Tuesday 19 May 2026
Muddooyinkii dambe, Maraykanku waxa uu kusii adkaysanayaa go’aanka cunaqabataynta Iiraan ee dhinaca dekedaha, si loogu riixo wadahadal heshiis lagu gaadho. Ku adkaysigan awgii, waxa uu aaminsan yahay in waxa hawlgallada milatari dhabayn kari waayeen, lagu xaqiijin karo cadaadis dhaqaale, gaar ahaan xilli Iiraan ay la daalaadhacayso culaysyo maaliyadeed iyo dhaqaale oo cidhiidhi geliyey, sida hoos u dhaca lacagta dalka, kor u kaca sicirbararka, shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinka dagaalka; intanna waxa hadda ugu darsamaya cunaqabataynta cusub oo cidhiidhi gelinaysa marinka Hurmus. Sidaas daraaddeed, sida la aaminay, Iiraan uma dulqaadan karto cunaqabataynta iyo saamaynteeda ganacsi, markaa waa wax ku khasbaya inay miiska timaaddo. Go’aanka dib ugu laabasahda miiska wada hadalka waxa qaadashadiisa ka qayb qaadan kara arrinka soo noqnoqday ee ah in ay jirto koox gudaha Iiraan ah, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Baaqir, kuna jiro Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabbaas Caraaqji, ay ku baaqayso in dabacsanaan loo muujiyo heshiis lagu helo dib usoo cesashada hantida xayiran, cunaqabatayntana badh lagu qaado, arrimahan oo xaaladda adag dabcinaya.
Xaaladdan oo jirta, Maraykanku waxa uu qaatay go’aanka cunaqabataynta ka dib laba maalmood oo sugitaan ahaa iyo hadallo kala duwan oo kasoo baxayay xilliga kooxda Iiraan u safrayso Islaamabaad. Dhawr jeer baa la xaddiday xilliga safarka, haddana laga noqday, iyadoo tilmaanta Iiraan ay bixinaysay ay u dhaxaysay mawqif laalan iyo imaatin shardi lagu xidhay si looga qayb galo wareegga labaad, arrinkan oo kaalin ka qaatay shaki gelinta go’aanka Maraykan, oo aan ka rejo dhigin imaatinka wafdiga Iiraan, ilaa ugu dambayn ay u caddaatay in wareeggaasi baaqday. Intan ka dib, Golaha Nabadda Qaran ee Guriga Cad waxa uu qabtay shir lagu eegayo go’aannada lagu beddelan karo wadahadallada baaqday, oo laba go’aan uun kusoo ururay: in xabbadjoojinta muddada loo kordhiyo, ama in lagu dhaqaaqo fulinta hanjabaaddii Madaxweynaha ee in dagaalka lagu laabto ahayd, Aqalka Cadina uu ku dedaalay inuu buunbuuniyo.
Waxa muuqatay in Madaxweyne Trump uu u janjeedhay go’aanka labaad, se cawaaqibta ka dhalanaysa ayaa ku khasbay in uu ka joogsado go’aankaas, oo uu waafaqo “codsiga Taliyaha Ciidamada Baakistaan, Caasim Muniir, ee ahaa in la kordhiyo muddada xabbad joojinta” ilaa inta go’aanka Iiraan u bislaanayo imaatinka wadahadallada.
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry, ayaa shaaciyey “kalsoonida uu ku qabo suurogalnimada in labada dhinac helaan xaalad ay wadaagaan”, iyada oo laga dhimbiil qaadanayo in heshiisku labada dhinacba dan u yahay. Laakiin dhab ahaan, arrimuhu sidan ma u socon doonaan? Oo cadaadiska dhaqaale ee lagu keenay cunaqabatayntu go’aanka Iiraan ma bislayn karaa?
Trump waxa uu ku khasbanaaday in uu go’aanka milatari dib uga laabto, oo uu muddo kordhin u sameeyo xabbad-joojinta. Beddelka ah hawlgal milatari waa mid khasaare badan ku kacaya, welibana waa khasaare faa’ido u leh Shiinaha, oo noqonaya cidda koowaad ee faa’ido ku qabta Maraykanka oo muddo dheer dagaal ku jira. Ilaa haddana, dagaalku waxa uu khasaare weyn ku joogaa Maraykanka; hadhaagii taageero, sida aftida wakaaladda AP muujinayso, waxa uu hoos u gaadhay boqolkiiba 33. Maamulkii Madaxweyne Trump ayaa khalkhal ka dhex jiraa; Wasiirkii Shaqada, Lori Chaves-DeRemer, ayaa is casishay, waanay adkayd inay xilka sii hayso ka dib fadeexaddii kusoo baxday, Wasiirkii Ciidamada John Phelan (oo ka hoos shaqaynayey Wasiirka Dagaalka, Pete Hegseth) ayaa xilka laga qaaday, waxaana ka horraysay Kristi Noem, Wasiirkii Amniga Gudaha oo xilka laga qaaday, halka Trump-na uu xilka ka qaaday Pam Bondi, Wasiirkii Caddaaladda.
Sida ay aaminsanyihiin dhinacyo kala duwan oo daneeya lana socda faylkan, ku khasbanaanta Trump ee dheereynta muddada xabbad joojintu waxa ay ahayd wax laga fursan waayay, oo uu ku khasbanaaday. Xilligan, go’aan qaadashada maamulka Maraykan waa mid la’ dhabnimo iyo hannaan cad oo loo raaco go’aan qaadashada, sidoo kalena waa mid ka madhan khibraddii loo baahnaa. Natiijada ka dhalatay waa in aan waxyaabaha qaar lagu xisaabtamin, la isla haysan, xaaladaha iman karana aan la saadaalin. Tusaalaha ugu habboon waa in aan laga sii gaashaaman bilawgiiba suurogalnimada in marinka Hurmus la xidhi doono. go’aanka cunaqabataynta Iiraan waxa uu saxayaa dheelligaas hore, sida qiimaynaha qaar sheegayaan, oo waa dheellitirka go’aanka Iiraan Hurmus ku xidhay. Laakiin haddana, waxa jirta cabsi ah in Iiraan isla arrinkan uga faa’idaysato sii dheeraynta dhibaatada Hurmus. Madaxweyne Trump kaadhkan ma haysto, oo wakhtigu waa cagsiga isaga marka marinka Hurmus la joogo.
Waayidda shan meelood meel baahidii suuqa ee maalinlaha ahayd ee shidaal, iyo cidhiidhiga dhaqaale ee ka dhashaa waa wax aanu Maraykan iska xejin karin, muddo dheerna la noolaan karin. Kolkanna, go’aankii hawlgalka milatari baa bedka is keenaya. Si haddaba kan dambe looga fogaado, waxa muuqata in Aqalka Cad uu si xooggan ugu tiirsan yahay kaalinta Baakistaan ee dib usoo noolaynta wadahadallada ay kooxda dheef raadiska ah ee Maraykan dhinaciisa u janjeedho, iyagoo kasoo horjeeda koox muxaafidiin ah oo janaraallo hawlgab ahi ku jiraan, oo u gacan haadinaya waajibnimada “dhammaystirka hawlgallada milatari”, ilaa haddana waa laba dhinac ee Maraykan ka dhex jira.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.