Monday 13 April 2026
Ereyga lacag-dhiqis waxa uu aad u soo shaac baxay Soddomeeyadii qarnigii labaatanaad, waxa uuna ka soo baxay dalka Maraykanka. Taariikh ahaan waxaa jirtay koox budhcada oo lahaa dukaamada dharka iyo baabuurta lagu dhaqo, waxa ayna ku qarin jireen lacagta faa’idada ah ee dhaqista dharka iyo lacagta ay budhcad-nimada ku helaan, si ay uga dhigaan lacag sharci ah oo ka soo gashay faa’ido ay ka heleen maydhista dharka iyo baabuurta. Lacagta ku soo gasha sifada aan sharci ahayn, sida ta maandooriyaha, qamaarka, dhillaysiga, ka ganacsiga khamriga, denbiyadaas oo dhamaantood mamnuuc ahaa xilliyadaas, iyo lacagta ku soo gasha sifo sharci ah ayey isku dari jireen oo dhigan jireen Bangiyada, iyaga oo qarinaya asalka lacagta sharci darrada ah. Ugu danbayn waxaa la qabtay hogaamiyahoodii oo lagu magacaabi jirey Al-Kabul, waxaana loo gudbiyey Maxkamadda sanadkii 1931, isaga oo lagu edeeyey la baxsi cashuureed, sababta oo ah waagaas ma jirin xeerka lacag-dhiqistu, denbina ma ahayn. Haddaba maqaalkan waxa aynu kaga jawaabaynaa waxa ay tahay lacag-dhiqistu iyo heerarka ay marto.
Lacag-dhiqistu (Money Loandaring/غسل الأموال) sida laga dhadhansan karo ereyga “Lacag-dhiqis” waxaa laga keenay dhiqista dharka, dharka marka la dhaqo waxaa laga saaraa wixii wasakh ah si uu sheygu u noqdo mid nadiif ah. Sidaas oo kale waxa la dhaqayaa lacag wasakhaysan oo lagu helay sifo aan sharci ahayn, sida mid laga helay ka-ganacsiga maandooriyaha, laaluushka, ka-ganacsiga dadka iyo sifo kasta oo aan sharci ahayn, si lacagtaas looga dhigo lacag nadiif ah, waxaa la mariyaa habraacyo sharci ah oo lagu dadayo asalkeeda, si ay ugu muuqato lacag hab sharci ah lagu helay.
Fuqahada qaanuunka qayb ka mid ah lacag-dhiqista waxa ay ku qeexeen sidan;“ Lacag-dhiqistu waa lacag lagu helay sifo aan sharci ahayn, oo loo beddelo qaab sharciya si ay u noqoto mid sharci ah, qofkii falkaa sameeyeyna uu u noqdo qof haysta lacag nadiif ah ”.
Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka ka ganacsiga aan sharciga ahayn ee maandooriyaha iyo waxyaabaha maanka saameeya ee lagu qabtay Fiyeena19 December 1988, waxaa lagu qeexay Lacag-dhiqista Qod:3aad faqradihiisa (b) iyo (c) in ay tahay “ in la xawilo ama la guuriyo lacag iyada oo la ogyahay in laga helay lacagtaas denbi ama denbiyada ka-ganacsiga maandooriyaha iyada oo la qarinayo asalka lacagta ee lagu kasbaday sifo aan sharci ahayn, ama ujeeddadu ay tahay in la garabsiiyo eedeysane si uu u galo denbi ama markii uu galay kadib denbiyadaa aan soo sheegnay si uu uga baxsado raadadka sharci ee ka dhalan kara ficiladiisa.
Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka ka ganacsiga aan sharciga ahayn ee Maandooriyaha iyo waxyaabaha maanka saameeya waxa ay ku koobtay baaxadda (Scope) denbiga Lacag-dhiqista, lacagaha laga helay ka-ganacsiga maandooriyaha iyo waxyaabaha maanka saameeya, sababta sidaas loo yeelay waxa ay ahayd in xilliga la galayey heshiiskan ay aad u xooganaayeen, khatartooduna ay badnayd kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, maadaama ay haysteen lacag aad u badan oo ay ka faa’ideen ka ganacsigiisa, taas ayaana keenatay in xiligaas lagu koobo Baaxaddda Lacag-dhiqista.Qeexitaankaasi waa qeexitaan koobaya baaxadda iyo ilaha denbiga Lacag-dhiqista oo intaas ka baaxad weyn, oo ay soo galayso lacag kasta oo lagu helo sifo aan sharci ahayn, kadibna la isku dayo in loo ekeysiiyo lacag sharci ah.
