Friday 12 December 2025
Siyaasadda ku dhisan dirirta iyo loollanka, una xuubsiibata ciidamaynta iyo dagaallada fool-ka-foolka ah iyo xasaradaha isir, waxa tilmaamaheeda ka mid ah dhib kasta oo la isku raaco in la iska fogeeyo, lagu nabo cidda kasoo horjeedda dhinacaas kale, eedda iyo masuuliyadda waxaasna dhakada laga saaro dhinacaas lala dirirsanyahay. Xitaa dhaqannada korran kuwa lahi kamay badbaadin dhaqankan. Yurub, badhtamihii qarnigii hore, dad kala feker iyo kala siyaasad ah oo aad u kala fog, sida kuwo ah bidixda fog ee kacaanka iyo midigta fog, ayaa isku raacay dayrinta dhaqdhaqaaqii Naasiga iyo aydhiyoolajiyadihii faashistaha. Hantiwadaaggii Shuuciga ahaa laftiisu waxa uu dhaqdhaqaaqaas ku nabay Hanitgoosadka, libiraaliyiintuna waxa ay Naasiga u arkayeen laan ka farcantay Hantiwadaagga iyo wax ka dhashay fekerka qawmiga ah ee xagjirka ah. Qaar ka mid ah Yahuudduna waxa ay ku tiriyeen inay ku sal leedahay Masiixiyada.
Kama hadlayno isku tuurtuur warbaahineed oo baraha bulshada la isu mariyey, se waxa aynu ka hadlaynaa waa dugsiyo feker oo aqoonyahankii xilligaas wareeriyey, oo xitaa gilgilay xarumo cilmibaadhiseed iyo jaamacado. Waa eedo dhinacyada bidixda iyo midigtu isku tuhmayeen, dhinacna dhinaca kale tunka u saarayey eedda ah yaa ka dambeeya Naasiga. Haddaba haddii ay sidan yihiin fikradaha iyo aragtiyaha bulsho ee la askareeyey, maxaad u malaynaysaa hadallada faafa ee aan laga fiirsan iyo dhaleecaynta kooxaha siyaasadeed is weydaarsadaan.
Si la mid ah Naasiga, waxa la isku raacay dayrinta kooxda Daacish, iyo ka bari noqoshada dhaqamadii ay lahayd. Kooxaha ku kala tagsan fekraduhuna waxa ay isku tuurtuureen cidda leh eedda samaysankii Daacish. Dadkii kasoo horjeeday nidaamyadii Suuriya iyo Ciraaq, oo badanka dhibbane u ahaa labadaas nidaam, waxa ay Iiraan iyo Suuriya ku tuhmi jireen samaynta Daacish iyo maalgelinteeda, waxaanay ku sababayn jireen in ujeedkoodu ahaa dardargelinta ciidamaynta kooxdooda iyo carqaladaynta kaacannadii bilaabmay oo ahaa madani dimuqraaddi ah. Waxa ay rabeen in ay dadka laba mid u noqoto: kelitaliska iyo argagaxisida.
Waxyaabahani waa run, se keliya waxa ay sheegayaan uun kaalinta dhinac ka faa’idaystay dhaqdhaqaaq jiray, oo dantiisa ka dhex arkay, se kama dhigna in dhinacaas ka faa’idaystay uu yahay ka unkay kooxda. Dadkii taageersanaa nidaamyadaasi waxa ay Sacuudiga, Maraykanka iyo Qadar ku tuhmi jireen samaynta Daacish iyo maalgelinteeda, iyaga oo soo qaata aragtiyo shirqool oo sii kala xagjira.
Salafiyada dagaallanta (Salafiyada Jihaadiga ah) ma aha wax maanta dhashay, wejigeeda sii kharriban ee dhiigdaadinta badan ee Daacishna ma aha wax cusub, lamana fahmi karo haddii aan la fahmin kelitalisnimadii ka jirtay dalalka la midka ah Ciraaq iyo Suuriya, iyo isla falgalka fekerka diineed iyo ka siyaasadeed, oo aan la darsin soo dhoofinta salafiyada ee xilligii shidaalka Khaliijka, fashilka dawladda oo ku guul darraysata arrimaha muhiimka ah ee la xidhiidha saboolnimada, horumarka, waddaniyadda iyo xuquuqda muwaaddinka, sidoo kale maarayn la’aanta xidhiidhka ka dhexeeya isirrada kala duwan ee ku kala gadisan diin, qawmiyad ama muwaaddinnimada.
