Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Colka wadahadal ma lagu dayey?

28 January, 2025
Image
al-Shabaab
Jihaadi ka tirsan al-Shabaab oo weerar ay 2009 kooxdu Muqdisha ka geysatay furinta kaga jira. (Xuquuqda Sawirka MOHAMED DAHIR/AFP via Getty Images)
Share
Maqaalkan wuxuu soo koobayaa aragtida Dr Afyare ee ku wajahan in wadahadal la la galo ururka argagaxisada ah ee al-Shabaab, wuxuu ku sababaynayo iyo sida aragtidiisa hawshaa loo galayo.
Hordhac

Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaa “aynu wada hadalno waa aan heshiinno “. Waa murti tilmaamaysaa in wadahadalku uu yahay waddo lagu dhammeyn karo khilaaf. Wadahadalku, waa tab iyo hab lagu xalin karo mushkilad oogan. Qormadan waxaan ku soo koobi doonaa nuxurka labo daraasadood oo ku saabsan wadahadalka al-Shabaab iyo dawladda. Labada daraasadood mid waxa wada qoray Dr. Afyare iyo Cabdiraxmaan Caynte, halka ta kale dhammaadkii sannadkan tagay uu qoray mudane Afyare. Soo koobidda nuxurka labada daraasadood iyo aragtida ustaad Afyare waxaan ku kabi doonaa cilmibaarsiyo kale oo aad u la xariira masaladan. Cilmibaaristii ugu horreysa ee Afyare  kaga hadlayo wadahadalka al-Shabaab iyo dawladda waxa ay soo baxday xilligii ay jirtay xukuumadii KMG, oo markaa meelo badan oo dalka ka mid ah ka saartay al-shabaab.

Daraasadda koobaad labada climibaadhe waxa ay kaga faalloodeen sababta ay lama-huraanka u tahay in xukuumadda ku-meel-gaarka ah ay wada hadal la gasho al-Shabaab. Waayo bay ku doodeen kolay al-Shabaab way tamar darraysay oo waxa laga saaray meelo badan sida Suuqa bakaaraha oo ay haysteen waxaana laga la wareegay meelo muhiim ah sidaas awgeed ay habboontahay in xaaladdaas laga faa’idaysto oo wadahadal la la galo se nasiib xumo fursaddaas waa la dayacay ayey ku doodeen. Labo iyo toban sanno ka dib cilmibaadhe Afyare markale ayuu hadda na qalinkiisa dib boorka uga jafayaa isaga oo haddana ku celinaya ahmiyadda uu leeyahay wadahadal la la galo al-Shabaab. Aragtidan Afyare Cilmi ee wadahadlka dhiirrigalinaysa waxa ay soo bilaabmatay xilligii dawladdi ku meel gaadhka ilaa maanta ayuuna qalinkiisa ugu qareemaa in al-Shabaab wadahadal la la galo si dhiigga maatada loo bedbaadiyo.

Fashilka Siyaasadda ladagaalanka Xagjirka

Kadib qaraxii labadii sarood ee Mareykanka ku yaallay oo ahaa xarrumihii ganacsiga adduunka, madaxweyne Buush waxa uu daaha ka qaaday siyaasad cusub oo uu ugu magac daray la dagaalanka argagixisada (War on terror) taas oo Maraykanku hoggaanka u hayo, wuxuuna ballanqaaday odey Bush inuu ka caawin doono dalalka argagixisadu ka dagaallanto sidii ay iskaga xorreyn lahaayeen kooxahan. Ka hor dhacdadii 11 Sebtember, weerarrada ay qaadaan kooxaha abaabulan waxaa loo arki jiray in ay yihiin fal dambiyeed, se dhacdadii labadii daarood ee Maraykanka waxa ay sababtay in fasir cusub la saaro weerarrada ay geystaan kooxaha abaabulan. Siyaasaddani haddii aysan si toos ah u barbaarin argagixisada, si dadban ayay u korisaa argagixisada. Julia Gledhill oo ka faalloota arrimaha amniga ayaa mar ay wax ka qortay siyaasadda murugsan ee la dagaalanka aragagixisada 2022-kii tiri “Intii lagu jiray Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, Maraykanku wuxuu gacan ka geystay abuurista xaaladaha ay kooxaha argagixisada uga faa'iideystaan xasillooni-darrada iyo ballaarinta shabakaddooda. Xaqiiqdii, faragelinta milatari ee Maraykanka ayaa hurisay khilaafaadkan, taas oo ah sababta ugu weyn ee dhaqaajisa argagixisada.” Hadalka Julia waxa aynnu ka dhadhasan karnaa in faragalinta Mareykanku ay qayb ka tahay koboca argagixisada halkii ay ciribtiri lahayd. 

