Saturday 8 November 2025
Had iyo jeer, waxa aan maqli jirey dagaalka meel hebla ka dhacaya waxa isku dilaya dad ehel ah oo wada dhashay. Laga yaabee adna in hadalkaasi dhegahaaga ku batay. Waa su’aal isweydiin mudan; maxaa cidda isu dhow ee is wada dhashay ay isu dishaa? Laakiin, aynnu kaga gudubno falsafadda ah in bulshada meel wada deggan ay mid waliba loollan kula jirto midda kale. Haddii fooli timaadna gudo qarsi reebban e, kolka talo faraha ka haaddo, wada dhalashada iyo waxii soo raacaba waa la xooraa. Sidaa darteed, waxa aad maqashay iyada oo lagu soo celcelinayo: “Inan iyo abtigii”, “Laba wada dhashay, iyo dad aad isugu dhow baa is dilaya.” Dadku waa uu is dilayaa oo waa xaalad dabiici ah, hase ahaato e, saameynta ka dhalata dadka oo aad isu xiga, marka colaadi dhex marto, ayaa ka riiq dheer oo ka foolxun, kana damqasho badan, marka labo qolo oo kala durugsani is disho. In kasta oo wax la isu yahay, deris iyo dhalashana la wadaago, haddana sokeeyannimadu waa uun inta nabadi jirto. Daqiiqadaha ay taasi meesha baxdo, qof kasta haybtiisa ayaa cadaw ugu filan; wadaad ahaw, oday ama dhallinyaro ahaw, ma lihid jiritaan kuu gaar ah oo aan qoladaada ahayn.
Dagaalku waa xaalad ka baxsan miyirka caadiga ah. Sidaa awgeed, waxa xilliga colaadda dhaca wax xilliyada kale u muuqda ‘waalli’ toos ah
Xilli aan filayo in ay 2020-kii ahayd, ayaa aan galab akhriyay qoraal ka warramaya saamaynta xun ee ka dhalatay dagaalkii Ceel’afwayn oo ay ka taagnayd colaad sokeeye. Nuxurka qoraalku waxa uu ahaa wiil yar oo dhibta gaadhay ahayd in abtigii, adeerkii iyo ilma abtiyadiiba wax lagu yeelay dagaalka, sidaa darteed uu ka qalbi jabsan yahay aafadaas. Marar badan oo kale ayaan wararkaa helay, asxaab dhow oo dagaaladaasi saameeyeen ayaannu is barannay, taas oo igu sii siyaadisay dareenkii tabnaa ee aan qabay. Tebinta wararka colaadaha khuseeyaa marba heer ayaa uu joogay oo waayaha ayuu marba isla bedalayay ilaa aan ugu danbayn tegay dhulkii aan sheekada ku maqli jirey.
Bilawgii sanadkan, 2025-ka, ayaa aan tegay meelo badan oo ka tirsan gobolka Sanaag. Waa dhul bad leh, bannaan leh, buuruhuna firaaqooda buuxiyeen. Cimilo kulul baad gelaysaa kolka aad Gar'adag joogto, Ceel'afwayn ilaa Ceerigaabo oo magaalo-madaxda ahna waxa aad marti u tahay cimilo qabow iyo naxariis duunkaaga xulaysa. Halka ugu badan ee aan joogay waxa ay ahayd Ceel'afwayn, madaama oo ay ahayd halka aan ku hoydo. Habeenkii cabsida iyo mugdiga oo is garabsanaya ayaa dhulka isku fidiya, subixiina neecawda qabaw ee bari ka soo dhabanaysa iyo sagalka arooryo ayaa xasillooni u beddela wax kasta oo jirey. Intii aan joogay dareen cabsiyeed mooyi e, dhib kale kama dhicin, hase ahaato e, sheekada odayaashu mar walba waxa ay siddaa dhiillo iyo hubanti la’aan, halka dhalinyaradu ka warbixinayso dareenka guud ee la qabo.
