Skip to main content

Sunday 14 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Dagaalka Fiisayaasha ee Muqdisho iyo Hargeysa: Weji Kale oo ka Mid ah Loollanka Madaxbannaanida

23 November, 2025
Image
Dagaalka Fiisayaasha ee Muqdisho iyo Hargeysa: Weji Kale oo ka Mid ah Loollanka Madaxbannaanida
Share

Waxa dhawaan, mar kale, soo labakacleysay colaadda u dhexaysa Muqdisho iyo Hargeysa oo, markan, daaran arrimaha fiisayaasha iyo duullimaadyada oo uu dhinac kaste isku dayay in uu ku muujiyo cududdiisa iyo saameyntiisa. Waxa ay Soomaaliya doonaysaa in ay xaqiijiso ujeeddooyin isbarkan oo isugu jira dhaqaale biirsi iyo xakameyn ay ku yeelato dhinacyada socdaalka iyo adeegsiga hawada iyo madaarrada dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay in kooban oo ka mid ah ku leedahay maamul dhulka ah oo toos ah. Murankan cusub ayaa, mar kale, saameeyay duullimaadyada hawada ay isku hayaan Soomaalilaan iyo Soomaaliya, isla markaana abuuray walaac amni oo ku saabsan amniga xogta ee dadka u socdaalaya Soomaaliya, ama Soomaalilaan, ka dib markii la jabsaday nidaamkii fiisaha elektarooniga ah ee ay soo rogtay Soomaaliya. Loollanka ku aaddan socdaalka iyo duullimaadyada ayaa qayb ka ah mid guud oo ku saabsan arrimaha madaxbannaanida (sovereignty) oo ah tiirka colaadda iyo xurgufaha u dhexeeya labada dhinac.

Murankan madaxbannaanida ee aan la furdaamin 34-ka sannadood ee u dhexeeyay Hargeysa iyo Muqdishu waxa uu soo maray wejiyo iyo marxalado kala duwan oo marba heer joogtay. Ka dib 1991-kii, oo ay Soomaalilaan dib u dhalatay, Soomaaliyana ay dawladdii ka duntay, waxa ay Soomaalilaan sii xoojinaysay madaxbannaanideeda oo waxa ay dhisaysay hay’ado dawli ah, nidaam siyaasadeed oo shaqeynaya, dib u heshiisiin bulsho iyo sheeko-wadareedda madaxbannaanideeda, heer ay gaadhay in u-guurgaleyaasha dunida ee gobolkani ay ku tilmaamaan dawlad waaqici ah. Dhanka kale, Soomaaliya, oo saaxada ka baxday isla goortaas ay Soomaalilaan dib u dhalanaysay, waa ay soo kaban kari wayday, si kaste oo dadaal caalami ah loo galiyay in ay soo noolaato. Afar iyo soddon sannadood ka dib, weli hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya ma gaadhsiisna in ay jiritaankooda dammaanadqaadaan. Sidaas oo ay tahay, marna Soomaaliya ma ay joojin in ay sheegato sharciyadda ‘madaxbannaanida’ ee ay ku leedahay Soomaalilaan waxana ay, inta badan, ku meelmarin jirtay sheegashadaas masraxyada dunida ee ay xubinta ka tahay sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo hay’adaha kale ee goboleed iyo kuwa caalamiga ah.

Muddadaas dheer, Soomaaliya ma ay awoodin in ay madaxbannaanideeda ka hirgaliso dhulka, Soomaalilaanna, in kaste oo ay dadaal badan galisay galaangalka dibedda heshayna xidhiidho shaqeynaya, haddana weli madaxbannaanideeda gaarka ah si buuxda ugama ay hirgalin maxfallada caalamiga ah oo weli lama aqoonsan. Arrinaasi waxa ay joogteysay loollanka madaxbannaanida oo hadba ay arrin gaar ahi kiciso. Wejiga ugu dambeeyay ee loollankani waa midka daaran arrinta fiisayaasha iyo duulimaadyada oo halkii ugu sarreysay gaadhay labadii sannadood ee la soo dhaafay. Arrintani waxa ay, qayb ahaan, la bilaabantay markii ay Soomaaliya ka baxday ‘Kumeelgaadhka’ sannadkii 2012-kii, ka dib 20 sannadood oo ay ka jireen xukuumado aan rasmi ahayn hawlgalna ahayni. Waqtigaas, waxa soo bilowday doodo dheeri ah oo ku saabsan in Dawladda Federaalka Soomaaliya – DFS ay la wareegto qaybo ka mid ah awoodihii madaxbannaanida dalka oo ay ku jirto maamulidda hawada iyo duullimaadyada. Sannadkii 2013-kii waxa uu Wasiirkii Duulista Soomaalilaan, Maxamuud Xaashi Cabdi, sheegay in ay Soomaaliya kala heshiiyeen qaabka loo maamulayo hawada, iyada oo la aasaasayo koox farsamo oo xarunteedu tahay Hargeysa oo maamulkaas u xilsaaran, dakhligana loo qaybsanayo si isleeg, waxana uu heshiiskaas dartiis uga noqday tallaabo ay Soomaalilaan markaas ku cunaqabateysay Qaramada Midoobay oo ay u diidday in ay madaarradeeda adeegsato, maaddaama oo ay hawadeedii ku wareejisay Soomaaliya, sida ay Soomaalilaan ku doodday. Heshiiskaas ay sheegtay Soomaalilaan, waqtigaas, marna uma hirgalin sida ay sheegtay, waxana uu noqday xuddunta eedo siyaasadeed oo ay lagu weeraro xukuumaddii xilligaas iyo wasiirkii duulista, Maxamuud Xaashi, kuna tilmaamaan qorshe ay xukuumaddii Soomaalilaan ee markaasi ku fududeysay in Soomaaliya la wareegto maamulka hawada.

