Monday 17 March 2025
Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxaladda jiilkii saddexaad ee dagaalyahannada ajaanibta ah ee jihaad-doonka ah, waxaana metela dagaalyahannada ajaanibta ah ee hadda ku jira Daacishta ka dagaallamaysa Buntilaan. Hawlgalka milatari ee maamulka Buntilaan ku qaaday ururka Daacish ee ka dagaallamaya buuraha Calmiskaad waxa uu daaha ka qaaday joogitaanka tiro badan oo ajaanib ah oo ka barbar dagaallamaya Daacish, kana soo jeeda dalal Carbeed iyo Bariga Afrika. Faraca Daacish ee Buntilaan waxa uu kaalin kaga jiraa Daacishta caalamiga ah, oo xoogga isugu geeyey faraca Buntilaan ka dib markii awooddoodii Bariga Dhexe la wiiqay. Ururku waxa uu ka faa’idaystay xaaladda nabadgalyo ee deegaanka, taagdarrada haayadaha dawladeed, kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo deegaanka oo juquraafi ahaan u dhow Yaman oo ay ka jiraan kooxo argagixiso.
Joogitaanka Soomaaliya ee dagaalyahannada ajaanibta ah ee jihaad-doonka ah waxa loo qaybin karaa saddex marxaladood. Marxaladdii koowaad waa badhtamihii sagaashanaadkii, xilligaas oo la aasaasay ururkii al-Qaacida oo uu hoggaaminayey Usaama binu Laadin. Marxaladda labaad waa tobankii sanno ee u horreeyey qarnigan, kolkaas oo la aasaasay ururka al-Shabaab iyo xukuumaddii Maxaakiimta Islaamiga ah, ahna xilligii uu dhacay dagaalkii lagaga soo horjeeday duullaanka Itoobbiyaanka. Marxaladda saddexaad waa kolkii sannadkii 2015 Daacish lagaga dhawaaqay Buntilaan.
Waxa isku soo beegmay dhicitaankii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, sannadkii 1991-kii iyo kolkii Usaama binu Laadin iyo Ayman al-Dawaahiri saldhigteen dalka Suudaan. Xilligaas, labadoodu waxa ay ka shaqeeyeen in al-Qaacida la gaadhsiiyo Soomaaliya iyo Yaman. Al-Qaacida waxa ay ku dedaashay in la sameeyo unugga Bariga Afrika, oo laga abaabulay magaalada Nayroobi. Unugga Bariga Afrika waxa masuul looga dhigay labada dagaalyahan ee Abu Cubayda iyo Abu Xafsa al-Masri.
Abu Xafsa waxa uu Soomaaliya soo gaadhay dabayaaqada sannadkii 1991-kii, waxaannu ka qaybqaatay aasaaska xeryo tababbar, oo ay garab ka siiyeen hoggaamiyihii Xisbu Islaam, Xasan Daahir Aways iyo Hoggaamiyihii ururkii Raaskaambooni, Xasan Turki. Sida uu cilmibaadhe Xasan Abu Haniya ku xusayo buuggiisa “Jihaadka Carbeed”, al-Qaacida waxay ka qayb gashay dagaalkii Muqdisho ee lagula jiray Maraykanka. Kaalinta al-Qaacida waxa kale oo xaqiijiyey hoggaamiye ku xigeenka hadda ee ururka al-Shabaab, Abu Cabdaraxmaan Mahad Warsame, oo loo yaqaan ‘Mahad Karataay’, isaga oo ka sheekeeyey kaalintii al-Qaacida ku lahayd tababbarkii iyo taakulayntii kooxahii jihaad-doonka ahaa ee Soomaaliya ee sagaashanaadkii. Marxaladdan waxa lagu xasuustaa imaatinka hoggaano sare oo milatari oo ka tirsan al-Qaacida, si ay uga qayb qaataan dhisitaankii ururrada jihaadiga ah ee Soomaaliya, garabna ka siiyey tababbarada milatari iyo habaynta. Waxa ay garab ka siiyeen ka hortagidda faragashagii reer Galbeedka, iyaga oo ku dhaqmaya mabda’a ururka ee ah iska garabsiinta jihaadka. Waxa kale oo taakulaynta looga dan lahaa aasaasidda unug Bariga Afrika ku metela al-Qaacida. Dardartii al-Qaacida hoos ayaa u dhacday dhammaadkii sagaashanaadkii, xilligaas oo la qarxiyey labadii safaaradood ee uu Maraykanku ku lahaa Tansaaniya iyo Kiiniya, sannadkii 1998-kii.
