Skip to main content

Sunday 19 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Cidlada iyo Kelinimadu maxay ku kala duwanyihiin?

5 June, 2025
Image
Cidla iyo kelinimadu maxay ku kala duwanyihiin?
Share

Hadda oo aan jiro siddeetan iyo toddoba sanno, keligay baan noolahay. Waxa aan keli ku ahay guri yar oo beer ku yaalla, lana dhisay 1803-kii. Halkan buu qoyskaygu ku noolaa waxii ka dambeeyey Dagaalkii Sokeeye [ee Maraykanka]. Geeridii awoowgay kaddib, ayeeyday Kate ayaa halkan kelideed ku noolayd, saddexdeeda habloodna marar soo booqan jireen. 1975-kii ayaa ay Kate dhimatay iyada oo sagaashan iyo toddoba sanno jir ah, anigaana ka dhaxlay oo booskeedii galay. Afartan sanno iyo dheeraad baan halkan ku noolahay, oo aan maalintayda ku qaataa laba kursi midkood. Intaan ku fadhiyo kursiga cirawga ah ee qolka fadhiga dhex qotoma, waxa aan daaqadda ka eegaa beerta guriga oo duugawday, fardihii iyo lo’dii joogi jirayna aanay joogin. Halkaas baan ubaxa qaadhay iyo barafka bannaanka tuulan ka daawadaa. Kursi kale oo qolka cuntada yaalla ayaan qoraalladan oo kale ku qoraa, farriimahaygana ka diraa. Marar baan talafeeshanka daawadaa, se badanka uma dhegraariciyo wararkaas, oo deggenaanta kelinnimadaan ku raaxaystaa anigoo kursiga ku dangiiga.  

Dadku waxay doonaan inay isoo booqdaan, se badanka anigaa ka diida, si aan u ilaashado kelinnimada aanan rabin in la iga qaso. Linda ayaa toddobaadkii laba habeen timaadda. Laba saaxiib oo igu dheer, oo aannu ku saaxiibnay Niyuu Hampshire ayaa iyaguna marar dhif ah iiga yimaadda Maine iyo Manhattan, oo toddobaadkii dhawr saacadood ila qaata. Karole ayaa iyana dharka ii dhaqda, dawada ii tirisa, oo gurigana iga nadiifisa. Intaas yar ee ay joogto waan eegaa, oo markaas ay baxdo ayaan nafis dareemaa. Mararka qaar, siiba habeenkii, kelinnimadu weji kale oo kakan bay iila soo baxdaa, oo cidlaan dareemaa, nayaayir baana isoo gala marka wejigii kale ee kelinnimadu soo laabto.  

Markii aan dhashay 1928-kii, ilmaha keliya ee ay waalidkay dhaleen baan ahaa. Muddadii lagu jiray Dhaqaale Burburkii Weynaa, carruurta ila midka ahi waa ay badnaayeen, oo dugsiga hoose ee Spring Glen waxa uu lahaa siddeed fasal oo ay ka buuxaan carruur bilaa walaalo ahi. Marar dhif ah ayaan saaxiib yeeshay carruurnimadaydii, se saaxiibtinnimadu iguma waari jirin. Jaarli Aksel waxa uu jeclaa in uu diyaarado macmal ah ka sameeyo loox iyo waraaqo. Sidiisa oo kale ayaan isku dayay, se ruux farsamadaas ku fiicani iguma jirin oo anigoo kala daadiyey waxa aan nabnabay ayaan is arki jiray, halka diyaaradaha uu Charlie macmalay ay duuli jireen. Muddo kaddib, waxa aan jeclaystay ururinta shaambadaha boostada, waxaana ila ururin jiray Faraank Benedik. Ugu dambayn waan ka xiiso dhacay ururintooda. Fasalka toddobaad iyo siddeedaad markii aannu ku jirnay, waxa jiray hablo dhigta dugsiga. Waxa aan xasuustaa aniga iyo Barbara Pope oo sariirteeda isbarbar jiifna, anigana dharkaygu ii dhan yahay, weliba aan ka durugsanahay inanta, se hooyadeed kolba indho anfariirsan nagu soo jalleecayso.  

Inta badan waxaan jeclaa inaan keligay ahaado dugsiga dabadii, oo aan iska dhex fadhiyo qolka fadhiga oo mugdi ah. Hooyaday badanka waxa ay u bixi jirtay adeeg, amaba waxa ay ku maqnayd inay saaxiibbadaheed lasoo ciyaarto kaadhadhka, aabbahayna waxa uu badanka marti ku qaabbili jiray xafiiskiisa, aniguna kelinnimadaas baan soo jeedka ku riyoon jiray. Xagaaga waxa aan ka tagi jiray gurigayga darafka Connecticut ku yaalla, oo waxa aan awoowgay ugu iman jiray beertan Niyuu Haamshire ku taalla ee aan hadda joogo. Subax iyo galab walba waxa aan daawan jiray isagoo toddobada sac maalaya. Qadada waxa aan samaysan jiray saanwij, oo inta aan roodhi laba u kala jeexo ayaan basal dhexgalin jiray.  