Dhab ahaan, eedaha ku saabsan in Soomaalilaan fududeysay kordhinta madaxbannaanida Soomaaliya waxa ay soo bilowdeen xilligii ay xukuumadda Soomaaliya ka baxaysay ‘Kumeelgaadhka’ oo Soomaalilaan ay, markii ugu horreysay intii ay jirtay, ka qaybgashay shir loo qabanayay dhinacyada Soomaaliya; waa shirkii London oo lagu soo afjaray ‘Kumeelgaadhnimadii’ dawladda Soomaaliya laguna xusay ka-qaybgalka Soomaalilaan ee shirka iyo baaq ah in wada-hadal lagu xalliyo farqiga u dhexeeya labada dhinac. In kaste oo si gaar ah loo fadhiisiiyay Soomaalilaan, shirkana hadal laga siiyay Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan, Axamed-Siilaanyo, oo jeediyay khudbad uu ugu qareemayay qaddiyadda uu metalayay, haddana shirkan waxa loo qabtay qaybaha Soomaaliya iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaalida, waxana lagu taageerayay qorshe qeexan oo lagu xoojinayo madaxbannaanida dawladda Soomaaliya iyo sharciyaddeeda, taas oo ay Soomaalilaan weligeed ka soo horjeedday. Waxa ay natiijadu noqotay, sida ay qabaan dadka Soomaalilaan ee shirkan diiddanaa, in ay Soomaalilaan dabcisay mawqifkeedii ku aaddanaa Soomaaliya oo ay qayb ka noqotay in xukuumadda Soomaaliya ka faa’iideysatay dibna u hanatay awoodo sharci oo ku saabsan madaxbannaanida Soomaaliya oo ay ku jirto Soomaalilaan.

Muddadaas ka dib, waxa si weyn isu soo tarayay awoodaha Soomaaliya ee madaxbannaanida oo u suuragaliyay in ay go’aan ku yeelato arrimo badan oo Soomaalilaan taabanaya ama ay ku tallaabsato kuwo caqabad ku ah. Caqabad kaste oo Soomaalilaan soo waajahdayna waxa, in badan, lagu furdaamiyay is-afgarad kumeelgaadh ah oo muddo kooban dejiyay diidmada Soomaalilaan iyo falcelinta ‘beesha caalamka’ sida hannaankii gaarka ahaa deeqaha Soomaalilaan (Somaliland Special Arrangement) iyo heshiiskii maamulidda duulimaadyada iyo Hawada oo labadoodaba ay Muqdisho meesha ka saartay, muddo kooban ka dibba. Ha se ahaato e, muranka hawadu waxa uu in badan ku saabsanaa dhanka dhaqaalaha, maaddaama oo ay Muqdisho isku koobtay dakhliga ay ka qaaddo adeegsiga hawada ee duulimaadyada, ilaa la soo gaadhay horraantii sannadkii 2024-ka oo ay, markii ugu horreysay, hawada ka celisay diyaaradda Ethiopian Airlines oo xilligaa Hargeysa keeni lahayd wefti ka socda Itoobiya, sida la sheegay.

Arrintan oo qayb ka ahayd xasarado diblumaasiyadeed oo ku saabsanaa ‘madaxbannaanida’ ayaa waxa ay ka dhalatay is-afgaradkii ay Soomaalilaan iyo Itoobiya gaadheen, markii uu sannadka 2024-ku curanayay, kaas oo ay labada dhinacba sheegeen in ay gaadheen heshiis ah in ay Soomaalilaan saldhig ciidan oo badeed siiso Itoobiya oo, iyaduna, aqoonsan doonta madaxbannaanida Soomaalilaan. Murankaas hawada ee cirka isku shareeray sannadkii tagay waxa uu abuuray in hawada ay wadaagaan labada dhinac ay khatar ku noqoto gooshitaanka diyaaradaha, heer ay labo diyaaradood, Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines, ku sigteen in ay isku dhacaan, ka dib markii ay tilmaamo is-burinaya ka heleen labada dhinac.