Siyaasadda la dagaallanka argagixisaddu, waa siyaasad u shaqeysa hal qaab  oo ah in la duqeeyo meelkasta oo lagu arko raadka argagixisada. Siyaasadda qaabkaan ku dhisan waxa ay dayacdaa qaababka kale ee lagu soo afjari karo kooxahan dhiigmiiradka ah. Mar iyada oo qodobkan xoojinaysa Julia waxa ay tiri, “Dilka xubno ka mid ah ururadda argagixisadu kooxaha argagaxisada ah meesha kama saarayo.” al-Shabaab waa urur ku hubeysan caqiido Salafi jihaadi ah oo lagu tilmaami karo caqiido xagjira, koox feker ku hubeysan laguma soo afjari karo qaab keliya oo dagaal iyo duqeymo diyaaradeed ah. Sidoo kale Dr. Afyare Cilmi waxa uu isna dhankiisa ka tilmaamayaa in siyaasaddan la dagaallanka aragagixisadu aysan lahayn wax miradhal ah oo aan soo saareyn natiijo la mahadiyo oo waarta. Waxa uu dooddiisan ku xoojinayaa labo qodob oo kala ah: in siyaasadda noocaan ah ay luminayso ama carqaladaynayso in wadahadal dhab ah la la yeesho al-Shabaab iyo in siyaasaddani tahay mid ku tiirsan murqo militari oo dibadda ah, kuwaas oo aysan dhab ka ahayn soo afjaridda al-Shabaab. 

 Dagaalka u dhexeeya al-Shabaab iyo dawladda ma jirto guul waarta oo labada dhinac midkood xaqiijiyey. Muddo ku dhow 20 sanno ayay dawladdu la dirireysaa Xarakada, welina waa ay dagaallamayaan iyaga oo haysta qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Siyaasaddan ay adeegsato Soomaaliya ee la dagaalanka xagjirka waxaa dajiyay Maraykanka oo sannad kasta ku bixiya lacago aad u farabadan. Haddii aad eegto siyaasadanna waxa aad ogaanaysaa in ay tahay siyaasad fadhiid ah oo aan lagu xalin karin dhibaatooyinka xagjirka. Soomaaliya marka laga yimaaddana waxa kale oo tusaale loo soo qaadan karaa Ciraaq, Afgaanistaan fashilka ku aadan siyaasadan. Lacag ku dhow 83 Bilyan ayuu Maraykanku ku bixiyay dawladdii Afgaanistaan ee dhacday 15-kii Agoosto 2021. Dawlad taageero iyo dhaqaalo intaas leeg lagu bixinayay waxaa dalka ka ceyrsaday nin dhallinyaro ah oo minjo dhuuban oo aysan jirin cid dhaqaalaha ahaan taageerta. Guusha Daalibaan waxa ay daaha ka faydday siyaasadda faashilka ah ee la dagaalanka xagjirka ee Maraykanku muddo ka badan 20 sanno calanka u siday. Maalinkii ay soo shaacbaxeen al-Shabaab ilaa iyo maanta ayuu Maraykanku taageerayaa Soomaaliya si loo la dagaallamo, se ma jirto guulo waaweyn oo ay dawladdu ka gaartay. Sii jiritaanka al-Shabaab waxa uu tilmaan u yahay fashilka iyo fadhiidnimada siyaasaddan murugsan ee la dagaalanka aragagixisada. 

