Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Cunaqabataynta Dhaqaalaha Caalamiga ah

19 April, 2026
Image
Aadan Haniye
Share

Xilli dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay sida wadajirka ah ugu qaadeen Iiraan uu sababayo burbur baaxad weyn, haddana inta u badan indhaha dunidu waxa ay ku jeedaan marinka Hormus, marinkan cidhiidhiga ah ee shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunidu maro. Xilliyada caadiga ah, maraakiibta ka gudbaysa marinkan dhereran laga soo bilaabo Cumaan iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Iiraan oo dhinaca kale ah, waxa ay maraan laba jid oo ballaca dhinac kastaa yahay laba mayl, una dhexeeyo marin isaguna laba mayl ah oo badqabka loogu talagalay. Waxyar ka dib markii dagaalku qarxay, Iiraan waxa ay bilawday inay bartilmaameedsato maraakiibta ganacsi, miinooyin baanay ku aastay marinka, arrinkan oo dhaliyey in isu-socodkii marinku xidhmo. Markii lasoo gaadhay 18-kii Maaris, maraakiib ku siman 3,200 markab ayaa ku xannibnaa Khaliijka, iyadoo tiro kooban oo ka mid ah maraakiib shidaal sidda loo oggolaanayey inay gudbaan.

Xidhitaanka halbawlahan muhiimka ahi waxa uu suuqyada ka dhaliyey khalkhal weyn, oo qiimaha foostada shidaalka ah ayaa muddo kooban ku gaadhay 120 doollar sagaalkii Maaris, heerkan oo noqday kii ugu sarreeyey laga soo bilaabo kolkii Ruushku ku duulay Yukrayn ee habqanka weyni ka dhacay suuqyada. Donald Trump waxa uu saaxiibbada Galbeedka ugu baaqay inay ka kaalmeeyaan galbinta maraakiibta shidaalka ee marinka ka gudbaysa, si loo dejiyo qiimaha cirka isku shareeray, se ilaa hadda jawaab ma helin. Mar kale waxa uu ku baaqay beegsiga xarumaha korontada ee Iiraan, haddii xukuumaddeedu diiddo inay marinka furto. Sidan buu shidaalku ku noqday muraayadda laga dheehdo khasaaraha dagaalka, waana khasaare aan tirakoob lahayn.

Werwerka iyo walaaca judhaba ka dhalanaya xidhitaanka marinka Hormus waa mid ku dabo leh xusuus ka timi 1973-kii, berigaas oo dalal Carbeed oo shidaalka soo saaraa diideen inay shidaalka ka iibiyaan Maraykanka iyo dalal kale oo reer galbeedka ah, iyagoo jawaab uga dhigaya taageerada ay dalalkani siiyeen Israa’iil. Afar jeer buu qiimuhu is libanlaabay bilo gudahood, waxaanu sababay in dhaqaaluhu fadhiisto, sicirbararkuna cirka tago. Tallaabadaasi waxa ay abuurtay aaminaadda ah in Bariga Dhexe haysto hub dhab ah oo awood u siinaya inuu dhaqaalaha dunida fadhiisiyo. Laga soo bilaabo kolkaasna, hoggaamiyayaasha Galbeedka iyo dad badan oo dagaallada faalleeyaa, waxa ay dagaallada Bariga Dhexe u arkeen wax halis ku ah qulqulka tamarta caalamiga ah.

Hase ahaatee, sawirkaas Khaliijka ka dhigayay keliya il shidaalka caalamiga ahi kasoo burqado ma aha mid maanta sidaas uun usii shaqaynaya. Waa run in weli shidaalka iyo gaasku yihiin waxa saldhigga u ah hantida gobolkan, se shirkadaha tamartu ma aha kuwo ku kooban soosaaridda shidaalka qaydhin iyo dhoofintiisa. Tobankii sanno ee u dambeeyey, shirkadahani waxa ay isku beddeleen shirkado waaweyn oo waxsoosaar, shaqooyin kala duwanna qabta, iyagoo ku tallaabsanaya nidaam ballaadhan oo waxsoosaar iyo ganacsi isugu jira, oo leh warshado kiimiko, xarumaha carronafaqeeyayaasha, jidadka rarka iyo xarumaha shixnadaha.

Isbeddelkan gunta ahi waxa uu xoojiyey dhexgalkii dalalka Khaliijka ee dhaqaalaha caalamiga ah, oo u dhex galay si in badan ka sarraysa sidii ay ahaayeen konton sanno ka hor. Kol haddiiba maaddooyinka kiimiko ee lagu soo saaro Khaliijku ay maanta kaabaan wax kasta, laga bilaabo warshadaha Shiinaha ilaa beeraha Ameerikada Koonfureed, khalkhal kasta oo gobolkan ka dhacaa waa mid hal mar wada saamaynaya waxsoosaarka warshadeed ilaa nidaamka cunto ee qaaradaha dunida. Waa sababta saamaynaha dagaalkan hadda socdaa uga ballaadhanayaan saamaynaha xayiraaddii 1973-kii, kana musiibo iyo dhibaato weyn qiimaha shidaal ee la xusayo, siiba marka la eego saamaynta uu ku yeelanayo dadka ku nool dalalka Koonfurta Dunida.

Tobannaan sanno ka dib Dagaalkii Labaad ee Dunida, waxa soo baxay kaalinta Khaliijku ku leeyahay suuqa khidaalka caalamiga ah. Qorshayaashii dib-u-dhis ee dagaalka ka dib, Maraykankuna taageerayey, waxa ay sababeen ujeedsiga shidaalka qaydhin ee rakhiiska ah, sida fududna looga soo saari karo dalalka Khaliijka iyo Iiraan, si Yurub uga gudubto dhuxusha, una gudubto shidaalka. Kolkan, shidaalka dunida waxa gacanta ku dhgiay toddoba shirkadood oo reer Galbeed ah, dalal badanna ka hawlgala, loona yaqaannay toddobada walaalaha ah. Isugayn shirkadahani waxa ay gacanta ku dhigeen boqolkiiba sagaashan waxsoosaarka shidaalka caalamiga ah ee ka baxsan Maraykanka iyo Midawgii Soofiyaati. Waxa ay si dhamays ku dhow gacanta ugu dhigeen warshadaha sifaynta, tuumbooyinka iyo maraakiibta shidaalka qaada.

Lixdanaadkii iyo toddobaatanaadkii ayaa uu bilaabmay hoos u dhaca gacan ku haynta Galbeedka ee warshadaha shidaalku. 1960-kii ayaa la aasaasay OPEC, meelo ka mid ah Bariga Dhexena waxa la qarameeyey warshadaha shidaalka, waxaanay noqdeen tallaabooyin awooddii shidaal qodista iyo soosaariddiisaba ku wareejiyey shirkado ay leeyihiin dalalka shidaalka hodanka ku ahi. Khaliijka waxa kasoo baxay shirkado sida Aramco ee Sacuudiga iyo Shirkadda Batroolka ee Abudhabi, oo saamayno xooggan yeeshay.

Hase ahaatee, kalaguurkan ku dhacay mulkiyaddu waxa uu noqday mid saamayn gaar ah leh. Dalalka Khaliijku gacanta waa ay ku dhigeen soosaarista shidaalka qaydhin, se tiro kooban oo shirkadaha Galbeedka ah ee waaweyn, sida BB, Shell, Chevron iyo Exxon, ayaa weli gacanta kusii haya maamulka inta badan shaqooyinka ku xiga soosaarista shidaalka qaydhin, sida sifaynta, soosaarista maadooyinka kiimiko, gacan ku haynta shabakadaha shixnadaha, iyo suuqgaynta waxsoosaarka shidaal ee la isticmaali karo. Laga soo bilaabo kolkii xayiraadda shidaal dhacday 1973-kii, shirkadahani waxa ay ka faa’idaysteen gacan ku hayntooda kaabayaasha rarka iyo qaybinta shidaalka ee caalamiga ah, si ay goobaha kale u gaadhsiiyaan shidaalka qaydhin, loogana digtoonaado cunaqabatowga jidadkan. Halkan ayaa ay kasoo baxaysaa marinhabaabinta lagu sameeyey sawir ka bixinta xayiraaddaas dhacday 1973-kii, oo loo sawiro in “wadaaddo imaan la’” ay dunida baqo maaleen, se xaqiiqada dhabta ahi ay tahay in shirkado shidaal oo Galbeedku leeyahay xayiraadda uga faa’idaysteen jaangoynta qiimaha, saska xayiraaddaas laga qaadayna uga faa’idaysteen dhabaynta macaash badan.