Labadii sanno ee u dambeeyey dugsiga sare waxa aan tagay dugsiga sare ee Exeter. Exeter aad buu u waxbarasho adkaa, oo waa waxa markii dambe ii sahlay Jaamacadda Haadhfaad, se aad baan u necbaa. Waxa uu ahaa dugsi ay isugu yimaaddeen shan boqol oo wiil oo isku gedo ah, laba labana qol u wada deggan. Halkan kelinnimadii baa cidhiidhi gashay, waanan ka dhib mutay inaan helo. Keligay baan masaafo dheer lugayn jiray, anigoo sigaar cabbaya. Ugu dambayn waxaan helay qol qof keli ah ku filan oo ay dhif ahayd in la helo, inta awooddayda ahna halkaas baan ku qaadan jiray, anigoo wax akhrinaya ama wax qoraya. Habeenka sabtida, ardayda kale oo dhammi waxa ay isugu tegi jireen garoonka kubbadda kolayga, iyagoo farxad ku daawanaya filin, se anigu kelinnimadaas ayaan ku raaxaysan jiray anigoo qolkayga ku hadhay.  

Xilligii aan kulliyadda ku jiray, guryaha jaamacaddu waxa ay lahaayeen qol hurdo oo qof kasta u gaar ah. Saddex sanno ayaan keligay ku qaatay qol ii gaar ah oo alaabtaydu ka buuxdo. Sannadkii u dambeeyey kulliyadda ayaan helay qayb ka kooban qol hurdo, qol fadhi iyo suuli u gaar ah. Muddadii aan Oxford [ee Ingiriiska] aan joogay, waxaan gaar u degganaa laba qol, ardayda kalena ila mid bay ahaayeen. Kaddib waxa aan bilaabay inaan buugaag qoro [oo aan kelinnimaa sii ilaashado]. Nasiibdarro, ugu dambayn waxaan ku khasbanaaday inaan shaqo raadiyo. Guurkaygii koowaad –dadku berigaas yaraanta ayay ku guursan jireen oo aniga iyo xaaskaygu waxa aannu kala ahayn labaatan jir iyo saddex iyo labaatan jir, waxa aannu degnay Ann Arbor, anigoo suugaanta Ingiriisiga ka dhigaya Jaamacadda Mishigan. Waxa aan jeclaa in aan dhex wareego hoolka casharrada aan ku bixiyo, anigoo ka sheekaynaya Yeats iyo Joyce, amaba kor u akhrinaya gabayadii Thomas Hardy iyo Andrew Marvell. Walow aan ku faraxsanaa shaqadan, haddana dhif bay ahayd in aan kelinnimadii dareemo, se guriga intaan joogo ayaan wakhtigayga ku qaadan jiray qol yar oo xagga sare ah, anigoo diwaangelinaya gabayadayda. Xaaskaygu aad bay u maskax badnayd, oo xisaabta ayay kaga fiicnayd suugaanta. Waannu wada noolayn, se haddana goonni baannu u kala koraynay. Markii koowaad noloshayda ayaan nafis ku dareemay bulshaynta, kaddib kolkii aan dhex muquurtay dhaqanka magaalada Ann Arbor, ee xafladuhu dadka kulmiyaan. Waxaan is arkay anigoo tirsanaya inta ka hadhsan maalmaha fasaxa toddobaadka, si aan u tago xafladaha laga buuxo ee ii saamaxa inaan kaga dhuunto guurka. Maalinka jimcaha waxa la qaban jiray laba ama saddex munaasibadahaas ah, sabtidana munaasibado kasii badan baa jiray, oo dadka is qabaa kaga dhuuman karaan guriga ay isku dul caajiseen. Waannu haasaawi jirnay, khamri baannu cabbi jirnay, oo waannu sheekaysan jirnay, maalinka axaddana maannaan xasuusan jirin waxii aannu xalay ku sugnayn oo dhan.  

Lix iyo toban sanno oo guur ah dabadood, xaaskaygii waannu kala tagnay. Muddo shan sanno ah ayaanan mar kale keligay noolaa, se markan maan haysan raaxadii kelinnimada. Kadeedka guurkii fashilmay baan ku beddeshay kadeed khamri. Waxaan la haasaaway gabadh si maalinle ah u cabta quraarad foodhka ah [khamri]. Toddobaadkii baan saddex ama afar dumar ah haasaawiyaa, mararna saddex dumar ah ayaan maalin keli ah wada haasaawiyaa. Gabayadaydii waa ay istaageen, waxaanan isku dayay inaan is tuso inaan nolol deggan ku jiro, se ma suurogalin.  

