Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Dabinka Faafreebka: Miyaa La Cabudhin Karaa Aragtiyaha?

24 April, 2026
Image
Dabinkii Faafreebka: Miyaa La Cabburin Karaa Aragtiyaha?
Share

Hilaadii 2015 markii uu soo baxay dhiganaha “Halgankii Tukeyaasha: Carabtu Sidee U Jileen Madowga? ee uu qoray Cabdisiciid Cabdi Ismaaciil, ayaan nuqul ka dalbaday mid ka mid ah maktabadaha magaalada Muqdisho, oo ahayd halka aan markaa joogay. Waan ka waayay, muddo yar kaddibna waxaa aan xaqiiqsaday in ay cabsi jirta awgeed ay u keeni waayeen, taas oo ay markaa sii qoyanayd dooddii xooganeyd ee uu dhaliyey buuggii uu isla qoraagu qoray ee ahaa “Xadka Riddada Maxaa Ka Run ah?” sida dhabta ahna, majirin dood cilmiyeed labo-geesood ah oo uu la kulmay qoraagu ama nadqin qoraal ah oo la faafiyey, balse waxaa lagala hortagay xannibaad iyo caburin lagu soo rogay buugga, iyada oo laga duulayo cinwaanka uu xanbaarsanyahay! Waxayna dad badani ku qiimeeyeen hadalladii sida habqanka ahaa ay wadaaddadu ku dureen buugga iyo qoraagiisaba.

Waxaan raadiyoba buugga, isla xilligaas ayaan ka helay nuqul ka mid ah Nayroobi oo loogu qabtay xaflad kooban oo lagu soo bandhigayey, wuxuuna ii sheegay qofka ii soo dhiibay, maaddaama aan Muqdisho joogo, in aan si hoose u akhriyo, oo aysan dadku igu arkin, waxayna igu ahayd arrin fajaceeda leh, amakaagna igu dhalisay. Dhanka kalena waxay arrintaasi isii galisay xiise hor leh oo ah; in aan bal ogaado waxa ay wadaaddadu ku haystaan qoraaga, aragtiyihiisana u caburinayaan. Kolkii aan dhammeeyay akhriska buugga, waxa aan gorfayn ku saabsan ku soo bandhignay Naadiga Akhriska Muqdisho (NAM), oo aan xubin ka ahaa, waxa aanuna ka qornay maqaal— oo nasiibdarro hadda ka baxay barta Internetka.

Wakhtigu wuxu is guraba, tobban sanno kaddib ayaannu Cabdisaciid iska helnay Garoowe, iyadoo loo qabtay bandhig weyn oo lagu soo bandhigayey qayb kamid ah waxsoosaarkiisi aqooneed, waxaanan isla bandhiggaas soo koobid mar labaad ah ku sameeyey “Halgankii Tukeyaasha” ee akhrintiisu ahayd mid dhiillo leh, laganayaabe inay kugu soo jeediso indhaha dadka aysan maankoodu xanbaari karin kala duwanaanta aragtiyaha.

Ku qabashada barnaamij caynkaas ah magaalada Garoowe waxay macne weyn u samaynaysaa in si fudud aysan aragtidu ku hagaasi karin, oo loo cabburin karin, una baahan tahay in lagu loodiyo aragti kale, taas oo hadba kan xujadiisu ridan tahay ka dhigaysa inuu waaro, waana halka seegtay wadaaddada xaaraantimeeyey iibsashada buugga “Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah?” bilowgii horeba, waxay ahayd inay qoraaga la kulmaan, lana doodaan, maaddaama ay xilligaas hal magaalo wada joogeen, dhan walibana way kari kareen, inay aragtidiisa la cariyo, lana fahmo wixii dheeri ah oo dhaafsiisan buugagga uu qaraagu daabacay, dood maangal ahna lagala yeesho.

Inta badan qoraallada qoraagu waxay ka jawaabayaan su’aalo ay horey isu wayddiiyeen culimadii Islaamka ee xilliyadii hore noolaa, waxayna doodiisu tahay: waar sidaan ay wadaaddadu u soo xusheen sooyaalka Muslimiinta sax uma wada aha, kumana filna qofka doonaya inuu fahmo xaqiiqada dhabta ah ee uu xanbaarsan yahay sooyaalkaasi.

Aan dhanka kale ka eegno e, qoraallada uu qoray Cabdisaciid, waxaad ku arkaysaa xigashooyin aad u tiro badan, tusaale ahaan buugga “Xadka Riddada” waxa ku jira xigashooyin gaadhaya 139, buugguna wuxuu ka koobanyahay 133 bog oo keliya. Buugga kale ee “Halgankii Tukayaasha” oo isaguna ka kooban 263 bog wuxuu samaynayaa in ku dhow 850 xigasho, taas oo ka dhigan, inuu qoraagu aragtiyaha uu soo gudbinayo ay yihiin qaar hore u jiray oo keliya baaritaan, soo dhiraandhirin iyo isku duba rid uu sameeyey kaddib iyo isku duba rid uu saameeyey ka dib uu ka soo saaray hal maaddo oo isqaadan karta. Haddaba, ma waxaa lagu haystaa, maxaad u soomaaliyeysay qoraalladaas, mise waxa lagu haystaa maxaad u sheegaysaa wayddiimaha jiray, dadkana ugu soo bandhigaysaa! Muxuu yahay waxa xalaasha ka dhigay markay carabiga ku daabacan tahay xaaraantana ka dhigaya kolka soomaaliga loo rogo. Mooyi, bal adba garo!

Dooddaha jaban ee deelqaafka ah ee la huwiyey buuggan ka warramaya ka ganacsiga addoonta iyo is-addoonsiga ee “Halgankii Tukeyaasha” ayaa ah; muxuu qoraagu uga warrami la’ yahay, dadka Baantuuga ah ee la cunsuriyeeyo ee Soomaalida ah ee uu uga warramayaa tan Carabta...oo fuduul badanaa qoraagu! Qofka sidaas lihi, wuxuu isdiidsiinayaa sooyaalka madow ee Carabtu u gaysteen dadka madow kaas oo soo taxnaa muddo gaaraysa 13 qarni, wuxuuna isku larayaa labo dhacdo oo kala gadisan oo aan is qaadan karin, mid welibana ay iskeed u taagan tahay. Waxa iyana suure ah, haddii uu san qoraagu turjumi lahayn buugga “Gumeystow Lagula Dood” waxaa iin looga dhigi lahaa maxaad u soo fagaysaa uun sooyaalkaas Carbeed ee madow oo aad u sheegi wayday tan reer Galbeedku sameeyaan, waxaana doodahaas ka muuqanaysa maangad (Red Herring) mandaq ah oo lagu majara habaabinaayo doodda asalka ah, iyadoo loo weecinayo dood-doceed aan u adeegayn ujeedka buugga loo qoray/turjumay.

Saddex tobanlihii lasoo dhaafay ee ahayd xilligii uu figta sare gaaray dhaqdhaqaayadii Islaamiyiinta gaar ahaan Salafiyadu ee Soomaaliya, hadda se waxa muuqata in dhaqdhaqaaqyadaasi wajahayaan loollan xooggan oo ka imaanaya geedisocodka dabiiciga ah ee bulshadda sii casriyobaysa, halka ay iyaguna weli la jaanqaadi kari la’ yihiin isbeddelladaas nololeed ee socda, isdhaafka adduun-araga wadaaddada iyo hab fekerka bulshada ay ka tirsan yihiin, waana arrin salka ku haysa sas ay ka qabaan wax wal oo cusub iyo sii magaalowga bulshadda, kuna eegayaa indho argagax leh, halka ay fahmi lahaayeen geedi socodkaas dabiiciga ah ay bulshadu ku jirto, oo ah mid mar waliba daruuftiisa gaarka ah wata.

Jiilka cusubi wuxuu dhexda kaga jiraa mawjado fekedr oo baaxaadagaya, waydiimo jiraal, iyo qulqul aqooneed oo xad dhaaf ah, in laga cabsi galiyo aragti shaacsane ah oo qayb ka ahayd sooyaalkeenii diineed, laguna kala aragti duwanaa waagii horeba. Waa dhayalsi garaadka jiilkan cusub iyo iska-indho-tirid wayddiimaha taagan, iyadoo aan loo hayn jawaabo sees adag leh, la iskuna qaadayo doodo macne beel ah oo ka shidaal qaadanaysaa noloshii casriyadii hore.

Aynu ku noqonnee, waxsoosaarka aqooneed ee qoraagu, haddii aynu kasoo bilowno 2014 markii uu soo baxay “Xadka Riddada Maxaa Ka Run ah?” ilaa iyo hadda oo uu soo saaray ilaa 5 dhigane, mid kalena uu ku jiro madbacadda, wuxuu si iskiisa ah u darbanaa kobcinta garaadka bulshadiisa, iyo inuu hodmiyo maktabadda Soomaaliyeed, ilaa iyo haddana ma jirto dood aqooneed naqdinaysa nuxurka aragtida uu ka qabo dawladnimada, diinta iyo dhaqanka, mar walbana waxaa ay wadaaddadu ku wajahaan doodihiisa cabburin iyo majara habaabin ku talo gal ah, taas oo keenta inay aragtiyihiisa dhugmo u yeeshaan bulshadu, garowshiinyo na ay ka muujiyaan. Sida saxda ahna waxay ahayd in ay qoraal-geliyaan dood lid ku ah aragtida uu qabo qoraagu, dhan walba na ay u rogrogaan, bulshaduna ay garwadeen ka noqoto, aragtida leh sees adag oo maangal ah, kana jawaabaysa wayddiimaha nololeed ee casrigaan taagan.

Iskusoo duub, xilligu maaha waagii buugagga la xannibi jirey, fagaarayaasha dooduhuna ay hal qolo u xirnaayeen, fadhiyada lagu curiyo aqoontuna ay xadidnaayeen, dhan walbana noloshu waa iska soo beddeshay, suuqa aragtiyahana waa loo wada furanyaahay, wixii aad la timaadid ayaa lagugu aqoonsanayaa, bulshadana u hari doona, waa tii uu lahaa Cabdi Deeqsi Warfaa (1920-1967) “Wixii la qoraa, quruumo haree, muxuu hadal qiimo leeyahay.” Alleylehe, muxuu hadal qiimo leeyahay!

Qoraallada kale ee qoraaga