Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Culeyska Haybta: Dhugashada Sawraca Isir ee Soomaaliga

31 May, 2026
Image
Culeyska Haybta: Dhugashada Sawraca Isir ee Soomaaliga
Share

In badan oo ka mid ah buugagga iyo diraasadaha antaraboolajiga, cilmibaadhaha ku abtirsada isla bulshada uu daraasaynayo waxa ay u arkaan cilmibaadhe mudnaan gaar ah leh; sababtoo ah waxa uu garanayaa afkii, waxa uu fahmayaa dhaqankii iyo soojireenkii bulsheed, waxaanu awood u leeyahay inuu dadka la xidhiidho oo uu dunidooda si fudud ku galo. Se, maqaalka ay qortay cilmibaadhaha Soomaaliyeed ee Ayaan Yaasiin Cabdi, ee cinwaankiisu yahay “The Gaze and the Gesture: Hypervisible Insiderness and the Politics of Recognition in Somali Ethnography”, waa mid gebi ahaan fikraddaa hore beddelaya. Waa mid soo gudbinaya sawir waaqaca u dhow, oo caqabado ka buuxaan: ku abtirsashada kooxi markasta ma aha wax fududeeya in si sahlan kooxdaas loo dhex galo, ee marar buu noqon karaa culays iyo imtixaan maalinle ah oo uu qofku ku xaqiijinayo sharcinnimo iyo inuu soo dhawayn helo.

Maqaalku waxa uu ku bilaabmayaa khibrad saaxadeed oo dhab ah, oo ay qoraagu kula qaadatay jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga, se maqaalku haddana kuma eka serdinta sheekadeeda shakhsiyadeed amaba keliya inay khibraddaas kasoo gudbiso cashar manhajiyeysan oo qallalan, ee khibraddaasi waxa ay isu beddelaysaa gorfayn qotodheer oo ku saabsan xidhiidhka aqoonta iyo ahaanshaha ka dhexeeya, iyo sida u talintu tahay akaadamiga dhexdiisa iyo dibaddiisaba. Diraasaddu waxa ay marka koowaadba bedka keenaysaa weydiin xooggan oo ah: maxaa ay ka dhigantahay inaad tahay gabadh Soomaaliyeed, madow, muslimad ah, jaaliyaddaas luuqad kula hadlaysa, oo la wadaagta xusuus iyo sooyaal, se haddana aad yaqiinsatid inaanay dhammaan tilmaamahaasi kugu filnayn si aad bulshadaas uga mid noqotid, oo laguu arko qof ka mid ah? Awoodda maqaalku weydiintan bay ku duugantahay, sababtoo ah waa mid si fudud u jabinaysa sawirkii sirmaqabnimada ku dhisnaa ee laga haystay ahaanshaha iyo abtirka, waana weydiin xoojinaysa fikradda ah in bulshadu soo dhawayso cilmibaadhe ka mid ah aanay bilawgaba ahayn mid la dammaanad qaaday, se ay tahay wax u baahan la falgal xooggan oo joogto ah.

Fikradaha ugu muhiimsan ee maqaalku soo gudbinayo waxa ka mid ah fikradda qoraagu u bixisay “ku talaxtagga kasoo dhex muuqashada”, oo ah fikrad ay uga jeeddo xaaladda aanu cilmibaadhuhu nefis iyo deggenaan ku dareemayn keliya inuu koox ku abtirsado, se cagsiga, ku abtirsigiisu sabab u noqdo in dadku si qotodheer u baadhaan una faalleeyaan. Kolka bulshadaasi ogaato inaad ka mid tahay, ayaa uu cilmibaadhuhu hoos imanayaa shaybaadhka bulshadaas: siday u hadlaysaa? Maxaa ay xidhan tahay? Siday u fadhiisataa? Dadka kale qaddarin ma u muujisaa? Diin ku dhaqan fiican ma leedahay? Se miyey kala garanaysaa xilliga la hadli karo iyo xilliga ay tahay inay aamusto? Kolka xagashan laga eego, u dhawaanta dadku keliya masaafadii idiin dhaxaysay ma tirayso, ee waxa ay abuuraysaa masaafo nooc kale ah oo ka xanuun kulul nooc kasta oo kale, sababtoo ah waa masaafo kaaga imanaysa dadkii aad isku dhaqanka ahaydeen.