Jane Kenyon waxa ay ahayd ardayaddaydii. Aad bay u maskax badnayd, oo gabayo ayaa ay qori jirtay, fasalka dhexdiisana waxa ay ahayd qof maad badan oo hadal cad. Waxaan ogaa in ay deggantahay guri jaamacadeed oo gurigayga u dhow, sidaas darteed ayaan habeen uga codsaday inay guriga ii sii eegto inta aan ku maqanahay kulan saacad qaadanaya. Markaan guriga kusoo laabtay, sariirtaan wada tagnay. Waannu iska nafisnay, oo si madaxbannaan u wada raaxaysannay. Maalin kalaan ka codsaday inaan casho geeyo, oo 1970-kii ka dhignayd inaad qofka isla joogtaan ilaa subaxa. Hal mar baannu toddobaadkii kulmi jirnay, haddana toddobaadkii laba jeer baan ka dhignay, anigoo weli dumar kalena la haasaawa, ugu dambaynna saddex ama afar jeer ayaannu toddobaadkii kulmi jirnay, waana markaan joojiyey inaan cid kale la haasaawo. Habeen baannu isla soo qaadnay guur, se judhiiba waannu beddelnay mawduuca, sababtoo ah waxaan ka weynaa sagaal iyo toban sanno, oo, haddiiba aannu is guursanno, waxa caddayd in aan ka hor dhimanayo oo ay muddo gabadh laga dhintay sii ahaanayso. Se haddana waxa aannu is guursannay Apriil 22-keedii, 1972-kii. Saddex sanno ayaan ku wada noolayn Ann Arbor, kaddib na 1975-kii ayaan Mishigan kasoo tagnay, oo aannu Niyuu Haamshire soo degnay. Aad bay uga heshay guriga duugga ah ee qoyska.  

Muddo labaatan sanno ku siman, anigaa Jane ka hor toosi jiray, oo sariirta ugu keeni jiray bunka. Marka ay toosto waxa ay nadiifin jirtay eygeeda, intaas kaddib midkaayaba waxa uu gelli jiray qol gaar ah oo uu ku shaqeeyo, oo guriga labada dabaq ah darafyada kaga kala yaallay. Qolkaygu waxa uu ahaa cidhifka dabaqa hoose, keeduna dabaqa sare qolka u dambeeya. Kelinnimadaas ayaa uu mid waliba gabayada ku qori jiray gelinka hore. Qadada ayaannu usoo bixi jirnay, midkaayana ka kale lama hadli jirin. Kad dib baannu labaatan daqiiqo seexan jirnay, si aannu ugu nasanno inta hadhsan maalinta. Waxaannu u toosnaa kadeedka maalinlaha ah. Waxaan is arkaa anigoo raba inaan Jane laabta gashado, se nasashada cusub ayaa Jane tamar galisay, oo waxaan arkaa iyadoo qolkeeda shaqada u degdegaysa.  

Dhawr saacadood oo kale ayaannu dib usii shaqayn jirnay. Goor dambe oo galabtii ah, ayaan cod sare Jane ugu akhrin jiray “Hordhaca” Wordsworth, noofalka “The Ambassadors”ee Henry James, Tawraadda, wax uu qoray William Faulkner, buugaag kale oo Henry James leeyahay iyo gabayo qarnigii 17aad ah. Cashada ka hor waxa aan cabbi jiray biir, anigoo isha marinaya The New Yorker, Jane-na iyada oo cashada karinaysa ayaa ay khamriga wayn fiiqsan jirtay. Sidaas bay casho macaan ku diyaarin jirtay, oo ay iga codsan jirtay inaan saxannada soo saaro miiska cuntada, inta ay shamaca daarayso. Cashadaas baannu kaga dul sheekaysan jirnay maalintii aannu labada qol ku kala jirnay.  

Galbaha xagaaga waxaannu ku qaadan jirnay harada yar ee Eagle Pond, oo aan xeeb nooga dhicin, dhawaaqa rahana aan cid kale nagu wehelin. Halkaas bay Jane dhabarka u jiifsataa iyadoo cadceedsanaysa, aniguna kursi baan buugaag ku akhriyaa. Labaatan sanno oo guurkaas xasuusaha miidhan ah ka dib, oo aannu isla noolayn, kelidana midba wax ku qorayey, Jane waxa ay u geeriyootay kansarka dhiigga, iyada oo ah afartan iyo toddoba jir, bishii Apriil ee 1995-kii.  

Hadda, waa 22-kii Apriil, 2016. Geerida Jane waxa kasoo wareegay wax labaatan sanno ka badan. Sannadkan horraantiisii baan Jane u murugooday si aanan hore ugu murugoon. Waan xanuunsaday, oo waxaan u maleeyey inaan dhimanayo. Kolkii ay dhimanaysay, sannad iyo badh baan dhinac joogay. Aad baan uga tiiraanyooday inay Jane da’daas yar ku dhimatay, saacad wal oo maalintii ahna waxaan u duuljoogay sidii inaan wedka ka baajinayo. Bishii Jeeniwari ee sannadkan [2016], ayaan mar kale aad u murugooday, markan waa anigoo ka tiiraanyaysan inaanay i garab joogin markaan dhimanayo.    

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan