Skip to main content

Saturday 11 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Dagaalka Iiraan; Duullaan lagu Dulleynayo Sagaashan Milyan

9 March, 2026
Image
Dagaalka Iiraan; Duullaan lagu Dulleynayo Sagaashan Milyan
Share

Toddobaadkii hore, maalinkii sabtida kolkii uu Madaxweyne Donald Trump uu shaaciyey in Maraykanku uu weerarro ku ekeeyey Iiraan, ciidanka Israa’iilna waxa uu shaaciyey in weerarka ay si wadajir ah ula galeen Maraykanka oo ay Iiraan gudaheeda ka fuliyeen “beegsi tobannaan bartilmaameed oo millatari”. Trump waxa uu sheegay in weerarka yoolkiisu yahay baabi’inta ciidanka Iiraan, ka takhallusidda barnaamijkooda nukliyeerka iyo in taliska la beddelo.

Waxa judhiiba lasoo tebiyey dayaanka qaraxyada Dehraan, goobjoogayaashuna waxxa ay soo wariyeen uurada qaraxyadaas, iyo dabka ka holcayay xaafado loo badinayey in masuuliyiin sarsare oo Iiraaniyiin ahi degganaayeen. Xilli dunidu si dhakhso ah ugu baraarugtay jugta dhacday, isla judhiibana waxa dadku la kulmeen warbaahin badan oo buunbuunin iyo leexinba ku samaynaya wararka dhinacyada, se waxa aan halkan idiinku soo koobaynaa afar jaangooye oo xukuma masiirka sagaashan milyan oo Iiraaniyiin ah.

Colaad ba’an

Jaangooyaha koowaad waa awoodda millatari ee Maraykan, oo weliba Trump hoggaaminayo; hoggaamiye degdeg badan, rabana in uu indhaha ka leexiyo guuldarrooyin gudeed (sida faylasha Ibistayn), kuwo gobol (isku qaadkiisa dalalka Finisweella, Kuuba iyo Jasiiradda Greenland), iyo kuwo caalami ahba (Shiinaha iyo Ruushka). Waxa uu been cad ka sheegay wadahadallada uu Iiraaniyiinta la galay, se ku koobnayd kaarto wakhti kasbasho ah iyo in uu cudud ciidan oo ku filan garaacidda Iiraan isugu keeno Bariga Dhexe.

Maraykanka gudihiisa, dagaalkan waxa loo arkaa dagaal aan shacbiyad badan lahayn. Warbaahinta gudaha ee waaweyn, oo ay ugu horreeyaan New York Times iyo World Street Journal, ayaa raba in ay suuqgeeyaan in dagaalkani uu yahay mid “ciddiyo ku dirir ah” oo aan laga maarmayn, se haddana cidi kuma kadsoomin.

Jaangooyaha labaad waa Iiraan lafteeda, oo ah dal waajahay dibadbaxyo waaweyn bilihii Diisambar iyo Jeenaweri, oo ahaa dibadbaxyo ka kacay dhibaatada dhaqaale ee sii xididaysanaysa, Iiraanna la dhutinaysay tobannaanka sannadood. Dhibaatooyinkaas dhaqaale waxa ay kusoo ururayaan laba sal oo is dhamaystiraya: musuqmaasuqa gudeed iyo maamulxumada xukuumadda, iyo cunaqabataynta daran ee dibadda oo Maraykanku saaray.

Se cidda noloshu cidhiidhiga ku tahay waa sagaashan milyan oo ku go’doonsan dalkooda. Waxa ifaafilihiisa la arkaa dagaal sokeeye oo dalka burburiya, dalkana isirro u kala saara, Khaliijka iyo waxa ku xeeranna waxa loo arkaa masraxa colaaddan daran.

Israa’iil: Agabka dagaalka

Jaangooyaha saddexaad waa Israa’iil, agabka dagaal ee ugu halista badan Bariga Dhexe, muddo badanina kama soo wareegin kolkii ay xasuuqa ba’an u gaysatay tobanaanka kun ee Falasdiiniyiinta ah iyo weerarradii ay ku qaadday Lubnaan, Suuriya, Yaman iyo Iiraan, bishii Juun ee 2025.