Jiilka labaad ee dagaalyahannada ajaanibta ahi waxa ay yimaaddeen ka dib aasaaskii ururka al-Shabaab, sannadkii 2006, oo ay bilaabeen dhallinyaro jihaadiyiin ah oo dabayaaqadii sagaashanaadkii u safray dalka Afgaanistaan. Isla sannadkaas waxa Muqdisho gacanta ku dhigay Midawgii Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana xigay duullaankii Itoobbiyaanka oo uu Maraykanku gacansiinayey. Kolkan, Soomaaliya waxa ay noqotay meel soo jiidata dhallinyarada jihaad-doonka ah ee rumaysan fekradda al-Qaacida, gaar ahaan dhallinyaro kasoo jeedda Maraykanka iyo dalalka Yurub, waxaana ugu caansan Abu Mansuur al-Amriiki.
Si ka duwan jiilkii hore oo kaalintoodu ku ekayd abaabul, xubnaha jiilkani waxa ay dagaal toos ah la galeen xukuumaddii Soomaaliya iyo Itoobbiyaankii, waxaana xigay dagaal ay la galeen Xoogaggii Nabad Ilaalinta ee Midawga Afrika. Farqiga u weyn ee u dhexeeya labada jiil waa kacdoonkii isgaadhsiinta dunida ka hanaqaaday. Xubnaha jiilka hore waxa ay ku tiirsanaayeen xidhiidhada shakhsiga ah, halka xubnaha jiilka labaad ku yimaaddeen ciidan qorasho laga dhex samaynayey shabakadda internetka, waana is beddel jiilka saddexaad la wadaago jiilka labaad.
Markii lasoo gaadhay sannadkii 2013, jiilka labaad ee dagaalyahannada ajaanibta ahi waxa ay ahaayeen gabaabsi, ka dib markii xubno badan oo ka mid ah la dilay. Waxa kale oo hoos u dhacay dagaalyahannadii laga qoran jiray dalalka Galbeedka iyo Carabta, sababtoo ah waxa cusbaa jihaadyo kale oo ka soo jiidasho badan, sida dagaalkii Suuriya. Waxa kale oo joogitaanka dagaalyahannada ajaanibta ah ee Soomaaliya wiiqay dagaal gudeed oo ka dhex socday ururka al-Shabaab sannadihii u dhexeeyey 2011 iyo 2013. Dagaalkan gudeedka waxa dhinac u saftay dagaalyahannada ajaanibta ah oo uu hoggaaminayey Abu Mansuur al-Amriiki, oo kasoo horjeeday hoggaamiyihii hore ee al-Shabaab, Axmed Godane. Khilaafkaasina waxa uu ku soo dhammaaday in la laayay inta badan dagaalyahannadii ajaanibta ahaa, dagaalyahannadaas laga takhallusayna waxa ka mid ahaa Abu Mansuur al-Amriiki.
