Saturday 11 April 2026
Hidde waa wax soo jireen ah oo ummadi ay ka dhaxasho abka ay ka soo jeedo. Waa caadooyin, iyo farsamooyin nololeed oo bulsho hab soo jireen ah u dhaxasho, ciyaaruhuna waa hidde aynu soo jireen u leenahay, taas oo xambaarsan qiyam aynu rumaysanayn. Dhaqanku waa astaanjirrida iyo aragtiyaha ka dhasha qaabka ay cidi nolosha u la falgasho, kaas oo ku sar go'an heerka noloshooda iyo ilbaxnimadooda. Ciyaaraha dhaqanku waa kuwo xambaarsan dhaqan iyo hidde, labadaba. Ciyaaraha dhaqanku waa qayb aad muhiim u ah oo ka mid ah suugaanta Soomaalida. Bulsho waliba waxay leedahay hab-nololeed, dhaqan iyo hidde ay ku abtirsato oo ay la goonni tahay, ciyaaruhuna waa agab maaweelo, waa kuwo ay bulsho waliba ka soo dheegatay falsafadda iyo qiyamka ay rumaysan tahay ee salka u ah nolosheeda. . Soomaalidu waxay leedahay ciyaar dhaqameedyo tiro badan, oo ay dhallintu isugu timaaddo, la iskuna maaweeliyo kuwaas oo xambaarsan falsafad iyo ujeeddooyin kala duwan oo ka turjumaya habnololeedka Soomaalida. Mid ka mid ah falsafadaha ugu waawayn ee ciyaar dhaqameedka laga dhex arki karo waxa ka mid ah in ay yihiin kuwo u taagan wadajir iyo isku duubni. Waxa ciyaarahaas loo ciyaaraa hab kooxeed ah taas oo muujinaysa wadajir iyo midnimo bulsho.
Ciyaar dhaqameedku waxa ay muujiyaan dirsooc ummadeed, hal-abuur iyo caadooyin soo taxnaa qarniyo badan, oo ay ummaddaasi leedahay. Ciyaar dhaqameedka waxa laga dhigan karaa tixraac, si loo ogaado xeeldheerida ummadi ledahay iyo halka ay ka soo farcantay.Ujeeddooyinka ciyaaraha waxa aynu odhan karnaa: Ciyaaruhu mar waa madadaalo, marna waa haasaawe, mar saddexaadna waa xifaalo, kaftan iyo hal xidhaalayn.
Haddii aynu intaas kaga soo gudubno milicsiga ciyaar dhaqameedka, qormadan waxa aynu ku eegi doonaa ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, innaga oo mid kasta isdultaagi doona, waxa ay tahay, deegaannada laga ciyaaro, xilligga la ciyaaro, habka loo ciyaaro iyo weliba meerisyada ay mid kastaa luuq ahaan gaar u leedahay.
Wiglo: Waa ciyaar dhaqameed ka hanoqaadday miyiga, dhallinta iyo waayeelkuba waa ay ku kaftami jireen, waanay ku hasaawi jireen. Waxa la aamisanyahay in ay ka soo baxday Jubbadda Hoose, oo waa tii la odhan jirey:
Ganaanay biyoobay geel ma maroo
Go’ dooy waa la kala gu' waynyahayeey.
Merisyada Wiglada waxa ka mid ah:
Hadduu ballankii dhab kaa yahay
Biyaan dooni been ku soo sheegeey.
Hirwada: Waa ciyaar dhaqameed aad u fac wayn. Wigladii ayaa sacab iyo jaan lagu daray oo noqotay Hirwo. Midhahu waa isla kuwii Wiglada, waxaa se la kala duway luuqdii. Badi waxa laga ciyaaraa galbeedka Soomalilaaan iyo Soomaali Galbeed. Waxa ay leedahay jiib iyo jaan wada socda - Jiibtu waa in xiddigga curinaya erayada oo ah gole ka fuul laga dabo hooriyo, tan ayaa sahlaysa in miraha la qabto iyada oo ka dhigan qurxin iyo xusuusin, iyada oo weliba codka la jiidayo. Waxaa la dheelaa habeenkii, iyo barqosinkii inta qaboonada ah oo ay milicda libdhadu jaban tahay, xooluhuna doogsin daaqa yihiin. Balse, Hirwada xilligii ay kugu soo dhacdaa la cammirtaa. Meerisyada Ciyaartani waxa ay ku bilaabmayaan labo meeris oo gaagaaban;
Hirwooy, naa Hirwooy!