Tusaale ahaan, waxa aynnu sawiran karnaa qof soo maray ciqaabtii xabsiyada Bacsigii Ciraaq ama Suuriya, kad ibna lasoo noolaaday duullaankii Maraykanka iyo arxandarradiisii oo lasoo dagaallamay, dabadeed soo dhadhamiyey ciqaabta xabsiyadii nidaamyada kooxeed ee siyaasadda qabsaday, sida nidaamkii al-Maaliki. Waxa intaas dheer in ay habboontahay in la de raaseeyo isla falgalka wadaadowga siyaasadeed iyo qaababka kala duwan ee Salafiyada, si loo fahmo Salafiyada Jihaadiga ah ee kasoo dhex baxday. Waxa kale oo diraasayn mudan korodhka tirada dadka, shaqo la’aanta, waxbarasho la’aanta, qulqulka dhallinyaradu miyiga kaga imanayaan, ee ay magaalooyinka soo galayaan ka dib markii waxsoosaarka miyigu suququl galay, iyo dhammaan waxyaabahaas oo la kulmay isgaadhsiinta casriga ah.
Dalalka Carbeed waa lagu yaqaannay fulinta ciqaabta madax ka jaridda iyo gacmo goynta, oo waa wax beri dhawayd soo gaadhay, dhagax la isku dilaa laftiisu waxa uu ahaa wax hore loo arkay, dalal badanna waa lagu arkay dadka oo is gawraca xilliyada dagaallada sokeeye (oo aan xilligaas YouTube jirin), waxan oo dhammina waa ka hor intaan Daacishba samaysmin. Waxa la yaqaannay oo kale xabsiyada dadka lagu ciqaabo. Hore waxa looga soo barbar dagaallamay Afgaanidii dagaalka ku jirtay, marar badanna dad baa gaalaysiiyey bulshooyinka oo magangalay hubka, oo maraykanka kula dagaallamay Afgaanistaan iyo Ciraaq, lana diriray kelitalisyada kooxaha u kala xagliya.
Daacish waxa ay isku daydaa in ay buuxiso kaalinta ay bannaysay dawladda fashilantay, se meel bannaan kama samaysanto. Qofka raba in uu fahmo dhaqdhaqaaqooduna waxa uu u baahanyahay in uu fahmo waxii dunida Carabta ka socday sannadihii dambe. Se dadka ka faa’idaystay ama ka dhib mudatay ma fasiri karaan samaysanka argagixisada. Deegaannada ay Daacish ku samaysantay, waa isla deegaannada dhallinyaradoodu magansadaan badda iyo doonyaha lagu halaagsamo, iyaga oo ka baxsanaya quusta haysata.
Ka dib qarniyo badan oo dib u soo noolayn diimeed oo ka socotay Miyiga iyo xuduudaha dawladdii Cusmaaniyiinta qarnigii 18 aad iyo waayihii ka danbayey dawladdaba waxa Carabta reer Miyiga ah ka dhex curtay baraarug diineed oo cusub. Waxa soo tuftay dawladnimadii, oo may helin muwaaddinimo, waxaanay dhex wareegeen dawladaha kala duwan. Waxa ay iska diideen abtirsiga waddaninimo, hab cusub oo diintii badawnimada ku tilmaamnayd ayaa ay ku dhaqmeen, waxaanay duminayeen wax kasta oo tilmaan xaddaaradeed leh oo kasoo horbaxa. Waa iswaa anshax. In mad’hab si indhobeelnimo ah loo raaco ayaana u beddeshay anshaxii. In ay koox ka tirsanaadaan baa mararka qaar kala qiimo weyn diinta.
Dhaqdhaqaaqyadani kumay hoos abuurmin nidaam dimuqraaddi ah, kamanay soo dhex bixin kacdoon dimuqraaddiyadeed, se waxa ay ku hoos unkameen kelitalisnimo iyo nidaam arxanlaawe ah. Muran kuma jiro oo dhaqdhaqaaqyadaasi ugu dambayn meesha ka bixi doonaan, sababtoo ah waxa ay kasoo horjeedaan maangalnimada casriga, waxaanay liddi ku yihiin baahiyaha dadka.