Intaas waxii ka dambeeyey waxa soo ifbaxay jiilkii saddexaad ee dagaalyahanno ajaanib ah, ka dib markii lagu dhawaaqay faraca Daacish ee Soomaaliya, sannadkii 2015. Waxa kala jabay ururkii al-Shabaab, waxaan bayco lala galay Cabdiqaadir Muumin oo hoggaanka u qabtay Daacishta Soomaaliya. Faraca Daacish ee Buntilaan lagaga dhawaaqay waxa uu soo maray marxalado uu taagdarreeyey iyo marar uu xoogaystayba. Jabkii koowaad waxa uu kala kulmay ururka al-Shabaab oo si adag uga soo horjeestay goosashada kooxdan, jabkaasina waxa uu keenay in ururku kusoo ururo goobo cayiman, waxaanay saldhig ka dhigteen buuraha. Ururku marxaladdan uu dhaqdhaqaaqiisu koobnaa waxa uu ku jiray ilaa dhammaadkii sannadkii 2022.
Ururku waxa uu ballaadhiyey weerarkiisa bilawgii 2023, iyaga oo ka faa’idaysanaya al-Shabaab oo ku mashquulsanayd hawlgallada milatari ee xukuumadda Federaalku ku bilawday bishii May 2022 . Daacishta Buntilaan waxa ay badhtamihii 2024 ku guulaysteen in jab weyn gaadhsiiyaan ururka al-Shabaab, oo ay dib u qabsadaan dhufaysyadoodii hore, al-Shabaabna ka eryaan goobihii ay ka degganaayeen buuraha Calmadaw, oo ah silsilad buureed oo barbar safan buuraha Calmiskaad, masaafo 120 kiiloomitir ahina u dhaxayso.
Daacish waxa ay lasoo kacday madaxa, waxaanay bilaabeen isballaadhin ka dib markii ay ka guulaysteen al-Shabaab, waxaanay awooddooda ku fidiyeen buuraha koonfureed ee gobolka Bari. Waa halka uu ka bilaabmay hawlgalka amni ee ciidamada Buntilaan hadda wadaan. Buntilaan waxa ay guulo ka gaadhay hawlgalkan lagu sifaynayo Daacish, waxaanay soo bandhigeen maydadka tiro badan oo dagaalyahanno ajaanib ah, kana soo kala jeeda dalalka Itoobbiya, Tansaaniya, Suuriya, Sacuudiga iyo dalal kale.
Jiilka saddexaad ee dagaalyahannada ajaanibta ahi waxa ay kaga duwanyihiin labadii jiil ee ka horreeyey, in jiilkani aaminsanyahay xukuumad khilaafo Islaami ah, oo uu calanka u sido ururka Daacish, waxaanay u socdaan aasaasidda maamul Islaami ah oo aan laga xigsan, qaybna ka yihiin, kaalintoodana aanay kusoo koobin in ay kooxda deegaanka ka kaalmeeyaan jihaad lagu la jiro xoogag kusoo duulay, halka labadii jiil ee horeba ku dhaqmayeen mabda’ii al-Qaacida ee ahaa garab iska siinta jihaadka.
Farqiyada u dhexeeya jiilashan waxa kale oo ka mid ah, in jiilkii koowaad kaalintoodu ahayd abaabul, una badnaayeen xubno sare oo tababbarka iyo abaabulka qaabbilsan. Jiilka labaad kaalintoodu ahayd kaalmo, se dagaalka rasmiga ah ay wadeen ciidamo dalka gudihiisa laga qortay. Si ka duwan labadaas horeba, Daacish waxa udubdhexaad u ah ciidanka ajaanibta ah ee ay qortaan, sababtoo ah awood badan uma laha in ay gudaha ciidamo ka qortaan, sidaas darteed, dagaalyahannada ajaanibta ah la’aantood, Daacishta Buntilaan ma sii wado karto dagaal.
Arrinkan waxa caddayn u ah in Daacish u marto ciidamaynta dagaalyahannadeeda soo afduubashada tahriibayaaasha sharcidarrada ah ee muslinka ah kana soo socdaalay Itoobiya, ee raba in ay Boosaaso ka baxaan, si ay safar badda ah ugu gaadhaan Yaman, ka dibna usii gudbaan dalalka Khaliijka. Waxa kale oo ay ciidamo ka qortaan baraha internetka, waxaana ka kaalmeeya Daacishta caalamiga ah oo dedaal badan ku bixisa faraceeda Buntilaan.
