Skip to main content

Monday 17 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Codbaahiyaha Masaajiddada Soomaalida

26 September, 2024
Image
Masaajid
Sawirka: masaajid Xamar ku yaal, waxa qaaday; jason florio/Corbis via Getty Images
Share

Masaajiddada ku yaalla magaalooyinka Soomaalida codbaahiya ku xidhan si weyn ayaa loo adeegsi xumeeyey.  Qaabka aynu u isticmaallo iyo xilliyada aynu adeegsanno labadaba magaalo joog xumo badan ayaa ku jirta. Ugu horrayn, marka bulsho isu timaaddo ee ay go'aansato in ay meel ku wada noolaadaan waxaa lagama maarmaan ah in ay samaystaan xeerar iyo xuduud aasaasi ah oo ku dhisan sidii xuquuqda iyo waajibaadka loo qaybsan lahaa. Bedqabka guud ee bulshadu na waa muhiimadda koowaad, wax kasta oo dhabqinaya na waa in xad loo sameeyo. Dhabqinta danta guud waxay ka mid tahay waxyaabaha nidaamka laga samaysto. Dawladdu, waa nidaamiye bulshadu ay isla qaateen in ay xorriyaddooda shakhsiga ah qayb ka tanaasulaan si wada noolaanshaha dadweynaha loo suurageliyo. Dastuurka, xeerarka ciqaabta madaniga iyo ganacsiga ee fulintooda dawladda loo wakiisho, curfiga reer magaalnimada, iyo guud ahaan xeerarka guud ee bulshada waxay lagama maarmaan u yihiin wada noolaanshaha dad badan oo jaad walba leh. Waxaa howshaas oo dhan loo galay waa si qof wal oo bulshada ka mida u helo xuquuqdiisa uga na badbaado xadgudub. 

Hordhacaa guud marka laga yimaaddo, waxaa inoo soo baxaysa, in ay muhiim tahay in wax la iska wayddiiyo fal iyo facaayil walba oo bulshada si guud saamayn ugu yeelanaya. Maadaama codbaahiyaha masaajidku leeyahay saamayn guud, waxaan aynu u baahannahay in aan dhowrkan su'aalood is waydiinno; maxay tahay ujeeddada asalka ah ee loogu talagalay codbaahiyaha masaajidka? Maxay tahay in loo adeegsado, maxay se tahay in aan loo adeegsan? Haddii loo adeegsado ujeeddo ka baxsan ujeeddadii asalka ahayd, maxaa ka dhalanaya? 

Bilowgii, sancada codwayneeyuhu markii ay soo derriday ee ay soo gaadhay waddamada muslimiinta ah, sidii caadada ahayd, dooddii koowaad ee ka dhalatay waxay ahayd; in ay bannaan tahay in aadaanka loo adeegsado iyo in ay bidco tahay? Sidii qaalibka ahayd na waa la isku khilaafay oo wadaaddadii xilligaa joogtay qaar waxay yidhaahdeen waa bidco iyo xaaraan, qaar na waxay ku doodeen waa shay caadi ah oo nolosha fududaynaya, in aadaanka dadka lagu gaadhsiiya na way bannaan tahay. Markii muddo laga joogay waxay isugu biya shubatay inuu yahay aalad farsamo oo howlaha lagu fududaysan karo. Maadaama ogaysiinta dadka ee cibaadada salaaddu ay ahayd mid ka mid ah usuusha diinta oo masaajidkii Nebiga (NNKH) ka soo bilaabatay, waagii hore waxaa qaban jiray mu'adin cod dheer oo minaarad loogu talagalay inta uu fuulo jabaqda aadaanka dadka sidaa ku gaadhsiin jiray, haddii se la helay farsamo iyo aalad howshaas fududaysay oo dad intii hore ka badan kana durugsan lagu gaadhsiin karo aadaanka waxay noqotay aalad la mahadiyey.

Aadaanku waa shaciiro diimeed oo muhiim ah, waa munaasibad aan dood la gelin karin oo faralka salaadda ayaa dadka lagu baraarujinayaa. Maalintii na waa shan jeer oo midkii ba uusan shan daqiiqo ka badnayn. Waa astaan iyo shaciiro faan iyo qabwayni dhalisa, In codbaahiye loo adeegsan karo na laguma kala baydhin. Taasi na waa ujeeddada rasmiga ah asaliyan, ee codbaahiya masaajidka.