Kolka laga yimaaddo muhiimadda akaadami ee maqaalkani leeyahay, waxa kale oo ku duugan qiime dhaqan; sababtoo ah waa mid soo bandhigaya sida jidhka cilmibaadhuhu uu isugu beddelayo saaxad la gorfeeyo oo la fasiro. Dharka ay xidhan tahay maaha xog shakhsiyadeed oo iska caadi ah, afka ay ku hadlaysaa ma aha ereyo keliya la isku fahmo, codkeedu maaha wax aan loo fiirsanayn. Se, wax kasta oo cilmibaadhaha ku saabsani waa wax la darsayo oo la gorfaynayo; nooca xijaabka, qaabka qosolka, hannaanka ay kuwa ka weyn ula hadashay, siday kulanka uga qayb gashay, iyo xitaa awoodda ay u leedahay inay fahanto maadda iyo kaftanka la is weydaarsanayo. Tafaasiishaas yaryar ee maalinlaha ah awgood, ayaa uu maqaalku caddaynayaa inaanay aqoontu keliya maskaxda ka iman, ee sidoo kale ay ka timaaddo jidhka iyo tilmaamaha bulshadu siiso ama u diiddo.

Laga yaabee in mudnaanta maqaalkani la gaarka yahay ay tahay inaanu ku dhicin dabinka ammaanta iyo weyneynta codka gudaha ee qofka ay ka keento keliya inuu ku abtirsado isla dhaqankaas uu baadhayo. Cilmibaadhahani aslan iskuma soo gudbinayso shakhsi metela kooxda ay baadhayso ama u hadlaya isirkaas, mana samaysanayso sheeko halyaynimo. Se cagsiga, waxa ay ka taagantahay kaalin shaki gelin iyo indho kale ku eegid; waa Soomaaliyad dhab ahaan, se haddana waa qof waayo kale oo qax iyo qaxoontinimo martay, nolosheeduna ku samaysantay Dheenmaarig, sidatana aragti iyo gorfayn aan badanka waafaqsanayn qaab-u-aragga kooxda iyo dhaqankooda, oo aan xitaa marar waafaqsanayn siday u arkaan diin-ku-dhaqanka, dheddignimada iyo anshaxa. Isdiiddadani waa waxa maqaalkeeda siinaya kalsooni dheeraad ah iyo dhabnimo abbaar qiimo u yeelaysa; sababtoo ah waa qoraal ku abtirsiga isir u arka xaalad aan markasta sida loo haysto u dhammaystirnayn, oo aan markasta is waafaqid iyo islajaanqaadid ku dhex jirin.

Xaaladdan iyadoo wax ku qoraysa, ayaa ay qoraagu soo qaadanaysaa mafhuum ku jira dhaqanka Soomaaliga oo ah qoomiyadda, waana qodobka ay tiirka aasaasiga ah ay uga dhigayso diraasaddeeda. Mafhuumkan ujeedka laga leeyahay kuma koobna keliya in qofku isirkaas ku abtirsado ama kasoo jeedo, ee waa weedh ka tarjumaysa shabakad kakan oo ka kooban xeerar ku saabsan habdhaqanka oo aan qornayn iyo amarro curfi, waana waxa ugu dambayn jaangooya yaa mudan qaddarin, yaa lagu kalsoonaan karaa, yaa sheekayn kara oo aragti dhiiban kara, iyo sidee loo dhisaa kalsoonida dadka dhexdooda.

Mafhuumkaas muhiimaddiisu waa waxa keliya aanay qoraagu ku koobsanayn diraasayntiisa, ee ay ka dhiganayso agabka ay wax ku baadho, iyada oo dhinac iska dhigaysa ereybixinaha kale ee Galbeedka ee u diyaarsanaa. Waa mafhuum ay ka dhiganayso tixraac iyo habraac ay ku fahanto xidhiidhada bulshada, soohdimaha dadka u dhaxaynaya iyo sida bulshada aqoonsi gudeed looga helo.

Halkan ayaa uu maqaalku ku guulaysanayaa ka dhabaynta mid ka mid ah ujeeddooyinkiisii iyo ka tallaabsiga caqabadihii hortaagnaa: kuma koobsanayo aragti ka sheekayn iyo hal-ku-dhigyada ku saabsan “furfuridda iyo kala daadinta aqoonta gumaystaha”, ee waxa uu isku dayayaa inuu dabbaqo jidkaas oo uu mudnaanta siiyo ereybixin maxalli ah oo laga dhigto agabka baadhitaanka iyo habraaca, ee lagu gorfaynayo nolosha bulsho, oo aanu adeegsan ereyo diyaarsan oo lasoo waariday. Waa run inaanu maqaalku si dhamaystiran uga takhallusin luuqadda iyo ereybixinaha saaxadda akaadamiga Galbeedka, haddana waa mid mudnaanta siiyey adeegsiga ereybixino iyo mafhuum maxalli ah.

