Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Colaadaha iyo burburka adeegyada caafimaadka

29 October, 2026
Image
Colaadaha iyo Burburka Adeegyada Caafimaadka
Share

Marka laga hadlayo dagaallada iyo colaadaha hubaysan, dareenka indhaha iyo warbaahinta waxa markiiba qabsada dhacdooyinka xanuunka badan ee ka muuqda furimaha hore: rasaasta dhacaysa, dhiigga qubanaya, dhismayaasha burburaya, iyo barakaca degdegga ah ee dadku kaga cararayaan goobaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, fahamkani waxa uu qariyaa waji aad uga madow uguna waxyeello badan nuxurka dhabta ah ee dagaalka.

Colaaddu kuma eka oo keliya xisaabinta inta qof ee ay xabbaddu ku dhacday ama inta guri ee ay madaafiicdu dumisay. Waxay si aamusnaan iyo baaxad leh u gumaaddaa tiirarka ugu muhiimsan ee ay nolosha bulshadu ku taagan tahay sida: adeegyada daryeelka caafimaadka, helitaanka biyaha sugan, waxbarashada carruurta, fayadhowrka deegaanka, silsiladda helidda iyo amniga cunnada.

Marka ay xabaddu yeedho, nidaamka caafimaadku ma noqdo oo keliya mid shaqadiisu joogsato; waxa uu noqdaa dhibbanaha koowaad ee colaadda. Xarumihii daryeelka ayaa la xidhaa ama la burburiyaa, hawl-wadeennadii caafimaadka ayaa deegaannada ka barakaca ama naftooda waaya oo la beegsadaa, sahayda dawooyinka iyo tallaallada ayaa go’da, jidadkii bukaanku u mari lahaayeen cisbitaalladana waxay isu beddelaan furimo colaadeed. Sidaas darteed, shacab aad u tiro badan oo aan marna xabbaddu toos u taaban ayaa si dayacnaan ah ugu dhinta cudurro iyo xaalado caafimaad oo xilliyada nabadda si fudud loo daweyn lahaa.

Sida ay caddaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), weerarrada lagu qaado goobaha daryeelku ma saameeyaan oo keliya bukaanka goobta jooga, balse waxay wiiqaan nidaamka caafimaadka oo dhan. Tani waxay muujinaysaa in khasaaraha dagaalku aanu ku koobnayn dadka ku dhinta rasaasta, balse uu gaadho kumannaan kale oo noloshoodu ku xidhan tahay adeegyo caafimaad oo aanay colaaddu u oggolaan inay helaan. Haddaba, sidee ayay colaadaha hubaysani u burburiyaan adeegyada caafimaadka, maxaase ka dhalan kara marka nidaamkii loogu talagalay badbaadinta noloshu isaguba noqdo dhibbane dagaal?

Silsiladda halista ah iyo isku xidhnaanta colaadda, cunto-yaraanta, cudurrada iyo dhimashada

Xidhiidhka ka dhexeeya colaadda iyo xaaladaha caafimaad darro ma aha mid si kadis ah ku dhaca; waa silsilad sababaysan oo isku xidhan (causal domino effect) oo haddii aan xididdada loo goyn si baaxad leh u xaaqda bulshada inteeda ugu nugul.

Silsiladdani waxay u unkantaa si is xigxigta; Colaaddu waxay dhalisaa burburka nolosha dhaqaale iyo kasbashada midda wax-beerasho, taas oo horseedda barakac baaxad weyn. Barakacu waxa uu daciifiyaa helitaankii biyaha nadiifka ah iyo cuntadii dheelliga tirnayd, taasina waxay sababtaa cunto-yaraan daran iyo macaluul.

Macaluushu ma aha oo keliya dareen qofku calool madhan ku seexdo. Dhinaca cilmiga caafimaadka bulshada (Public health), macaluushu waa xaalad jidheed oo baabi’isa difaaca jidhka. Marka difaaca jidhku burburo, gaar ahaan carruurta yar-yar, hooyooyinka uurka leh, iyo dadka da’da ah—waxa albaabada loo laabaa awooddii jidhku u lahaa inuu iska caabiyo caabuqyada caadiga ah.

