Wednesday 17 December 2025
Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa xaqiijisay in uu dalka dillaacay fayraska Marburg oo markii ugu horreysay lagu arkayo, ka dib markii la helay sagaal xaaladood oo lagu arkay Koonfurta Itoobiya, waxaana jirta tiro dhimasho ah.
Wasaaradda oo war-saxaafadeed ka soo saartay Addis Ababa ayaa sheegtay in baadhitaanno shaybaadh oo lagu sameeyay muunado laga qaaday bukaanno qaba xumadda dhiig-baxa ee fayraska (Viral Hemorrhagic Fever) oo laga helay deegaanka Jinga ee Koonfurta Itoobiya ay xaqiijiyeen cudurka fayraska ee Marburg. Waxa ay sheegtay in tirada guud ee xaaladuhu ay gaadheen sagaal, oo isugu jira siddeed xaaladood oo la xaqiijiyay iyo hal xaalad oo loo badinayo cudurka, iyada oo lix dhimasho ah la diiwaangeliyay illaa hadda.
Magaalada Jinka ayaa waxa ay u dhowdahay xadka Koonfurta Suudaan, arrintaas oo kordhinaysa walaaca laga qabo in cudurku uu ku faafo xuduudda oo ah meel uu ku liito nidaamka caafimaadku, sida ay hore uga digeen WHO iyo Xarunta Xakameynta iyo Ka-hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).
Agaasimaha Guud ee Hay'adda WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Itoobiya ay xaqiijisay in uu dillaacay cudurka fayruska Marburg, kuna ammaanayo jawaab-celinta degdegga iyo daah-furnaanta leh ee Wasaaradda Caafimaadka, Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Itoobiya, iyo maamulka caafimaadka gobolka, isaga oo ku bogaadiyay in tallaabooyinkani ay muujinayaan sida ay dalka u go'an tahay in uu si degdeg ah u xakameeyo faafitaanka cudurka.
Tedros ayaa sheegay in WHO ay si firfircoon uga taageerayso Itoobiya xafiiskeeda Addis Ababa, Xafiiska Gobolka ee Afrika, iyo xarunteeda Geneva, intaba, si ay gacan uga geysato xakameynta faafitaanka cudurka, daaweynta dadka uu ku dhacay, iyo taageeridda dadaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo in fayrasku ku faafo dalalka deriska ah. Taageeradan ayaa waxa ka mid ah kooxo farsamo, bixinta qalabka ilaalinta shakhsiga ah, dhisidda teendhooyinka karantiimada, iyo xoojinta awoodda la socoshada cudurrada faafa ee aaggaas.
Fayraska 'Marburg' ayaa ka tirsan bahda fayrasyada ee 'Filovirus' ee uu ku jiro fayraska Ebola ee hore uga dillaacay dalal Afrika ka mid ah. Waxa uu fayraskani sababaa xumad wadata dhiig-bax daran, waxana heerka dhimashada ee uu keeno lagu qiyaasaa 50%, iyo ka badan xaaladaha qaarkood. Waxa Fayraskan la isugu gudbiyaa dareereyaasha jidhka qaba oo toos isu gaadha, sida dhiigga, candhuufta, iyo kaadida, ama meelaha ay dareereyaashaasi taabteen.
Calaamadaha hore ee cudurkan ayaa waxa ka mid ah xummad aad u sarreysa, madax xanuun, iyo murqo xanuun, ka dibna waxa ay u gudbi karaan dhiig-bax gudaha iyo dibadda ah, shaqo-gab dhanka xubnaha ah, iyo dhimasho maalmo gudahood ah oo ku dhici karta xaaladaha daran.
Ma jiro wax tallaal ah ama daaweyn u gaar ah oo loogu talagalay illaa hadda, waxana lagu maareynayaa weli daryeelka taageero.