Kulaylka bisha Maaraj, Ceel'afwayn aad loogama dareemayn. Roobku sannadihii la soo dhaafay aad ayuu ugu yaraa, sida ay dadku aaminsanyihiinna waa ciqaab Eebbe oo ka dhalatay colaadda sokeeye ee waayadan ka taagnayd deegaanka. Labada beeloodba, qiraal ayay ka yihiin taas, sidaas oo ay tahayna midkoodna ma odhan karo aynnu “heshiinno” si aynnu u noolaanno, waxa se fudud middaa lidkeeda oo beelina diyaar uma ahayn in uu “qabkeedu” lumo oo, berri ka maalin, kaftanka laga helo. Si la mid ah middaa hore, dadka deegaanku waxa ay qiraal ka yihiin saamaynta xun ee colaadda, sida ay dad iyo duunyo u baabi'isay iyo riiqda laga dhaxlay ee wali sii fidaysay. Hal mar ayaa uu dadku dhibbane iyo eedaysane wada yahay, lama se dareensana oo qolo walba qumanahooda ayaa qoorta u sudhan.
Xilligii colaadda Ceel’afweyn oo aan tagay, waxa ay ahayd magaalo ay habeenkii is garabsadaan cabsida iyo mugdigu, waxana uu warka waayeelku ahaa dhiillo iyo xasillooni-darro. Waxa ka jirtay abaar ay dadka oo dhani u aaneeyaan ciqaabta Eebbe ee colaadda, haddana ma jirin qolo odhan karta ‘aan heshiinno’! Waxa la dhawranayay ‘qab’ aan ka muuqan nolosha lagu sugan yahay
Dhegahaygu waxa ay xiiso u qabeen maqalka wax kasta oo la xidhiidha arrimahan. Haddii uu qof hadal na dhexmarana waxa aan waydiinayay, uun, waxa uu ka xusuusto dhacdooyinka deegaanka. Gacmahayga miyaa? Waxa ay, iyaguna, qorayeen oo diiwaangalinayeen arrin kasta oo yaab, qosol iyo maad u muuqaal eegaan kara. Waxa aad is waydiinaysaa maxaa qosolka keenay meel sidaa u burbursan? Laakiin, waa in aad ogaatid xitaa sababtii u horraysay ee dagaalku ka bilawday in ay noqonayso wax qosol leh. Wax qosol leh oo caqligu diidayo. Ganacsi ayaa xidhmay, mid kalana waa uu furmay oo bulaalay. Dadka intii samaha ku hawllanayd saamayntoodu waa ay yaraatay, waxa se beddalay sharka oo calankiisu taagan yahay. Ganacsiga hubka ayaa xaami ah ama aad loo tixgaliyaa. Waa la nool yahay, waxa se badan hubanti la'aantu nolosha.
Markale, isla sanadkan bishiisii toddobaad ayaan dib ugu noqday Sanaag iyo Ceel'afwayn. Si ka duwan sidii hore ayaa uu jidku ahaa, haddii aan doorkii hore arkayay rag qori sita oo wadada gaadhigu dhanbalayo xoogaa u jira, ama magaalada gudaheedaba Ak47 ku laafyoonaya; markan xaalku waa uu ka duwanaa sidii hore. Jidka dheer ee aan soo raacay, maqaaxida aan galabtii ka shaaho, tuulooyinka aan ka soo shaqeeyo, intuba, waxa ay i tusayeen ifafaale ah in, ugu danbayn, caqligu shaqeeyay oo garashadii dib loogu noqday, muddo badan oo ay fasax kaga maqnayd, maya e iyada la dafiray. Soo kabasho degdeg ah ayaa muuqata, waxa xiisaha lehi waa in qof kastaaba u riyaaqsan yahay nabadda, isaga oo nacdalaya colaaddii, kala fogaanshihii iyo sharkii oo idil. Nin aan tobaneeyo sano qoriga degtiisa ka rogin, oo xusuustiisii baaruuddu salfatay, ayaa markan sidii bani’aadanka u nool oo habeenkii guri dugsoon seexda, subixiina codka carruurtiisa ku kaca, halka uu markii hore waxa ugu horreeya ee uu maqlaa ahayd silsiladda qorigiisa iyo qasnada rasaastu ka shalax leedahay. Dhanka kale, dumar caloolyow la noolaa, in badan, ayaa iyaguna neecawda rejada qaadanayay oo garwaaqsaday in dib loo dhalan karo, sida iyada oo la noolyahayba dhimashada loo dhadhamin karo.
