Sunday 7 June 2026
Suudaan — saacadihii la soo dhaafay Magaalada Karamka ee gobolka Niilka Buluugga ah waxa ka dhacay isbeddello degdeg ah kadib markii ay Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee dagaalka kula jira Ciidamada Dawladda ee Suudaan ay shaaca ka qaadeen in ay gacanta ku dhigeen magaalada istaraatiijiga ah oo dhacda xuduudda u dhaxaysa labada dal ee Suudaan iyo Itoobiya. Dagaallo culus oo dhex maray labada ciidan ayaa sababay in ay Ciidamdaa Qalabka sida ee Suudaan ay isaga huleelaan dhammaan goobihii muuhiimka ah ee ay difaaca kaga jireen sida gudaha iyo bannaanka magaalada.
Muddooyinkii danbe Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ayaa waday dhaqdhaqaayo ay ku doonayaan qabsashada goobaha istaraatiijiga ah ee kulaalaya xuduudaha taas oo sida la filayo kordhinaysa saamayntooda iyo galaangalkooda gaar ahaan gobolka Niilka buluugga ah halkaas oo muddooyinkii danbe ay ka cakirnaayeen xaalado amni oo kakan isla markaasna lagu arkay meleshiiyaad hubsan oo ku leh colaadda ka jirta degmadaas.
Kormeerayaasha iyo dadka u dhuundaloola xaaladda Suudaan waxa ay tibaaxayaan in gacan ku qabashada Magaalada Karamka ay tahay guul istaraatiiji maxaa yeelay waa magaalo muhiim ah oo isku xidha laba dawladood isla markaas na leh ahmiyad juqaarifi taas oo sahli karta furitaanka jidad cusub oo sahaydu marto. Dhanka kale waxa ay wax ka beddeli kartaa miisaanka wada xaajoodyada lagu raadinayo nabadda ee suuragelka ah. Muuqaallo ka soo baxay dad taabacsan RSF iyo ilaha warbaahineed oo ku dhow ayaa faafiyey muuqaallo muujinaya ciidamada RSF oo ku sugan magaalada iyo xarrumaha dawladda ee Karamka kuwaas oo ku dhawaaqaya in ay iyagu si buuxda gacanta ugu hayaan maamulka magaalada.
Intaas ka sakow, iska horimaadyadan milatari ee u dhexeeya labada dhinac ee isku haya talada Suudaan waxa ay sababeen mashaqo bani’aadamnimo iyo barakac ballaadhan oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo miciin biday una firdhaday tuulooyinka ku dhow ama xadka Itoobiya iyaga oo ka cabsi qaba wax yeelo ka soo gaadha isku dhacyada hubaysan ee deegaanka ka curtay.
Intaas waxa dheer cabsi isa soo taraysa oo laga qabo cunto yaraan iyo xaalado caafimaad darro oo ka jira deegaanka waxaana la warinayaa in ay go’een waddooyinkii sahaydu soo maraysay taas oo sare u sii qaadday waalaca laga qabo cunto yaraan baahda oo ku faafto deegaamada.
Dhanka siyaasadda, qabasadashada Karamkaa waxa ay keentay falcalin ballaadhan iyada oo loo qaatay colaad horleh iyo in ay laf dhuun gashay ku tahay dedaallada loogu jiro nabad guud oo la dhex dhigo dhinacyada isku haya Suudaan. Dhankeeda Beesha caalamka ayaa walaac weyn ka muujisay iska horimaadyada iyo fiditaanka colaadda Suudaan gaar ahaan degaannada hore u ahaa goobo nabadeed oo ayna colaaddu si baahsan ugu fidin, waxaanay ku baaqday in ay dhinacyadu is xakameeyaan.
Ugu danbeyn qabashada Karamka waxa ay gobolka Niilka Buluugga ah gelinaysaa xaalad hore leh, waxaana suuragel ah in ay kor u qaaddo isku dhacyada hubaysan ee qabiiliga ah isla markaasna ay caqabad ku noqoto wada hadal iyo nabad guud oo ay isugu yimaaddaan dhinacyada ku loolamaya talada Suudaan.