Tuesday 11 November 2025
Waraysigan soo socda waxa aan la yeeshay Cabdifataax Xasan Maxamed (Barwaani), oo ah cilmibaadhe, qoraa iyo fallanqeeye siyaasadeed. Waxa uu shahaadada heerka koowaad ka haystaa Cilmiga Siyaasadda, sida oo kale waxa uu takhasuska heerka labaad ku qaatay Iskaashiga Caalamiga iyo Gargaarka Bani-aadantinimada. Dhigaaladiisa qoraalleed waxa ay diirada saaraan siyaasadda, dawladnimada, amniga iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Geeska Afrika iyo, guud ahaan, Bariga Afrika. Si la mid ah dhigaaladiisu waxa ay gacan togaaleeyaan culuunta bulshada ee kala gedisan.
Waraysigan waxa aannu ku qaadaadhigi doonaa iskudhafka laba mawduuc oo ka kooban cilmiga bulshada iyo siyaasadda. Waxa uu isku xidhi doonaa sida ay shakhsiyada qofka Soomaaliga ahi u abuuran tahay iyo saamaynta ay dawlad dhiska ku yeelatay. Waa faallo heer shakhsi ka soo dhinbiilqaadanaysa, bulshaduna waxa ay ka kooban tahay wadarta shakhsiyaadka. Waxa aan filayaa in ay bulshadu tahay cidda ugu badan ee laga hadlo, se aan si cilmiyeysan wax looga qorin. Sidaas daraaddeed, waraysigu waxa uu diirada saarayaa in horta qofka Soomaaliga ah la fahmo, kadibna shakhsiyaddaas iyo dawlad dhiska la is la akhriyo.
Cabdifataax Barwaani: Mahadsanid. Marka aynnu shakhsiyadda qofka Soomaaliga ah falanqaynayno waxa ay u baahanayaa in dhinacyo kala duwan oo misena isku xidhiidhsan laga darso. Soomaalida ay ka burburtay Jamhuuriyaddii lixdankii waa ay ka duwan yihiin, shakhsiyad iyo nafsad ahaanba, Soomaalida dawladaha kale ku nool. Waa arrin fiiro dheeri ah u baahan. Mar kale, waxa muhiim ah in aan Soomaalida isku miisaan la saari karin, waa falanqayn kor ka xaadis ah in raacato qudha lagu koobo dhaqan-dhaqaalahooda, deedna halkaas debcigooda laga soo dhiraandhiriyo. Waxa hoos loo dhigayaa Soomaalida xeebaha ku tiirsaneyd ama kuwa beeralayda ah, oo aan in badan helin mudnaantii daraasadeed ee ay lahaayeen.
Laakiin, raacatada afduubatay dawladnimada ee Maandeeqeysay ayeynnu jeerkan ku koobi falanqaynta. Qofka Soomaaliga ahi waxa uu leeyahay shakhsiyad madaxtaagan oo marka la ammaanayo looga dhigo madaxbannaani jacayl, marka indho kale lagu fiiriyana noqon karta anshax darro (undiscipline) iyo fadqalallo (anarchism). Kolka aynnu cilmiga bulshada ku saleyno, tani waxa ay salka ku haysaa in uu ka dhashay bulsho siman (egalitarian society) oo ah xoolodhaqato reerguuraaya. Sida oo kale, waa qof caqliyad raacato leh (nomadic pastoral mindset), xitaa haddii ay dunidii isbeddeshay, isagu wali waa raacto casri ah oo dunida ay degganaanshaha iyo magaalowgu salka u yihiin ku jahwareersan. Ma aha qof saldhigay (settled) xitaa haddii uu dal kale tago, kiisana kuma negaado had iyo jeeraale. Taasi waxay horseedday in uusan waxba ku negaanin; min fikrad ilaa maaddo.
Waxa kale oo uu leeyahay shakhsiyad iska-caabbineed (resistive personality) oo ku sal leh kacdoonno culus oo noloshiisa soo marey, kuwaas oo uuna ka guuleysan, sida oo kalena uu la jaanqaadi kari waayey, kuwaas oo ay ka mid yihiin: gumeysigii Yurub, dawlad casriya iyo xorriyad, casriyowga iyo magaalowga, nidaamyo dhaqaale oo ku cusub, fekrado aqooneed iyo waddaniyadeed oo cusub, kacaan hantiwadaag iyo diktaatooriyad, jabhadeyn iyo colaado riiqdheeraday, burbur iyo qax baahsan, qoxootinimo iyo dibadmeernimo aad u ballaadhan iwm. Waa qabyaali aad u daran (highly tribal personality) oo ay u sabab tahay qaababka ay raacatadu isu abaabusho oo qabali ah, oo weli xooggan xilli dunidu ay qaabab cusub oo casri ah isu abaabusho.