Goor habeena soo dhacayeey.
Dhaanto: Waa ciyaar dhaqameed ka mid ah kuwa Soomaalidu ay jecelyihiin. Waxa laga ciyaaraa Awdal, Soomaali Galbeed ilaa Jabuuti. Ciyaarta waxaa ciyaara dumar iyo ragba. Dhaantadu way noocya badantahay. Badanaa noocyadaa kala duwan waxaa laga ciyaaraa dhulkeena, gaar ahaan miyiga. Haddii aynu wax ka xusno ama ka soo qaadano waxa kamid ah: Rigeeya iyo Xamdi. Sida roobka markii wigladu ay ka soo bilaambatay NFD, waxa ay u baxday Bari oo waxa ay noqotay Dhaanto. Ereyga dhaanto waxa uu ka yimid dhawaaqa dheer. Inta badan waxa la dhaantayn jirey marka socodka dheer uu jiro. Dhaantadu, sida wiglada, lagu ma ciyaari jirin ee waa lagu socon jirey, Ciddii u horeyaysay ee bari geysa ee ku soocotayna Daraawiish ayay ahayd. Luuqda ayay ku kala duwanaayeen Dhaantada. Haddii aynu soo qaadano meerisyo Dhaanto ah:
Annaggu soconoo sarkaal na wadyeey
Middii na sugaysayeey samireey.
Balbaal: Halkaas markii ay maraysay waxa soo baxay dhallinyar laqan ah oo reerohooda ka dibjirey lana baxay ‘Dhaanto xer’. Waxa ay u sii kala baxeen ilaa afar kooxood.. Halkaas ayay hawshii ka ambaqaadeen oo habeen walba magaalo ka tumi jireen, waxaana ka mid ahaa X. Balbaal iyo Cawdu-Bille. Magacyadan waxa ay kula baxeen luuq iyo ciyaar wanaagga.
X. Balbaal waxa uu ku dhashay Ceerigaabo, waa ninka ceerigaabada ka gaadhay Bulbul. Waxa uu yaqiinay Batarka ilaa uu Jigjiga tagay oo cidiba dhagaysan wayday, kolkaas oo uu bilaabay Dhaantada. Waxa midhaheeda ka mid ahaa;
Xeertuu waday xaaji Baalbaal iyo
Xariirtii magaaladaa timiyeey.
Balwo: Qiyaastii sanadkii 1943kii ayaa Cabdi Sinimo uu baabuurkiisii ku jabay meel u dhow Banka Giriyaad, wakhtigaasi ayuu sameeyay ereyada heestii ugu horeeysay ee uu ku luuqeeyay, asagoo ka shaqaynaya baabuurka ka xumaaday. Heestaasi waxaa la yidhaahdaa Balwo waxayna noqotay magaca iyo bilowgii suugaanta cusub ee Soomaalida iyo kooxdii ugu horeeysay ee fanaaniin leh. Midhaheedana waxaa ka mid ahaa:
Balwooy, hooy balwooy
Waxii i baleeyay mooyaane.
Dadkii ayaa loo bahallo geliyay oo markii dambe inta magacii laga baddalay loo bixiyay Heello. Sidaas ayaana magacii Balwo ee la dhibsaday lagu dhaafay, nasiib darro Balwo ma tisqaadin.
Heello: Nasiib wanaag, heello way tisqaaday oo labadii meeris waa ay ka socotoy, luuq u gaar ahna way yeelatay. Waa ay ka badatay labaalaydii, ilaa iyo tiraba dhawrkii meerisba si wada jir ah ayay u jeeddo u sameeyaan. Waxa ay heelladdu socotay 1954- 1959-kii. Ragga macalimiinta Heellada hormuudka u ahaa waxa ka mid ahaa Aybar oo reer Berbera ahaa. Midhaha heellada waxa ka mid ahaa:
Hellooy helleloooy hellooy
Hellooy hellelooy hellooy.
Saylicida: Waa mid ka mid ah ciyaar dhaqameedka ugu faca wayn. Ciyaarta Saylicidu waxay ka mid tahay ciyaaraha dadka Soomaalida ahi aadka u jecel yihiin, waxaana laga ciyaaraa oo ay caan ku tahay Jabuuti, Soomaalilaan, gaar ahaan Gobolka Awdal, iyo weliba meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaalida ee Itoobbiya. Marka la ciyaaraayo waxa la iskaga soo horjeedsadaa qaab isa soo qaabbilid ah. Wiilashu waxa ay xidhaan Macawis, kabo sandhal ah iyo Toorrey, gabdhuhuna googorad, garabsaar iyo kuul. Waxa ay u sii kala baxdaa ilaa 6 qaybood oo waawayn. Marka ay ciyaartu dhamaato waxa la gu soo xidha HAACOOX HAACOOX. In kaste oo meerisayda ay ku bilaabmataa ay kala duwanyihiin, haddana waxa ka mid ah:
‘‘Bismillaahii sallallaa calaayee hooyaalee’’ waxayna ku dhamaataa ‘‘Silin baawiyaa.”
Wilwilada: Waa ciyaar Soomaalidu ay ciyaari jirtay ilaa haddana aan weli dhiman. Dhammaan ciyaraaha Soomalida waxa ay kaga duwantahay baa la yidhaahdaa waxa la ciyaaraa xilliyadda colaadda. Wilwiladu kuma koobna xilliyada guubaabada ama ififaale colaadeed ay jiraan oo keliya, ee waxay ka mid tahay ciyaaraha munaasibadaha gaarka ah, kuwaas oo la dheelo xilliyada barwaaqada, iyo maalmaha farxadda sida: ciidaha, aroosyada iyo duub-xidhka boqorrada iyo ugaasyada.Waxa laga ciyaaraa Jabuuti, awdal, Soomaali Galbeed iyo gobollo kale. Habka loo ciyaaro haddii aynu wax ka nidhaahno, raggu waxa ay kusoo labistaan waran, gaashaan, billaawe, go’ cad, iyo kabo saan geel laga tolay. Waa boqorka ciyaraaha ayaa la yidhaahdaa. waxa ay ka koobantahay hab ciyaareed kala nooc nooc ah oo si habaysan loo habeebayay. Ninkii
aasaasay ciyaartan waxa la qabaa in uu ahaa Cali-kala-geeye. In ay tahay ciyaar la ciyaaro xilliga damaashaadka iyo colaaddaba, waa kii Hadraawi lahaa AHUN:
In wilwilo ciyaar tahay,
Is waraari badantahay
Milgiyo hab leedahay
Marna walax dagaal iyo
Warmo iyo hub leedahay
Wejigeedu laba yahay
Waayeel ba noo sheeg.
Ereyada wilwilada lagu ciyaaro waxaa ka mid ah:
Heerimaadow ha na baaban,
Nin aan helnaa ma hanbaynee,
Hari maadee ha na baaban.
Ciyaarta Istunka: Waa ciyaar ka caan ah degmada Afgooye. Waa ciyaar fac wayn waxana la sheegaa in la ciyaari jirey muddo ku siman boqortooyadii Ajuuraan. Istunka waxa la ciyaaraa sanadkiiba hal mar, waxaana lagu beegaa Dabshidka (Nayruuska). Sida ciyaaraha kaleba u leeyihiin ayuu istunkuna xeer u leeyahay. Waxaa ka mid ah:
In aanay caruur ciyaari karin, iyo dadka da’da ah toona.
Waa in labada kooxood ee ciyaarayaa ay is le’egyihiin tiro ahaan: waxaana badanaa ka shaqeeya guddi loo saaro.
Qarada ulaha la isla dhacaayo iyana waa in la isla ogyahay, oo la ma ogola qaarna in ay waataan qaarna ay ka imaadaan.