Marka la eego dagaalka lagu hayo Daacish, waxa ay u badantahay in hawlgalka Buntilaan wiiqi doono Daacishta Buntilaan, jab weyna kasoo gaadhi doono, waxii intaas ka dambeeyana dib ugu noqon doonaan marxaladdii dhaqdhaqaaq la’aanta ee ay muddada badan ku jireen. Haddii aan hoggaanka sare ee kooxdan la sifayn, oo aan laga takhallusin hoggaamiyahooda Cabdiqaadir Muumin, waa suurogal in ururkani mar kale madaxa lasoo kaco mustaqbalka.
Ururku waxa uu ka faa’idaystaa habacsanaanta ka jirta amniga xuduudaha dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya. Dagaalyahannada ajaanibta ahi waxa ay soo maraan badda, iyaga oo garab ka helaya shabakadaha tahriibinta, ee ka ganacsada hubka, ganacsiga aan sharciga ahayn iyo tahriibinta dadka, isla kooxahan oo qaarkood xidhiidh la leeyihiin Daacish iyo al-Shabaab. Si la mid ah badda, xuduudda dheer ee Soomaaliya la leedahay Itoobiya waxa si sahlan uga soo gudbi kara dagaalyahannada Itoobiyaanka ah iyo kuwo kale oo ka yimaadda dalalka Bariga Afrika. Buntilaan oo arrinkan ku go’aan qaadanaysaa waxa ay bilawday in ay tarxiisho dadka sida sharcidarrada ah kusoo galay.
Hawlgalka Buntilaan waa uu wiiqi karaa awoodda Daacish, se haddii aan laga takhallusin hoggaanka sare, ururku waxa uu awoodaa in uu madaxa lasoo kaco, sababtoo ah Buntilaan iyo xukuumadda Federaalkuba wakhtigan ma awoodaan in ay sugaan amniga xuduudaha dhulka iyo baddaba. Arrinkani waxa uu fursad siinayaa imaatinka dagaalyahannada ajaanibta ah ee Daacish, xilli ay Daacish isku fidishay goobo badan oo ka mid ah Afrika, laga soo bilaabo Galbeedka qaaradda ilaa Bariga qaaradda oo ay joogaan Musambiig.
Joogitaanka dagaalyahanno ajaanib ahi marna kama dabargo’in Soomaaliya, se waxa uu soo maray uun marxalado kala duwan. Al-Shabaab waxa ay isku ballaadhisay gudaha Kiiniya oo ku xidhan bulshooyinka Geeska iyo Bariga Afrika, oo ah dalal xuduudo dayacan leh. Sidoo kale waa dalal khilaafyo gudeed ka jiraan, oo sahla soo gelitaanka hub iyo dagaalyahanno. Waxa intaas dheer in bulshooyinka dalalkani isdhexgalaan, si xoogganna isugu milanyihiin. Dhammaan xaaladahan ka jira dalalka gobolku waa wax ay kooxaha argagixisadi ahi ka faa’idaysan karaan.
Innaga oo ka dhimbiil qaadanayna xaaladahaas aynnu soo sheegnay, Soomaaliya waxa ay u baahantahay dardargelinta haayado amni oo heer federaal ah, oo qaabbilsan la dagaallanka argagixisada, oo sugi kara nabadgalyada xuduudaha. Waa tallaabo ku suurogalaysa soo afjaridda khilaafka gudeed, ama in ugu yaraan la kala fogeeyo iskaashiga amni iyo khilaafaadka siyaasadeed. Xukuumadda Federaalka waxa kale oo ku waajib ah in ay xoojiso amniga xuduudaha ay la leedahay dalalka jaarka ah, sidoo kalena xoojiso ciidamada badda iyo ciidamada xuduudaha, oo ay iska kaashadaan Muqdisho iyo maamul goboleedyadu.