Waxa uu leeyahay shakhsiyad xagjir lagu tilmaami karo dhinacyo badan, oo leh marakudhegnimo farabadan (Radical mindset), taas oo ka soo maaxanaysa ilbaxnimo yari, magaalow yari iyo fekrado kooban oo adduun’araggiisa soo koshiya had iyo jeeraale. Waxa u raacda inuu yahay shakhsiyad hadal badan marka loo eego inta uu wax qoro, waxa aynna ka soo burqanaysaa fekerka suugaanta iyo tookha ee raacatada, kaas oo markii la magaaloobayna isu beddelay naqtiinka suugaantii hore, fadhi-ku-dirirka, ku muranka aragtiyo aan cilmiyaysnayn, ku-tiri-kuteenta iyo kala warqaadasho lagu badhxo culaysyada nafsadeed iyo casriyow ee ay la daalaadhacayaan.
Ugu dambeyn, waxa aynnu odhan karnaa waa qof aan awood ama karti u lahayn in uu la jaanqaadi karo loollanada dunida iyo agagaarkiisa ka alloosan, middaasi waxa ay dhaxalsiisaa in uu heehaabo, keliyana naftiisa ama qoyskiisa taqliidiga ah buu kolba meel kula baxsadaa, manuu yeelan hadafyo ummadeed oo loollanadaas ka turjumi karaya. Middaas oo saadaal ahaan tabnaan karta dhanka mustaqbalka bulsheed oo aan ka cabsi qabo in sidii shalay la isu waayey ee ummadaha looga hadhay, mustaqbalka soo socdana uu sidaas sii ahaan doono, maaddaama uu mustaqbalku yahay shalay iyo maanta oo la isku daray.
Qofka Soomaaliga ahi waxa uu leeyahay shakhsiyad madaxtaag ah oo gaadhsiisan nidaamdarro iyo fadqalallo, ku dhisan caqliyad raacato oo qabyaali ah, isla markaana aan sugneyn oo aan meelna negi ku ahayn. Waxa uu u janjeedhaa xagjirnimada, inta badanna awood ama karti uma laha la jaanqaadka loollannada dunida, taas oo dhaxalsiisa heehaabo joogto ah
CB: Marxaladaha isbeddel ee ay bulshada Soomaalidu soo martay dhawr dhinac baa laga eegi karaa ama laga abla-ableyn karaa sida; Islaamka ka hor iyo Islaamka ka dib, ama taariikhaynta gumeysiga ku salka leh ee gumeysiga ka hor, xilligii gumeysiga iyo gumeysiga ka dib, ama bulsho dawlad la'aan ah iyo dawladowga ka dib iyo curiyayaal intaas xidhiidh la leh oo ay ku jiraan magaalowga, nidaamyada siyaasaddeed ee kala duwan ee ay soo mareen, jabhadeyn iyo colaado illaa qoxootinimo iyo qurbajoognimo.
Marxaladda Islaamka ka hor, in kasta oo aan wax badan laga qorin lagana odhan, waxa ay u muuqataa mid fiiro dheeri ah u baahan, in kasta oo badanaa marxaladda hadda ee Islaamka la qaatay ay cadaadis kala kulanto in dib loo faqo marxaladdii hore. Waxaa muuqata in marxaladdan danbe ee Islaamku ay aad u daciifisay haybtii iyo summaddii hore ee Soomaalida sida afkii, diimihii hore, dhaqamadii hore, magacyadii asalka ahaa iyo guud ahaan hiddo iyo taariikho mudnaan weyn lahaa, laakiin loo fasirey wax diinta liddi ku ah, heer maanta qofka Soomaaliga ah uusan wax badan kaga soocnayn qofka Carabka ah. Si kooban waxa aynnu odhan karnaa waxa dhacday Carabayn ku gabbatay shaadhka diinta.
