Ururka al-Shabaab waxa uu sannadkii 2025 sameeyey horumar ballaadhan, arrinkan oo keenay baabbi’inta guulo ay xukuumaddu xaqiijisay laba sanno ka hor. Laga soo bilaabo markaas, xukuumaddu waxa dib u habayn ku samaysay ciidamadeeda si ay u ilaaliso deegaannada ku hareeraysan caasimadda Muqdisho. Ha yeeshee, deegaanno badan oo badhtamaha Soomaaliya ah ayaa weli gacanta ugu jira Ururka, xaaladdan oo abuuraysa xaalad kakanaan ah oo aanu dhinacna horumar samayn karin.
Alshabaab waxa ay beddeshay istiraatiijiyadaheedii, oo ay ka mid tahay inay wanaajisay xidhiidhada ay la leedahay dadka deegaannada ay gacanta ku hayso, hoosna u dhigto qasab ku haysigii dadka. Waa isbeddello ka qayb qaatay xoojinta awooddeeda maamul. Isla jeerkan, xukuumaddu waxa ay la daalaadhacaysaa loollano siyaasadeed oo gudeed, waxaana sii yaraanaya gargaarkii iyo taageeradii dibadeed.
Dagaalka xukuumaddu ay kula jirto ururka Alshabaab waa uu isa soo xidhay. Sannadihii 2022 iyo 2023, xukuumaddu waxa ay soo ceshatay qaybo badan oo ka mid ah badhtamaha Soomaaliya oo ay gacanta ku haysay Alshabaab, hase yeeshee, Alshabaab dib ayay ula soo noqotay deegaannadaas 2025-kii. Laga soo bilaabo markaas, horumarka ururku samaynayay wuu istaagay, sababtoo ah xukuumadda oo helaysa taageero dibadda ah ayaa weerar ba’an ku qaadday deegaanno dhawr ah, siiba deegaannada Muqdisho u dhow. Isbeddelladani waa kuwo soo jiitamayay muddadii lagu jiray dagaalkan dheer ee ku suntanaa xaalad ah i jiid aan ku jiidee, muddadaas dheerna aan laga gaadhin wax xal ah. Si xukuumaddu xaaladdeeda u hagaajiso, waxa ay u baahantahay xoojinta awoodaheeda millatari, weliba xilli Midawga Afrika uu u diyaar garoobayo soo afjaridda hawlgalladiisa nabad ilaalinta ah.
Xoojinta awoodaha millatari ee xukuumadda waxa loo mari karaa in la adkeeyo barnaamijka tababaridda ciidamada, iyo dhisidda ciidamo heer maamul-goboleed ah oo ka taageera haysashada dhulalka ay ka qabsatay Alshabaab. Waxa kale oo habboon helidda qaabab isku soo dhawaansho oo aan millatari ahayn, sida dhiirrigelinta in gargaar bani’aadamnimo la gaadhsiiyo gobollada uu ururku gacanta ku hayo iyo in la wado raadinta fursado wadahadal lagula yeesho Alshabaab.
Bishii August ee 2022, xukuumaddu waxa ay ka faa’idaysatay kacdoonka beesha Xawaadle oo gobolka Hiiraan ka sameeyey dagaallo ay ku qaadeen Alshabaab. Xukuumaddu waxa ay ciidamo ku biirisay malleeshiyaadka qabiil (ee loo yaqaan Macawislay), waxaana u suurogalay inay ururka ka saarto deegaanno ballaadhan oo ka mid ah Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Ha yeeshee, xukuumadda Muqdisho may lahayn istiraatiijiyad muddo dheer ah si ay guulahaas u adkaysato. Judhiiba waxa ay xukuumaddu culays kala kulantay helidda ciidamo ku filan sii haysashada dhulalkaas la qabsaday, iyo in kaalin qeexan loo yeelo malleeshiyaadka beelaha. Ciidamo badan ayaa xukuumadda ka tagay ka dib markii ay tababbarka dhamaysteen. Xukuumaddu waxa kale oo ay weyday taageero siyaasadeed, siiba dhinaca maamul-goboleedyada, oo aan si buuxda u taageerin hawlgallada.
Markii 2024 bilaabmay, xukuumaddu waxa ay dedaalkeeda u jeedisay dhinaca siyaasadda, siiba qorshaha qabashada doorashooyin cusub. Muqdisho waxa kale oo ka holcayey dhibaatooyinka siyaasad dibadeed, oo uu ku jiro is’afgaradkii 2025 dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ee ahaa in aqoonsiga Somaliland lagu beddesho Itoobiya oo xeebta soo gaadha, arrinkan oo Muqdisho u aragtay ku xadgudub qaran.