Haddii ay isla xilligaas la kulanto burburka adeegyadii faya-dhowrka, lumidda silsiladdii qaboojiyaha tallaallada (cold chain failure), iyo xidhnaanshaha xarumaha daryeelka aasaasiga ah, cudurro laga hortagi karayey sida jadeecada, daacuunka, iyo oof-wareenka ayaa isu beddela dillaacyo galaafta nolosha kumannaan qof.

Warbixinta rasmiga ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ee la daabacay 7-dii Julaay 2026, waxay sheegtay in in ka badan 37.8 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay wajahayaan ama la saadaaliyey inay wajahaan cunto-yaraan ba’an, halka in ka badan 4.9 milyan oo carruur ah la saadaaliyey inay la kulmaan nafaqo-darro ba’an. Xaaladdan waxa sii xoojiya colaadaha, barakaca, dhibaatooyinka cimilada iyo carqaladaynta adeegyada caafimaadka.

Sidoo kale, marka ay colaadu dadka ka barakiciso guryahooda, burburiso kaabayaasha aasaasiga ah, isla markaana ay adkaato helitaanka biyo nadiif ah, cunto ku filan iyo daryeel caafimaad, waxa kordha nafaqo-darrada iyo nuglaanshaha cudurrada. Isku-darka nafaqo-darrada iyo cudurrada faafa, gaar ahaan carruurta, wuxuu sababi karaa dhimasho laga hortagi kari lahaa haddii adeegyada aasaasiga ahi shaqayn lahaayeen. Sidaas darteed, khasaaraha dagaalku kuma koobna dadka ay rasaastu disho ama dhaawacdo; waxa kale oo uu gaadhaa dadka noloshoodu ku baaba'do saamaynta dadban ee burburka nidaamyada nolosha ilaaliya.

Casharrada laga baranayo taariikhda iyo colaadaha ee la xidhiidha burburka adeegyada caafimaadka iyo khasaaraha dadban ee dagaalka

Taariikhda dagaalladii waaweynaa ee dunidu waxay ina baraysaa in khasaaraha colaadaha aan lagu cabbiri karin oo keliya tirada askarta iyo rayidka lagu dilo hubka, balse ay tahay in la tixgeliyo burburka ku dhaca adeegyada iyo kaabayaasha nolosha aadanaha ilaaliya.

Dagaalkii Koowaad ee Adduunka (1914–1918) wuxuu sababay burbur baahsan oo soo gaadhay magaalooyinka, beeraha iyo hantida rayidka, waxaana dadka ku noolaa goobaha dagaalladu saameeyeen ku habsaday barakac, cunto-yaraan iyo gaajo. Muddadaas waxa kale oo dunida ku fiday aafadii ifilada Isbaanishka (Spanish Flu) ee 1918–1920, taas oo sababtay dhimasho baahsan.

In kasta oo aan cudurkaas loo nisbayn karin dagaalka oo keliya, haddana xaaladihii nololeed ee adkaa, barakaca iyo carqaladaynta adeegyada waxay sii adkeeyeen xaaladda dad badan. Sida uu diiwaangeliyey Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), warbixintiisa taariikhda Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, burburka hantida rayidka iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo waxay ahaayeen qayb weyn oo ka mid ah raadkii dagaalka.

Casharka laga baranayo dhacdooyinkani waa in marka dagaalku baabi’iyo hoyga, cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah, badbaadada dadka rayidka ahi halis ku sii jirto xataa marka aanay si toos ah rasaastu u gaadhayn.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka (1939–1945) wuxuu sii muujiyey baahida loo qabo ilaalinta caafimaadka bulshada, nafaqada iyo adeegyada caafimaad xilliyada qalalaasaha iyo wixii ka dambeeya.

Aasaaskii Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo taariikhdeeda, oo hay’addu si rasmi ah u bilaabatay 1948, wuxuu ka mid ahaa dadaalladii caalamiga ahaa ee lagu dhisayay iskaashi caafimaad oo joogto ah dagaalkii ka dib. Casharka muhiimka ahi waa in dib-u-dhiska bulsho dagaal ka soo baxday aanu ku koobnaan karin dib-u-dhiska dhismayaasha iyo dhaqaalaha; waa in sidoo kale la xaqiijiyaa in carruurtu helaan nafaqo ku filan, hooyooyinka uurka leh iyo kuwa umulaya ay helaan daryeel ammaan ah, cudurradana si degdeg ah looga hortago. Marka baahiyahan la dayaco, dhammaadka dagaalku si toos ah uguma dhigna dhammaadka dhibaatada caafimaad.