Dhinaca kale, in kasta oo ay Soomaalidu Muslintay, haddana gumeysiga ka hor, tadayunka ama ku dhaqanka diintu kuma lahayn kaalin buuran bulshada dhexdeeda oo meelaha ugu aasaasisan diinta ee salaadda, soonka iyo sakaduba waxay ku ahaayeen suququl bulshada raacatada ah. Badina, mucaamalaadka iyo waajibaadka Islaamku kama dhexmuuqan dhaqanka bulshada, mana jirin qof geel uu dhacay gacanta loo jarey, ama galmo uu sameeyay jeedal loo la dhacay, ama dhagax lagu diley gogoldhaaf dartiis.
Waxa intaa dheer, marxaladda saddexda weji ee gumeysiga ka hor, xilligiisii iyo ka dibba, iyaduna waa marxalad kale oo saameynteeda leh oo uu Soomaaligu soo marey. Xoogag casriyow oo min fekrad ilaa maaddiyad leh baa ay bulshadani wajahday, lana jaanqaadi wayday, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay noloshooda. Waxa soo kordhey marxaladdii gumeysiga caqabado hor leh oo kacdoonnimo casri ah dhalay; mabaadi’ iyo habfeker aad uga duwan kii hore loo haystay, nidaamyo casri ah iyo dawladnimo ay u raacday magaalow farabadan, ganacsi iyo fan-dhaqan aad u horusocod ah. Waxaa aynnu odhan karnaa dhammaan waxyaabahani waxa ay ka dhigeen qofka Soomaaliga ah in uu yeesho labo shakhsiyadood oo isku lammaan ama isku hoosjira (duality) oo noloshii taqliidka ka turjumaya, oo isla haddana lagu nool yahay midhaha casriyowga iyo saameynta adduunka kale oo sina isu la jaanqaada, sina loollan lafajebis ahi uga dhexeeyo, kaas oo badanaa xasilloonida fekradeed iyo iswaafaq ee bulshada saameyn taban ku leh.
Ugu dambeyn, shakhsiyadda qofka Soomaaliyeed iyo bulshadiisuba weli waxay la daala dhacayaan curiyayaal casriyow iyo dhaqan-dhaqaale oo soo derisay mafaahiimta aan laga fursaneyn iyo sida loo la noolaan doono, kuwaas oo ay ka mid yihiin isfahanwaaga ka dhex aloosan qabiilka iyo muwaadinnimada, taqliidka raacatada iyo dawladnimada, nidaamyada siyaasadeed, hannaanada dhaqaale iyo saameyntooda bulsheed, dhaqamada magaalowga iyo dunida afkaarta, kala aragti duwanaanta iyo isdhexgalka dhaqamada; iyo guud ahaan su’aalo waaweyn oo aad uga geddisan kuwii Soomaaliga raacatada ah maskaxdiisa ku soo dhici jirey oo salka ku haya afkaar iyo rogrogis felsafaddeed oo aad u gundheer.
CB: Si guud shakhsiyadda qofka Soomaaliga ahi kama madaxbannaana dhaqan-dhaqaalaha ay bulshadiisu asal u leedahay; dabcan xoolaraacatada qabaliga ah (Nomadic pastoralism & clan factor) iyo saameynta ka dhalata ayaa aad ugu dhex baahsan. Aasaaska shakhsiyaddiisu waxa ay ku aroortaa nidaamkaas dhaqan-dhaqaale ee raacatada reerguuraaga ah. Laakiin, markii waxoogaa dawladow ah iyo magaalow ah yimid, akhrin kale ayaa soo korodhay oo sharraxaad kale bixin karta; waana in magaalowga, dawladowga, iyo soo ifbaxa nukhbooyin cusub oo ganacsato iyo siyaasiyiin u badan ay qaabab kala duwan dhaqaale iyo awood ku helaan, waana mid muhiim ka dhigaysa in qofka iyo bulshada Soomaaliyeedba aan keliya maanta lagu fiirin karin indho raacato qabali ah oo qudha. Waxa ugu cadcad loollankan dugsiga I. M. Lewis ee Traditionalist Thesis iyo dugsiga Cabdi I. Samatar hormuudka ka yahay ee Transformationalist Thesis.