Markii aan sannadkan ku laabtay Ceel’afweyn, waxa aan la kulmay jawi gebi ahaanba ka duwan; nolol uu garaadkii u soo noqday, rag ay hore xusuustooda u salfatay baaruuddu oo qaadanaya neecaw kuna toosa hadda codka carruurtooda, iyo dumar garwaaqsaday in dib loo dhalan karo
Waxa jiray habeen aan xili hore oo fiid ah soo fadhiistay Geedka Xamarta oo ku yaalla suuqa hoose ee magaalada. Maqaaxi gabadhi haysato ayaa dheegga ku haysa geedka. Halkan ayaa dhallinyaradu ku cawaysaa, mararka qaarna odayaashu ku sheekaystaan. Wiil aannu ballansanayn ayaa goobta yimi, xoogaa ka dibna laba wiil oo wada socda ayaa nagu soo biiray. Shaah iyo caways baannu ku qaadannay halkaa. Anigu su'aalahaygii iyo in aan xaaladda si qotodheer wax uga ogaado ayaan ku hawllanaa, iyaguna waxa ay marba dib u hibanayeen xusuusaha dagaaladii ay galeen ama wixii ay dhacdo uga soo joogeen. "Qoriga sida loo rido hebel baa i baray." Ayaa uu midi yidhi. "Marka dagaal socdo sida ugu wacan ee loo qabsadaa waa in aad garabkaaga saarto, in aad neef qaadatana iska ilaaliso." Mid kale oo khibrad hadlaya ayaa isna ku darsaday. Habeenkaa, marbaan waaya'arag noqon gaadhay ka faalloon kara dagaallada. Nasiib wanaag se, ma dhicin. Cawaysku waxa uu su'aal igu dhaliyay, markii mid ragga ka mid ahi yidhi: "Hebeloow, maalinkii aad adiga, hebel iyo hebel ahaydeen ee aad dhankayaga soo gasheen qorigana sidateen, aniga iyo hebel baa gaadhi idinka soo daba kaxaysannay oo is nidhi haddii ay qashar ridaan iyagana raaciya." Kii kale ayaa ku jawaabay, "Waar ayaamihii nabadayntu socotay bay ahayd, markaa belo maannu wadin." Intaa dabadeed, waxa aan waydiiyay su'aal ahayd “oo daqiiqadahaa miyaad dili lahayd ninkan aad caawa wada shaahaysaan? Isaguna si fudud ayaa uu u yidhi: "Waxaa lama qiimaynaynnin." Kii kalana waa uu ku raacay. Daqiiqadahaa su'aashu waxa ay noqotay “dadkani maxay isu dilayeen?” Ilaa hadda ma muuqato sabab weyn oo lagu qancaa. Hase ahaato e, waxa lagaga gam'ayaa jawaabta ah “Waxaa lama qiimaynaynnin.” Waayo, haddii xabaddu bilaabanto, garashada iyo caqliguba xaalad suursanaan ah ayaa ay galayaan.
Tuulo Ceel'afweym u jirta 10 KM ayaa aan tegay labadii jeer ee aan deegaankan shaqada u imi. Macallin dugsi oo aan maalin sheekaysannay waxa uu igu yidhi; “Kolka aan xiisadda ku jiro, qorigu agtayda ayuu ku tiirsanaan jiray oo marka aan gaadhi soo socda arko, inta aan ardayda albaabka ku xidho ayaan qoriga la bixi jiray oo meel danbe gali jirey, haddase waannu nasannay” ayuu hadal ku soo idleeyay.
