Sheekadan gaaban Ikhyaar Axmed Ibraahin waxay ku soo gudbinaysaa gabadh halgankii ay wax walba ku weyday ee ahaa rejada sii noolaanshaheeda oo ay qunyar siyaasiyiin ka heshiinayaan.

Waa maalin jiilaal ah, kulaylkii ayaan ka hadhsanaya geed weyn oo ku dhexyaalla dhismaha guddiga la dagaalanka takoorka. Jawigu waa degganyahay, shaqaalaha intii shaqada ku soo laabanaysay way soo indho-guduudsanayaan, intii kalena sidaas bay isaga rawaxday.

Subax walba waxa aan saf dheer u galaa si aan biyo u helo, waxa aannu ku jirnaa meel nolosheedu bilowgii aad iigu adkeyd. In kasta oo aysan marna fududaan haddana waxa igu filan inaan la qabsaday ugu yaraan.

Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxa uu ku sugnaa magaaladan sannadihii dagaalka labada janaraal ka soo kabanaysa. Sida ay u camiran tahay kobaca degdegga ahina uga socdo magaalada, waxa aad moodi lahayd haddii aannay taarikhda waxba kaaga baxsanayn in aan weligeed dagaal ka dhicin.

Qoftii haweenayda ahayd waxay imika isa soo taagtay illinka qolkeeda. Gacma gariiraya intay albaabka ku cuskatay ayay madaxa iyo inteeda hore bannaanka ula soo baxday. Labadii indhood ee madaxeeda ka soo jeeday ayay jihooyinka degdeg ugu kala qaybisay.