Jiquraafiga ganacsiga shidaalku waxa uu u jihaysnaa Galbeedka intii badnayd qarnigii labaatanaad. Shirkadaha galbeedka ayaa iibsan jiray shidaalka qaydhin ee laga soo saaro Khaliijka, iyagaana u shixnadayn jiray suuqyada Yurub iyo kuwa Maraykan, halkaas oo lagu safaynayey, loona beddelayey noocyo kala duwan oo shidaal iyo waxsoosaarro kale oo kiimiko ah. Laakiin, qaabdhismeedkani waxa uu bilawgii labada kun bilaabay isbeddel muuqda, iyadoo kolkan jihadu noqotay Bariga. Shiinaha oo noqday geerashka dunida, waxa uu keensaday adeegsi badan oo tamarta ah, waana arrinka labaatankii sanno ee u dambeeyey dib u qaabayn weyn ku sameeyey dhoofintii shidaalka ee Khaliijka oo kolkan intiisa badani u jihaystay Bari, kana soo weecday jihadi Atlaantika.

Sannadkii 2000, qaybta Shiinuhu ku lahaa soodhoofsiga shidaalka caalamiga ahi kamay badnayn boqolkiiba hal, manta se saamiga uu ku leeyahay waa mid ku siman boqolkiiba 25 shidaalka dunida lasoo dhoofsado, oo sannadkii lasoo dhaafay, boqolkiiba afartan uu kasoo dhoofsaday Ciraaq iyo dalal Khaliijka ah. Isla muddadan, waxa kordhay qaybta Shiinuhu ku leeyahay gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, oo uu boqolkiiba labaatan gaaska dunida uu dhoofsado, afar meelood meel gaastaasna waxa uu 2025-kii kasoo dhoofsaday dalalka Khaliijka oo inta badan Qadar leedahay. Sidan buu Khaliijku ku noqday isha ugu weyn ee shidaalka u dhoofiya Shiinaha, iyo isha labaad ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah u dhoofiya, ka dib Ustareeliya. Iiraan waxa ay bixisaa boqolkiiba 13 dheeraad ah oo shidaalka Shiinaha loo dhoofiyo ah, waxaanu u dhex maraa Malayshiya si looga dhuunto cunaqabataynta.

Isbeddelladan ku yimi dhaqaalihii caalamiga ahaa waxa ay dib u qaabayn ku sameeyeen Khaliijka. Baahida sii badanaysa ee Shiinaha kobcayaa waxa ay ka qayb qaadatay in qiimaha shidaalka korodh xawli ahi ku yimaaddo tobankii sanno ee ugu horreeyey bilawga labada kun, arrinkanina waxa uu balaayiin doollar soo geliyey dalalka Khaliijka. Hantidan qayb ka mid ahi waxa ay gashay mashaariico dhismayaasha waaweyn ah, oo maanta dalalka Khaliijka si weyn uga muuqda, waxa qayb kale la galiyey hantida dibedda lagu leeyahay. Hase ahaatee, hantidaas balaayiinka doollar ah, qayb muhiim ah waxa dib loogu celiyey ballaadhinta shirkadaha shidaalka ee qaran, ee shidaalka shiila, siiba samaynta maaddooyinka kiimiko, balaastiga, carro nafaqeeyayaasha iyo waxyaabo kale oo warshadeed.

Shaqadan iyo dardargelintan cusubi waxa ay Khaliijka dhuunta u fadhiisisay silsiladaha caalamiga ah ee warshadaynta si ka badan kana qotodheer sawirkii hore loogu yaqaanay ee ahaa gobol ceelal shidaal leh, shidaalkaasna laga dhurto. Khaliijka oo kaalin kaga jiray samaysanka dhaqaalaha haydarokarboonka cusub, waxa uu kolkan isku beddelay xuddunta warshadaha iyo kaabayaasha warshadaha u xilsaaran inay haydarokarboonkaas u beddelaan maaddooyinka dhaqaalaha hantigoosadka ah ee cusubi ku tiirsan yahay.