Qodobada kale, waxa ka mid ah diinta Islaamka oo aynnu odhan karno gumeysiga ka dib kaalin buuran ayaa ay banneysatay, si gaar ah weliba markii Salafi-Wahaabigu uu soo galey suuqa afkaarta Soomaalida, helayna kaalin luxdan oo dacwadeed. Islaamiyiintu waxa ay keeneen in kolka la joogo miiska xisaabta afkaarta ee shakhsiyada Soomaaliga ah ay noqdaan kaalinta labaad, haddii aannay marar badanba cidhiidhsan kaalinta koowaad. Waa sababta Soomaalidu ay u yeelatay tadayun farabadan iyo adduun’arag ku kooban asallada diinta iyo tafsiirka aydiyoolajiyadeed ee Salafiga. Waa mid ka mid ah qodobbada xoojin kara doodda cilmiyeed ee dugsiga Transformational-ka ee tilmaamaysa in aan Soomaalida keliya lagu akhrin karin ookiyaale qabali ah, se maanta ay jiraan xooggag casriya oo laakiin ka faa’iidaysta shaadhka qabiilka.
Waxa kale oo raaci karta sidii aynnu horeba u soo xusnay maaddaama shakshiyadda Soomaaliyeed ay tahay mid barakacsan nafsiyan oo reer-guuraa ah oo aan degganayn, markii la burburay ee colaado riiqdheeraday la galeyna, waxa ay horseedday in habfeker dibadmeer iyo qurbajoog ah la yeesho. Waa sababta qofka Soomaaligu uu mar walba u raadinayo kansho uu kaga baxsado dhulkiisa, isaga oo nolosha uu ku jiro mid dhaanta raadinaya, isla haddana kuma negaado dalalkii uu tegay ee waa uu soo noqdaa; ama dalal kale ayaa uu si joogta ah marba u taagan yahay. Waa shakhsiyad ay aad ugu adag tahay degganaanshiyuhu.
Dhinacyada kale ee uu ka shidaalqaato waxa soo raaca suugaanta kaynta iyo baraha bulshada. Badi adduun’aragga ay ka turjunto shakhsiyadda Soomaaliyeed waxa loo dhexmariyay suugaanta taqliidiga ah, oo ah kaydka hiddeed ee bulshadan. Haddii aad dib u raacdo xiddidka wax ka mid ah afkaarta taqliidiga ah ee shakhsiga Soomaaliyeed aaminsanyahay waxay ku arooraysaa suugaan hore, maahmaah hore, murti hore, oday-ka-sheekee, kutiri-kuteen iyo sheekobaraleyda (mythology). Badi afkaarta ama adduun’aragga uu waxa ka baxsan naftiisa ka aaminsanyahay ee aan ku dhisnayn aragtiyo cilmiyeed ama xog sugan, waxa ay salka ku hayaan kaydka hiddaha afeed ee jiil-ba-jiil u gudbiyay. Marar badanna kaydkaas aaminadihiisa ama duunkiisa hoose ku kaydsan ayaa caddeymo lagu taageero looga raadiyaa isla cilmiga iyo xogaha casriga ah ee sugan, halkii ay ahayd in cilmiga iyo xogaha sugani ay la dagaallamaan wixii aan sax u muuqan ee kaydkaas ku jiro.
Shakhsiyadda qofka Soomaaliga ahi kama madaxbannaana dhaqan-dhaqaalaha bulshaddiisa; waa xoolaraacatada qabaliga ah iyo saameynta ka dhalata. Waxa u soo raacda suugaanta, oday-ka-soogaadhka iyo tiknoolojiga cusub ee baraha bulshada oo uu u adeegsaday xoojinta badownimada. Waa sidaas, in kaste oo ay jiraan aragtiyaha is diiddan ee ay fasirka nolosha Soomaalida u kala jiheeyeen I.M. Lewis iyo Cabdi I. Samatar
Qodobka ugu danbeeya, ee aan is odhan karo casrigan la joogo wuu ka shidaal qaataa shakhsiga Soomaaliga ahi, waa baraha bulshada. Qofka Soomaaliga ahi wax kasta oo uu hantiyo oo midhaha casriga ka mid ah wuxuu u adeegsaday in uu xaabo uga dhigo fikradaha badownimada ee noloshiisa ragaadiyay. Midda tani arrintaas ayay daba socotaa. Baraha bulshadu wuxuu noqday aalad laga abaabulo haybta iyo afkaartii taqlidiiga ahayd, iskuna ururusadaan intii isku reer ahiba, si ay ugu kala warqaataan halisaha ismoodsiiska ah ee qabiilku dareemayo, sida oo kalena, laga riixo farriimo qabyaaladaysan oo tolka lagu difaaco ama dulmigiisa lagu gar siiyo. Baraha bulshada ee kala duwani kaalin weyn bay ka qaateen habfekerka maalinlaha ah ee shakshiyadda Soomaaliyeed; iyo isticmaalka xogeed ee joogtada ah ee uu quuto garaadkiisu.