Kolkaas ay Muqdisho mashquushay, Alshabaab dib u habayn gudeed ayay isku bilawday, ugu dambaynna waxa ay Feebarweri 2025 bilawday weerar. Waxa ay beddeshay qaar badan oo ka mid ah hoggaankeedii, waxaanay heshiisyo la gashay qaar ka mid ah malleeshiyaadkii ay 2022 ilaa 2023 la dagaallantay. Waxa ay dadka deggan badhtamaha Soomaaliya u dirtay farriin nuxurkeedu yahay inaanay wax aargoosi iyo ciqaab ah waajahayn kolka ay deegaannadooda dib u qabsato.
Taatikooyinkaasi si weyn bay u guulaysteen, ururkuna waxa uu lasoo noqday haysashada inta badan Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Ha yeeshee, weerarradii lagu ekeeyey Shabeellaha Hoose oo Muqdisho u dhow, waa uu ka guul yaraa. Ciidamo ka kooban kuwa Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika oo dhinaca cirkana taageero ka helaya Maraykanka iyo Turkiga ayaa ururka ka saaray tuulooyin is xig xiga oo ku teedsan webiga Shabeelle oo uu ururku bilo ka hor markaas qabsaday.
Horumarka ururka Alshabaab gaadhay 2025 waxa uu sababay dib usoo celinta maabkii dhul haysiga ee ururka oo dib ugu ekaaday kii 2022 ka hor intaanay xukuumaddu weerarka ku qaadin. Khasaarahani waxa uu cabsi galiyey saaxiibbada Muqdisho ee caalamiga ah oo ka shakiyey awoodda xukuumaddu u leedahay hor istaagga kooxaha hubaysan, iyadoo dawlad-dhiska Soomaaliya uu soo socday tobannaan sanno. Hoos u dhaca maalgelintii hawlgalka Midawga Afrika ee tiirdhexaadka u ahaa nabad ilaalinta Soomaaliya, ayaa astaanta ugu weyn u ah hoos u dhaca rejadii saaxiibbadani lahaayeen. Walow Muqdisho weli haysato in ku filan oo ah awoodda maxalliga ah iyo taageerada dibadeed oo ay ku horjoogto Alshabaab, se haddana awoodda ay u leedahay inay miisaanka dhinac u riddo waa mid aan rejo badan laga qabin.
Haddii ay Soomaaliya ka gudubto dhibta kasoo muuqata doorashada 2026, xukuumadda cusub ee timaaddaa waxa ay fursad u haysataa inay dib u qaabayn ku samayso dedaallada lagula dagaallamayo Alshabaab. Si yoolkan loo rumeeyo, xukuumadda la gudboon inay mudnaanta ugu xooggan siiso ciidan dhiska, iyadoo la hagaajinayo barnaamijyada tababbarka iyo mushaharka ciidamada. Waxa kale oo xukuumaddaas cusub ku waajib ah inay maamul-goboleedyada kala shaqayso xoojinta la dagaallaka Alshabaab iyo dawaynta ismaandhaafyada ka hortaagan iskaashi.
Soomaaliya waxa ay 2022 shaacisay hawlgallo ciidan oo ka dhan ah Alshabaab, iyadoo ka faa’idaysanaysay kacdoonkii beesha Xawaadle, ee gobolka Hiiraan. Hawlgalladani waxa ay bilawgii suurogaliyeen qabsashada dhul ballaadhan. Se, kacdoonkan iyo hawlgalladani sii may raagin, sababtoo ah waxa judhiiba hoos u dhacday xamaasaddii beeleed, waxaana faafay musuqii lagu waday qaababka ciidan qoroshada iyo maalgelinta. Ciidanku waxa kale oo uu dhibaato kala kulmay sii haysashada dhulalkii la qabsaday. Ciidanku waxa uu dharbaaxo weyn la kulmay ka dib weerarkii ay Alshabaab ku qaadday saldhigii Caws-Weyn, 2023-kii, markaas oo xaaladdii dagaal mid taagan isku beddeshay.
Isla jeerkan, hawlgalka ciidan waxa uu bannaanka keenay dhibaatooyinka qaabdhismeed ee ka dhex jira haayadda ciidan, sida inaanay ciidamo tababbar ku filan haysan, hub yaraan, korodhka heerka ka bixista ciidanka, musuqa faafay iyo askarta caaglayaasha ah ee lagu mushahar qaato. Waxa kale oo maqnaa ciidamo maxalli ah oo la wareega nabadgalyada deegaannada la qabsaday, arrinkan oo ciidanka ku khasbay labada hawlood ee kala ah sii haysashada dhulka lala wareegay iyo qabsashada dhul cusub.