Polyethylene iyo polypropylene waxa lagu tirayaa maaddooyinka kiimiko ee Khaliijku bilaabay soo saariddooda. Xabagtan balaastiga ahi waxa ay boqolkiiba lixdan ka tahay waxsoosaarka caalamiga ah ee balaastiga, oo waxa ay gashaa dhinacyo kala duwan, laga bilaabo moorgaraynta alaabta, alaabta la isticmaalo, tuumbooyinka warshadaha, xadhkaha korontada iyo nidaamyada kaydinta maaddooyinka kiimikada. Isla jeerkan, Bariga Dhexe, siiba Sacuudiga iyo Imaaraadku, waxa ay ka qayb qaataan wax ka badan boqolkiiba afartan dhoofinta caalamiga ah ee labadan maaddo. Waa heer ka sarreeya inta gobol kasta oo kale kaga qayb qaato. Si la mid ah shidaalka qaydhin ee ka yimaadda Khaliijka, inta badan maaddooyinkani waxa ay u jihaystaan suuqyada Eeshiya, siiba Shiinaha. Saddex meelood meel polyethylene-ka uu Shiinuhu soo dhoofsadaa waxa uu ka yimaaddaa Khaliijka. Ka dib, maaddooyinkan oo laga dhigay alaabo kamadambaysa ah— la adeegsan karo, ayaa dunida kale kusii faafa.

Khaliijku waxa kale oo uu ka qayb qaataa wax ka badan afar meelood meel methanol-ka dunida loo dhoofiyo, boqolkiiba 45 kibriita dunidu dhoofiso, iyo qaddar u dhexeeya boqolkiiba 30 ilaa 40 dhoofinta hilyamka dunida. Kuwani ma aha alaabo liita. Methanol-ku waa maaddo lagamamaarmaan u ah samaynta balaastiga, rinjiga iyo agabka dhismaha. Kibriidka waxa loo rogaa “sulphuric acid”, oo loo adeegsada carro-nafaqeeyayaasha iyo habaynta macdanaha. Hilyamka laftiisa, loogama maarmo samaynta “semiconductors”-ka, nidaamyada duulimaadyada, nidaamyada hawada sare iyo farsamooyin kale oo horumarsan. Kol haddii maaddooyinkan kiimiko la soo saaro iyagoo ah waxsoosaar ku lammaan dhaqaalaha haydarokarboonka, inta badan shirkadaha soosaaraa waa shirkado taabacsan shirkadaha shidaalka ee Khaliijka, sida ADNOC, QatarEnergy iyo Aramco.

Waa dhif in dadka aan takhasuskan lahayni ka fekeraan maaddooyinka kiimiko, haddana waa kiimikooyin aan looga maarmayn samaynta alaabo tirobeel ah. Ka warqabid la’aantaasina waxa uu khalkhalinayaa sawirka aynnu ka haysanno qaabka silsiladaha iskuxidhka dunidu u shaqeeyaan, oo waxa qarsoon xidhiidhka joogtada ah ee silsiladahani la leeyihiin shidaalka la qodo. Marar badan, baytariyada iyo “semiconductors-ka” waxa looga hadlaa sidii in ay ka baxsan yihiin dunida shidaal qodista. Hase ahaatee, soosaaristoodu waa mid gebi ahaanba ku tiirsan maaddooyin kiimiko oo ka dhex unkamay dhaqaalaha haydarokarbooniga ah.

Indooniisiya ayaa arrinkan si waadax ah usoo bandhigaysa. Waxa ay kaalinta koowaad kaga jirtaa soosaarista macdanta nickel ee dunida, waxaanay soo saartaa kala badh birta adag ee nickel-ka, waxa kale oo ay si degdeg ah u ballaadhisay awoodda weyn ee ay u leedahay soosaarista macdanaha ku dhamaada baytariyada gawaadhiga elektarooniga ah. Hase ahaatee, soosaarista nickel-ku waxa ay ku tiirsantahay in la shiilo iyadoo la adeegsanayo “sulphuric acid”, soo saarista aysiidhanina waa mid ku sii tiirsan kibriidka oo intiisa badani ka timaaddo Khaliijka, waana wax afar meelood saddex ka ah waxa Indooniisiya soo dhoofsato. Sidaas awgeed, Khaliijku kama baxsana silsiladaha macdnaha.

Kolka laga yimaaddo ganacsiga tamarta ee lafdhabarta u ah dhoofinta Khaliijka, waxyaabaha aan tamarta ah ee Khaliijku kaga qayb qaato dhaqaalaha caalamiga ah waxa ugu mudan waxsoosaarka cuntada. Qiyaasaha qaar waxa ay tilmaamayaan in dadka dunida ku nool kala badh ay ku tiirsan yihiin cunto loo adeegsaday carronafaqeeyayaasha nitrojiiniga ah, oo inta badan shirkadaha beeraha casriga ah ka shaqeeyaa ay u adeegsadaan inay ku buuxiyaan kaalintii carro nafaqeeyayaasha dabiiciga ahaa, si loo kordhiyo waxsoosaarka beereed. Carro nafaqeeyayaashaasi waxa ay ka bilaabmaan Ammonia, oo ah maaddo kiimikeed oo inta badan laga soo saaro gaaska dabiiciga ah.