Dedaalkan cilmibaadhiseed waa mid ku aroora aragtida sida badheedhka ah u naqdida diraasadaha Soomaalida ee hore, oo ay qoreen indho khaariji ah oo leh aragtiyo gumaysi. Se maqaalku kuma koobsanayo inuu tagtadii canaanto, ee waxa uu soo bandhigayaa garaadkaa gumaysi ee weli taagan; weli diraasadaha iyo xogaha ka imanaya dibadda ayaa hela aqoonsi iyo sharciyad ka sarreeya aqoonta iyo xogta dhabta ah ee khibradda maxalliga ah lagu helo, laguna wadaago hal af iyo hal xasuus. Halkan, weydiintu noqon mayso “yaa darsay ciddaas?”, se waxa ay noqonaysaa “yaa xaq u leh inuu bulsho qeexo?” “Yaa se xaq u leh inuu nolosha maalinlaha ah ee bulsho u beddelo maaddo diraasadeed iyo cilmibaadhis ah?”. Weydiimahani waa kuwo dhaafsiisan nolosha Soomaalida oo koobsanaya waaqaca bulshooyinka Carbeed iyo Afrikaan ay ku noolyihiin, iyadoo khibradda qofka isirkaas u dhashay loo arkayo sheeko keliya, se dhinaca aragtida la buunbuuniyo xogta ka timaadda Galbeedka ee ku saabsan bulshadaas, loona arko aqoon lamadhaafaan ah.

Dhammaan waxa uu maqaalku koobsanayo marka laga yimaaddo, haddana maaha baaq aydhiyoolajiyadeed oo cid gaar ah u xaglinaya, mana ah qoraal kacdoon cid ku ah. Awooddiisa suugaamaysani waa mid ku duugan inuu xogaha ugu yaryar macno kasoo dhex saarayo, sida wax laga dhex dheehday hudheelkii la degganaa, qof ka faallooday qaab lebbiska, fahandarrada maad ama kaftan, ama xitaa nefisaadda laga helay maqaaxi Soomaali laga buuxo. Kulannadaas maalinlaha ah ee iska fudud, ayaa uu maqaalku ku qotominayaa fikraddiisa ugu muhiimsan: ku abtirsiga isir ama bulsho ma aha hadiyad kuu diyaarsan oo uu qofku ku dhasho, ee waa la dhaqan bulsheed oo la joogteeyo iyo la noolaansho maalinle ah, u dhawaanta bulshadaasina kaa ilaalin mayso inaan shaybaadhka lagu marin, oo aan indho ka shaki iyo faallayn lagugu eegin.

Waxa suurogal ah in maqaalku lagu dhaleeceeyo inuu mararka qaar soo celcelinayo fikraddiisa aasaasiga ah ee udubdhexaadka ah oo uu kolba qaab usoo dhigayo, halka rabitaanka daran ee cilmibaadhuhu u qabto inay salayso mafaahiimta iyo ereybixinuhu ay badinayaan qoraalka, haddana, ma aha wax nusqaaminaya raadka maqaalka iyo awooddiisa. Waa khibradda qof kasoo dhex hadlaysa bulsho dibadda laga diraasaynayey muddo dheer oo saaxadda akaadamigana ka fogaa.

Muhiimadda maqaalku kuma koobna uun inuu difaacayo xaqa Soomaalidu u leedahay inay iska warramaan, oo ay waaqacooda iyagu ka hadlaan, se waxa kale oo ku duugan muhiimad intaa ka qotodheer oo ah: kasoo dhex hadalka bulshadaad u dhalatay uma fududa sida la moodo, qofka bulshada xidhiidh ahaan ugu dhowna, waxa uu noqon karaa qofka ugu nugul isfahandarro, muddada ugu badanina kaga baxdo fahansiinta xaqa uu u leeyahay inuu wax ka qoro. Kolkan waxa imanaysa weydiinta ugu mudan ee ah: sidee ayaynu wax uga qori karnaa bulshooyinka aynnu ku abtirsanno, innaga oo aan sheeganayn inaynnu u hadlayno ama metelno, haddana aynaan waayayn xaqeena dabiiciga ah ee naqdinta iyo laxisaabtanka?

Qoraallada kale ee qoraaga