Booqashadaydan danbe, naxligu waa uu ka yaraa intii hore. Waxa muuqatay in uu cunfigu gabaabsi yahay. Nolol baa soo carfaysay, maxaa yeelay, dadka wada joogay ee hadalladan is waydaarsanayay waxa ay ahaayeen kuwii furimaha isku hor fadhiyay, taas oo ka dhigan in aanay marka horeba jirin qolo si dhab ah colaadda ugu arkaysay faa’iido. Dad badan ayaa qaxay, kuwo badan ayaa naafoobay, kuwa kale oo tiro badan ahina waa ay dhinteen. Dhallinyaro waxbarashada ka hadhay baa jirta, macallimiin ku shaqo waayay eelka colaadduna sidoo kale; dareenka bulshadu waa in guntiga loo xidho sixitaanka wixii khaldamay tobankii sanno ee lasoo dhaafay.
Guud ahaan, Sanaag waa dhul beereed aad ugu wanaagsan in la fasho. Ka soo bilaw Ceelnimcoon (ama dheh Ceel’midgaan) oo ah magaalada dhanka Koonfur ka xigta Ceel'afwayn, Badhigalis oo bari ka saaran, Kalshiikh oo waqooyi ka xigta, ilaa Bixin iyo Illad, intuba waa dhul beereed dalagga ka soo go'a lagu cuno magaalooyinka. Waa dhul si kastaba nololi uga suuragali karto, sii soco oo Dayaxa iyo Ceerigaabo gaadh; waa meel hodan ah oo waxa kali ah ee ay baahida u qabtaa tahay dad fahma oo ka shaqaysta. Beero Dayaxa ku yaalla ayaan afar ka mid ah booqday, mid xabxab baa la iga siiyay, midna tamaandho ayaa la i yidhi cun, mid kalana geed aanan imika xusuusan, markii aan ka soo tegay oo aan harraad dareemay waxa uu nin ila socday oo akhyaar ahi igu yidhi; 'Saaqiyad innaga horraysa baad ka cabbaysaa' wax fahan ah kama haysan ilaa aan u imi iliil biyo qulqulayaan, intaa ka dibna waxa run noqotay maahmaahdii ahayd: “Biyo sacabadaadaa lagaga dhergaa.” Waanan ka haqab beelay.
Nabadaynta ka dhalatay dhulku waxa ay ahayd mid ay dadku u qalmaan, khayraadka oo ay ka faa'iidaystaanna waxa uu dhaxalsiin doonaa in ay ka koraan hibashada xusuusaha iyo naxliga oo marka danbe isu beddala 'Aano' wax aan murugo iyo uurkutaallo ahaynna aan dhalin. Sakhradda ay colaaduhu leeyihiin ayaa sababa in caqligu tago, sidaa darteed, wax kasta oo garaadka wacani dhalin lahaa meesha waa ay ka baxayaan.
Sanaag waa gobol ku fiican beerashada iyo tacabka; carro ahaan iyo biyo ahaanba. Nabadeyntuna waa in ay suuragaliso tabcasho iyo in khayraadka laga faa’iideysto, taas oo ah dawada faqriga laga qaato, si looga koro hibashada xusuusihii hore oo ‘aano’ iska dhigi kara
Waa muhiim in dawada fakhriga la qaato, maxaa yeelay, saboolnnimadu waa jidka dhimashada iyo nolol la’aanta. Waxa ka dhasha boob, boobkana waxa ka dhasha isku dhac; isku dhacana waxa ka farcama colaadaha iyo dagaallada bulshada aafeeya. Umaddu si ay colaad, nacayb iyo hoggaanxumo uga baxdo waa in ay ujeeddo cad ka yeelataa sidii ay saboolnimada iyo fakhriga uga bixi lahayd.