Israa’iil waxa ay wareegyadan dambe ee dagaallada xidhiidhka ah ka leedahay dano dhawr ah: in ay iska du’do kana dhuumato dhaleecaynaha caalamiga ah ee xasuuqa iyo dambiyada dagaal ah ee ka socda Falasdiin, ballaadhinta heerka awooddeeda millatari ee gobolka si ay Falasdiin dhammaan u wada liqdo, kuna darsato qaybo ka mid ah Lubnaan iyo Suuriya, amaba xitaa intaasba kasii ballaadhsato. Safiirka Maraykanka ee fadhiya Israa’iil ayaa soojeedin wanaagsan uga dhigay Israa’iil in ay gebi ahaan Bariga Dhexe ku duusho. Waxyaabaha kale ee ay Israa’iil mudnaanta siinayso waa in Iiraan loo kala jajabiyo qaybo isir u dagaallama. Sidoo kale, Israa’iil kuma koobsanayso qaybinta iyo burburinta Iiraan, ee waxa kale oo yoolasheeda bedka saaran ka mid ah Turkiga iyo Baakistaan.

Jaangooyaha afraad, waa faashiistaha mala’awaalka la nool ee ka hadhsan tafiirtii Bahlawi iyo dadka taabacsan ee u badan aqoonyahanka la adeegsado, hoggaamiyana uu u yahay Rida Bahlawi, kuwan oo ku riyoonaya in ay soo ceshadaan boqortooyo ay Iiraaniyiintu ka takhalluseen wax ka badan nus qarni ka hor, musuqeeda awgii. Tafiirta Bahlawi shacbiyad la sheego kuma dhex laha Iiraan gudaheeda, oo faashiyaddooda la bahaysan Israa’iil, kulana socota u janjeedhsanaantooda dagaalku waa kuwo hadda ismuujin cusub leh.

Afartaa jaangooye ayaa wararka haysta, dhinac kastaana waxa uu isku dayi doonaa in uu dunida ku qanciyo in qaddiyaddiisu tahay midda caddaaladda ah. dhammaan si cad bay buunbuunin u samaynayaan. Jariidadda New York Times iyo idaacadda BBC, sidoodii ayay noqon doonaan sameecadaha Maraykanka, Israa’iil iyo xulafadooda Yurub. Fagaarayaasha internetka ayaa noqonaya dagaal robodyada dhex mara, inta badanna warar si dhab ah loogu kalsoonaadaa kama imanayaan aaladahaas. Waxa habboon in dunidu xoogga saarto nolosha iyo samatabaxa sagaashan milyan oo qof, iyo dhaxalka xaddaarad weyn oo masiirkeedii u gacan galay cid aan u damqanayn.

Dagaalka ay Maraykan iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan ma aha dagaal dadka Iiraan lagaga xoraynayo kuwa u taliya, ee keliya waa dagaal dullayn ah, ahna dagaal la rabo in loogu gacan geliyo duullaan gumaysi iyo imbiryaali ah oo raba gobolka oo dhan in uu isku fidiyo. Bahlawiyiintu, iyagu, waa agab la adeegsanayo, laguna fushanayo xaqiijinta yoolkaas gumaysi ee weyn.

Weerarka lagu qaadayo Iiraan waa mid ujeeddadiisu tahay hurinta dagaal sokeeye oo u eg wixii ka dhacay Suuriya iyo Liibiya, waana dagaal malaayiin ku khasbi doona inay qaxaan, sidoo kalena waa dagaal sababi doona in dhaxalkooda dhaqan iyo xaddaaradeed ka tirtirmo dunida. Trump ma awoodo in uu galo dagaal muddo dheer socda. Hase ahaatee, Israa’iil waxa ay leedahay qorshe muddo dheer ah, oo yoolkiisu yahay fulinta riyadeeda “Israa’iisha Weyn”.

Waxa habboon in buunbuuninta dagaal ee dhinac walba meel la dhigo, lana waajaho xaqiiqada sagaashan milyan oo ku xayiran colaadaha dhinacyada.

 

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.

Qoraallada kale ee qoraaga