Bariga Dhexe waxa uu maanta dhoofiyaa wax ku dhow boqolkiiba 28 ammonia-da dunida, Sacuudiga ayaana kaalinta labaad dunida kaga jira dalalka dhoofiya, marka laga yimaaddo Trinidad iyo Tobago oo kaalinta koowaad ah. Inta u badan ammonia-da waxa loo dhoofiyaa dalka Marooko, oo ay ku yaallaan warshadaha ugu waaweyn ee soo saara carro nafaqeeyayaasha, waxsoosaarkeedana waxa ay usii dhoofisaa Laatin Ameerika iyo Koonfurta Eeshiya. Hindiya ayaa ay dal kale oo si weyn ugu tiirsan ammonia-da Khaliijka, oo boqolkiiba 80 ammonia-da waxa ay kasoo dhoofsataa dalalka Cumaan, Sacuudiga, Qadar iyo Baxrayn. Dalalku Khaliijku, keliya ammonia-da uma diraan dibedda, ee dalalkooda gudahooda waxa ay maaddadan u beddelaan carro nafaqeeye, oo ay ugu horrayso urea, oo ah carro nafaqeeyayaasha nitrojiiniga ah ta loogu adeegsiga badan yahay. Dalalka Khaliijku aad bay sidan u sameeyaan, oo Sacuudigu waxa uu kaalinta koowaad kaga jiraa dhoofinta Urea, halka Cummaan ay ku jirto kaalinta afaraad. Isugaynta Khaliijku waxa uu haystaa saddex meelood meel urea-da dunida la dhoofiyo.

Shaqooyinkan warshadaynta kiimiko waxa ay la falgashan yihiin shirkadaha shidaal ee waddaniga ah ee Khaliijka. Tusaale ahaan Sacuudiga, shirkadda SABIC ee carro nafaqeeyayaasha beeraha soo saartaa, kuwa ugu horreeya waxsoosaarkana ah, shirkad kiimiko oo qayb ka ah Aramco ayaa saamiga u badan ku leh. Sannadihii dambe waxa xoogaystay iskuxidhka warshadaynta carro nafaqeeyayaasha iyo dhinaca haydarokarbooniga ah ee Khaliijka. Sannadkii 2024, shirkadda ADNOC waxa ay iibsatay inta badan saamiyada shirkadda OCI Global ee Holandiiska ahi ku lahayd shirkadda Fertiglobe oo ah mashruuc labada shirkadood wada bilaabeen sannadkii 2019. OCI waa shirkad ka shaqaysa kiimikooyinka beereed. Arrinkani waxa uu keenay in ADNOC gacanta ku dhigto shirkadda dunida ku hoggaamisa dhoofinta urea-da iyo ammonia-da, sidoo kalena ah shirkadda ugu weyn Bariga Dhexe ee soo saarta carro nafaqeeyayaasha nitrojiiniga ah.

Iyada oo maanta ka ganacsiga carro nafaqeeyayaashu uu ku jiro gacanta tiro kooban oo shirkado ka jira Khaliijka, dagaalkan Bariga Dhexe waxa uu sababayaa kor u kaca qiimaha cuntada, iyada oo marinkii ugu muhiimsanaa xidhan yahay. Waxa la arkay qiimaha carro nafaqeeyayaasha oo durbadiida kor u kacay, iyada oo qiimaha urea uu kordhay boqolkiiba afartan tan iyo 28-kii Feebarweri. Haddii khalkhalka iskusocod sii jiro xilligan la galayo xilli beereedka dunida waqooyi, beeralaydu waxa ay wajahi doonaan kharash ka badan intii hore, waxa kale oo ay wajahi doonaan suququl carro nafaqeeyayaasha ah, sida inta badan dhacdana, kor u kaca qiimaha cuntadu waxa uu culays ku noqon doonaa bulshada koonfurta dunida ee soo dhoofsata.