Sidoo kale Hay’adda Guud ee Guddiga Hab-socodka Maaliyadda Adduunka (Financial Action Task Forse ) ee loo soo gaabiyo (FATF) waxa ay ku qeexeen Lacag-dhiqista “ in la qabto dhowr hawlgal ama shaqo oo lagu sameeyo lacagaha lagu helay asalkeeda sifo aan sharci ahayn ujeeddadeenu ay tahay sidii loo qarin lahaa asalka lacagta, hawlgaladaasi ama shaqooyinkaasi waxa ay muhiim weyn u tahay denbiilayaasha, sababta oo ah waxa ay u suura gelinaysaa in ay ka faa’idaystaan oo ay ku raaxaytsaan adduunkaas iyaga oo aan ka baqayn wax khatar ah oo ku timaadda hantidooda “.
Dhaqanka Soomaalida waxaa jira erey u dhigma lacag-dhiqista, waa erayga "maydhaan ama maydhaamin" waxaana lagu qeexay "Xoolo la xaday oo xoolo kale lagu beddesho si loogu raadgato". Waxaa dhici jirtay in uu qof xado xoolo qof kale leeyahay, xoolahaas kuma dhaqankaro karo deegaanka uu ka xaday maadaama si fudud lagu ogaan karo. Hadaba si aan loo ogaan waxa uu samaynayaa in uu kala tago deegaankii uu ka xaday oo uu la tago deegaan aad uga fog, markaas ayuu xoolihii iska gadayaa ama waxa uu ku soo bedelanayaa xoolo kale oo ka duwan, markaas kadib ayuu deegaankiisii ku soo laaban isaga oo wata lacag ama xoolo kale. Haddii uu lacag ku soo beddeshey, lacagtaas ayuu ku gadan xoolo kale, xoolahaas danbe ee uu gato asalkooda waxa ay ka yimaaddeen xoolo xaaraan ah, hase yeeshee waxa ay u muuqdaan in ayihiin kuwo xalaal ah dadkuna aysan ka shakiyeen asalkooda.
Ereyga maydhaan waxa uu ku jiraa Suugaanta Soomaalida, waxaana ka mid ah suugaantaas maansada Mullaax ee Ibraahim Gadhle:
Muhmal laguma guuree,
Danni ma-hure haw dilin,
Maan fayow ha ceebayn,
Ha marmarin waxaan jirin,
Maamuuska sharaftana,
Ka ilaali maydhaan.
Waxaa kale oo ka mid ah maansada Barabaraale ee uu leeyahay Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" ee soo baxday 1983 erayadeeda waxa ka mid ah:
Shaashowday bilicdii,
Ban martoo la garan waa,
Badhxantoo la maydhaan,
Waxa lagu ballaysimay
Indho buuryo goyseed.
Waxaa iyana tusaale kale ah heesta "Dhallinyaarada maanta" ee Xasan Sheekh Muumin allifay midhaheeda ku na luuqayso hoobalad Hiba Nuura, erayadadeeda waa heesta tidhaa:
Magacaanay biri goyn
Biyana aanay maydheen
“Maydhaamin” kii yidhi
Inuu mahadin dooniyo
Inuu hadimo magansado
Labadaa(s) midkooduu
Ka la miiran doonaa!
Lacagaha la dhaqo adduunka oo dhan, waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarayaan sannadkii 2-5% wax-soosaarka guud ee adduunka (global GDP) taas oo u dhiganta inta u dhaxaysa siddeed boqol oo Bilyan ilaa 2 Tiriliyoon oo doollar. Waddanka Maraykanka oo keliya sannadkii waxaa la dhaqaa lacag lagu qiyaasay $300 oo Bilyan. Lacag dhiqistu kuma gaar aha Dawladaha wax soo saarka leh, laakiin waxa ay aad ugu faaftay dawladaha dunida oo dhan, gaar ahaan dawladaha nidaamkooda sharcigu aadka u hooseeyo. Qiimayn lagu sameeyey danbiyada ugu badan ee lagu sameeyo lacag-dhiqista, waxaa ugu horreeya ka ganacsiga dadka waxaana laga faa'idaa adduun gaadhaya 1.1 Tiriliyoon oo doollar sannadkii. Waxaa ku soo xiga maandooriyaha oo laga faa'ido 1 Tiriliyoon oo doollar, waxaa ku sii xiga ka-ganacsiga hubka oo lagu qiyaaso 984 Bilyan oo doolar, waxaa ku sii xiga tahriibinta dadka oo lagu qiyaaso 954 Bilyan oo doollar.