Miiska wadahadalka

al-Shabaab, waxa ay carqalad ku tahay dawlad-dhiska, dib-u-dhiska dalka iyo xasiloonida shacabka Soomaaliyeed. Si loo helo koriinsho dhaqaale, siyaasad qaangaara, dal iyo dad xasiloon waa in horta al-Shabaab xal loo helo, waddo milatari na xal loogu heli waa, tan kaliya ee furan waa wadahadal caafimaad leh oo labada dhinac ay yeeshaan. Daraasad uu sameeyay machaadka RAND oo lagu falanqeeyey 648 kooxood oo argagixiso ah oo jiray intii u dhexaysay 1968 ilaa 2006, ayaa lagu ogaaday in 43% lagu soo afjaray heshiisyo wadahadal, halka 7% lagu soo afjaray guulo ciidan. Sababtaas awgeed, qaar ka mid ah cilmibaarayaashu waxa ay ku doodaan in wadahadalku horseedi karo dhammaadka khilaafka ay abuuraan kooxaha xagjirku. Wadahadalku ama wada-xaajoodka ma ahaan arrin muujinaysa liidnaan, waa istaraatiijiyad ka mid ah xeeladaha lagu soo afjari karo dagaal ama khilaaf taagan. In sidaa loo arko loo na fahmo ayuu soo jeedinayaa Dr. Afyare. Sidoo kale, waxa uu soo jeedinayaa in dawladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamku ay diiradda saaraan wadahadal dhab ah oo labada dhinac u dhexeeya, lana aasaaso waax amniyeed oo siyaasad ahaan aad u xoggan. 

Buuggiisa adkaysi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu kaga hadlayaa fursaddii ay beer darraysay dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud ee al-Shabaab lagu la xaajoon karay si dhiigga shacabka loo bedbaadiyo. Isaga oo taas ka hadlayana yiri. “waxaan aad uga xumaaday in fursad weyn oo wadahadalkaas looga gun gaari karay ay halkaa ku dayacantay, waliba shaki iyo aragtiyo shirqool ay ku dayacantay.” Dawladda iyo al-Shabaab waxa ay ku sugan yihiin xaalad uu William Zartman ku magacaabay “Mutually hurting stalemate” oo uu ula jeedo, xaalad ay labada dhinac ba si isku mid ah ugu suganyihiin dhaawac iyo dhibaato oo aysan u muuqan inuu mid ba midka kale ka guulaysan karo. Si kooban waa xaalad ay ku dhaboobayso maahmaahdii ahay ‘i jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis.’ Marxaladda noocaas ah waxaa ku habboon in bunduqa la wada dhigo, damalka hoostiisana la iskugu yimaaddo si loo wadahadlo. Sidaas buu qabaa William Zertman oo ah aqoonyahan ku taqasusay culuumta siyaasadda iyo maareynta khilaafaadka.

Diidmo qeexan ayay al-Shabaab ka muujiyeen in hay’daha ka hawlgala arrimaha gargaarka bini’aadnimada ay soo gaaraan goobaha uu ururkani gacanta ku hayo si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin. Qodobkani waxa uu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay leedayahay in al-Shabaab la la xaajoodo ayuu leeyahay Dr. Afyare. Tobaneeyo sanno dalka waxaa ku dhuftay abaaro galaaftay nolosha dad badan oo Soomaali ah. Sannadkii 2011 waxaa ku baaba’ay natiijo ka dhalatay abaarihii dalka ka dhacay iyo cunoqabateyntii al-Shabaab ay ku soo rogtay hawlihii gargaarka in ka badan 250,000 oo qof. Sidoo kale tobonaan kun oo Soomaali ah ayaa dhintay intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2017 iyo 2021 ilaa 2022, taasoo qayb ahaan ay ugu wacnayd colaadaha iyo abaaraha. isagoo markale carrabka ku adkeynaya mudane Afyare ahmiyadda wadaxaajoodku leeyahay ayuu soo qaadanayaa warbixin ay Qaramada Midoobay ka qortay 2023, taas oo sheegaysa in ku dhawaad 8 milyan ama kalabar bulshada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, qaasatan kuwa ku dhaqan meelaha baadiyaha ah ee inta badan ay al-Shabaab gacanta ku hayso. 