Mawduuca is wayddiintu ka taagan tahay, midkaas maaha, balse waa in codbaahiyaha masaajidka ee ujeeddadiisa asaliga ahi tahay in shaciirada aadaanka lagu oogo loo adeegsado ujeeddooyin kale. Aadaanka wixii ka soo hadhay in codbaahiyaha loo adeegsado dood ayaa ka taagan. Waxaa jirta, oo aan waddanka Suudaan ku arkay, masaajidna kula tukan jiray, dariiqo culimo ah oo su'aal iska wayddiisay, salaadaha jahriga ah ee akhriska quraanka iyo dikriga kor loo qaado, ma lagu tukan karaa codbaahiye? Markii ay rogrogeen ee ay nusuusta dib ugu noqdeenna waxay soo heleen, aayad Quraanka Kariimka ah ku jirta oo sheegaysa in aan salaadda lala dhawaaqin. Waa aayadda 110 - aad ee suuradda Israa’ ee odhanaysa "(Nebiyow) halla yeedhin salaaddaada, hoos na ha u dhigin, meel u dhaxaysa labadaas jid ka raadso" Dabadeed waxaa u soo baxday, in aysan bannaanayn in salaadda codbaahiye lagu tukado oo akhriska quraanka ilaa heerkaas kor loo qaado, aayaddani na ay reebitaan cad u tahay arrintaas. Kooxdaasi waxa ay dhaqan u lahayd kolka addimaadda iyo aqimaadda la oogo in ay ay damiyaan codbaahiyaha, dhawaaqu na ku koobnaado masaajidka gudihiisa. Tabtaas bayna u oogi jireen salaadaha.

Marka laga yimaaddo fahankooda iyo tafsiirka aayaddaas ay daliishadeen, waxaan dareemi karnaa in codbaahiyaha oo loo adeegsado wax aadaanka dhaafsiisan ay tahay masalo doodi ka furan tahay, xitaa salaadaha faralka ah na marka lagu daro. Sida xaqiiqada ahna, fahankaasi maaha mid ku kooban kooxdaas aan kor ku soo xusay, balse waxa la qaba culimo badan oo ka mid ah mashaayikhda muctabarka ah ee Muslimiinta. Tusaale ahaan Sheekh Ibnu Cusaymiin wuxu yidhi: “adeegsiga codbaahiyaha ee salaadaha jahriga ah waa mid la iska reebay” sidoo kale waxaa jirta fatwo ay soo saareen gudida joogtada ah ee Cilmiga iyo Fatwada ee Sucuudiga oo Iyana lagu reebay in codbaahiyaha Masaajidka Quraan laga daaro. Sida oo kale in codbaahiyaha loo adeegsado ujeedooyin ka baxsan salaadaha faralka ah, sida akhrinta Quraanka, salaadaha sunnaha, sida Taraawiixda iyo Tahajudka iyo wacdiga iyo waxsheegga, si baaxadleh ayaa culimada Muslimiintu uga doodeen, qaar badan oo ka mid ahi na waxay ku tageen in aysan bannaanayn. 

Daliilka iyo xujada masaladani salka ku haysaa na waxaa ugu mudan xadiiska Abuu Saciid Alkhudri (RC) soo weriyey, ee ay soo saareen Abuu Daa'uud iyo Axmed bin Xambal.Abuu Saciid Alkhudri waxaa laga weriyey in uu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (NNKH) ayaa ku ictikaafay masaajidka, kolkaas ayuu maqlay iyaga akhriska kor ugu yeedhaya, markaas ayuu intuu daahii iska fayday yidhi: "Hoy, mid kastaa Rabbigii ayuu la faqayaaye, yaanay qaarkiin kuwa kale dhibin, oo yaanu qaarkiin kor ugu qaadin kuwa kale akhrinta, ama salaadda". Sidoo kale waxaa jira nusuus iyo axaadiis kale oo Nebiga ka sugnaatay oo reebaysa in masaajidka baadi laga naadiyo, ama ganacsi iyo wax kala iibsi looga dhex yeedho. Halkaas waxa aynu kala bixi karnaa in aysan munaasib ahayn, goobta cibaadada ee xasiloonida loo soo doonto in dhabqin kale la la yimaaddo. In codbaahiyaha loo adeegsado na warkeeda ba daa. In la tashuushiyo qofka cibaadaysanaya oo xasilloonida uu masaajidka u soo raadsaday sawaxan kale lagaga furaa na ma habboona. Tashuushkaas iyo dhabqintaasi na kuma koobna, keliya dadka masaajidka gudihiisa jooga, ee waxay ku dacal dhebaysaa guud ahaan bulshada magaalada ku nool.

Maxaa ka dhashay maykirifoonka oo loo adeegsado mawduucyo kale oo aan ahayn kuwii asaliga ahaa? Haddii aan isla aragnay adeegsiga codbaahiyaha aadaanka iyo salaadaha faralka ah, iyo doodaha ka taagan, bal aan isla fiirinno dhanka kale, waxyaabaha ka baxsan aadaanka iyo faralka ee loo adeegsado. Soomaali ahaan, dhibaato iyo adeegsi xumo badan ayaan ku samaynnaa codbaahiyaha masaajidka ku xidhan. Tusaale ahaan, marka salaadda laga baxo masaajidadda badankooda, imaamka ama qof kale ayaa codbaahiyaha qabsanaya, isaga oo ogaysiis, wacyigelin ama wacdi guud jeedinayam isaga oo aan tixgelinayn dadka sunnaysanaya, tasbiixsanaya ama faralkii ba ka soo daahay ee weli tukanaya ayuu qoob iyo qaylo isku darayaa oo sahwi iyo tashuush kaga furayaa cibaadada. Sida oo kale waxaa caan ah in sameecadaha masaajidka iyo codbaahiyihiisa loo adeegsado casharada, duruusta iyo maxaadirooyinka masaajidadda ka baxa. Waxaa sidoo kale aan u adeegsannaa salaadaha sunnaha ah, sida taraawiixda iyo tahajudka, gaar ahaan xilliga Ramadaanta

Adeegsiyadan oo dhan dhibtooda ayaa ka badan dheeftooda. Marka laga yimaaddo tashuushka ay dadka cibaadaysanaya ee masaajidka jooga u geysanayaan, waxay dhibaatadu u gudubtaa bannaanka masaajidka. Maadaama sameecadaha bannaanka ee masaajidka oo aad u cod dheer mar walba furan yihiin, waxay Khalkhal iyo qasitaan badan u gaystaan dhammaan acmaasha iyo shaqooyin kale ee bulshadu haysato. Shaqooyinka iskaba daaye, mararka qaar waxay tashuushisaa aasaasiyaadka nolosha ee bulshada, sida hurdada iyo nasashada. Bal sawiro, qof xanuunsanaya oo dhakhtar yaalla ama waayeel ah oo hurdadu ba ku yartahay, labada habeennimo sameecadaha masaajidka ay deriska yihiin laga dul daaray, iyada salaad sunne ah lagu tukanayo! Bal sawiro arday duruus dhiganaya oo fasal fadhiya, ama imtixaan u diyaar garoobaya oo codbaahiyaha masaajidka deriskiisa ah oo dersi naxwe ah lagu laqbaynayo wax ka dhigan kari waayey ama ka akhrisan kari waayey! Bal sawiro macallin casharadii uu berri ardayda u dhigi lahaa diyaarsanaya oo sameecadaha qaylada dheer Masaajidka oo canaani ka socoto ka shaqaysan kari waayey! Bal sawiro, dadka shaqooyinkooda maalinlaha ah ku jira ee ama shiraya, ama wax dhiganaya, ama iswaraysan lahaa ee isma maqli la’, sababta oo ah, mikrofoonka masaajidka ayaa muxaadiro ka socotaa! 

Mararka qaarkood,, ee waxaa dhacda in saddexda masaajid ee hareeraha kaa xiga ba saddexdooda codbaahiye laga hadlo, oo xaafadda oo dhami isu beddesho duufaan jabaq iyo qaylo ah, aan labada wada taagani ismaqli karayn! Codbaahiyaha masaajidka oo had iyo jeer laga bulaamiyaa wuxu ka qayb qaataa dikhowga jabaqda (sound pollution) ee dhibaatada ku haya magaalooyinka casriga ah. Sida ay u jiraan dikhowga hawada iyo dikhowga biyuhu ayaa jabaqda iyo codku na u dikhoobaan. Magaalada casriga ah ee saxmadda badan, mashiinada,baabuurta iyo birqalad kale ee guuxiyo gariirka leh ee faraha badan lagu isticmaalo waxaa ka jira dikhow jabaqeed iyo saxawan aan la xammili Karin, sameecadda iyo codbaahiyaha sida taxadar la'aanta ah looga dhawaajinayaa na wuxuu ka sii qayb qaataa dikhowga jabaqda iyo dhegabarjowga magaalada lagu qabo. Dhibta noocan ahi, waa mid ka jirta badanka magaalooyinka Soomaalida, cid ka hadashada waa ay koobantahay, dadku na badi waxa ay u haystaan in ay tahay waajib diini ah ama muqadas aan wax la iska waydiin karin! Sida dhabta ah se waa dhabqin iyo qasitaan jawiga guud ee nolosha bulshada, waa na arrin mudan in wax laga beddelo. 

Haddaba, si xeego na xeego u noqoto, ilka na u nabadgalaan, sameecadda iyo mikrafoonka masaajidka waa in wax laga beddelo. Nidaamka aan hadda u adeegsanno ee aad moodid in qof ba qofka uu ka qaylo dheeryahay in lagu tartamayo, ee marka salaadaha laga baxo uu sawaxanku is qabsanayo magaalooyinkeena, wuxuu dhibaato iyo dheef la’aan u yahay bedqabka guud ee bulshada. Wacdiga iyo waxsheegga, muxaadirooyinka iyo duruusta gaarka ah, waa in ay ku koobnaadaan dadka u soo qasday masaajidka gudahiisa ku sugan. Haddii laga maarmi waayo, waa in la adeegsado codbaahiyaha gudaha ee masaajidka. 

Qoraallada kale ee qoraaga