Skip to main content

Saturday 19 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Cilmiga Awaala Sheegga iyo Soomaalida

6 April, 2025
Image
hv
Sawirka: Getty Images
Share
Awaala sheeggu waxa uu ka mid yahay culuumta dhaqan ee guunka ah, waa waayo-aragnimo aan cilmi ku dhisnayn, oo bulshooyinku adeegsan jireen intaan cilmi-nafsiga iyo culuumta la xidhiidhaa hanaqaadin. Waa waayo -aragnimo la dhugto muuqaalka qofka oo laga soo dhiraandhiriyo shaqsiyaddiisa, xanuunnada uu nugul yahay iyo wixii la la hal maala.

Awaala sheeggu waa cilmi fac weyn oo ay adeegsan jireen ummadihii hore sida Giriiggii, Faraaciintii, iyo Carabtii casriyadii hore. Waa cilmi soo maray heerar kala duwan oo ay qoreen, habeeyeen, oo adeegsadeen quruumo kala jaad ah oo ku kala nool qaaradaha adduunku. Cilmigan ayaa ujeeddadiisu tahay in laga akhriyo dabeecadda iyo xaaladda qofka ama xayawaanka iyadoo la eegayo qaabka jidhkiisa, farahiisa, indhihiisa ama dhaqdhaqaaqiisa.

Wakhtigii Nabiga – Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato – ayaa waxaa dhacday maalin in oday reer miyi ah oo yaqaan cilmiga sumalka uu arkay laba saxaabi oo walaalo ah oo meel hurda. Markii uu fiiriyey cagahooda, wuxuu yidhi: “Labadan qof way is dhaleen.” Warkaas oo uu Nabigu aad ugu farxay, taasoo muujinaysa qiimaha cilmigan lagu garanayo xidhiidhka iyo sifooyinka dadku wadaagaan.

Soomaalidu waxay cilmigan ka gaadhay heer sare oo yaab leh. Waxa ay si qotadheer ugu dhabatay deraasaddiisa. Qaybo ka mid ah cilmi-awaalaha waxay Soomaalidu la wadaagtaa quruumaha kale, halka ay sidoo kale leedahay qayb gaar u ah oo ay iyadu si gaar ah u fahantay oo u dhaxaysay jiilal badan

Cilmigani waxa uu koobsanayaa akhrinta muuqaalka qofka sida wajiga dhismihiisa, cagta iyo xabadka ama laabta waana aqoon ay la wadaagaan quruumaha kale ee caalamka. Waxaa laga akhrinayaa dabciga iyo shaqsiyadda qofka, xanuunnada uu u nugul yahay qofku, waayihiisa nololeed iyo waxyaabo kale.

Tusaale ahaan, indhaha waaweyn ee buurbuuran ee kor eegaya dadka leh waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwo cadho dhaw, waxa lagu sheegaa sidoo kale in ay yihiin dad qabow oo ay firficoonidu Ku yar tahay.

Sida oo kale indhaha waaweyn ee kuusan ee hoosta fiiriya   waxa lagu sheegaa in ay yihiin dad nugul oo aan inta badan jeclayn dhibaatada, ha yeeshee, waxa la yidhaa waxay ku fiican yihiin xifdiga.

Indhaha kuusan ee xagga il yarada u badan, waxa ay u nugul yihiin xanuunka dhibirka, indhaha waawayn ee tooska fiiriya waxa ay Ku haboon yihiin hoggaaminta, dagaalka iyo muranka, waxa ay beegsadaan u jeedadooda iyo hadafkood.

Indhaha dhex dhexaadka ee fiiriya toosku waxa ay Ku habboon yihiin maaraynta waana qunyar socod, ma jeclo dhibta, badankoodu waa bulshaawi isku xidhka aad bay ugu fiican yihiin.

Indhaha yar yar qaab dhiskooda ee aad mooddo goobada waxa ay Ku liibaanaan fekerka iyo yool beegsiga, waxa ay u nugul yihiin sida la sheegay, xanuunka dhimirka, ma maarayn karaan mushkiladaha iyo dhibta, oo ku ma fiicna dhanka go'aan qaadashada, oo waa labaclabac badan yihiin.

