Thursday 11 June 2026
Toddobaadyadii u dambeeyey dunidu waxa ay marag ka ahayd kor u kaca xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan , taasi oo ay is barbar socdeen wadahadallo diblomaasiyadeed iyo diyaargaraw Milatari oo muuqda oo Maraykanku ciidan iyo hub tiro badan ku soo dhoobay gobolka Bariga Dhexe. Kadib usbuucyo dhiillo colaadeed ah, arooryadii hore ee 28-kii Feebarwari 2026, Israa’iil iyo Maraykanka oo is garabsanaya waxa ay weerar cirka ah ku qaadeen Iiraan. Weerarkan oo ah kii labaad ee ay si wada jir ah ugu wada lug yeeshaan Israa’iil iyo Maraykanku muddo sannad gudihii ah waxa lagu dilay hoggaamiyahii Jamhuuriyadda Iiraan, Aayatullaahi Cali khaaminaa’i iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan golaha amniga. Sidoo kale duqaymaha waxa lagu beegsaday kaabayaal ay ka mid yihiin goobo ciidan iyo xarumaha lagu farsameeyo gantaallada riddada dheer ee Iiraan.
Weerarkan galaaftay nolosha hoggaamiyihii sare ee Iiraan, Cali khaaminaa’i, ma aha oo kaliya iska horimaad u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan oo gobolka Bariga Dhexe ku kooban, balse waxa uu u muuqdaa mid leh wajiyo kale oo ka mid yihiin: loolanka awoodeed ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha.
Kolka si qoto dheer loo fiiriyo dagaalkan saddex geesoodka ahi waxa uu si toos ah u taabanayaa danta istaraatiijiyadeed ee Shiinaha, isagoo khatar gelinaya amniga tamarta iyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaale ee Warshadaha wax-soo-saarka Shiinaha ku xidhaya qaaradaha adduunka kana dhigaya awood kula tartanta hoggaaminta dunida. Sidaa awgeed, qaybaha danbe ee maqaalkan waxa aynu ku gorfayn doonnaa sida dagaalkani u saamaynayo loolanka awoodeed ee u dhexeeya Maraynkan iyo Shiinaha oo ah labada quwadood ee ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan caalamka.
Tamartu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha loolanka ka dhex dhaliya waddamada, sidaas awgeed Istaraatiijiyaddaha Maraykanku uga dan leeyahay dagaalka Iiraan waxa ku hoos duugan cunaqabataynta tuubooyinka shidaalka ee quudiya warshadaha wax-soo-saarka Shiinaha. Dalka Shiinuhu waa macmiilka ugu weyn ee saliidda Iiraan, isagoo iibsada in ka badan 90% saliidda ay Iiraan dibedda u dhoofiso. Sida ku cad xogta shirkadaha dabagalka maraakiibta iyo tamarta, Shiinuhu wuxuu Sannadkii 2025, maalin walba Iiraan kala soo degi jiray qiyaastii 1.38 milyan oo foosto, taas oo u dhiganta ilaa 13% guud ahaan saliidda Shiinaha badda uga timaadda.
Horraantii sanandkan Maraykan waxa uu sidoo kale hawlgal guulaysatay ku qabsaday Fanisuweela, isagoo Madaxweynihii dalkaasina soo afduubay. Fanisuweela oo saaxiib iyo xulufo dhow la ahayd Shiinaha, waa dalka koobaad ee haysta kaydka shidaalka ee ugu badan caalamka.
Sidoo kale, Iiraan waa waddanka saddexaad ee ugu badan ee haysta kaydka shidaalka dunida oo dhan. Haddii Maraykanka u suurto gasho doonistiisa ah in uu beddelo nidaamka Iiraan waxa ay ka dhigan tahay in uu la wareegay dalka koobaad iyo saddexaad ee haysta kaydka shidaalka ee ugu badan, waxa intaas u sii dheer Sacuudiga oo kaalinta labaad ku jira dhinaca kaydka shidaalka isla markaasna xulafo dhow la ah , intan oo la isku daray waxa ay ka dhigan tahay in Maraykan gacanta ku dhigay in ka badan 50% kaydka shidaalka, taas oo awood u siinaysa in uu xakameeyo tamarta, waana arrin saamayn weyn ku leh isha tamareed ee Shiinaha.
Xidhitaanka Marinka hurmus oo ah marin Istaraatiiji ah oo ay ku gooshaan ku dhawaad 20% saliidda iyo gaaska ayaa isna ah qodob kale oo saamayntiisu muuqdo oo saamayn ku leh tamarta Shiinaha sababta oo ah 40% saliidaas ka gudubta marinkan waxa ay tagtaa dekadaha Shiinaha . Waa saamayn taban oo ka dhan ah amniga Tamarta Shiinaha iyo tuunbooyinka shidaalka ee ka yimaadda dawladaha khaliijka iyo Iiraan ee quudiya koboca dhaqaalaha iyo Warshaddaha Shiinaha.
Iiraan keliya uma aha Shiinaha il shidaal jabani uga yimaaddo, balse waxa ay u tahay marin dhuleed (Land Bridge) oo isku xira Aasiya, Bariga Dhexe, iyo Yurub. Si kale, Iiraan waa dalalka halbawlaha u ah Hindisaha weyn ee “Belt and Road Initiative” oo Shiinuhu ku soo noolaynayo Jidkii xariirta ee qadiimiga ahaa “The ancient Silk Road”.
Hindisahan oo loo soo gaabiyo (BRI), waa higsi uu daahfuray madaxweyne Xi Jinping sannadkii 2013-kii, kaasi oo ah qorshe baaxadleh oo Shiinuhu ku hormarinayo jidad iyo waddooyin dhinaca dhulka iyo badda ah oo isku xidhaya qaaradaha Aasiya, Yurub iyo Afrika. Waxa la tilmaamaa in sababaha ugu waaweyn ee shiinaha ku riixay hal-abuurka hindisahani yahay tartanka iyo loollanka kala dhaxeeya Dalka Maraykanka, taasi oo Shiinuhu doonayo in marinnada ganacsigiisu maro ay noqdaan kuwo ammaan ah oo ka fog marinnada Maraykanku saamaynta ku leeyahay sida marinka Malacca oo ganacsiga Shiinaha intiisa badani hadda maro. hindisahan Maraykanku waxa uu u arkaa qorshe istaraatiijiyadeed oo Shiinuhu ku ballaadhinayo saameyntiisa ciidan iyo midda dhaqaale ee caalamka.
Haddaba, Iiraan waa dalalka muhiimka u ah hindisaha Jidka Xariirta ee Shiinaha maadaama ay ku taallo meel istaraatiijiya iyo afaafka bariga dhexe iyo bad weynta Hindiya, sidoo kalena xuduud dhuleed la leedahay waddamada Aasiyada dhexe ee ay soo maryaan marinnada jidkan ganacsi. Muhiimadaas ay u leedahay awgeed, sannadkii 2021 Shiinuhu waxa uu Iiraan la saxiixday heshiis iskaashi oo Istiraatiiji ah. Heshiiskani waxa uu dhigayey in Shiinuhu dhaqaale gaadhaya $400 oo bilyan ku maalgeliyo Iraan muddo 25 sannadood ah isla markaasna uu dhiso jidad tareen iyo dekedo ka dhigaya Iiraan inay noqoto xarun weyn (Commercial Hub) oo badeecadaha u kala gooshaya Bariga Dhexe, Yurub iyo Afrika lagu kala wareejiyo udub dhexaadna u ah.
Sidaas kolka ay tahay waxa la qiyaasayaa in uu dagaalkani uu caqabad ku noqon karo higsigaas ama uu gabi ahaanba meesha ka saari karo, taas oo keenaysa in uu kala dhantaalan soo gaadho mashruuca BRI ee isku xiraya Shiinaha iyo Yurub siina dhex maraya Iiraan, waana qodob sii hurinaya loolanka u dhexeeya labadan dal. Sidaas awgeed, haddii doonista Maraykan ee Iraan guulaysato Shiinaha waxa ay uga dhigan tahay khasaare balaayiin doollar ah iyo sidoo kale luminta saaxiib Istraatiijiya taas oo su'aal weyn gelin doonta isku hallaynta Shiinaha ee gurmadka xilliyada adag ee xulafadiisa.
Madaxweynihii hore ee Mareykanku, Obama, muddooyinkii uu xilka hayey waxa uu la yimid Istaraatiijiyadda "Pivot to Asia", oo Maraykanku ku xoojinayo xidhiidhadiisa dhaqaale iyo Milatari ee qaarada Aasiya, si uu yareeyo una xakameeyo saamaynta Shiinaha ee Aasiya. Dedaalladii Madaxweyne Biden iyo Trump ayaa iyaguna sii xoojiyey joogitaanka iyo saamaynta Maraykanka ee Qaaradda Aasiya, gaar ahaan bariga Aasiya si Maraykanku u dhimo saamaynta iyo awoodda Shiinaha.
Dagaalkan Iiraan oo aan ka madhneyn xakamaynta awoodda Shiinaha ee fidaysa haddii uu Maraykanka ku daba dheeraado, sida dagaalkii argagixiso la diririka, Shiinuha waxa ay u noqon kartaa fursad dahabi ah oo maraykanku dhaqaale badan ku lumin doono, taasi oo Shiinaha u abuuraysa kansho ku xoojiyo doonistiisa Jasiiradda Taywaan kuna dardargeliyo saamayntiisa Aasiya iyo badda koonfurta shiinaha.
Weerarka lagu qaaday Iiraan keliya maaha dagaal u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan oo Maraykanku Dawladda Israa’iil ku gacan siinayo inay ahaato awoodda Bariga Dhexe, balse waxa la odhan karaa waa qayb ka mid ah loolanka weyn ee u dhaxeeya Maraykan iyo Shiinaha waana khamaar heerkiisu sarreeyo oo saameyn doona cidda sii ahaanaysa awoodda adduunka. Haddii dagaalku ku dhammaado guul degdeg ah sidii weerarkii uu sannadkan horraantiisa ku qaaday Fanisuweela, Maraykanka waxa ay uga dhigantahay in uu xakameeyey hamiga Shiinaha ee ah inuu noqdo quwad caalami ah. Dhanka kale, haddii dagaalka Iiraan daba-dheeraado, waxa uu dhaqaale badan iyo diiradaba ka lumin doonaa Maraykanka, isagoo albaabka u furaya in Beijing ay dib u qorto shuruucda awoodda caalamka “The Post new world order”. Dagaalkan, gantaalladu waxay ku dhacayaan Iiraan, laakiin saamayntiisa waxaa laga dareemayaa qolalka go’aannada ee Shiinaha.