Dhinaca siyaasadeedna, xukuumaddu may haysan istiraatiijiyad isku xidhan oo muddada dheer ah, sidoo kalena waxa ay la kulantay mucaaradad iyo shakigelin uga timid hoggaanka maamul-goboleedyada, oo ku saabsan hubayn malleeshiyaadka beelaha. Isla xilligan, waxa kordhay khilaafka xukuumadda Soomaaliya la gashay Itoobiya iyo Somaliland, waxa ay faraha la gashay wax-ka-beddelka distuurka oo muran dhaliyey iyo khilaafka kala dhexeeyey Jubalaan iyo Koonfur-galbeed. Arrimahani waxa ay sii kordhiyeen kalaqaybsankii gudeed, siyaasadda mudnaanta la siiyeyna waxa ay isu beddeshay wax wiiqa midnimadii xukuumadda oo jilciyey hawlgalkii Alshabaab ka dhanka ahaa.
Ka dib markii Alshabaab ay ku wiiqantay hawlgalkii ciidanka iyo Macawislay ku qaadeen 2022 ilaa 2023, labadii sanno ee 2023 iyo 2024 ururku waxa uu waday dib u qaabayn gudihiisa ah iyo u diyaargaroobidda soo cesashada deegaannadii gacantiisa ka baxay. Bishii February ee 2025, ururku waxa uu soo qaaday weerar kedis ah oo uu ka gaystay gobolka Shabeellada Dhexe, bilo gudahoodna waxa uu ururku ku qabsaday deegaannadii hore looga qaaday. Haddana, bishii Julaay ayaa uu ururku weerar ku qaaday gobolka Hiiraan. Ururku waxa uu horumar ka sameeyey Shabeellada Hoose iyo jidka taga Muqdisho. Arrinkani waxa uu dhaliyey cabsi ah in ururku caasimadda soo gaadho, walow hadafka ururku ahaa lasoo noqoshada dhulkii hore looga qaaday.
Guusha ururku waxa ay ku suurogashay awoodda ay u yeelatay la janqaadidda isbeddellada. Ururku waxa uu dib u habayn ku sameeyey qaabdhismeedkiisii hoggaamineed, ka dib guuldarradii hore, oo waxa uu magacaabay masuuliyiin cusub oo qabta maamulka millatariga iyo sirdoonka. Waxa kale oo uu ururku ka faa’idaystay hoggaanno xidhiidho xooggan la leh beelaha, si loogu qanciyo inaanay xukuumadda iskaashi la yeelan. Ururku waxa kale oo uu xoojiyey hawgallada ciidan qorashada, waxaanu ka faa’idaystay gadoodkii bulsho ee ka dhashay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo dagaalyahanno cusub ku heleen. Ciidamada dawladda ayaa laftoodu qaar xogo gudbiyeen, weerarro gudaha ahna gaysteen. Sidoo kale, ururku waxa uu qaabab iska ilaalin ah u samaystay duqaymaha cirka, sida hogag iyo ku dhuumashada masaajiddada.
Dhinaca siyaasadeed iyo bulshana, ururku waxa uu ku dedaalay inuu wiiqo isbahaysiga xukuumadda iyo beelaha. Ururku waxa uu xidhiidh la sameeyey beelihii hore uga qayb galay la dagaallankiisa, waxaanu usoo bandhigay joojinta kala aargudashada iyo weerarrada, haddii ay xukuumadda iskaashiga kaga baxaan. Waxa kale oo ay diideen burburinta mashaariicda dawladdu ka fulisay deegaannada ay qabsadeen, si ay u muujiyaan inay yihiin awood xasillooni wadda. 2025, natiijooyin waaweyn baa soo baxay: inta badan Shabeellaha Dhexe ururku gacanta ayuu ku dhigay, halka xukuumaddu deegaannada xeebta ee Galgaduud iyo Mudug ay haysato, sidoo kalena taageerada ay ka helayso dalalka kale awgoodna ay ku joojiso horumarka ururku samaynayey.
