Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Dagaalka Iiraan iyo Saamayntiisa Istaraatiijiyadeed ee Afrika

30 April, 2026
Image
Dagaalka Iiraan iyo Saamayntiisa Istaraatiijiyadeed ee Afrika
Share

Iyada oo lagu jiro xilli ay dunida ka socdaan isbeddello xawliya, xeerarkii xasilloonida ee soojireenka ahaana sii dabargo'ayaan, waxa soo rogaalceliyay mandiqii awoodda si uu udubdhexaad ugu noqdo dib u qaabaynta xidhiidhada dalalka. Xiisaduhu ku ma saabsana uun muranno xuduudeed ama dhibaatooyin tallaabaya, balse waxa ay ku arooraan sidii quwadaha caalamiga ahi u fidin lahaayeen saamayntooda, iyada oo tixgelinta siyaasad-degeleed ay ku lammaan yihiin loollanka tamarta, silsiladaha gaadhsiinta, iyo qabsashada tiknoolayjiyadeed. Xiisaddan taagan awgeed ayuu dagaalka Iiraan u yahay mid aan keliya daaha ka faydayn dabeecadda isu dheellitirnaanta goboleed, balse sida oo kale loollanku in uu ku fido goobo kale oo ay Afrika ugu mudan tahay, mar kalena dhexda ugu jirta tartan cusub oo caalami ah.

Waxa ay weerar wadajir ah, 28-kii Febraayo ee 2026, Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Sida la soo gudbiyay waxa ku waxyeelloobay tiro aad u badan oo rayid ah oo ay ka mid yihiin 165 hablo yaryar ah oo lagu beegsaday dugsi hoose oo Koonfurta dalka ku yaalla, waxa sida oo kale uu galaaftay kumannaan kale oo rayid iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed iyo ciidanba leh, iyo sidaas si la mid ah hoggaankii sare ee Aayatullaahi Cali Khaamin'i iyo dhawr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah.

Waxa korukacani ka dhigan yahay fiditaan ciidan oo dagaalka Falasdiiin ka socdaana ka horreeyay iyo xilli cunfigu isa soo tarayo oo xeerarkii caalamiga ahaa ay dibusocod ku jiraan. Waxa ay muujinayaan isa soo tariddaa iyo daabulid kale oo ciidan oo uu Maraykanku ka wado Kareebiyaanka in isbeddel qotodheer uu ku socdo dhismaha nidaamkii caalamiga ahaa.

Isbhaysiga Israa'iil iyo Maraykanku waxa uu soo bandhigayaa kolkaa in dib u qaabayn uu ku sameeyo dheellitirnaantii dawliga ahayd, taas oo keenaysa in dib loo soo celiyo hababkii soojireenka ahaa ee qabsashada. Weerarka Iiraan lagu qaadayna waxa uu ka dhigan yahay xadgudub ka dhan ah xaqa aaya-ka-tashi dawlad leh taariikh guun ah oo aanay saamayntiisu (dagaalka) gobolka uun ku koobnayn balse ay isaga tallaabayso ilaa qaaradda Afrika oo laga arko qayb ka mid ahna ay gaadhay.

Xidhiidhka Afrikada Bari la leedahay Galbeedka Aasiya waa mid taariikheed oo qotodheer oo aan la bilaaban xilligan casriga ah ee Galbeedku dunida ku amarkutaaglaynayo. Waxa ay soo shaacbaxeen xidhiidhadaasi is dhexgalkii u dhexeeyay Tansaaniya iyo Cummaan, iyo kii Itoobbiya, Eretriya iyo Yaman, sida aynu ka arkayno raadadka ka muuqda gobolka Tigray oo tilmaamaysa taariikh ahaan in ay wadajir ahaayeen, bilmetel xaq-u-dirir Yamaniyiin ahina ay taageero u fidiyeen dhaqdhaqaaqii gobonnimaddoonka ee Eretriya, iyo xidhiidhka ay leeyihiin dhaqdhaqaaqyada gobonnimaddoon ee Falasdiin. In kasta oo xidhiidhadaas lagu dhex akhrinayo hadda dhisme dawli ah oo aan isu dhigmin oo kororka ciidanna sababay in ay dhidibbadu ay u aasmaan khalkhallada oo caqligii awoodduna noqdo mid jaangooya boosaska dawladaha.