Soomaaliya: Dagaalka muddada dheer iyo burburka nidaamka caafimaadka.

Dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, gaar ahaan burburkii hay’adaha dawliga ahaa ee horraantii 1990-meeyadii, waxay muujinayaan sida colaadaha daba-dheeraadaa u wiiqi karaan awoodda waddan ee bixinta adeegyada caafimaadka muddo dheer.

Sida lagu faahfaahiyey warbixinta Bangiga Adduunka ee Somalia: Economic Update—Investing in Health to Anchor Growth, tobannaan sano oo xasillooni-darro iyo colaado ahi waxay burburiyeen kaabayaasha caafimaadka, fayadhowrka iyo helitaanka biyaha nadiifka ah, taas oo sii xumaysay xaaladaha caafimaad ee bulshada.

Saamaynta burburkaasi kuma koobna muddadii dagaalka; waxay ku sii jirtaa yaraanta shaqaalaha caafimaadka ee tababaran, qalabka iyo xarumaha tayaysan, iyo awoodda lagu gaadhsiin karo adeegyada dadka ku nool miyiga iyo deegaannada fogfog.

Tigray, Itoobiya: Go’doominta sahayda iyo halista ku dhacda bukaannada qaba cudurrada daba-dheeraada.

Dagaalkii Tigray ee bilaabmay Noofambar 2020 wuxuu tusaale u yahay sida burburka iyo bililiqaysiga kaabayaasha caafimaadku u waxyeelleeyaan dadka aan dagaalka toos uga qaybgelin.

Daraasad cilmiyeed oo lagu daabacay joornaalka BMC Health Services Research, laguna kaydiyey PubMed, oo ka hadlaysa khasaaraha dhaqaale ee burburka iyo bililiqaysiga nidaamka caafimaadka Tigray, waxay qiyaastay in 80.6% xarumaha caafimaadka aasaasiga ah, 73.6% xarumaha caafimaadka dhexe, 80% cusbitaallada aasaasiga ah iyo 83.3% cusbitaallada guud ay si buuxda ama qayb ahaan u waxyeelloobeen. Daraasaddu waxay sidoo kale qiyaastay in khasaaraha dhaqaale ee tooska ah ee nidaamka caafimaadku ka badan yahay 511 milyan oo doollar.

Burburka noocan ahi wuxuu si gaar ah khatar ugu yahay bukaannada u baahan dawooyin joogto ah, sida insuliinta dadka macaanka qaba, daaweynta kalyaha, daryeelka kansarka iyo daawooyinka dhiig-karka. Marka korontada, sahayda dawooyinka iyo shaqada xarumaha caafimaadku go’aan, cudur hore loo xakamayn karay ayaa isu beddeli kara xaalad dhimasho keenta. Sidoo kale, carqaladaynta adeegyada hooyada iyo dhallaanka waxay halis gelisaa haweenka uurka leh iyo kuwa umulaya ee u baahan gargaar degdeg ah.

Casharka Tigray waa in ilaalinta caafimaadku aanay ku koobnayn daaweynta dhaawacyada dagaalka, balse ay khasab tahay in la ilaaliyo adeegyada joogtada ah ee ay ku tiirsan yihiin dadka qaba cudurrada daba-dheeraada iyo qaybaha kale ee bulshada ee nugul.

Suudaan: Burburka xarumaha caafimaadka magaalooyinka iyo dillaaca cudurrada faafa.

Colaadda hubaysan ee Suudaan ka qaraxday Abriil 2023 waxay muujisay sida dagaal ka dhaca magaalooyin waaweyn uu muddo gaaban gudaheed u curyaamin karo adeegyo caafimaad oo ay dad badani ku tiirsan yihiin. Sida lagu sheegay warbixinta WHO ee xaaladda caafimaadka bulshada ee Suudaan iyo xaaladda degdegga ah ee colaadda, weerarro badan ayaa lagu qaaday nidaamka caafimaadka, waxaana xarumo badan soo gaadhay burbur, bililiqaysi iyo yaraanta shaqaalaha, dawooyinka, tallaallada iyo qalabka.