Indhaha godan ee is eega, waxa ay jecel yihiin shiddada iyo dhibta, waa dad dood badan, oo go’aannada dagaalka si dag-dag ah u qaata, hadh iyo habeen guluf raadisa, sida la sheego qofka sidan ahi waa uu ka libkeenaa waxa uu dedaal ku bixiyo.

Soomaalidu waxay ay ka farraysaa ololka geela subaxdii xilliga barqada, sida la hubo, nooluhu waxa uu leeyahay luuqado kala jaad ah iyo af-garashooyin fara baban oo dadban iyo kuwo toosa oo u baahan fahan iyo dhugasho, Soomaalidu waxa ay hoggaanka u haysaa dad-yawga Aqoonta awaala-sheega iyo af-garadka duunyada iyo duurjoogta heerka ka gaadhay ee ku talax-tagay ee aad u yaqaanna, Soomaalidu maahmaah ayay ka samaysay geela subaxii olola oo waxay yidhaahdaan;

“Markuu geelu ba'ayo bariisuu ololaa,

Marka ay naago ba’ayaan, badhidaa cuncunta.”

Geelu sidiisaba waa meesinka ay Soomaalidu ugu jeceshahay xoolaha la dhaqdo, sidaa darteed ayay u baratay hab dhaqankiisa.

Ololka geelu waxa la sheegaa in uu sadaaliyo geerida dabadhoonka/geeljiraha usha u sida ama nirigta jaqaysa midkood.

Waxaa kale oo ka mid ah, waxyaabaha ay Soomaalidu ka farrayso, Galawga waa shimbir keli socod ah oo aan jeclayn wehelka, waxa uu tiriyaa heelo kaldanbeedka gabagabada jiilaalka, marka la maqlo doobdhawgiisa aad baa loogu farxaa, waxana la isugu bishaareeya gu’ samaad.

Sida oo kale waxaa laga farrayn jiray, sida Shimbirka cirsan ka yeedhka waa shimbir dharaartii iyo habeenkii haada mararka qaar uun la arko, waxa uu dagganyahay sida badan oo laga helaa buurahaa dhaadheer. Eydu waxay ka mid ahayd wax yaabaha ay Soomaalidu ka farrayn-jirtay, waa nuuc ka mid ah, ayga cidiisa, sida uubataynta la yidhaahdo oo kale, dadkuna inta badan way dhibsadaan maqalka codkaa uubataynta waxaa la yidhaahdaa qul.

Soomaalidu waa ummad cajiib ah oo aad u horumarisay cilmiga awaal-sheegga, aqoonta duunyada, iyo af-garadkaba. Waxay si qotadheer u fahmeen luuqadda dabiiciga ah ee xoolaha iyo duurjoogtaba, waxayna leeyihiin xigmad iyo dhaxal dhaqameed aad u qani ah.

Awaal-sheeggu ma aha oo keliya fal-tus lagu sameeyo dadka ama xoolaha, waa dhaqan iyo cilmi fac weyn leh oo Soomaalidu si qoto dheer uga shaqeysay. Waa aqoon ay ku gartaan jirka, indhaha, ololka, codadka duurjoogta iyo dabeecadaha. Waxay ku tusinaysaa in Soomaalidu lahayd aragti dhaxalgal ah oo ku salaysan cilmiga, garashada, iyo fahamka xoolaha, dadka iyo deegaanka ay ku noolyihiin.

  • Farre : farrayn ama waa wax ka sheegid. Odorosid. Saadaalin.
  • Fac : fac-wayn, da’a wayn, oo soo jireen ah.
  • Awaal : waa male awaal.guhaan.waa cabirid wax maqan oo la filayo.
  • Uubatayn : waa nuuc ka mid ah qaylada ayda,
  • Doobdhawgu : waa dhawaaq iyo cod la maqlo oo uu sameeyo Galawgu.
  • Inayte : waa ninka Geela madaxa u ah, ee maamulkiisa ma jaraha u haya.
  • Dhugto : dhuggashadu waa u fiirsasho xeel-dheer.
  • Guluf : Gulufku waa col iyo geedan daran oo wax qaada oo wax gumaada.

Qoraallada kale ee qoraaga

Fan

Sooyaalka Fanka Soomaalida