Waxa taas loo fahmayaa in siyaasadaha Maraykanka hadafkoodu yahay taageeridda is ballaadhinta Israa'iil oo muujinaysa saamayntiisa dadban ee gobolka, isla jeerkaana uu isku deyayo in uu beddel u raadiyo hoobadka kaga yimi dhankii dawliga ahaa. Waxa ay tani ka muuqataa hawlaha laga wado Afrika iyo Laatiin Ameerika ee aynu ka xusi karno heshiisyada ilaha dabiiciga ah, siyaasadaha xogtu shidaalinayso, iyo cadaadiska saaran dalalka qaar ee tamarta dhaliya. Sida la filan karana taasi waxa ay ka falcelinaysaa khalkhalka ka furan gudaha Maraykanka, ha ahaato mid la xidhiidha nukhbada talada haysa ama ra'yul caamka.

Afrika se way ka muuqataa qaar ka mid ah saamayntu, oo keenaysa in si xeeldheer loo raadceeyo isla falgalka goboleed. Waxa isla falgalkaasina soo bandhigayaa falcelinnada ay ku kacayaan dawladaha iyo shucuubta galbeedka Aasiya, oo ay is jarayaan xaaladaha diineed iyo bulsheed ee kala duwan xilli lagu jiro duruufo dhaqaale iyo siyaasadeed oo kakan. Nidaamyada qaarna waxa ay xidhiidh la leeyihiin isbahaysiyo dawli ah oo taagan, balse isla wakhtigaa waajahaya cadaadisyo ka dhashay isku xidhnaanta gobol. Dhacdooyin milatari oo aan la filanayn ayaa keenaya mawqifka dalalka khaliijka oo isa soo tariddaasi ka muuqanayso Masar, gaar ahaan kuwa la xidhiidha qaxootiga Suudaan iyo Eretriyaa oo muujinaysa isbeddellada gudaha ee ku xidhan xaaladda gobolka.

Dhanka kale, Iiraan oo leh awoodo ciidan iyo aadane in laga hortagaa waxa ay ka dhigan tahay qodob xoojinaya ku tiirsanaanta Israa'iil ee taageerada Maraykanka iyo mid dhaqaajinaysa in ay Afrika isku ballaadhiso. Doorarka ay xaaladdan ciyaarayaan qaar ka mid ah dalalka Afrikaanka ahi waa si loo fudaydiyo qulqulka shaqaalaha iyo tahriibka, oo ay weheliyaanna korukaca heerka Yuhuudda Itoobbiya ka soo jeeda ee ka qaybgalaya hawlaha ciidan ee gudaha Israa'iil, oo ah wax lagu dhex akhrinayo hannaan ballaadhan oo ku xidhiidhsan dhismaha bulsheed iyo siyaasadeed.

Isa soo tariddaasi waxa ay tibaaxaysaa arrimaha ku saabsan haybta iyo tahriibka iyo in wax la iska weyddiiyo halbeegyada lagu hagayo siyaasadaha taageeridda iyo ilaalinta xaalado kala duwan, sida Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika. Isla wakhtigaa, wuxuu keenay loollanka Falasdiin in uu ku riixo Israa'iil in ay dardargeliso joogitaankeeda Afrika, gaar ahaan muhiimadda is biirsanaysa ee Badda Cas iyo marinka Hurmus ee nidaamka ganacsiga iyo shidaalka caalamiga ah.

Waxa ay xaaladdani la kowsanaysaa ictiraafka Soomaalilaan in uu yahay mid ku xidhiidhsan dananyn istiraatiiji ah oo lagu gaadhayo dekadaha laguna xoojinayo joogitaanka badeed, gaar ahaan korukaca khalkhallada ku saabsan marinnada muhiimka ah sida Baab Al-Mandab, iyo samaynta hawlaha ciidan ee gobolka ee ku saabsan dekadaha muhiimka ah. Sii socoshada xiisadduna waxa ay siyaadinaysaa muhiimadda ay Afrika u leedahay Khaliijka in ay tahay goob leh ilo lagamamaarmaan ah, sida cuntada iyo biyaha.