Warbixinnada hay’adaha bani’aadannimada waxay sidoo kale tilmaameen in qiyaastii 70% ilaa 80% xarumaha caafimaadka ee aagagga colaadda ugu daran ay shaqayn waayeen ama awooddoodu aad u koobnayd. Marka adeegyada caafimaadku sidaas u daciifaan, dadkii dhaawacmay oo keliya ma aha kuwa halista gala; waxa kale oo halis gala dadka u baahan daaweynta cudurrada faafa iyo kuwa daba-dheeraada.

Suudaan waxaa ka dillaacay cudurro ay ka mid yihiin daacuunka, duumada, qandhada dengue iyo jadeecada, iyadoo barakaca, cidhiidhiga hoyga iyo helitaan la’aanta biyaha nadiifka ahi ay sii adkeeyeen xaaladda. Xogta xaaladda caafimaad ee Suudaan waxa kale oo laga heli karaa warbixinta WHO ee xaaladda caafimaadka iyo colaadda dalka.

Casharka laga baranayo waa in marka cisbitaallada, ambalaasyada, biyaha, korontada iyo sahayda dawooyinku wada fashilmaan, colaadda hubaysani ay isu beddesho xaalad caafimaad oo degdeg ah oo saameynteedu dhaafto goobta dagaalka.

Laascaanood: Weerarrada xarumaha caafimaadka iyo luminta ilaalinta ay leeyihiin bukaannadu.

Dhacdooyinkii Laascaanood ee sannadkii 2023 waxay si toos ah u muujinayaan dhibaatada ka dhalata marka xarumaha caafimaadka iyo gaadiidka gurmadka degdegga ahi ay ku dhex dhacaan colaadda.

Bayaanka rasmiga ah ee WHO ee 13-kii Luulyo 2023, oo cambaaraynaya weerarkii xarun caafimaad oo Laascaanood ka dhacay, wuxuu sheegay in weerarkii 11-kii Julaay ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen tobannaan qof, oo ay ku jireen shaqaale caafimaad iyo bukaanno, isla markaana la burburiyey laba ambalaas.

WHO waxay sidoo kale xustay in weerarrada soo noqnoqday ay caqabad ku noqdeen bixinta adeegyada caafimaad ee rayidka ku xanibnaa xaaladda amni ee kacsan. Dhacdooyinkani waxay ina xusuusinayaan in xarun caafimaad aanay ahayn oo keliya dhisme, balse ay tahay meel ay ku xidhan yihiin nolosha bukaanka, badbaadada hooyada umulaysa iyo gurmadka qofka dhaawaca culus qaba.

Sida ku cad sharraxaadda ICRC ee ilaalinta daryeelka caafimaadka marka ay jiraan colaado hubaysan, shaqaalaha caafimaadka, gaadiidka gurmadka iyo xarumaha caafimaadku waxay leeyihiin ilaalin gaar ah oo waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Weerarrada lagu qaado ama lagu carqaladeeyo waxay halis geliyaan dadka dhaawacmay iyo kuwa buka, waxayna ka hor istaagi karaan kumannaan qof helitaanka daryeel ay xaq u leeyihiin.

Casharka Laascaanood waa in ilaalinta goobaha caafimaadku aanay ahayn arrin bani’aadannimo oo keliya, balse ay sidoo kale tahay waajib sharci oo ay tahay in dhinacyada colaadaha lagula xisaabtamo.

Dhammaan tusaalooyinkani waxay xoojinayaan hal xaqiiqo: khasaaraha dagaalku kuma koobna dadka lagu dilo hubka, balse wuxuu ku fidaa nidaamyada bulshada u suurtageliya inay noolaato. Taariikhda dagaalladii dunida iyo waayo-aragnimada Soomaaliya, Itoobiya, Suudaan iyo Somaliland waxay ina barayaan in burburka adeegyada caafimaadka, cunto-yaraanta, biyaha aan nadiifka ahayn iyo helitaan la’aanta dawooyinku ay abuuraan dhimasho laga hortagi karayay.

Sidaas darteed, qiimaynta dhabta ah ee khasaaraha colaadeed waa inay ku jirtaa ilaalinta bukaanka, shaqaalaha caafimaadka iyo kaabayaasha nolosha aasaasiga ah. Nabaddu ma aha oo keliya in rasaastu joogsato; waa in bukaanku helo cusbitaal shaqaynaya, hooyadu hesho daryeel ammaan ah, carruurtuna helaan biyo nadiif ah, cunto ku filan iyo tallaallo badbaadiya noloshooda.

Qoraallada kale ee qoraaga