Skip to main content

Sunday 20 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Ciyaaraha Saylicida: Dhaxal Dhaqan oo Soo Jireena

12 March, 2025
Image
Seylaci
Xigashada Sawirka: Madasha Dhaqanka ee ifiye
Share

Bulsho waliba waxay leedahay hab nololeed, dhaqan iyo hidde ay ku abtirsato oo ay la goonni tahay. Ciyaaruhuna waa agab maaweelo, waa kuwo ay bulsho waliba ka soo dheegatay falsafadda iyo qiyamka ay rumaysan tahay ee salka u ah nolosheeda. Sidaa si la mid ah, Soomaalidu waxay leedahay ciyaar dhaqameedyo tiro badan, oo ay dhallintu isugu timaaddo oo la isku maaweeliyo kuwaas oo xambaarsan falsafad iyo ujeeddooyin kala duwan oo ka turjumaya hab nololeedka Soomaalida.

Dhanka kale, ciyaaro dhaqameedda Soomaalidu waxay u kala baxaan qaybo badan oo ay ka mid yihiin ciyaaraha Saylicida, Reer Guuraaga, iyo kuwa Beeraleyda. Haddaba, qormadan waxaan ku soo bandhigaynaa qaybo ka mid ah ciyaaraha Saylicida oo lagu tilmaamo kuwa ugu facaweyn ciyaaro dhaqameedda Soomaalida, gaar ahaan kuwa ay ciyaaraan dadka reer Bandarka ah ama reer magaalka ahi. Saylicida sida magaceeda laga arkayo waxaa loogu magac daray magaalada ‘‘Saylac’’ oo ahayd halkii ay ka soo if-baxeen ciyaarahani.

Taariikhda qoran waxa lagu hayaa Saylac in ay tahay magaalada ugu da’weyn Geeska Afrika ee aynu ku noolnahay. Waxayna ahayd muddo ka badan labo kun oo sannadood, xarunta ganacsi ee Geeska Afrika ku xidha bariga fog, ee Katon oo shiinaha ah, Bombay iyo Kalkata oo Hindiya ah, Suur oo Cumaan ah, Basra iyo meelo kale oo ka mid ah Ciraaq, Iiraan iyo Masar.

Sidoo kale, waxay Saylac xarun-siyaasadeed u ahayd, qaar ka mid ah Saldanooyinkii iyo Imaaradihii islaamiga ee ka jirey dhulka Soomaalida sida: Saldannadii Cadil oo saameyn xooggan ku lahayd Geeska Afrika. Maamulkeeduna gaadhay meelo badan oo ka mid ah Afrikada bari, muddadii u dhaxeysay 1415kii -1577kii.

Waxyaabaha maanta aynu ka haynno dhaxalkii iyo ilbaxnimadii Saylac, waxaa ka mid ah cuntada, dhismaha guryaha (architecture) iyo ciyaaro dhaqameedda oo ka turjumaya hab-nololeedka dadkii degganaa xilligaa ee kaalinta ka qaatay dhismaha ilbaxnimadii hore ee Saylac.

Sidoo kale waxay ciyaarahani si fiican uga turjumayaan suugaantii iyo afkii uu lahaa dadkaasi oo aan maanta nooleyn, macnaha erayadiisana aan wax badan laga aqoon. Waana arrin runtii u baahan in lagu sameeyo cilmi baadhis qota dheer, maxaa yeelay? Waxaa muuqata inuu afkaasi ahaa af-guri isku dhex jir ah (Creol ama Pidgin).

Haddii aynu intaas kaga gudubno milicsigaa sooyaaleed, ciyaarta Saylicidu waxay ka mid tahay ciyaaraha dadka Soomaalida ahi aad ka u jecel yihiin, waxaana laga ciyaaraa oo ay caan ku tahay  Jabuuti, Soomaalilaan, gaar ahaan Gobolka Awdal, iyo weliba meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ee Itoobbiya. Dhanka qalabka lagu tumo ama lagu ciyaaro Saylicida, waxaa ka mid ah durbaan weyn oo lagu tumo labada gacmood, kaasi oo hoggaamiya jiibta, jaanta iyo sacabka.

