Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Codka Dhallinyarada iyo Doorka Nabadda

25 October, 2025
Image
Codka Dhallinyarada iyo Doorka Nabadda
Share
Hordhac

Dagaallada iyo rabshadaha marka la eegaayo adduunka dhibaatooyinka ay dhaliyaan, dhallinyaradu waxa ay noqdaan kuwa ugu nugul dhibaatooyinkaasi ee ku waxyeelooba ama ku nafwaaya, iyaga oo inta badan noqda kuwa loo adeegsado ama janallada lasoo dhex mariyo farriimaha kacdoonnada iyo rabshadahaba. Sidaa darteed, sida lagu sheegay warbixin, ku saabsan dhallinyarada iyo nabadda oo ay soo saartay Qaramada midoobay sannadkii 2023-kii adduunka oo dhan, mid ka mid ah afartii dhallinyaro ah ayaa la kulma saamaynta dagaalka iyo rabshadaha.

Codka dhallinyaradu inta badan waa mid aan qayb ka ahayn dedaallada lagaga hortagaayo ama lagu xallinaayo iska horimaadyada, rabshadaha, dagaallada iyo kacdoonnada, taas oo keenta in aragtidooda iyo kaalintooda la yaraysto. Taas beddelkeeda waxa dhallinyarada si joogto ah loogu sawiraa in ay yihiin dadka geysta rabshadaha, halka mararka qaarkood loo muujiyo uun dhibbaneyaal, middaas oo hoos u dhigaysa awoodda, codadka, baaqyada iyo kaalinta ay ku leeyihiin bulshada.

Intaas marka laga soo tago hannaanka Qaramada Midoobay ee dhismaha nabadda iyo dhallinyarada ayaa sidoo kale isbeddel ku yimid muddo ka dib, waxaana jira go’aammo ka soo baxay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay kuwaas oo xoogga saaraya muhiimadda dhallinyarada ee dhismaha nabadda iyo sii wadista nabadda. Tusaale waxa aynu u soo qaadan karnaa go’aammada kala ah 2250 (2015), 2419 (2018) iyo 2535 (2020) Qaraarradan Golaha ka soo fulay ayaa calaamad u ah muhiimadda ay leedahay aqoonsiga doorka dhallinyarada oo awood u leh inay taageeraan, qaybna ka ahaadaan dhismaha nabadda. Qaraarka Golaha Amniga ee 2250 ayaa tilmaamaya shan tiir, kuwaas oo ku baaqaya hababka u oggolaanaya ka qaybgalka macnaha leh ee haweenka iyo dhallinyarada ee geeddi-socodka nabadda iyo xallinta khilaafaadka.

Dhawaan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ansixiyey qaarar tirsigiisu yahay 2719 kaas oo ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo doorka dhallinyarada ee wacyigelinta nabadda, halkii ay noqon lahaayeen xaabada rabshadaha. Sida uu ku doodayXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres waxa la joogaa wakhtigii la aqoonsan lahaa doorka muhiimka ah ee ay dhallinyaradu ku biirin karaan nabadda iyo amniga, taas oo ujeeddadu tahay in dhallinyarada laga dhigo hoggaan, lana siiyo kaalin oo si buuxda looga faa'iidaysto aqoontooda, fekradahooda iyo dedaalladooda. Tani waxa ay beddel u tahay aragtidii hore ee dhallinyarada u eegaysay in ay yihiin geesiyaal dhanka rabshadaha ah ama dhibaneyaal, waxaanay u rogaysaa kuwo wax ku darsan kara dhismaha bulshada ee dhanka nabadda, iyada oo la adeegsanayo awooddooda hal-abuurka, codkooda, midnimadooda, iyo fahamkooda xaaladaha dhallinyarada.

Somaliland, waxa ay dalalka dunida kala simantahay walaacaas laga qabo saamaynta rabshadaha, dagaallada iyo xasaraduhu ku leeyihiin dhallinyarada. Halkan, dhallinyaradu waxay ka kooban yihiin ilaa 70% boqolkiiba dadweynaha, sida lagu xusay Warbixinta Bangiga Adduunka ee 2021, Dhallinyaradani badankoodu malaha faham qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda nabadda, iyaga oo inta badan u nuglaada baaqyada kicinta, rabshadaha iyo mudaharaadyada aan taabanayn noloshooda ee iska siyaasi-sameega ah, kana dhaxla uun dhibaatooyin, marar bandanna kuba waxyeelooba.

Maqaalkan waxa aynu ku dul istaagi doonnaa, sababaha dhaliya rabshada, iyo doorka dhallinyarada Somaliland ee taageeridda geeddi-socodka nabadda mustaqbalka qarankeenna, iyo waxyaabaha la gudboon dawladda si loo abuuro bulsho isku duuban oo ka wada shaqeysa nabadda, wada-jirka iyo isku-duubnida bulshada oo loo maraayo samaynta kulanno wacyigelineedyo si loo xoojiyo doorka dhallinyarada ee nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Sababaha dhaliya rabshadaha, qalalaasaha iyo maarayntooda

Ugu horreyn waxa aynu nahay bulsho aan faham guud ka haysanin siyaasadda iyo xayndaabka nabadgelyada ee haddii laga gudbo ay dhalan karayso nabadgelyo darro. Bare sare Axmed Ismaaciil Samatar ayaa hadal jeedin uu kaga hadlaayey sugidda nabadgelyada iyo horumarka kana jeediyey Jaamacadda Burco, waxa uu ku tilmaamay in ay nabadgelyadu ka bilaabanto dadka oo waxna isku oggol waxna isla oggol, oo haddaan waxba la isla oggoleyn nabadgelyadu ma dhaqaaqayso, haddaan waxba la isku ogoleyn sidoo kale xin iyo cadaawad baa imanaysa. Markaas mushkiladaheenna ugu horreeya ee sababa ismaandhaafka dhallinaaya rabshado siyaasadeed waxa uu ka bilaabmaa in aynu ku sifeysnaanno marar badan xintan iyo wax isu ogolaansho la’aan ama wax isla ogolaansho la’aan taas oo u baahan in dib la isula eego sidii dadkeennu wax isula oggolaan lahaayeen, waxna isugu oggolaan lahaayeen.

Waxa xusid mudan in marar badan uu tashuush iyo aaminaad darro ay soo kala dhex gasho bulshada iyo dawladda, taas oo ay sal u tahay hoggaan xumo iyo ku tiirsanaanta qabiilka oo iyana ugu dambeyn sababi karta, marar badanna sababtay in ay si fudud u dhici karaan mushkilado colaadeed iyo nabadgelyo darro. Waxa aynu ku garan karnaa inaynu iswayddiinno dhaqankeenna siyaasadeed, daacadnimada qofka muwaadinka ahi halkee ayay taallaa! Ma qabiilka mise dawladnimada. Garyaqaan Guuleed Dafac oo madal kaga hadlaayey mawduucan ayaa xusay in haddii ay uu muwaadinkeennu marka la is barbar dhigo dawladnimada iyo reer hebelnimada uu daacad u yahay reer hebelnimada, taasina ay diciifisay jiritaanka dawladnimadeena, mushkiladdaas oo uu xalkeeda ku tilmaamay in la abuuro nidaam dawladeed oo ay dadku aaminsanyihiin waxna ku leeyihiin oo daacad u yihiin iyo in dadka siyaasiyiinta ahi ay ilaaliyaan rabitaanka iyo ogolaanshiyaha shacabka sidoo kalena siyaasigu uu garanaayo xadka aan la dhaafi karin.

Dhallinyaradu waa xoogga bulshada, waana dadka ugu badan tiro ahaan sidaas marka ay tahay dawladdu waa in ay si dhab ah uga qaybgalisaa talada oo ay ku dartaa guddiyada nabadgelyada ee heerarka kala duwan si loo heli xasillooni lagu xaqiijiyo horumar waara.

Wacyigelin la’aan dhan walba ah, baa qayb ka ah sababaha dhallin kara in ay si fudud u abuurmi karaan rabshado, kacdoonno iyo waxyaabo saamayn ku leh nabadgelyadu. Haddaad eegto masuul sare, xubin dawladeed illaa bulshadeenna shacabka ah, waxa aad ficilladooda ka dareemeysaa in aan wacyigeennu dhisnayn, oo dhamaanteen aynu wada dhiiqeysanayno marka ay timaaddo murannada siyaasiga ah iyo kuwa qabaliga ah. Waxa loo baahan yahay in wacyigelinnada la xoojiyo, lagu reebaayo weedhaha xanafta leh ee dhanwalba ka imanaaya, la iskuna baraarujiyo xuduudda ay ku eegtahay in lagu kala nabadgalayaa weedh iyo waxsheegba.