Fursadaha iyo caqabadaha ku gedaaman wada hadalka

Ma sahlana in la xaliyo colaad soo jiitamaysay muddo ku siman 17 sanno oo waxaa ku gidaaman darbiyo ay tahay in la jabiyo si loo bedbaadiyo dhiigga umadda ee sida maalaayacniga ah loo daadinayo. Si loo gaaro wada xaajood tallaabada koowaad ee wadahadalku waa in la helaa qolo saddexaad (third-party) oo ay labada dhinac ku kalsoonyihiin. Khiyaarka koowaad ee furan waa odey dhaqameedyada oo noqon kara qolada saddexaad ee ay labada dhinacba ku kalsoon yihiin. Oday dhaqameedku hore waxa ay kaalin uga qaateen wadahadalka dawladda iyo al-Shabaab. Hase ahaato e, Soomaaliya kama jirto mideysnaan u dhaxaysa odey dhaqameedyada ama nabadoonnada metala qabaa’illada kala geddisan ee Soomaalida tani waxa ay noqon kartaa caqabad dabraysa in odayaashu dhexdhexaadiye ka noqdaan wadahadalka dawladda iyo al-Shabaab ayuu ku doodayaa Afyare. Khiyaarka kale ee furan markaa wuxuu noqon karaa waddamada kala ah: Qadar, Turkiga, Sacuudi Carabiya, Noorweey iyo Fiilaan. Haddii la heli waayo khiyaarka koowaad ee odey dhaqameedka, afartan dal waxa ay noqon karaan dhinac saddexaad oo kaalin muhiim ah ka qaadan kara wadahadalka labada dhinac ayuu leeyahay Afyare. Qodobkan danbe marka la joogo Qadar iyo Sucuudigu, waxa ay noqon karaan dhexdhexaadiyaal ku habboon in ay qayb ka ahaadaan oo ay kala dhexgalaan dawladda iyo al-Shabaab, sababtuna waa in ay Shabaab u muuqdaan kuwo aad ugu kalsoon labadaas dal maadaamaa ay caqiido ahaan ay isku dhowyihiin. Tallaabada labaad ee wadahadalkan lagu gaari karo waa in ay qayb weyn ka qaataan beesha caalamka gaar ahaan kuwa Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga iyo xasillinta Xamar oo ay ugu horreeyaan Ingiriiska iyo Maraykanka. Beesha Caalamku waa in ay si adag oo bilaa hagar ah u taageertaa ayuu soo jeediyay Dr Afyare. 

Dhanka kale qoraa Afyare waxa uu dhaleecanayaa siyaasadda Maraykanku horkacayo ee baal marsan arrimaha wadahadalka. Isaga oo qodobkaa ka hadlaya ayuu yiri, “Beesha Caalamka si guud ayay u taageertaa in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadka soo kala dhexgala siyaasiyiinta Soomaalida, se markii ay timaaddo kooxaha xagjirka ah waxa ay soo jeediyaan in awood ciidan lagu soo afjaro khilaafka “. Qodobka saddexaad ee hanaanka wadahadalka loo marayo waxa uu ku soo gabagabeynayaa, in si cad loo fahmo arrimaha waaweyn ee caqabadda ku ah heshiis ku salaysan wadahadal. al-Shabaab waxay ku adkeysaneysaa in dhammaan ciidamada shisheeye laga saaro Soomaaliya iyo in shareecada Islaamka si buuxda loo dhaqan geliyo. Waxaa xusid mudan in, sannadkii 2009, baarlamaanka Soomaaliya uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in shareecada Islaamka lagu dari doono dastuurka. Intaa waxaa dheer, dastuurka, oo lagu sameeyay taageerada Qaramada Midoobay in uu yahay mid waafaqsan shareecada islaamka markii laga reebo qodobo kooban. 

Soomaaliya waxa ay Beesha Caalamka kala hadashay in ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ay dalka iskaga baxaan bishii tagtay ee Diisamber 2024, haseyeeshee Soomaaliya wali waxa ay u muuqataa mid u baahan caawinaadda ciidamada shisheeye maadaamaa aysan dawladdu weli xoogaysan oo aysan si buuxda u qaadi karin mas’uuliyadda ilaalinta amniga dalka. Dastuurka dalka oo ay wax ka diyaariyeen Qaramada Midoobay iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya waxa ay noqonayaan caqabad dabraysa wadahadalkii la la yeelan lahaa al-Shabaab, maadaamaa al-Shabaab ay doonayaan in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka iyo in ciidamada shisheeye dalka laga saaro. 