Bishii Sebtember ee sannadkan ayaa ay Soomaaliya, mar kale, qaaddatay tallaabo abuurtay muran cusub oo ku saabsan socdaalka iyo diyaaradaha, ka dib markii ay soo rogtay in cid kaste oo u soo socdaalaysa Soomaaliya, oo ay ku jiraan dadka u socdaalaya Soomaalilaan, ay soo dalbato fiise elektarooni ah ka hor inta aanay soo raacin diyaaradaha. Tallaabadan, oo ay dad badani u aaneeyeen in Xukuumadda Soomaaliya ay ka lahayd dan dhaqaale, ayaa awood u siinaysay in ay xakameyn karto cidda imanaysa Soomaalilaan, si dadbanna u maamusho arrimaha socdaalka hawada ee Hargeysa. Dhab ahaan, waxa ay ahayd weji hor leh oo ku saabsan loollanka madaxbannaanida ee wejiyada badan leh, Soomaalilaanna waxa ay ula dhaqantay sidaas. Waxa ay Hargeysa soo saartay tallaabooyin ay iskaga caabbiyayso Muqdisho, waxa ay diidday in ay aqoonsato fiisaha elektarooniga ah, iyada oo sii adkeysay fiisaha laga qaato marka uu qofku soo dego oo ay Soomaalilaan ku bixiso madaarrada. Dhanka kale, waxa ay Soomaalilaan soo saartay go’aanno ku saabsan duullimaadyada hawada sare oo ay ku soo rogtay diyaaradaha in ay oggolaansho hore soo dalbadaan. Arrintan ayaa, mar kale, furtay hubanti la’aantii duulimaadyada hawada, maaddaama oo ay Muqdisho iyo Hargeysa ku loollamayaan maamuliddeeda.

Mar kale ayaa uu loollankani saameeyay duullimaadyadii hawada ee ay labada dhinac ku muransan yihiin waxana Soomaaliya, oo dunidu u aqoonsan tahay ‘haysashada’ madaxbannaanidu ay muujisay karti-darro ku saabsan maamulidda arrimaha la xidhiidha duulimaadyada. Nidaamkii fiisayaasha elektarooniga ah ayaa si fudud loo jabsaday waxana dibedda la keenay xogaha dadkii dalbaday oo qaarkood ugu socdaalayeen Soomaaliya hawlo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin shaqooyin amni iyo sirdoon. Dalalka reer Galbeedka qaarkood, sida Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa muwaaddiniintooda uga digay socdaalka Soomaaliya, iyaga oo cuskanaya fashalka ku yimid nidaamkii fiiseyaasha ee ay Soomaaliya soo rogtay. Dhanka kale, Soomaalilaan oo gacanta ku haysa madaarrada dhulka ayaa saameyn ku yeelatay duulimaadyada sare maaddaama oo ay madaarrada muhiim u yihiin diyaaradaha gooshaya hawada oo mar kaste sababo farsamo iyo ammaan ugu baahan kara in ay adeegsadaan madaarradan, arrintaas ayaa keentay in diyaaraduhu walaac ka muujiyaan adeegsiga, gebi ahaanba, hawada ay labada dhinac isku hayaan.

Si kasteba ha ahaato e, arrintani waxa ay qayb ka tahay loollanka guud ee ku saabsan madaxbannaanida ‘Sovereignty’ ee aan la furdaamin weli ee u dhexaysa Hargeysa iyo Muqdisho, taas oo hadba weji yeelanaysay. Dhinacyada dhaqaaleha, xidhiidhada dibedda iyo maamulka hawada ayaa ka mid ah cinwaannada ugu muhiimsan ee dagaalka Muqdisho ee ka dhanka Hargeysa oo, iyaduna, isku dayaysa in ay xoojiso jiritaankeeda waaqiciga ah oo ay ku kabayso xidhiidho caalami ah oo ay iskaga caabbido dhanka kale, waxana hubaal ah in uu dagaalkani sii xoogeysan doono inta ay Soomaalilaan ku adag tahay go’aankeedii ahaa in ay ka baxday ‘midnimadii’ ay sida degdegga ah kula gashay Soomaaliya, 1-dii Juulaay 1960-kii, Soomaaliyana ay weli ku dheggan tahay ‘midnimadaas’, si kaste oo muddada ay midnimadaasi jirtay uga yar tahay muddada ay xaqiiqo ahaan bursanayd – laga soo bilaabo 1991-kii.