu ka dhex dhaco dagaalka qiimuhu aakhrika waa ay heshiiyaan ama suuqa ayay iskala baxaan.

Suuqa tartanka xadidan (Oligopoly) waxaa loo kala qaadaa laba qaybood oo ku salaysan marka ay shirkaduhu heshiis isla qaataan iyo marka ay dagaal isla qaataan. Labadan qaybood ayaa kala ah koox loo yaqaan Shirkadaha Wadajira (Collusive Oligopoly) iyo qaar loo yaqaan Shirkadaha Kala-jira (Non-collusive Oligopoly).

Shirkadaha wadajira: Suuqan shirkadaha ku jira waxa ay samaystaan isgarabsasho heshiis ku yimi iyo mid aan ku iman, muhiimaddiisa koowaadna waa in shirkaduhu sameeyaan faa’iido badan, kana baxaan hubanti la’aanta ay u horseedayso tartan dhexdooda ka dhaca. Suuqa Shirkadaha Wadajira waxa uu u sii qaybsamaa laba qaybood oo kala ah Kaarteel (Cartel) iyo Qiimadejiye (Price Leader). Shirkaduhu waxa ay samaystaan heshiisyo furan ama la caddeeyay oo ay ku dajinayaan qiimaha alaabta iyo xaddiga alaabta ay soo saarayaan si ay si wadajir ah faa’iido uga wada sameeyaan suuqa, habkanna waxaa loo yaqaan Kaartel. Kaartelku, waa in urur rasmi ah oo ay dhawr shirkadood ku middoobeen, kuwaas oo soo saara alaab isku mid ah, shaqadiisuna waa in uu maamulo dajinta siyaasada xubnaha ku middoobay iyada oo hoos loo dhigayo tartanka ka dhexeeyay. Sidoo kale, waxaa jira hab kale oo uu u shaqeeyo Suuqa Shirkadaha Wadajira kaas oo shirkadaha qaarkood ku khasbaya in ay hal shirkad ku raacaan ama uga danbeeyaan dejinta qiimaha, taasna loo yaqaano Qiimadejiye (Price Leader). Hogaaminta Qiimaha waxaa sababa in suuqa uu ku jiro shirkad alaabta ay soo saarto ku hesha qiime ka jaban kuwa suuqa kula jira iyo in ay meesha ku jirto shirkad weyn oo xamili karta in ay khasaare gasho, taas ayaana keenta in shirkadaha kale ku daba faylaan ama raacaan shirkadda hogaaminaysa qiimaha, iyaga oo ka cararaya in uu qarxo dagaal dhanka qiimaha ah.

Suuqa Shirkadaha Kala-jira waa xaalad ay shirkaduhu si madax-banaan u shaqeeyaan si ay u go'aamiyaan heerka ugu fiican ee qiimaha iyo wax soo saarka. Waa xaalad aanay shirkaduhu isugu gudbin in ay heshiisyo samaystaan si ay u gaaraan ama u helaan faa’iidada ugu wacan. Waxaa jira afar dabeecadood oo loo qaybiyo Suuqa Shirkadaha Kala-jira, kuwaas oo kala ah sidan: Midda koowaad, Kinked Demand Model; qaybtan waxa ay ka waramaysaa dabeecadda adayga qiimaha ee suuqan, maadaama aanay shirkuduhu heshiis ahayn, shirkaduhu, mid walba, way ku adag tahay in uu qiimaha hoos u dhigo, waxa uuna ka baqayaa in ay fariin qaldan ka gudbiso oo shirkadaha la tartamayaa u fahmaan in qiimaha uu kula dagaalamayo, sidaasna uu ku bilowdo dagaalka suuqu. Dhanka kale, qiimaha kor uma qaadi karaan oo shirkadna ma hubto in shirkadaha kale iyaguna kor u qaadanayaan qiimaha. Si kooban, haddii ay hal shirkad qiimaha hoos u dhigto, dhammaan shirkadaha kalena hoos ayay u dhigayaan si ay macaamiishooda u sii haystaan, haddii ay hal shirkad kor u qaado qiimahana, dhammaan shirkaduhu waa ka harayaan si ay macaamiisha shirkaddaa u hantaan. Midda labaad, Cournot Model; qaybtan waxaa abuura shirkado ka siman kharashaadka ay alaabta ku soo saarayaan, waxa ayna ku tartamaan hadba xaddiga alaab ee ay soo saarayaan. Shirkadahan kuma tartamaan qiimaha waxa la gadayo ee waxa ay ku tartamaan xaddiga ama tirada alaabaadka, sidoo kale, shirkadaha ku jira iskama warhayaan, mana laha wax khibrad ah. Midda saddexaad, Bertrand Model: qaybtan waxa ay ka soo horjeeddaa Cournot, shirkaduhu waxa ay ku tartamaan qiimaha, xaddiga alaabta iibsamaysana waxa ay u daayaan hadba suuqu sida uu u maareeyo, shirkadaha suuqa ku jirana waa kuwo is og oo khibrad u leh tallaabooyinka ay qaadayaan. Midda afraad, Stackelberg Model; dabeecaddan waa in shirkadaha suuqa ku jira, tusaale; labo, uu midna war moog yahay oo aanu ogayn tallaabada uu qaadayo shirkadda la tartamaya (Naive; Follower), halka kan kalena uu ka warhayo tallaabada ay qaadayaan cidda ka soo horjeeda, waa midka hogaamiya suuqa (Sophisticated; Leader).

Waxyaabaha sababa in uu dhoco Dagaalka Qiimuhu waxaa ugu weyn; culayso dhanka tartanka ah kaas oo ka dhasha in shirkad cusub suuqa ku soo biirto oo ay qiimadhimis ku soo gasho (tusaale, markii ay Somtel suuqa soo galaysay waxa ay hoos u dhigtay qiimaha adeegyadeeda iyada oo la tartamaysa Hormuud, Golis iyo Telesom) ama in shirkadaha hore suuqa ugu jiray ay hoos qiimaha ugu dhigaan shirkad cusub oo doonaysa in ay suuqa soo gasho. Sidoo kale, dagaalka qiimuhu waxa uu ka dhashaa kala shaki ama buufis soo kala dhex gala shirkadaha iyo habab kale oo tirabadan.

Go’aamada ay qaataan shirkadaha uu ka dhexeeyo tartanku, maadaama aanay isu war hayn, waxaa looga waramaa aragti la curiyay 1920kii oo la dhoho Aragtida Giimka (Game Theory). Aragtidan waxaa lagu qiimeeyaa go’aamada ay shirkaduhu qaadan karaan marka aanay ogayn waxa uu dooranayo shirkadda ay tartanka kula jiraan. Waxaa kale oo ku jira barnaamij lagu dhisay Tallanka Maxaabiista (Prisonner’s Dillema) ku dhaca oo ka waramaya sida ay go’aano u qaadan lahaayeen laba qof oo danbi lagu soo xiray, lana doonayo in danbi kale dusha laga saaro, iyada oo aanu midba midka kale ogayn.

Faa’iidada Dagaalka Qiimaha

Dagaalka qiimaha ee sababa in ay hoos u dhacdo qiimaha alaabada iyo adeegyadu, waxa ay faa’iido weyn u lee dahay macaamiisha, in kastoo ay jiraan dhaqaalayahanno tilmaama faa’iido darrooyin dadban, haddana waxaa badi laysku raacsan yahay in uu macaamiisha u wanaagsan yahay horraanka dagaalka. Marka koowaad, qiima dhimista ku timaada alaabta waxa ay macaamiisha u kordhisaa dhakhligooda, sababtoo ah, waxaa u baaqanaysa lacag ka bixi jirtay, isla jeerkaasna waxa ay awood u siisaa in ay sameeyaan awood wax iibsi oo ka sarreysa xilligii aanu jirin qiimaha dagaalku.

Dhanka ganacsatada ama shirkadaha, waxyaabaha uu faa’iidada ugu lee yahay waxaa ka mid ah, in ay helaan macaamiil cusub oo wax gadashada u yimi qiimaha la dhimay aawadeed, taasna ay ka dhalato in ay saami dheeriya helaan. Sidoo kale, in macaamiisha soo badanaysa ay sababto in ay faaruqiyaan alaab badan oo ganacsatada u kaydsanayn. Faa’iidooyinkan ayaanse badidood ahayn mid lagu waarayo.

Khasaaraha Dagaalka Qiimaha

Dagaalka qiimuhu waxa uu khasaare ku yahay dhammaan shirkadaha suuqa ku jira, waxaase jira sababo ku khasbi kara in go’aankan oo ah mid u xun ay qaataan shirrkaduhu. Khasaaraha la sheegi karo ee shirkadaha ka soo gaara dagaalkan waxaa ka mid ah: midda koowaad, dagaalku waxa uu saameynayaa faa’iidadii shirkadaha, qiimaha oo hoos loo dhigaana wuxuu dhimayaa faa’iidadii la heli jiray. Midda labaad, in ay hawada ka saarto shirkadaha yar yar ee aan muddo ku sii jiri karin qiima dhimista uu sababayo dagaalka qiimuhu. Midda saddexaad, hoos u dhaca tayadii alaabta, taas oo sababaysa in shirkaduhu kala khayaameeyaan xaddiga alaabada si ay u xalliyaan khasaaraha ku imanaya. Midda afraad, hoos u dhaca hal-abuurka, maadaama ay khasaare wajahayaan shirkaduhu waxa ay hakinayaan kharashaadkii kaga bixi jiray hal-abuurka iyo horumarinta adeegyadooda, tan oo macaamiishana saamaynaysa siiba kuwa adeegyada isgaarsiinta, oo markii isticmaalka adeegga internateku uu bato qiimadhimista awgeed uu culays adeeggii ku imaanayo shirkaduhuna awood u yeelan waayaan in ay dib u habeeyaan. Midda shanaad, shaqo la’aan, shirkado badan ayaa iska fasaxaya shaqaalaha laga maarmi karo oo dhan si ay u yareeyaan kharashaadka, sidoo kale, waxa ay isku dayayaan in ay qiimaha mushaharka hoos u dhigaan. Intaa iyo kuwo kale oo khasaare ah ayaa ka dhasha Dagaalka Qiimaha oo badanaa war xun u ah ganacsatada ama shirkadaha.