Dhawaan dawladdu waxa ay ka hadashay in loo baahanyey ciidamo shisheeye oo amni ilaalin ah taasoo suurtagal ah in lagu fuliyo heshiisyo laba-geesood ah oo la la galo dalal kale. Arrintani waxay muujineysaa in codsiyada al-Shabaab laga yaabo in aan si buuxda loo fulin xitaa marka ciidamada Howlgalka Kala-guurka ee Afrika (ATMIS) laga saaro Soomaaliya. Caqabado dhawr ah oo ku gedaaman wadahadalka u dhaxeeya dawladda iyo al-Shabaab ayuu ku soo bandhigayaa Afyare, cilmibaadhistiisa. Waxaanu ku sii dooday si loo gaaro wadahadal caafimaad leh waa in la xaliyaa caqabadaha dabraya ama xaddidaya wadaxaajoodka labada dhinac. Si caqabadaas meesha looga saarana marka koowaad waxaa muhiim ah in la helo rabitaanka hoggaanka labada dhinac. In la la xariiro hoggaanka al-Shabaab waxa ay leedahay khataro amni oo soo wajahi kara dhexdhexaadiyeyaasha, si dhibaatadan loo xaliyana Afyare cilmi waxa uu soo jeedinayaa in marka hore wadaxaajoodka laga bilaabo saraakiisha dhexe ee al-Shabaab. Qodobkan si uu u xoojiyo waxa uu soo xiganayaa daraasad lagu sameeyay saraakiisha dhexe ee al-Shabaab oo caddaysay in ay intooda badani daneeyaan wadahadal la la yeesho dawladda Soomaaliya. Bartilmaameedsiga hoggaamiyeyaasha dhexe ee xarakadu ma aha arrin guul weyn horseedi karta, se si guulo waaweyn loo gaaro waxa uu ku talabixinayaa Dr Afyare in la siiyo hoggaamiyeyaasha sare ee ururka dhiirigalin sida: cafis, xil siyaasadeed, ama dib u dajin waddan saddexaad ayaa noqon karta mid wax tar leh. Dawladdu labada tallaabo ee hore waa ay dhaqangalisay oo dhawaan waxa ay jago kursi siisay hoggaan sare oo al-Shabaab ka soo goostay, sida Mukhtaar Roobow iyo Ibraahim Nadaara. Caqabadda kale waxay tahay in isbeddellada caalamiga ah, mid gobol iyo kuwa heer qaran ee shantii sanno ee la soo dhaafay ay saameeyeen qiimeynta dhinacyada ee ku aaddan suurtagalnimada guul ciidan. Si labada dhinac ba loo keeno miiska wadaxaajoodyada, waa in hoggaamiyeyaasha labada dhinac lagu qanciyo in guul ciidan aysan gaari karin oo ay tahay arrin gacmo daalis ah. Khilaafka dhexdooda yaal na ay muhiim tahay in ay ku soo afjaraan waddo wadahadaleed. 

Gunaanad

al-Shabaab waa urur korriimihiisu soo bilowday bilaawgii Islaamiyiinta. Muddo ku siman 17 sanno ayay ka dagaallamayaan gudaha Soomaaliya oo waa caqabad dabraysa geedisocodka dawladnimo ee Soomaaliya. In ka badan kumannaan kun nafood ayay si bareer ah nafta ku dhaafiyeen iyagoo adeegsanaya nuucyada kala duwan ee qaraxa.  Madaxdii kala duwanayd ee dalka soo martay waxa ay al-Shabaab u la falgalayeen hal qaab oo isku mid ah oo ah in awood milatari loo adeegsado iyo duqeymo diyaaradeed. Waxaa jirta oraah dhahaysa, “Waaliddu waa in aad hal qaab wax u wado oo aad filato natiijo duwan.” Muddo 17 sanno ah Soomaaliya cadawgan hal waddo oo kaliya ayay kula dhaqmaysay. Labada dhinac ba uma muuqdaan inuu midba midka kale ka adkaan karo. Xaaladdaas ismarin waaga ah, si dhiigga shacabka loo badbaadiyo waxaa muhiim ah in wadahadal ay yeeshaan labada dhinac, maadaamaa aan guul lagu gaari karin duqeymo diyaaradeed.

Qoraallada kale ee qoraaga