Dhoofinta alaabtani waxa ay ku tiirsantahay kaabayaasha dhaqaale ee alaabaha isaga gudbiya dunida iyo jidadka badeed ee dunida isku xidha. Koboca awoodda warshadeed ee dalalka Khaliijku waxa ay xoojisay kaalintooda loojistigga ganacsiga caalamiga ah. Xudduntu waa Imaaraadka, siiba dekedda Jabal Cali ee Dubay ku taalla, ahna dekedda Bariga Dhexe ugu weyn, iyo mid ka mid ah dekedaha ugu mashquulka badan dunida. Waa deked la sameeyey dhammaadkii toddobaatanaadkii, maantana waa dekedaha ugu muhiimsan ee alaabaha lagula kala wareego. Dhinac kalena, waa deked xuddun loojasti u ah hawlgallada milatari ee Maraykanka. Dekeddani waxa ay si tartiib ah u noqotay aag ganacsi oo ballaadhan, oo ay ku xeeran yihiin aagagga ganacisga xorta ah, aagag warshadeed iyo goobo loojasti. Xilligan waxa gacanta ku haysa DP World, oo ah shirkad dawladdu leedahay oo ka shaqaysa dekedaha iyo adeegyada loojasti. Dekeddani waxa ay ku jirtaa shanta dekadood ee ugu mashquulka badan dunida, boqolkiiba sagaal shixnadaha dunidana waa ay haysataa.

Dekedda Jabal Cali iyo dekedaha kale ee Khaliijka sida kuwa Abu Dhabi, Cumaan iyo Sacuudigu, waxa ay kaalin udubdhexaad ah kaga jiraan dhoofinta waxsoosaarka Khaliijka. Hase ahaatee, qodobkan ka sokow, waxa ay qayb laxaad leh kaga jiraan silsiladaha caalamiga ah ee warshadaha Shiinaha iyo Bariga Eeshiya ku xidha suuqyada kale ee dunida. Qiyaasaha qaar waxa ay tilmaamayaan in boqolkiiba 60% ganacsiga Shiinuhu la leeyahay Yurub iyo Afrika uu soo maro Imaaraadka. Sidan awgeed, Khaliijku keliya ma aha isha soo saarta tamarta iyo agabka warshadaha, ee sidoo kale waa albaab ganacsi oo aasaasi ah, oo warshadaha Eeshiya ku xidha dhaqaalaha dunida ee ballaadhan.

Waa dhif in jugaha dhaqaalaha caalamiga ah soo gaadha si siman loo qiyaaso. Sicirbararkii shidaalka ee toddobaataneeyadii keliya ma sababin fadhiisiga dhaaqalaha dunida horumartay, ee sidoo kale dhib ka sii ballaadhan ayaa uu ku furay dunida koonfureed, oo sicirbararka tamarta iyo hoos u dhaca macaashka alaab dhoofintu ku sababeen dalalka saboolka ah kusii badashada daymaha. Natiijada ka dhalatay waxa ay noqotay dhibaatadii daymeed ee siddeetanaadkii, ka dibna guntigiijiskii Liberaaliyada Cusub iyo dib-u-qaabayntii ku xigtay. Maantana jid kii u eg baa la hayaa.

Sababta raadka dhibaatooyinkan maanta ay sidii hore uga badanayaan waa in Khaliijku si qotodheer isugu xidho nidaamka cunteed iyo agabyada warshadeed ee dunida koonfureed laga adeegsado, sidaas awgeed, dhibta Bariga Dhexe ka bilaabantaa waxa ay taxnaanaysaa ilaa heer caalami, culayska u weynina waxa uu fuulayaa kooxaha ugu nugul. Dalal ay ka mid yihiin Hindiya, Bangaaladhesh iyo Indooniisiya, beerahoodu waxa ay ku tiirsanyihiin carro nafaqeeyayaashaas lasoo waarido, oo ay ku jiraan carro nafaqeeyayaasha nitrojiiniga ah ee Khaliijka ka yimaadda, sidaasna waxa ay carro nafaqeeyayaashani cunto u siiyaan boqollaal milyan oo dad ah. Suudaan, oo macaluushu qaybo badan oo dalka ka mid ah faraba’an ku hayso, cuntaduna suququl tahay, ku tirsanaanta carro nafaqeeyayaasha ka yimaadda Khaliijku waxa ay sii qotodheeraynaysaa masiibo qaraxda.

 

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.