CB: Runtii, qofka Soomaaliyeed waxa la yidhaa wuxuu leeyahay shakhsiyad muxaafid ah (conservative) oo aad u aaminsan in uu hiddaha, dhaqanka iyo diinta waalidkii uu gaadh ka hayo, laakiin waxaan qabaa inuu isla haddana yahay qof aad ugu dhexjira oo u furfuran casriyowga, midhaha ilbaxnimada dadyowga kale, hal-abuurka cusub iyo maxsuullada ka dhashay aragtiyaha aan diinta iyo dhaqanka waafaqi karin. In kasta oo uu saameyntooda la nool yahay, waa laga yaabaa in uusan fikrad ahaan uga warqabin. Sidaan horeba usoo xusnay, waxa uu leeyahay laba shakhsiyadood oo isku hoosjira oo midi tahay shakhsiyad ka jirta caalamka waaqiciga ah ee hortiisa yaalla iyo shakhsiyad kale oo ka turjumaysa asalka bulshadiisa iyo sidii ay u nooleyd.
Dhaqanka iyo diintuba isbeddello kala duwan baa ay soo mareen, marka loo eego saameynta ay ku yeesheen qofka Soomaaliga ah. Xilligii reerguuraga la ahaa, diintu kaalin yar ama kooban bay noloshiisa ku lahayd oo badanka waajibaadka ay sida joogtada ah diintu u fareyso iyo hab nololeedkiisu isma keeni jirin; bilmetel raacidda xoolaha iyo salaaduhu isma keeni jirin, xoolo jacaylka iyo sakaduna isma waafaqi jirin, soonka iyo geel jiruhuna iskuma wacnayn. Xitaa qaayosoorada faraya in aan wax la xadin, been la sheegin, wax la dilin, la sinaysan, gogoldhaaf la sameyn, wax la soo dhicin looma hoggaansanaan jirin badidood. Laakiin, dhaqanka oo ka turjumaya noloshaas baa saameyn xooggan ku lahaa.
Qofka Soomaaliga ah waxa lagu sheegaa muxaafid hidde-ku-dheg ah, haddana dhab ahaan waa uu ku dhex jiraa una furan yahay casriyowga iyo ilbaxnimada dadyowga kale.Waxa ay xoojinaysaa aragtida ah in aan Soomaalida lagu arkiyi karin hal aragti, metalan Islaamku isku si uma saaameyn reerguuraagii Soomaalida iyo kuwooda magaaloobay
Markii se la magaaloobay ee la dawladoobay waxa yaraatay kaalintii dhaqanka, waxaana xoogaystay kaalinta aragtiyaha, oo dabcan diintu ay jeerkan jago xooggan ka cidhiidhsatay. Isla xilliyaddan baa ay suuragal noqotay in la fulin karo badanka waxa ay farayso diintu; xaaladda lagu nool yahay noqotayaa ama qanacsanaan ahaataayaaba. Mar kale, isla afkaarta kala duwan ee diinta gudaheeda ka jira waxay dhalisay saameyn kala duwan, si gaar ah tadayunka Suufi-Ashcarigu waxa uu aad liddi ugu ahaa dhaqanka kakan ee raacatada reerguuraga ah, oo waxaynu odhan karnaa qallafsanaanta iyo ad-adeygga waa uu badhxi jirey, laakiin intii uu soo dooley Salafi-Wahaabigu waxa uu dib u xoqay hab dhaqankii raacatada ee qallafsanaanta, cunfiga, dagaalka, xagjirowga iyo madaxtaagga badan lahaa, waxaana uu midba midka kale u noqdey shidaal lagu sii huriyo holaciisa. Waxaa loogu jidbixin karaa in isla Salafi-Wahaabigu uu waaqic kakan ka soo dhexbaxay oo wax iska dhicin ah, mar kalena uu ka turjumayo dabeecaddii reer Najdi oo aan ta raacatada Soomaalida waxba dhaamin.
…… La Soco Q.2aad