Ugu dambayn waxa ka mid ah sababaha dhalin kara rabshado, iyo kacdoonno bulsho, faham sanaan la’aanta awoodda codka iyo baaqyada dhallinyarada iyo doorkooda nabadda. Aynu iswayddiinno xubin malaga siiyaa dhallinyarada guddiyada nabadgelyo ee xaafadaha, degmooyinka, iyo gobolladaba! Ma wanaagsanaan lahayd in lagu dari lahaa Guddida Nabadda Jamhuuriyada Somaliland ee uu Madaxweyne Cirro magacaabay Jeenawari 2025, toddobada xubnood, xubin dhallinyaro “Wiil ama Gabadh”, kaas oo metelaad u ahaan lahaa dhallinyarada, fahamka odeyaasha iyo dhallinayradana soo dhaweyn lahaa, sidoo kalena xoojin lahaa dedaallada nabad-xoojineed ee dalkeenna.

Dhinac kale haddii la abuuri lahaa goleyaal dhallinyaro, mac’hadyo, iyo mashruucyo dhallinyarada lagu wacyi-dhisaayo, lagu dhageysanaayo, kaalintoodana lagu qiimaynaayo waxa ay door weyn ka qaadan lahaayeen in isla iyagu is qabtaan, is wacyigeliyaan, oo isku soo joogsadaan, iskuna fahmaan, taas oo baajin lahayd in ay badato ama awood ay helaan sababaha dhalin kara rabshado iyo kacdoonno bulsho oo khalkhal geliya nabadgelyadeenna.

Maxaa la gudboon dawladda Somaliland?

Si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo horumar joogto ah kaas oo ka hanaqaada Somaliland, iyada oo la tixgelinaayo awoodda iyo doorka dhallinyarada, dawladda Somaliland waxaa la gudboon in ay qaaddo tallaabooyin istaraatiiji ah oo qoto dheer. Tallaabooyinkan waa in ay noqdaan kuwo ku salaysan faham xeel dheer in loo yeesho sababaha asaasiga ah ee rabshadaha iyo kacdoonnada bulshada, iyo sidoo kale awoodda aan weli si buuxda loo adeegsan ee dhallinyarada. Si taas loo gaadho waxa la gudboon dawladda:

  1. In la kobciyo fahamka siyaasadeed iyo nabadgelyo ee bulshada

Dawladdu waa in ay maalgelisaa barnaamijyo waxbarasho iyo wacyigelin kuwaas oo ku saabsan nuxurka siyaasadda, xuduudaha dimuqraadiyadda, iyo sida ay bulshadu uga qayb qaadan karto geeddi-socodka siyaasadeed iyada oo aan wax u dhimayn nabadgelyada. Waa in la baraa muwaadiniinta in nabadgelyadu ay tahay aasaaska horumarka, iyo in ka gudubka xuduudaheedu uu keeni karo burbur.

Dawladdu waa in ay fududaysaa wada-hadallada bulsho kuwaas oo lagu dhisaayo isfaham, is-ixtiraam, iyo dulqaad siyaasadeed. Waa in la abuuraa madal ay bulshadu ku xalliso khilaafaadkeeda si nabad ah, iyada oo laga fogaanayo xintan iyo wax isku ogolaansho la'aan.

Waa in dib u eegis lagu sameeyo manhajka waxbarashada si loogu daro maaddooyin xoojinaya muwaadinnimada, qiyamka qaranka, iyo muhiimadda midnimada. Waa in carruurta iyo dhallinyarada laga bilaabo yaraantooda oo lagu beeraa jacaylka dalka iyo ixtiraamka sharciga. Sidoo kale, dawladdu waa in ay la shaqeysaa warbaahinta, dhistaa oo ay tayeysaa, si ay u faafiso farriimaha nabadda, isku-duubnida, iyo wacyigelinta bulshada. Sidoo kale waa in la dhiirrigeliyo warbaahinta madaxa-bannaan kuwooda kaalin wax ku ool ah ka qaadanaya dhisidda bulsho wacyigeedu sarreeyo, kuwa kalena laga shaqeeyaa sidii loo qaabayn lahaa farriimahooga nabad dhiska, loona joojin lahaa farriimaha aan u wacnayn nabadda iyo wadajirka bulshada, taas oo aan u ba ahnayn cadaadis, xadhig iyo dhibaatayn, se keliya u baahan tayeyn, dhisid iyo jiheyn qorsheysan.

Si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta, iyada oo la tixgelinaayo awoodda iyo doorka dhallinyarada, dawladda Somaliland waxaa la gudboon in ay qaaddo tallaabooyin istaraatiiji ah oo qoto dheer kuwaas oo ay ugu horreeyaan kobcinta fahamka siyaasadeed iyo nabadgalyada bulshada iyo xoojinta doorka dhallinyarada ee Nabadda iyo Horumarka.

Dawladdu waa in ay xoojisaa hay'adaha dawliga ah, iyada oo hubinaysa in ay ku shaqeeyaan daacadnimo, hufnaan, iyo caddaalad. Tani waxay ka dhigan tahay in la adkeeyo is la xisaabtanka, la xakameeyo musuqmaasuqa, iyo in la hubiyo in adeegyada dawladdu ay u gaadhaan dhammaan muwaadiniinta si siman.

Dawladdu waa in ay abuurtaa nidaam dawladeed oo ay dadku aaminsan yihiin, waxna ku leeyihiin, oo ay daacad u yihiin. Tani waxay u baahan tahay in la dhiso hay'ado xooggan oo ka nabad qaba qabyaaladda, iyo in la dhiirigeliyo haybsiga muwaaddinka ee qarannimo. Waa in la abuuraa jawi siyaasadeed oo ay siyaasiyiintu ku ilaaliyaan rabitaanka iyo oggolaanshaha shacabka. Siyaasiyiintu waa in ay fahmaan xuduudaha aan la dhaafi karin, oo ay ka fogaadaan hadallada iyo ficillada wax u dhimaya midnimada iyo nabadgelyada qaranka. Waa in sidoo kale bulshada la baraa xuduudaha qarannimada iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinteedu.

  1. Xoojinta Doorka Dhallinyarada ee Nabad-dhisidda iyo Horumarka

Dhallinyaradu waa xoogga bulshada, waana dadka ugu badan tiro ahaan sidaas marka ay tahay dawladdu waa in ay si dhab ah uga qaybgalisaa talada oo ay ku dartaa guddiyada nabadgelyada ee heerarka kala duwan (xaafad, degmo, gobol, iyo heer qaran). Sidoo kale waa in doorkooda la siiyo gogolaha nabadeed, shirarka iyo madallaha lagaga xaajoonaayo arrimaha nabadda. Tani waxa ay dhalinaysaa in codka dhallinyarada la maqlo, aragtidoodana la tixgeliyo. Dawladdu waa in ay abuurtaa goleyaal dhallinyaro, mac’hadyo, iyo mashaariic u gaar ah dhallinyarada, kuwaas oo lagu wacyigeliyo, lagu dhageysto, laguna qiimeeyo kaalintooda. Madalladan waa in ay siiyaan dhallinyarada fursad ay ku fekeraan, codkoodana ku mideeyaan, ku doodaan, isku qanciyaan, isku wacyigeliyaan, oo ay isku fahmaan, taas oo yareynaysa fursadaha rabshadaha iyo kacdoonnada bulsho.

Dawladdu waa in ay maalgelisaa waxbarashada tayada leh, tababarrada xirfadaha, iyo fursadaha shaqo abuurka ee dhallinyarada. Dhallinyarada aqoonta iyo xirfadaha leh waxay u badan tahay in ay ka fogaadaan rabshadaha oo ay ka qayb qaataan horumarka bulshada. Waa in sidoo kale la abuuraa jawi dhiirrigeliya hal-abuurka dhallinyarada iyo fekradahooda cusub ee ku saabsan xallinta dhibaatooyinka bulshada iyo dhisidda nabadda. Tani waxay ka dhigan tahay in la siiyo madal ay ku cabbiraan dareemmadooda, laguna taageero mashaariicdooda nabadeed.

Dawladdu waa in ay si firfircoon uga shaqeysaa sidii loo beddeli lahaa aragtida ah in dhallinyarada loo arko rabshad abuureyaal, waa in loo arki karaa cod nabadeed oo qayb ka gaysan kara midnimada iyo wadajirka bulshada oo taas loo qaabeeyaa, iyada oo la adeegsanayo awooddooda hal-abuurka, codkooda, midnimadooda, iyo fahamkooda xaaladaha dhallinyarada.

Gunaanadkii dawladda Somaliland waxaa la gudboon in ay qaaddo tallaabooyin dhammaystiran oo ku wajahan xoojinta nabadda iyo horumarka, iyada oo si gaar ah diiradda u saaraysa doorka dhallinyarada. Tani waxay u baahan tahay in la dhiso nidaam dawladeed oo lagu kalsoonaan karo, la kobciyo fahamka siyaasadeed ee bulshada, iyo in si buuxda looga faa'iideysto awoodda iyo hal-abuurka dhallinyarada. Haddii tallaabooyinkan si dhab ah loo qaado, Somaliland waxay gaadhi kartaa nabadgelyo waarta iyo horumar ballaadhan oo ay dhammaan qaybaha bulshadu ka wada qayb qaataan kuna wada noolaadaan.

Qoraallada kale ee qoraaga