Sida laga dheehanayo doorarka dalalka ay ka mid yihiin Masar iyo Ruwaanda ee dib loogu qaabaynayo dheellitirnaanta awoodda waa kuwo muuqda, oo ay barbar socdaanna dhaqdhaqaaqyo diblumaasi iyo amni oo degdegaya, waxa ay ka falcelinayaan isbeddelladaasi heerka dib u soo celinta joogitaanka dawliga ah ee qaaradda. Waxana qaabdhismeedkaa, la soo celinayaa taxliilkii Walter Rodney ee ku saabsanaa dabeecadda kala qaybinta siyaasiga ah ee Afrika in uu fure u yahay fahanka gedgeddoonka taagan iyo caqabadaha ku xidhan.

Waxa hore la isu weyddiiyay aragtida aqoonsiga Soomaalilaan ee in ay heshiis la gashay Itoobbiya, iyada oo aan loo hirgelin si dhammaystiran in kasta oo ay is afgaradyo sannadkii 2024 la gashay. Waxana ay muujinayaan qodobbadaasi door saamayn leh oo ku saabsan dawladda Imaaraatka ee taageeridda jidkaa, gaar ahaan iyaga oo ku milmaya murannada goboleed, sida dagaalka Tigray iyo dhaqdhaqaaqyadiisa diblumaasiga ah ee mandaqadda. Xidhiidhka Imaaraatka iyo Israa'iil waxa uu ku dhisan yahay dano istiraatiiji ah, oo ka kooban dhinacyada amniga elektoroonigga iyo difaaca ah, iyo isweydaarsiga farsamooyinka iyo khibradaha. Waxana taasi ka kooban tahay adeegsiga agabyo ilaalin oo horumarsan, iyo abuuridda goobo la wadaago si looga hortago haddidaad, oo ay u weheliso tababbarrada ciidan, heshiisyada hubayn, iyo maalgashiyada warshadaha difaaca ee gudaha Imaaraatka.

Ka hortaggaasi wuxuu sida oo kale xoojinayaa qodobbo gudeed oo ay ka mid yihiin samaysanka dadweyne oo tirada muwaaddiniintu waa kuwo xaddidan kolka lala barbadhigo soogalootiga, kuna kellifaysa in Afrika lagu fidiyonufuudda debedda, oo loo marayo maalgashiyada dekadaha iyo dhismaha hoose. Waxa ay dhaqdhaqaaqyo shirkado Imaaraati ahi isu ballaadhiyeen si loo maamulo dekadaha Afrikaanka oo aynu ka sheegi karno dhinacyada amniga yo ciidanka.

Kaalintaa Imaaraatku ku leeyahay xiisado badan, sida Yaman iyo Suudan, waa mid muujinaysa in uu isku deyayo isku dheellitirka xoogagga gobolka. Korukaca khalkhalladaas oo ay ka mid tahay in la beegsado goobo ku saabsan gudaha Imaaraatka, waxa ay la kordhayaan mudnaanta shabakadaha istiraatiijiga ah. Isbeddellada isbahaysiyadaa aawadood, waxa la filayaa in Imaaraatku si weyn ugu tiirsado jilayaasha maxalli ah ee Afirka, isaga oo faraha kula jira malafyada Itoobbiya iyo Soomaaliya ku saabsan. Waxana loo badinayaa in ay koror dheeraad ah xididda u malaaso khalkhallada gudaha qaaradda oo ay la kordhayaanna cadaadisyada bulshooyinkeeda, iyada oo uu tartan dawli ahina kobcayo.

Gunaanadkii, guudmarkani wuxuu muujinayaa baaqyada ku aaddan midnimada gobol ee gudaha Afrika iyo in hindisaha dib loogu soo celiyo xoogagga bulsheed iyada oo xoogga la saarayo doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan dhaqdhaqaaqyada shacbiga ah ee ay ka mid yihiin hindisayaasha dumarku hoggaaminayaan, si looga hortago caqabadaha taagan iyo dhisidda jidad beddel u ah mustaqbalka.