Wednesday 19 November 2025
Waraysigan soo socda oo ah qaybtii 2aad (Q.1aad) waxa aan la yeeshay Cabdifataax Xasan Maxamed (Barwaani), oo ah cilmibaadhe, qoraa iyo fallanqeeye siyaasadeed. Waxa uu shahaadada heerka koowaad ka haystaa Cilmiga Siyaasadda, sida oo kale waxa uu takhasuska heerka labaad ku qaatay Iskaashiga Caalamiga iyo Gargaarka Bani-aadantinimada. Dhigaaladiisa qoraalleed waxa ay diirada saaraan siyaasadda, dawladnimada, amniga iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Geeska Afrika iyo, guud ahaan, Bariga Afrika. Si la mid ah dhigaaladiisu waxa ay gacan togaaleeyaan culuunta bulshada ee kala gedisan.
***
CB: Dawlad-dhis inta aynaan ka warbixin waxa aan jeclaan lahaa in aynu kala fahanno dawlad-sameysan (state formation) iyo dawlad-dhis (state-building). Marka la joogo Fikirka Siyaasadda, ka hore waa geeddisocod dabiici ah oo taariikheed oo dawladuhu ku sameysmaan, iyada oo ujeeddo kale loo socday; sida in ciidan la ururiyay ay horseedday dawlad-sameysan amaba dagaal, gumeysi, heshiis bulsho iyo curiyayaal kale oo dawlad kale laga dhaxlay ay fududeeyeen sameysanka dawlad iqk. Waxa uu geeddisocodkaas dabiiciga ahi dhaliyaa in ay hay’ado dawladeed dhismaan, xuduudo la yeesho, hayb cusub, iyo awood dhexe oo wax nidaamisa. Laakiin, dawlad-dhisku waxa uu ka turjumayaa macne cusub oo tilmaamaya geeddisocod macmal ah oo dawlad lagu dhisayo ama lagu xoojinayo hay’adaheeda, waana fahanbixin ka soo dhexbaxday dhulalkii gumeysigu ka kacay ee dawladowga u baahday ama dawlado burburey oo la rabo in mar kale si ujeeddaysan loo dhiso, badanka waa dawladaha khilaafka soo maray (post-conflict states). Badanka, dawlad-dhisku wuu noqon karaa mashruuc dhalad ah oo dawladahaasi hal-abuurtaan, sida oo kale, marar badanna, waxa uu noqdaa mid ay taageere dibaddeed ku lug leedahay.
Dawlad-dhiska ujeeddadiisu waxa ay salka ku haysaa habka uu u dhisan yahay nidaamka adduunku (International system), kaas oo ah dawlado-qaran oo madaxbannaan; markaa sinnaba macquul uma aha in meel burburtey oo adduunkan ka tirsan la iska dhaafo (Power vacuum); taasina waxay keentaa in dawladaha kale ay kaalintaas dawlad-dhisidda ah riixaan oo ay taageeraan iyaga oo dano kala duwan leh; amaba Qaramada Midoobay oo hordhac u ah dawlad adduunku uu yeesho ay hormuud ka noqoto mashruucaas dawlad-dhiska ah.
Waa hannaan ujeeddooyinkiisu ay kala duwanaan karaan, marka loo eego hababka dawladaha loo dhiso, wuxuuna ku salaysan yahay in burburka laga soo kabto, oo la dhiso hay’addo dawladeed oo dammaanad leh, sharciyadda dawladeedna la xoojiyo, lana horumariyo adeegyada ay dawladdu bixiso; waxa uu si weyn habkani ugu janjeedhaa dhinaca Galbeedka ee dawlad-dhiska Liberaalka ah amaba loo yaqaan si kale ‘State building and Peacebuilding Model/ International Model/ Liberal Peace Model’ oo ay Qaramada Midoobay gadhwadeenka ka tahay. Tusaalayaal ayaa aynnu ka bixin karnaa dawlad-dhiska noocan ah oo ay ka mid yihiin midka hadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya lagu dhisayo, dawlad-dhiskii Maraykanku hormuudka ka ahaa ee dib-u-dhiska Ciraaq iyo Afgaanistaan waa la mid; amaba kuwii Bosnia iyo Herzegovina, Liberia, Cambodia, Sierra Leone, Kosovo, South Sudan iyo Rwanda iqk.
CB: Haa, dabcan. Ma jirto aragti hal weji uun lehi. Waxa ka mida aragtiyaha dawlad-dhis ee aan hannaanka Liberaalka ah ahayn;
Hannaanka Classical Westphalian Model; hannaankani waxa uu ka turjumayaa dawlad-dhiskii asalka dawladda casriga ah markii ay soo ifbaxday, 1648kii, taas oo xoogga saari jirtey in la helo dawlad dhexe oo nidaamsan iyo in madaxbannaanida mudnaanta la siiyo. Waa in dawladdu kooteysato ama keligeed yeelato gacankahadalka, xudduudaheeda ilaashato, hay’ado dhexe oo xoogganna ay horumariso oo ay ugu mudan yihiin xafiisyada rayidka ah, ciidanka, garsoorka iyo hayb qaran.
Habraaca Modernization Model; habkani wuxuu ka yimid aragtida casriyowga ee Modernization Theory; waxaana uu ku doodayaa in casriyowgu uu mar walba fududeyn karo dawlad-dhis xooggan. Bilmetel haddii aynnu uga horumarino si casri ah dhanka bulshada, dhaqaalaha iyo warshadowga waxay horseedi kartaa in hay’ado siyaasaddeed iyo dawlad-dhis raandhiis leh uu yimaaddo, maaddaama waxbarasho iyo magaalow baahsan uu imanayo, taasina waxa ay yareyn doontaa caqabadaha laga la kulmo taqliidka.
Habraaca Institutionalist Model; habkani waxa uu salka ku hayaa haddii la doonayo dawlad-dhis macno leh in awoodda la isugu geeyo sidii hay’addo dawladeed oo xooggan loo dhisi lahaa, isaga oo ay sal u udub-dhexaad u yihiin dhismaha xafiisyada rayidka, ciidanka iyo maxkamaduhu si ay karti u yeeshaan oo ay adeegyada dawladeed ugu filnaan karaan. Waxa uu habkani cabbirka dawlad-dhiska ku saleynayaa in adeeg la bixin karo.
Habraaca Political Settlement Model; hannaankani waxa uu xoogga saarayaa in haddii la doonayo in dawlad-dhis la sameeyo in ay muhiim tahay in marka hore ay gorgortamaan nukhbada awoodaha kala haystaa, ka dibna ay awoodda dawladeed ku heshiiyaan sidii loo dhisi lahaa, taasina ay dhali doonto in la helo dawlad-dhis macno leh. Waxa uu moodeelkani u arkaa geeddisocodka dawlad-dhiska in awooduhu ku kala filiqsan yihiin jilayaal dadban (informal actors) oo aan ahayn hay’adihii dawladeed ee tooska ahaa sida uu ku baaqayo moodeelka Liberaalku; waana moodeel macnaynaya dawladaha khilaafyadu raggaadiyeen ee nukhbo ama haldoor kala duwan ay isku haystaan awooddii dawladda.
Habraaca Post-colonial State-building Model; hannaankani, isaguna, waxa uu ka soo dhexbaxay daraasaadka gumeysiga ka dib (post-colonial studies), waana mid muhiimad siinaya in laga fogaado dhaliilaha uu leeyahay dawlad-dhiska uu gumeysigu kaga tegay shucuubtii xorowday oo badanaa ka dhigey dawladda wax la isku naasnuujiyo, la farageliyo, laguna soo rogo nidaamyo siyaasadeed iyo sharci oo aan bulshada dhaladka ah ka turjumeyn hiddahooda, dhaqaale ahaanna aan xor u ahayn oo ku tiirsan dawladihii ka tegay, middaas oo ay u dheer tahay welibana in kooxo nukhbo ah iyo isiro gooniya ay awoodda dawladeed ee ugu badan haystaan. Waxa uu qabaa in la dhiso hayb qaran oo bulshada oo dhan ka wada turjumaysa oo aan lagu ekaan tii uu gumeysigu qaabeeyay, sidoo kalena in loo baahan yahay dastuur laga wada qeybqaatay oo loo dhan yahay oo aanay dawlado shisheeye ama kooxo nukhbo ah oo kooban lug ku lahayn; iyo ugu dambeyn in la dhiso oo xoogga la saaro dhaqaale ka madaxbannaan dawladihii gumeysiga iyo qaybaha ay xoogga saareen ee danahooda ka turjumaya sida macdanta ama shidaalka, kuwaas oo dabcan u adeegayay danaha dawladaha dunida Waqooyiga iyo maaddooyinka ay warshadahoodu u baahan yihiin. Waa moodeel si qotodheer u abla’ableyn karaya loollannada wejiyada badan ee wali ka dhexeeya dawladihii wax gumeystay iyo dawladihii xoroobay; iyo, sida oo kale, isla loollan kale oo ka dhexjira gudaha dawladda xorowday.
Hannaanka Hybrid Political Order Model; waa hannaan kale oo aan is leeyahay mawduucan Soomaalida iyo ummadaha kale ee taqliidiga ahba si toos ah ayuu u saameynayaa. Waa hab ku doodaya in la is dhexgaliyo hay’adaha taqliidka ah ee dadban iyo hay’adaha casriga ee tooska ah, si gaar ah waliba kuwa taabanaya bulshooyinka burbursan ee khilaafyadu ragaadiyeen. Moodeelkani waxa uu qayb laxaad leh ku tiirsan yahay midka Liberaalka, oo dhismaha iyo falsafadda lagu salaynayo hay’adaha casriga ah ee tooska ahi waa moodeelkii Liberaalka. Somaliland oo kale marka aynnu joogno, moodelkani aad buu uga dhex muuqdaa hay’adaheeda dawladeed, waana mid ka turjumaya sidii loo soo dhisey. Waa isku dhaf ka turjumaya moodeelka Liberaalka iyo moodelka taqliidiga oo la isku qasay, kolkaasna marba mid la xoojiyo ama la adeegsado si loo maareeyo geeddisocodka dawladeed, kaas oo mararka qaar ay istabceyn karaan, caqabadna ku noqon karaan in aan midna si buuxda looga salgaadhin sida haddaba ka jirta Soomaalilaan iyo Soomaaliya.
Ugu danbayntii, waxaan sida oo kale ku dari lahaa labada hannaan ee kala ah:
Hannaanka Developmental Authoritarian State-building; moodelkani waa midkii ay qaateen Shabeellada Aasiyada Bari (East Asian Tigers) sida: Taiwan, Singapore, South Korea iyo Hong Kong; iyo xataa dawlado kale oo ay ka mid yihiin Japan, China, Ethiopia, Malaysia, Vietnam, Thailand, Brazil iyo Argentine; haba kala duwanaado heerarka ay dabbaqeen'e. Hannaankani waxa uu tilmaamayaa in dawladdu si firfircoon oo degdeg ah, haddana istiraatiiji ah, u farageliso dhaqaalaha iyo bulshada si loo gaadho horumar degdeg ah. Aalaaba, waa moodeel horumarka dhaqaalaha xoogga saaraya. Maaddaama ay muddo dheer qaadan karto in la gaadho horumar casri ah, loona baahan yahay in ay dawladuhu si degdeg ah isu soo gaadhaan dhanka horumarka, waxa qasab noqonaysa in si kacdoonnimo ah loo hirgeliyo modeelkan oo kale, waana falsafadda ay dawladaha dabbaqay aaminsan yihiin.
Moodelkan waxa u sal ah curiyayaal ay ka mid yihiin in la sameeyo faragelin dawladeed oo lagu jihaynayo dhaqaalaha iyo warshadowga dalkaas, loona baahan yahay qorsheyn istiraatiiji ah oo dhaqaale iyo bulsheed oo xoogga saarta warshadaha, siyaasadaha warshadowga, korriinka dhaqaale, horusocodka bulsheed iyo horumar farsamo iyo tiknoolajiyadeed. Moodelkani waxa uu caan ku yahay in awood dawladeed oo xooggan oo ay ugu horreeyaan xafiisyada rayidka oo aad u dhisan oo fulin kara qorshayaashan la hirgeliyo; iyo in awoodda siyaasadeed la isugu geeyo hal xisbi oo xooggan (One-party dominant coalition), qodobadan oo dhammaantood aad liddi ugu ah midka Liberaalka. Waxa uu moodelkani, marka ay dabbaqid ahaan timaaddo, mudnaan siiyaa warshadaha iyo warshadowga oo dabcan ah shidaalka horumarka taas oo keeni doonta in dalku u jihaysmo qorshe lagaga qayb noqonayo wax dhoofinta adduunka (Export-oriented industrialization); iyo sida oo kale in la isku dheellitiro korriinka dhaqaale iyo sinnaanta bulsheed oo ay ugu horreeyaan waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka bulshada, kaas oo badanaa liddi ku ah midka Liberaalka ee ku baaqaya in suuqa iyo muwaadinka la isu daayo.
Hannaanka Sovereign Authoritarian State-building; hannaankani waxa uu ku saleysan yahay in loo baahan yahay in la ilaaliyo madaxbannaanida waddanka oo la la dagaallamo faragelinta shisheeye; taas oo ay ka dhalanayso in rajiimka waddanka ka taliyana uu sii jiro (regime security/regime survival), sida oo kale in la dhiso awood dhexe oo xooggan oo wax kala nidaamisa oo ay ka dhalanayso in muquuninta dawladdu ay aad u xoogganaato oo dhinacyo badan leh, waxaana uu moodelkani ku suntan yahay in la xoojiyo aydiyoolajiyado uu rajiimku ku dhisan yahay; waxa ay noqon karaan kuwa calmaaniya ama kuwo diineed, si waafaqi karta curiyayaasha kale ee hannaankani uu dawladda u dhisayo. Waddamada dabbaqa hannaankan waxa ugu cadcad Ruushka, Belaruus, Eeraan, Waqooyiga Kuuriya iqk. Sida lagu dhaliilo, badanka dawlad-dhiskani mudnaan ma siiyo horumarka dhaqaalaha sida jaalkiisa developmental authoritarian-ka, in kasta oo ay taasi u baahanayso qiimayn intan ka qotodheer oo ku saleysan in aynnu derisno awoodda dhaqaale, waxsoosaar iyo waxdhoofineed ee dawladaha qaatay nidaamkan.
CB: Hagaag, waxa aan is leeyahay arrintaasi dhinacyo kala duwan in laga eego ayey u baahanaysaa. Badanka inta wax laga qoray sababo kala duwan baa la xusaa oo ay ka mid yihiin: faragellinta shisheeye, heshiis la’aanta bulshada qabaliga, ajendayaal shisheeye oo aan ka turjumin waaqica Soomaalida, kala adkaansho la’aan u dhaxeysa nukhbada dagaallamaysa, ha ahaadeen jabhadihii hore ama dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Islaamiyiinta hubaysan. In kasta oo la odhan karo la iskuma dayin wadahadal iyo wadaxaajood; amaba dhinaca Somaliland iyo caqabadaha ay odayada dhaqanku ku hayaan geeddi-socodka dawladeed. Guud ahaan, moodeellada dawlad-dhis ee aynnu ka soo hadalney mid walba tusaale ayaa uu ka helayaa midho dhal la’aanta dawlad-dhiska Soomaalida, fasir gaar ah iyo xalna waa uu ka bixin karaa. Waa midda daruuri ka dhigaysa in dawlad-dhiska Soomaalidu u baahan yahay isku darka moodeello kala duwan, si loo kala furdaamin karo mashaakilka wejiyada badan ee isku afgo’ay.
Waxaan se is leeyahay caqabadda ugu weyni waa in aannu maanta badanaa ajandaha dawlad-dhisku oollin magaalooyinka Soomaaliyeed; waxa ay faylashaasi yaallaan magaalooyin shisheeye oo lagu lafaguraa, sida dawladaha iyo ururrada ay saamaynta ku leeyihiin ay ugu badiso ayaana ay go’aamiyaan had iyo jeeraal e. Waxa muuqata in geeddisocodkaasi aanu midha dhali doonin, waxa ayna taasi ku sal leedahay, baan is odhan karaa, labo sababood; kow, horta nidaamka caalamku u dejisan yahay waa dawlado-qaran oo casri ah oo madaxbannaan, ma jirto awood kala nidaamisa oo ka wada sarreysa (supreme global authority), dawlad walba waxa ay dan u aragto ayey ka fali kartaa dunida guudkeeda; Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ahi kuma leh awood fulineed dawladaha (jurisdiction authority), taasi waxa ay keenaysaa in si dhab ah aanay Qaramada Midoobay u dhisi karin dawlad, iyaga la’aantood, sababta oo ah iyagu ma leh go’aanno iyo fulin u gooniya ee waxa ay ku shaqeeyaan illaa hadda waxkudarsiga dawladaha kale.
Midda labaad waa in ayna hore u dhicin dawlad burburtay oo ay dib u dhiseen dawlado kale, haba ugu horreeyeen dariskooduye, kuwo ka fogna haba sheegin. Kolkaa haddii dawladi burburto nidaamkan adduunka ee maanta in lagu danaysto mooyee, ma jirto cid dhismaheeda u samaynaysa nafhur kii dhaladka ahaa la mid ah. Somaliland dawlad-dhiskeedu ma ahayn wax ay ka qayb qaateen dawlado shisheeye iyo Qaramada Midoobey, kaliya waxii qabiillada iyo jabhaddu ay Burco (1991) iyo Boorama (1993) ku gooyeen oo taxaddiyaadkii ka danbeeyayna ka badbaaday ayaa jira maanta, oo ay dawladaha shisheeye iyo Qaramada Midoobay ay taageeraan. Dabcan, heshiiskaas jabhadaha iyo qabiillada ma ay helin Soomaaliya, se waxa ay u gacan gashay dawladaha shisheeye iyo Qaramada Midoobay, mana muuqdo ifafaale muujinaya in lagu guuleysan doono, haddii aannay sidii Afgaanistaan iyo Ciraaq iskaga bixin.
Kolka laga tago qodobadaa hore, arrinka ugu danbeeya ee aan is leeyahay sababta uu wali kan Soomaalilaan u dhutinayo ama uu ka Soomaaliya u hanaqaadi waayay waxay ila tahay waa la’aanta nukhbo (lack of Somali elite) hadafkoodu yahay in ay dawlad dhisaan. Dawladda iyo dawlad-dhiskuba wuxuu leeyahay debci nukhbo (elite character), waxaana ku dheefa badanka shacabka intiisa badan (mass majority). Soomaalidu ma ay yeelan wali ama waa ay fashilmeen nukhbadeedu in ay dawlad-dhis raandhiis leh ay horseedaan. Sababta oo ah iima muuqato qaab iyo ujeeddo ay mashruuca dawlad-dhiska ugu guuleysan karaan beesha caalamka, dawlado shisheeye iyo bulshada inteeda laga wacyiga iyo aqoonta fiican yahay. Waa saddex halisood oo aannay suuragal ahayn in ay masuuliyad badan iska saari karaan hawl sidan u kakan.
Sababaha ugu mudan ee fashilka dawlad-dhiska Soomaalida waxa ka mid ah faragelinta iyo ajendayaal shisheeye oo aan ka turjumin waaqica Soomaalida, heshiis la’aanta bulshada qabaliga ah, kala adkaansho la’aanta nukhbada dagaallamaysa, iimana muuqato qaab ay beesha caalamka, dawlado shisheeye iyo nukhbo aan dhisnayn, aqoon ahaan iyo wacyi ahaan, ugu guuleysan karaan dawlad dhiska Soomaalida
Waxaan qabaa in haddii loo baahan yahay dawlad-dhis macno leh oo hirgala in ay lagama maarmaan tahay in Soomaalidu ay gacanta ku qabato dawlad-dhiskeeda oo la helo nukhbo ay ka go’an tahay in ay abuuraan mashruuc dawlad-dhis oo awooddiisa iyo go’aamadiisa ay gadhwadeen ka yihiin. Sababta oo ah ma jiraan dawlado ku dhismay mashruuca dawlad-dhiska ee Liberaalka ee ay, badana, dawladaha dunida Waqooyi iyo Qaramada Midoobey ay riixaan. Waxay ila tahay in la arkay tusaalayaal taariikheed oo arrintaas ku filan oo qaarkood uu weli raadkoodu qoyan yahay.
CB: Dabcan, sida meelaha kaleba uu is fahanwaagu u saameeyay ayuu dawlad-dhiskana u saameeyay. Waxaan is leeyahay dawlad-dhiska ay Soomaalidu wadday lixdannadii iyo ka ay Soomaalida maantu waddo woxoogaa dhawr farqi ah baa u dhexeeya. Kii hore caqabaddiisu waxa ay la xidhiidhaysay bulsho aan wali casriyoobin, laakiin haysata madax casriyowday taas oo aan maanta jirin. Arrinta kale waxa ay tahay caqabadda taqliidiga ah ee uu dawlad-dhisku wajahay xilligii gumeysiga iyo ka diba waa qabiilka, laakiin hadda waxa ku soo biiray Islaamiyiinta oo aan berigaa saamayn caqabadeed ku lahayn dawlad-dhiskaas hore. Qodobka seddexaadna waa faragelinta shisheeye iyo beesha caalamka oo xilliyadii gumaysiga aad u koobnaa, heshiisna ku ahaa intoodii ku guuleysatay Dagaalkii Labaad in ay Soomaalida u dhisaan dawlad, taas oo dhalisay Soomaalilaan (Ingiriis), Soomaaliya (Talyaani), NFD (Ingiriis) iyo Jibuuti(Faransiis). Waxa aynnu la mid ahayn dawladihii faraha badnaa ee ka xoroobayay gumaystaha, laakiin maanta caqabadahaas waxa ku soo kordhay in dawlado aynnu mar wada xorownay ay maanta faragelin ku hayaan dawlad-dhiska Soomaalida, waana caqabad hor leh oo soo korodhay.
Arrimahani waxa ay salka ku hayaan qaarkood in Soomaalidu debcigoodii raacato ee reerguuraaga ahaa uu ku dhexqasmay dawlad-dhiska, middaas oo ka dhigan in dawladdu ay noqotay aalad reeraha Soomaaliyeed ay isu adeegsadaan si ay u kala badsadaan manfaca iyo tookha. Waa mar kale e, maanta dhammaan curiyayaashii casriyowga iyo magaalowgu god dheer bay ku dhaceen oo waxa dib loo barakaystay oo ay isu dhiibeen taqliidka iyo caqli-wadareedkii raacatada. Waxa soo kordhay caqliyad Islaamiyiin (Islamist mindset) oo aad uga didsan, dagaalna kula jirta in la helo dawlad-qaran oo casri ah oo dunida la jaanqaadi karta, iyaga oo ka qayb noqday in bulshada halkeedan lagu sii hayo inta ujeedkooda ay gaadhayaan. Dabcanna, debciga ay Islaamiyiintu abuureen saddexdii tobanle ee la soo dhaafay aad buu liddi ugu yahay dawlad-dhiska calmaaniga ah ee aynnu ka soo warrannay, waxanu waqti farabadan ku lumiyey muran madhaleys ah oo ku sal leh aragiyo diineed iyo is waafajinta dawladnimada adduunyo.
Arrintani waxa ay ka turjumaysaa in Islaamiyiintu ay aad ula dagaallameen soo ifbaxa jiil casri ah oo la mid ah kuwii lixdannadii hormuudka ka ahaa dawlad-dhiska, oo waxa ay ku beddeleen in badi maanta nukhbada Soomaalidu ay ka soo looxjiiteen dugsiyada Islaamiyiinta, amaba ay ku hoos jiraan dalladaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Islaamiyiintu ay saameynta ku leeyihiin.
Midda ugu danbaysa ee aan is leeyahay dabeecadda shakshiyeed ee saameysay dawlad-dhiska amaba iswaaga u muuqan karta waa in Soomaalidii dibadmeerka noqotay, ha noqoto qurbajoognimo ama caqliyad nolol-raadisba e, in ay dabin ugu jiraan danaha dawlado shisheeye, taasina ay dhalisay in dawladaha shisheeye ee dawlad-dhiska Soomaalida ku dhexjira ama in uun danaha ka leh ay dadkaas u isticmaalaan walax ay ku socodsiiyaan danahooda. Tani waxa ay si ula xidhiidhaa is la faragelintii aynnu soo tilmaannay, laakiin ma odhan karo waa faragelin dawladeed oo toos ah oo debcigeedii ma leh; waa se hannaan casri ah oo ka soo dhexbaxay burburka ka dib iyo dibadmeernimda Soomaalida. Badi madaxda Soomaalidu waxa ay haystaan baasaboorro shisheeye, waxaana ay mar walba u janjeedhaan danaha dalalka ay muwaadiniinta labaad ka yihiin, balse kama turjumaan aalaaba mudnaanta dawlad-dhiska ee dalalkooda. Waa arrin hor leh oo saameynteeda, caqabadaheeda iyo halisteedaba leh.
Dawlad-dhiskii Soomaalida ee lixdanaadkii iyo midka maantu waa ay kala duwan yihiin; labada jeerba Soomaalidu waa bulsho aan weli casriyoobin, lakiin lixdanaadkii waxa ay lahayd madax casriyowday. Hadda, waxa xoogeystay dhaqankii taqliidiga ahaa oo meesha ka saaray nukhbo casriyeysan. Soo ifbaxii Islaamiyiinta ayaa, isna, ah curiye weyn oo aad dib ugu celiyay hayaankii casriyowga – sababahaas oo lagu daray faragalinta shisheeye ayaa caqabad ku ah dawlad-dhiska
CB: Waxaynnu u baahan nahay in aad loo fahmo in bulshada iyo dawladdu aanay aad u kala madaxbannaanyn, waxa jira xidhiidh adag oo wejiyo badan oo laga dhexeysiiyo bulshada iyo dawladda, una baahsan darsid dheeri ah (State-Society Relations). Ma casriyayn karno dawladda haddaan bulshadu casri ahayn, ama in ka mid ah uun oo aan is leeyahay kaalintaas waa ay gudan kartaa oo nukhbo ama labeen casriya noqon karta. Mana casriyayn karno bulshada oo waa geeddisocod dhawr qarni innagu qaadan doona haddii aynnu u daynno xooggaga dabiiciga ah ee loollamaya iyo gacmaha shacabka ee aan istiraatiijiga ahayn. Badi casriyayntii Yurub ka danbaysay waxa shidaalinaysay oo dedejinaysay gacan dawladeed; waynnagii soo xusnay dawladaha moodeelka developmental state-ka qaatay oo laakiin badi ay ku lug leeyihiin nukhbo ku soo casriyowday dunida kale; amaba saameyn iyo kaalmo ka helaysay waddamadii casriyoobay ee hormuudka ka ahaaa casriyowga.
Waxaan ku soo koobi karaa dhawr tallaabo oo ay ka mid yihiin; in la helo labeen casri ah oo gadhwadeen ka noqota casriyaynta bulshada iyo dawlad-dhiskaba oo si uun uga madaxbannaan feker ahaan iyo waaqic ahaanba jilayaasha keenay ama sababta u ah dibudhaca ee ay kaabaqabiillada iyo wadaaddadu ka mid yihiin. Arrinta labaadi waa in loo baahan yahay in aan la isu abaabulin qaababkii taqliidiga ahaa ee qabiilka, to'laayda iyo afkaaro diineed, middaas oo usii adeegaysa uun in lagu sii negaado jabadkan dibudhaca ah. Sababta oo ah to'laaydu waxa ay soo wadaa uun dawlad Maandeeq ah oo haddaba aynnu la kacaakufayno mushkiladdeeda; halka kooxaha Islaamiyiituna ay wadaan uun wax ka ag dhow dawlad diineed (theocracy) sida Afgaanistaan, al-Shabaab, iwm. Sidaa darteed, waxa daruuriya in lagu beddelo abaabulka taqliidiga siyaabo kale oo casri ah in la isu abaabulo (modern mobilization structures) sida; ururo xirfadley oo xooggan, ururo rayid, ururada shaqaalaha, ururo fikir, kuwa aqooneed iyo dhaqdhaqaaqyo aydiyoolajiyadeed oo dhammaantood ka midaysan curiyayaasha casriyowga oo aan ahayn ururo u gaylamaya in taqliidka la adkeeyo ama la waafajiyo casriga.
Waxa kale oo laga ma maarmaan u ah casriyowga in la helo nidaam dugsi oo muddo dheer la dhigto (formal schooling system). Badi nidaamka dugsiyada ee dawladaha Soomaalida waxa lagu qaataa waqti kooban iyo tacliin kooban; taasina waxa ay meesha ka saartay nuxurkii istiraatiijiyadeed ee dugsiyada laga lahaa oo ahaa in la helo jiilal cusub oo aydiyoolajiyadaha loo baahan yahay lagu ababin karo, kana madaxbannaanaan kara saamaynta dibaddeed ee geeddisocodkaas dhicisayn karta (external traditional environment). Tani waa mid daruuri ah, oo dammaanad qaadi karta in la helo jiilal abqaali kara fuf casriyow, laguna hallayn karo jihaynta iyo hoggaaminta bulshada iyo dawlad-dhiskeedaba.
Dawladda iyo bushadu ma aha wax kala madaxbannaan, lamana heli karo dawlad casri ah haddii aanay jirin bulsho casri ah ama ugu yaraan tiro ku filan dawlad-dhis oo ah nukhbo casri ah. Si loo helo dawlad casri ah waa in la helo nukhbo casriyowday oo aan u abaabulnayn qaababka taqliidiga ah ee qabiilka iyo tollaayeeyda, iyo midka islaamiyiinta ee dib u socodka ah
Intaas waxa dheer, in la dhiirrigaliyo oo la bullaaliyo in aydiyoolajiyadaha casriga ah iyo culuunta casriga ahba. Markii uu gumeysigu yimid illaa maanta waxa dagaal xooggan lagu wadaa oo sas laga qabaa afkaarta cusub ee soo korodha; tani waxa ay mar walba abuuri doontaa in aan la yeelan kas kala sooci kara oo wax kala shaandheyn kara marka ay timaaddo waxa dunida kale kaga imanaya, sidii horeba u dhacday. Sababta oo ah haddii aan bulshadu helin afkaar casri ah oo ay adduun’araggooda ku qaabayso, waxa kaalintaas buuxin doona kuwii taqliidka ee aynnu hore ugu soo jabnay. Waana gaabka maanta Soomaalida ka maqan ee ay tabayaan.
Tallaabada ugu danbaysa ee lagu casriyayn karo bulshada iyo dawladdaba waa magaalowga. Mar kasta oo magaalowgeennu kooban yahay ama uu yaryahay waa mar kasta oo aynnu ka sii fognahay casriyowga. Inta hadda muuqatana waxa Soomaalida habfekerkeeda taqliidka ahi uu xoojiyaa tuulo tuulaysiga; wuxuuna caqabad iyo teed ku yahay isku scocodkii dhaqan-dhaqaale, afkaareed iyo ilbaxnimo ee magaalowgu ku suntanaa. Soomaalida dhulkeeda meelaha ugu magaalowga fiican baa ugu casrisan dhinac walba. Waana tijaabo lagu dayan karo ayaan is leeyahay.