Soomaaliya in sharciga la-dagaalanka lacagdhiqista loo sameeyo 2016, waxaa keenay, kadib markii Hay’adda Guud ee Hab-socodka Maaliyadda Adduunka (Financial Action Task Force) ee loo soo gaabiyo FATF, ay ku go’aamisay shirkeedii dhacay Bishii tobnaad 2015, in marka la gaaro 1/1/2016 wadadmada aan lahayn sharciga la dagaallanka lacag dhiqista iyo waxyaabaha sharci darrada ah, laga joojin doono dhammaan wixii dhaq-dhaqaaq iyo isu gudbin lacageed ah, oo ay ku jiraan xawaaladaha, Bangiyada gaarka loo leeyahaya, Bangiga dhexe ee dawladda, lacagaha ganacsiga la isugu gudbiyo, iyo deeqaha lacageed ee dalka lagu taageero.
Go’aan kaasi markii uu soo baxay, ganacsatada xawaaladaha iyo Bangiyada ayaa waxa ay u soo jeediyeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka, in la dedejiyo sharciga la dagaallanka lacag-dhiqista, maadaama Soomaalida noloshoodu boqolkiiba 40% ay ku tiirsantahay lacagaha dibadda laga soo diro, halka ganacsigooduna boqolkiiba 95% uu ku xiran yahay dibadda. Sidaas ayuu ku soo baxay sharciga la dagaallanka lacag-dhiqista iyo maalgelinta argagixisada ee xeer Lr.01 /2016.
Xeerkan laguma qeexin lacag-dhiqista, laakiin waxa lagu xusay xaaladaha qofka lagu eedayn karo in uu galay denbiga lacag-dhiqista. Sida ku cad Qodobka 2aad ee Xeerka qof kasta ama Hay’ad kasta, waxa ay noqon karaan in ay galeen faldenbiyeedka lacag-dhiqista marka ay gacan siiyaan qof ama Hay’ad ku jira ama ku jirta faldenbiyeedka lacag-dhiqista si ay uga baxsadaan sharciga.
Lacag dhiqistu sida aynnu soo xusnay waa hab aan sharci ahayn oo lagu sameeyo hanti, sidaas awgeed si loo caadiyeeyo waxa ay martaa heerar kala duwan oo dadka ku lugta lihi ku caadiyeeyaan. Heerarka ay martu waxa ka mid ah:
a) In Lacagtii laga shaqaysiiyo (Placement).
b) In la qariyo asalkeeda (Lyering).
c) In la dhexgasho (Integration) lacago kale oo sharci ah, si asalka lacagtu u qarsoonto ugana mid noqoto lacagaha sharciga ah ee waddanka.
a) Ka shaqaysiinta lacagta
Si lacagta loo dhaqo, marxaladda koowaad ee la mariyo waa in laga shaqaysiiyo, si asalkeeda sharci darrada ah loo baro bixiyo, siyaabaha looga shaqaysiinayo lacagta waxaa ka mid aha: in loo sameeyo akoon Bangi, kadibna lagu shubo. Waxaa suura gal ah haddii nidaamka sharci ee waddankaasi adag yahay ka hor inta aan lagaa qaban hantida in lagu wayddiiyo isha iyo meesha aan hantida ka heshay, haddii laga shakiyana warbixintaada loo gudbiyo Hay’adaha ku shaqada leh, markaas oo kale waxaa ay sameeyaan denbiilayaashu in ay furaan mashruuc ganacsi oo kooban, sida dukaan ama makhaayad ganacsi, dukaankaas ama makhaayaddaas u jeeddadeedu ma aha in lacag laga faa’iido, waa se in laga dhigo isha laga helo faa’idada, kadibna lacagtaas la geeyo iyada oo wadata waraaqihii dukaanka ama Makhaayadda ee wax lagu iibiyey oo lagu dhex daray qayb ka mid ah lacagtii sharci darrada ahays. Lacagta la dhigayo Bangiga waa la yar yareenayaa si aan looga shakiyin. Muddo kadib waxaa laga yaabaa in lacagtii oo dhan sidaas lagu dhigo Bangiga iyada oo laga dhigay lacag sharci ah.