Waxa la ciyaaraa dab shidka oo keliya ah.
Istuunka waa loo diyaar garoobaa, magaaaldana waxa isugu imaada dad aad u tiro badan.
Ciyaarta Kabeebayda: Waa ciyaaraha ka mid ah ciyaaraha Soomaalida Jubooyinka, Bay iyo Bakool. Ciyaartan badi waxa ciyaara beerellayda iyo xoolo dhaqatadaba. Waaa ciyaar la ciyaaro maalintii iyo habeenkii qaybtiisa hore. Haddii aynu eegno hannaanka ciyaartan loo ciyaaro, waxa la diyaariyaa goob saddexda dhinac ba rag kaga hareeraysanyihiin. Dhinaca afraadna waxa istaaga dumarka. Waa Qaab farshaxan sare leh, taas oo ka qayb qaadan karta nidaamka & kala dambaynta ciyaarta. Heesaha la gu ciyaaro waxa soo saara rag waayo-aragnimo u leh dhaqanka iyo hal-abuurkaba, ragaas oo loogu yeedho Af-yaal. Qalabyada muusiga ee la adeegsadana waxa ka mid ah durbaanka. Hablaha ciyaartan jooga badanaa waa la ammaana si ka duwan ciyaaraha kale. Xadhig durbaan ku xidhanyahay ayaa si wanaagsan loo garaacaa marka jiibta & jaanta la isla helo. Meerisyadeeda waxaa ka mid ah;
Buube fade baalnay ma haysidoo
Baroor waalineegiyaa kooyeey boos binaay.
Micnaha meerisyada waxa weeyaan waan boodi karaa laakiin baalal aan ku biibo ma haysto.
Baarcadde: Waa ciyaar laga ciyaaro gobolada Soomaalilaan gaar ahaan Togdheer, Awdal, Saaxil iyo Ceerigaabo. Waana ciyaar saarka la hal maasha. Marka rooxaanta jibaysanee baarcaduhu ku kacdana waxa uu doonaa in giddiga habeenkaas habluhu u jiibiyaan, isaga oo la dhexqaadaya dhengad, qawlaladana ka xumbaynaaya. Midhaha Baarcadaha waxa ka mid ah:
Hiyeeleeleey hiyee, Haa Haa
Hiyey laba hoobiwaa, Haa Haa
Habluhu gaagaabanaa Haa Haa
Ma gudin baa la gu sarjaray Haa Haa
Batarka: waa ciyaar ka mid ah ciyaaraha Soomaalidu ciyaarto ee ay hiddaha iyo dhaqanka u leyihiin, waxaana ay u kala baxdaa laba qaybood oo la kala yidhaahdo jaandheer, oo laga ciyaaro oogada sare ee Hargaysa iyo Burco, iyo qaybta kale ee loo yaqaan Jaflo oo laga ciyaaro waqooyiga labadan gobol. Midhaaheeda waxa ka mid ah:
Batar waa nin kowsaday
Nimuu beerka kala baxay
Nin bartiisa dhaafsaday.
Bullo. Waa ciyaar ka mid ah ciyaaraha Soomaalida, waxaana la ga ciyaaraa deegaanka Qallaafe. Waxaana wada ciyaara rag iyo dumar. Qalabka la adeegsado ciyaartan waxa ka mid ah buun bir iyo darguugad.
Rubooy hoobeey
Sida raan yar guuraysa
Rubooy hoobeey
Wallasaqo; waa ciyaar ka mid ah ciyaaraha Soomaalida ugu caansan, waxaana la ga ciyaaraa inta u dhaxaysa gaalkacyo ila xamar. Waxa isku baxa wiil iyo gabadh qofka heesayanaa isagu ma boodo.Heesaha la gu qaado waxa ka mid ah.
Wiil.
Weey weey weey
Gabadh
Waa waree soodaa.
