Tuesday 19 May 2026
Dib ma u bilaabmi doonaa dagaalkii Maraykanku ku qaaday Iiraan, iyadoo muddo kordhin aan cayinnayn lagu sameeyey xabbad-joojintii? Waa wayddiin ka dhex guuxaysa dadka; siyaasiyiin, weriyeyaal iyo muwaaddiniinta kaleba ee dunida, siiba iyada oo aan cidina saadaalin aqoon waxa ka suurogala Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo saacado gudahood laba wax oo isku liddi ah shaacin kara.
Si kaste oo ay ahaataba, waxa jira astaamo muujinaya in Madaxweynaha Maraykanku aanu rabin dib u bilaabidda dagaalka, se isla jeerkanna, aanu awoodin soo afjaridda dagaalka xilli aanu dhabayn shuruudihii dagaalka ee uu bedka keenay dagaalka ka hor, se marar badan is bedbeddelay, ugu dambaynna soo gaadhay shardiga ah in Iiraan timaaddo miiska wadahadalka, oo ah shardi aanu weli Iiraan ka helin.
Waxa la xusuusan karaa maalmihii u horreeyey dagaalka, kolkaas oo Madaxweynaha Maraykanka iyo saaxiibkii, Raysalwasaaraha Israa’iil, Binyaamin Netanyaahu, ay dejiyeen ujeeddooyinka dagaalka, oo uu ugu horreeyo yoolka ah in la rido nidaamka Iiraan, siiba iyada oo maalinkii koowaad la dilay hoggaamiyihii Iiraan Cali Khaamin’i. Maalmo kooban ka dib markii dagaalku socday, lana arkay falcelinta Iiraan bixisay, waxa caddaatay in yoolkaasi aanu dhaboobmi karin, oo ay tahay in yoolal kale la raadiyo, sida jilcinta nidaamka, burburinta mashruuca nukliyeer iyo burburinta awoodda milatari, se waaqaca milatari iyo siyaasadeedba waxa ay sugeen in xitaa yoolashani aanay dhaboobmi karin.
Kolkii dagaalku dheeraaday, marinka Hurmusna kusoo biiray dagaalka oo wata saamayno uu ku yeeshay suuqyada caalamiga ah, waxa caddaatay in Madaxweyne Trump ku dedaalayo joojinta dagaalka, isagoo rejaynaya inuu jidka diblumaasiyadda ku helo wax uu ku waayay cadaadis milatari. Trump weli waxa uu dafirsanyahay xaqiiqooyin muuqda, wixii Iiraan ay aqbali karaysay dagaalka ka horna, maanta miiska lama keeni karo.
Arrimahan oo jira, haddana Trump waxa uu isku dayayaa in uu samaysto xammaasad guul, iyada oo isaga iyo kuwa ku xeerani isku dayayaan inay sheegtaan guul, kuna dhegganyihiin shuruudihii ay wateen wadahadalladii ka horreeyey dagaalka ka hor, masuuliyiinta Iiraanna ay kolkaa u muuqdeen kuwo u furfuran oo suurgal ka dhigayay inay aqbalaan shuruudahaas. Dhego adkaantan Maraykanka ee ku lammaanayd xidhiidhadii ka horreeyey xabbad-joojinta, iyo wadahadalladii socday intii xabbad-joojintu jirtay, waa waxa sababay in Iiraan diiddo inay wafdi u dirto Baakistaan, iyadoo si qayaxan u carinaysa Trump, oo hanjabaaddiisa gaadhsiiyey heerkii ugu sarreeyey oo uu ku gooddiyey inuu xadaaradda Iiraan dhulka la simi doono, haddii aanay oggolaan heshiiska Maraykanka.
Waxa muuqata inaanay Iiraan marnaba dhab u qaadan hanjabaadaha Trump, oo ay garanayso inuu badhtanka ugu jiro dhibaato gudeed iyo mid dibadeed, oo aanay ahayn inay ka badbaadiso dhibaatooyinka uu abuurtay. Waa waaqac ay ina tusinayso shaacinta Trump ee ah inuu kordhiyey xabbad joojintii, isaga oo aan carrabaabin goorta ay ku egtahay kordhintaasi, weliba isaga oo shaaciyey maalinkii ay ku ekayd xabbad joojintii labada toddobaad ahayd “inaanu rabin inuu kordhiyo”, isagoo rejo ka qabay in wafdiga Iiraan yimaaddo Baakistaan.
Iiraan waxa ay isu aragtaa dhinaca guulaystay, ee hadda shuruudihiisa miiska keenaya, waana mid ilaa heer sare ku saxan xisaabahan ay isu gaysatay. Ujeeddooyinkii dagaalka ka hor waxa ay noqdeen cagsiga; duminta ama jilcinta nidaamka Iiraan waxa uu keenayba xoojinteeda, waxaanu u oggolaaday adeegsiga cadaadisyo istiraatiijiyadeed oo aanay dagaalka ka hor adeegsan karayn; waa Hurmus oo hadda u muuqda inaanu marnaba ku noqonayn siduu dagaalka ka hor ahaa, bilaashna u noqon doonin maraakiibta caalamiga ah, arrinkan oo ka dhigan in dunidu qirayso in Iiraan oo awood gobol ahi soo baxdo.
Xaaladda taagani waa tan, iyadoo maalmaha soo socda la sugayo jidka ay arrimuhu qaadi doonaan, una muuqata inay saddex jid mid uun qaadi doonaan: gaadhidda heshiis aanu caddayn dhinaca ku guulaystay, ku laabashada dagaalka, ama in arrimuhu sidaa ay hadda yihiin ahaadaan, nidaam cusub oo caalami ahina sidaa ku hirgalo.