waxa kale oo ay sameeyaan denbiilayaashu in ay iibsadaan waraaqaha ganacsiga (Negotaible Instrument), iyo in ay ku daraan lacagta shirkado jira oo shaqaynaya ama kuwo been ah, ha ahaadaan kuwo waddanka ku yaal ama dibaddiisa iyo in ay isu beddelaan lacagaha qalaad, iyo in ay ku gadaan dhulal, guryo iyo wixii la midka ah. Marxaladdani waa ta ugu khatarta badan, sababtoo ah waxaa la rabaa in lacagta la geliyo Bangiyada iyo hay'adaha ganacsiga, iyada oo aan laga shakiyin asalkeeda, waana marxaladda la ogaan karo inta badan lacag-dhiqista.
b) Qarinta asalka lacagta
Marka lacagta laga shaqaysiiyo ee la dhigo Bangi ama shirkado lagu darsado waxaa imaanaysa marxaladda labaad oo ah in lacagtaa asalkeeda la qariyo, si aan looga daba tegin oo aan loo ogaan. Tusaale ahaan, lacagtii aad Bangiga dhigatay ee aad ka dhigtay in ay tahay lacag kugu soo gashay in aad ka faa'iday meherad aad adigu leedahay, haddii ay Bangiga sidaa ugu sii jirto, waxaa suurtagal ah in mar uun laga shakiyo. Sidaa darteed waxa ay sameeyaan denbilayaashu in ay lacagtaas sii maalgeliyaan oo ay mashaariic kale geliyaan, ama ay u xawilaan waddamo kale si ay u maalgashadaan.
Marxaladdani waa ta ugu adag ee ay maraan danbiilayaashu marka ay rabaan in ay dhaqaan lacagta ku soo gashay sifada aan sharciga ahayn, sababta oo ah, waxaa laga yaabaa in lacagtaasi ay marto waddamo badan, ama in lagu sameeyo Ganacsiyo kala duwan ama lagu daro Shirkado kala duwan. Sidaa darteed denbiilayaashu, waxa ay u baahanyihiin si ay marxaladdan uga gudbaan iyada oo aan la ogaan asalka lacagta, loona qaban, dad khuburo ku ah arimaha Sharciga iyo Maaliyadda si ay uga tala bixiyaaan sida ugu fudud ee lacagtaas loo qarin karo. Siyaabaha lacagta loo qarin karo waxaa ka mid ah, in lacagta lagu maal-geliyo ganacsiyo kala duwan iyo waddamo kala duwan, kadibna dib loo iibiyo ama laga guuro ganacsiyadii hore iyada oo loo guurayo ganacsiyo kale, si loo jahwareeriyo hay’adaha Dawladda si aanay u ogaan asalka lacagta. Waxaa kale oo ay sameeyaan in ay la heshiiyaan Bangiyada wadanka ama kuwa Ajnabiga ah, si lacagtii la dhigtay loogala baxo iyada oo la isticmaalayo Kaararka Bangiyada lacagta lagula baxo.
c) Dhex gelinta lacag kale oo sharci ah
Marxaladdani waa marxaladda ugu danbaysa ee ka dhigaysa lacagtii aan sharciga ahayn mid sharci ah, oo aan laga shakiyi karin asalkeeda. Sababta oo ah waxaa la dhex-gelinayaa ganacsiga waddanka ee sharciga ah. Sidaa darteed waxaa adkaanaysa in la kala saaro lacagtii asalka ahayd iyo lacagta sharciga ah. Waxa ayna samaynayaan denbiilayaashu Mashaariic waaweyn, oo dhaqaalaha waddanka kor u qaadi karta, amaba dawladda ay cashuuri ka soo galayso, gaar ahaan dawalahada aadka u soo dhaweeya maal-gashiga, si ay u yareeyaan shaqa la’aanta haysata bulshada.
Ugu danbayn, lacag-dhiqistu waxa ay dhibato ku tahay dhaqaalaha dawladaha oo dhan, sababata oo ah waxa si fudud u saamaynaya gacansiga xaqiiqda ku dhisan iyo ganacsiga aan xaqiiqda ku dhisnayn, kaas oo aan kala jeclayn faaiido iyo khasaare mararka qaarkood. Sidaa ayaa loo sameeyey hay'adda FATF, si loola dagaallamo lacag-dhiqista, waddamada aan ka shaqaynna ladagaalankana la geliyo liiska madow, kaas oo u keeni kara wadanla la geliyo in aan aduunku wax lacag ah kala macaamilin.