Shirib: Eray ahaan wuxuu kuu tilmaamayaa shir ama kulan lagu wada hadlayo ama bandhig dhaqameed, sidaa awgeed, waxaa la yiraahdaa meeshii socodku ku bato ama la isaga daba noqnoqdo Shirib ama shirbayn. Shiribku waa dhambaal suugaaneed laysugu gudbiyo farriimo xanbaarsan murti iyo xigmad aan laga dhergayn. Shiribka waxaa lagama maarmaan ah inuu ka unkamo ugu yaraan laba meeris. Inta badan Shiribku waa 8-8 alan balse, sida ugu quruxda badan uguna habboon waa in Shiribka xarafka laga billaabayo laba jeer soo galo, waana farshaxannimada ugu sarreysa, way dhacdaa in mararka qaarkood laga maarmo, balse, bilicdiisa ayaa maax dumaysa. Shiribku wuxuu ka mid yahay suugaanta murtida iyo mugga weyn, ee geyigeena aad looga xiiseeyo, inkastoo ay jirto in gobollo gaara aad looga adeegsado Shiribka, haddana, waa laga wada yaqaan inta Soomaalidu degto gebi ahaan, Shiribka waxaa inta badan laga adeegsadaa ama si gaara u adeegsada Gobollada dhexe: Mudug, Galgaduud, Hiiraan, shabeelladda dhexe, Banaadir & Shabeelada Hoose.
Haddii aynu tusaale u soo qaadano Meerisyo Shirib ah:
Reer Todobaatan waa tageen
Talo nin Tuur laheey u taa.
Ciyaarta Ceerigaabo waa mid ka mid ah ciyaaraha dhaqanka ee ka soo jeeda degaannada waqooyi ee Soomaalida, gaar ahaan gobolka Sanaag. Ceerigaabadu waa ciyaar faracyo badan waxaa se ugu caansan ciyaarta Jaandheerta Loo yaqaan oo ay dadka qaarkiis ba ka dhigaan ciyaar gooniya. Waa ciyaar jiib, jaan iyo sacab iyo mashxradba leh. Waa ciyaar ragga ay iyo dumarkuba ciyaaraan. Jaandheer waxa ay kula baxday waa codka sare ee kor loogu dhawaaqaayo, iyo Booditaanka dheer. ciyaartan waxa loo sii kala saari karaa faraco kala duwan, waxaana ka mid ah:HANA HAABAN,Hogol fiid iyo HOO laaban.Waqtiyada la ciyaaro waxa ay kala siman tahay ciyaaraha kale ee dhaqanka aroosyada, iyo xafladahaba waa la ciyaaraa. Waxa la ciyaraa waqtiyada habeenkii oo dhallinta ayaa ku haasawda. Iyaga oo luuqda iyo goynteeda la raacaaya ayay wiilashu adimada isku rogaa, gabdhuhu se inta badan waa ay iswareejiyaan.
Midhaha jaandheerta
Dhabtii inuu abwaan yahay,
Waayo dheerna soo tumay,
Dhawaaqiisa heestiyo,
Midhihiisa dhumucda leh
Iyo dhalankaad ka garataayay.
Marka laga yimaaddo madadaalada iyo cabbirka dareen marxaladeed, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee bulshooyinka Soomaaliyeed waa dhaxal ummadeed oo jiilba jiil usoo gudbinayey. Waxyaabaha ku duugani waa kuwo isugu jira taariikh dhacdo, xikmad, hibo, hal-abuur iyo xataa hab-nololeedka bulsho iyo kobta ay ka deggentahay deegaanada badan ee Soomaaliyeed.
Wakhtigan la joogo, waa muhiim in la ilaaliyo, loona gudbiyo jiilka cusub, si aanay ugu lumin uguna dhaqan-doorsamin dhaqanada qalaad ee sida fudud degelkooda ugu soo gaadhaya.
Run ahaantii, hal qormo oo kooban laguma soo koobi karo falanqeynta iyo faaqidaadda ciyaaraha dhaqanka ee baaxadda intaas le’eg leh. Sidaa awgeed qormadani waxa ay si guud u faaqidday ciyaaraha dhaqanka ee Soomaalida kuwooda ugu caansan. Ugu dabaynna waxa aan soo jeedinayaa in wasaraadda hiddaha iyo dhaqanku ay kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta, kaydinta iyo gudbinta dhaqanka iyo hiddaha ummaddani ay leedahay.