Qaybaha ciyaarta Saylicida

Guud ahaan Ciyaarta Saylicidu waxay ka kooban tahay in ka badan 100 ciyaarood. Hase yeeshee, Alle ha u naxariistee Abwaan Cumar Macallin Nuur (Cumar Kuul) oo cilmi-baadhis qoto dheer ku sameeyay ciyaaraha, hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida muddadii u dhaxaysay 1981 ilaa 1992 ayaa isagu rumaysan in ay ciyaaraha Saylicidu u kala baxaan lix qaybood oo waaweyn kuwaas kala ah:

1. Saasada: Saasadu waa tan ugu faca wayn guud ahaan ciyaaraha Saylicida, waxayna ka kooban tahay ciyaaro dhowr ah oo isku asal ah. Hase yeeshee ku kala duwan luuqda, jaanta iyo sacabka oo waxay ka bilaabantaa: ‘‘Bismillaahii sallallaa calaayee hooyaalee’’ waxayna ku dhamaataa ‘‘Silin baawiyaa’’. Dhanka dharka, waxay wiilashu xidhaan shaati iyo macawis ama gundhate, cimaamad, koofiyad, kabo saan ah iyo billaawe. Gabdhuhuna waxay xidhaan gareys, kurdad ama toob dhex-yara ah, boqor, dhacle, kuul, balag iyo cabbaadhyo, waxaana la ciyaaraa maalmaha farxadda iyo xilliyada barwaaqada.

2. Horrada: Horrada Saylicidu waxay ka mid tahay ciyaarihii boqorrada iyo salaaddiinta loo cijaari jiray, waxayna u kala kacdaa ciyaaro dhowr ah oo ay ka mid yihiin: ‘‘Dinkaara iyo Haybarra’’.

3.  Nabawyaha: Nabowye waa ciyaaro la dheelo munaasabadaha farxadda sida ciidaha, siyaarooyinka, gelbinta iyo hoynta aroosyada waxaana ka mid ah:

Seyno nebowye

Saalam calaykaa

Shalilaa shalilaa

Yaa welliiyu llaah

Sheekh Abaaddiroow’’

4. Aytada: Aytadu waa ciyaaro dumarka u gaar ah, oo ay soomaalidu ka soo dheegteen Canfarta waxaana la ciyaaraa munaasibadaha guurka iyo hoynta aroosyada.

5. Heelleyda: Heelleydu waa ciyaaro soomaalida u gaar ah oo ay ku soo kordhiyeen ciyaarta Saylicida, waana heesaha qaraamiga loo yaqaanno, deedna noqday heesaha casriga ee qalabka muusigga lagu tumo, waxaana ka mid ah:

Hobaalayey hoobow

Waa gabadh suldaan dhalayoo

Salli bay ku hurudaa (yoo)

Waa la soo sasabayaa (yeey)

Ha u Samir daraannina (eey)

Sida uu Cumar Kuul  ku sheegay deraasaddiisa bilawgii heellada Saylicida waxay wiilasha iyo gabdhuhu ku ciyaari jireen sarajoog. Markayse balwaddu dhalatay ee Jaadkuna meesha soo galay ayay noqotay mid fadhiga lagu ciyaaro iyadoo madaxa la lulayo durbaan iyo sacabna la tumayo.

6. Baarcaddaha: Baarcadduhu wuxuu ka mid yahay ciyaaraha saarka ee loo dhaco ama loo suuxo. Taas oo ka dhalata oonka iyo baahida ay isku qabaan wiilasha iyo gabdhuhu marka ay is heli waayaan. Waxaana ka mid ah ciyaaraha baarcaddah:

Helleli waanbee

Ku suga suugee

Ku sigi waayee

Maxaad sugi waykan

Hooyi waaloow

(ee) hooyi waaloow

Yiwaaloow hooyi waaloow

Soo soco siraaddee

Sidaadoo kale la waayey

Gunaanad

Gabagabadii ciyaaraha Saylicidu waa dhaxal dhaqameed fac weyn oo ka tarjumaya ilbaxnimadii hore ee magaalada Saylac iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee xeebaha ku dhaqan. Waa ciyaaro xambaarsan falsafad nololeed, suugaan hodan ah, iyo xidhiidh bulsho oo soo jireen ah. Waxaana lagu tilmaamaa hal-abuur debecsan oo isku xidha jiilasha kala duwan, astaanna u ah xusuusta sooyaalka, dhaqanka iyo hab-maamuuska bulshada.

Iyadoo waqtigu is beddelay, haddana ciyaaraha Saylicidu waxay weli leeyihiin kaalintoodii dhaqameed, inkastoo qaabab cusub loo cayaaraayo. Sidaas darteed, muhiim ayey tahay in la ilaaliyo, la horumariyo, lana baro jiilasha soo koraya, si dhaxalkii hore u sii jiro loona xoojiyo aqoonsiga dhaqan ee bulshada Soomaaliyeed.

Run ahaantii, hal qormo oo kooban laguma soo koobi karo falanqeynta iyo faaqidaadda ciyaaraha Saylicida ee baaxadda intaas le’eg leh. Sidaa awgeed qormadani waxa ay si sar kaxaadis ah u milicsatay ciyaaraha Saylicida. Ugu dabaynna waxa aan soo jeedinayaa in la derso lana baadho dhaqanka ciyaaraha kala duwan ee Soomaalida gaar ahaan Sayliciyada oo aynnu si kooban wax uga nidhi. 

Qoraallada kale ee qoraaga