Nuskii dambe ee 2025, weerarkii Alshabaab waa uu is dhimay, ururkuna waxa uu doorbiday inuu awooddiisa ku xididdeeyo gobollada uu qabsaday halkii uu deegaanno cusub qabsan lahaa. Isla dhinaca kale, xukuumaddu waxa ay xoogga saartay ilaalinta deegaannada ku hareeraysan Muqdisho, iyadoo taageero ka helaysa Midawga Afrika, Maraykanka iyo Turkiga. Qodobkani waxa uu joojiyey isfidintii Alshabaab, dagaalkuna waxa uu dib ugu noqday is hor fadhigii aan horumarka badan lahayn ee xaaladda Soomaaliya kusoo jirtay sannadaha badan. Horumar la’aantan lafteedu ma aha xaalad taagan, ee waa mid ku suntan in kolba dhinac is fidiyo, markasta oo dhinac is fidiyana, ka kale ayaa hela qaabab cusub oo uu dheellitir ku sameeyo.
Alshabaab iyo xukuumadduba waxa ay samaysteen istiraatiijiyado cusub intii marxaladdan cusub lagu jiray. Xukuumaddu waxa ay badisay duqaymaha cirka iyo beegsiga gaarka ah ee hoggaanka ururka, iyadoo xoogga saartay ilaalinta deegaannada ku hareeraysan caasimadda. Alshabaabna, waxa ay isku xididdaysay deegaannada ay dib u qabsatay ee hore looga haystay, waxaanay u magacawday maamullo dadka deegaanka ah. Waxa kale oo ay xoojisay odayaasha dhaqanka oo dadka ay u adeegsato, waxaanay dhintay dhaqamadii hore loo dhibsanayey sida ciidamaynta khasabka ah, guurka khasabka iyo cashuurta badan, walow ay weli soo joogtayso jidaynta xeerarkeeda diineed iyo bulsho ee ad’adag.
Ururku waxa kale oo uu muujiyey inuu qaab xeeladaysan oo dheef ku salaysan kula dhaqmo bulshada deegaanka. Waxa ay yaraysay weerarradii habqanka ahaa ee Muqdisho, waxaanay xoogga saartay yoolasha xukuumadda. Waxa uu ururku meesha ka saaray xayiraaddii ganacsi ee muddada dheer saarnayd gobolka Baay iyo Bakool, waxaanu u furfurmay in gargaar aadame la keeni karo gobollada ay hasytaan.
Hadda, dagaalka xukuumadda iyo Alshabaab waxa uu galay xaalad taagni ah oo aan dhinacna horumar ka samaynayn gaadhidda guul dhinac u ridda xaaladda taagan. Alshabaab weli waxa ay bulshada dhexdeeda kaga suntantahay urur ad’adag oo cabudhin wada, halka weli xukuumaddu ku tiirsantahay taageero dibadeed. Waxa suurogal ah in dagaalkani taagnaado sannado badan, haddii aan isbeddel gunta ahi dhicin, sida in ciidamada hawlgalka nabad ilaalintu ay degdeg u baxaan, ama soo kabasho dhaqaale oo weyni dhicin. Sidaas darteed, xukuumadda waxa ku waajib ah, inay xoojiso awooddeeda ciidan, xaaladda gudeedna tabashooyinka ka dawayso oo ay xitaa wadahadal Alshabaab lala yeesho suurogaliso. Saddexdan qodob, waa kuwo xukuumadda awood cusub siinaya:
Waa in dib-u-habayn ciidan la bilaabo, si meesha looga saaro ku tiirsanaanta Soomaaliya ee taageerada dibada. Waa in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo sababaha keenay guuldarradii iyo luminta deegaannadii la qabsaday. Waa in sidoo kale xukuumaddu yeelato istiraatiijiyad muddada fog ah oo lagu saleeyo in dhulka si tartiib ah lagula wareego.
Dhibaatada Soomaaliya kuma koobna awood millatari, ee sidoo kale waa siyaasad. Kala qaybsanaanta ka dhex jirta gudaha iyo khilaafka ka dhex taagan xukuumadda iyo maamul-goboleedyadu, waa wax wiiqaya dagaalka Alshabaab. Sidaas darteed, waa in laga heshiiyaa qaddiyadaha taagan ee la xidhiidha federaalka, doorashooyinka, ciidamada iyo arrimaha kale, xitaa iyada oo aan heshiis buuxa la wada gaadhin. Waa in maamul-goboleedyada laga qaybgaliyo hawlgallada millatari, sidoo kalena masuuliyadahooda la qeexaa.
Dagaalka keliya laguma soo afjari karo hawlgallo millatari, waxa loo baahan yahay fududaynta jidka wadahadallada. Waa in odayaasha dhaqanka loo adeegsadaa dhexdhexaadinta sidoo kalena la fududeeyaa qaabab wadajira oo dadka tabaalaysan lagu gaadhsiin karo gargaarka. Arrimahani waxa ay si tartiib ah u dhisi karaan kalsooni, ugu dambayn keena in la isa soo hor fadhiisto.