Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Cidhibtirka Bulshooyinka Dhaladka ah: Dhufsanyareha Taariikheed ee Maraykanka iyo Israa’iil ay Wadaagaan

31 May, 2026
Image
Cidhibtirka Bulshooyinka Dhaladka ah: Dhufsanyareha Taariikheed ee Maraykanka iyo Israa’iil ay Wadaagaan
Share

Maraykanka waxaa lagu aasaasay, welina uu ku taagan yahay, dhul laga dhacay dadka asaliga ah, kaas oo lagu qabsaday xasuuq qaran oo aan weli joogsan. Sidoo kale, Israa’iil waxaa lagu aasaasay, welina ay ku taagan tahay, dhul Falastiiniyiin laga dhacay, laguna qaatay xasuuq qaran oo sii socda. Labada dalba, xasuuqu wuxuu u yahay tiir kamid ah tiirarka qaab-dhismeedka gumaysiga deegaamaynta.

Sida xagga dambe ee maqaalka aynu ku arki doonno, taariikhyahanka iyo baraha sare ee daraasaadka Maraykanka ee Jaamacadda Cornell, Eric Cheyfitz, wuxuu ku doodayaa in fekerka aasaaska u ah gumaysiga deegaamaynta ee Maraykanka iyo Israa’iil uu ka soo jeedo isku meel, taas oo sii xoojisay xidhiidh muddo dheer soo jiray oo u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil.

Qeexidda xasuuqa

Gumaysiga deegaamayntu waa in dawlad qabsato dhul ay dawlad kale leedahay, si dawladda soo duushay u dejiso dadkeeda, iyada oo isir-sifayn ku samaynaysa dadka asal ahaan degan. Sidaas awgeed, gumaysiga deegaamaynta badanaa waxa ku ladhan xasuuq. Halkan, xasuuqa waxaa lagu qeexaa laba siyaabood:

Tan koowaad waa sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, qodobka labaad ee heshiiskii 1948-kii: fal kasta oo lagu fuliyo ujeeddo ah in la burburiyo koox qaran, qowmiyad, jinsi ama diin — qayb kamid ah ama gebigood— waxaana ka mid ah:

  • dilka xubnaha kooxda;

  • dhaawac culus oo jidheed ama nafsadeed oo loo geysto xubnaha kooxda;

  • si ula kac ah loo abuuro xaalado nololeed oo horseedaya dabar-go’ jidheed gebigood ama qayb ka mid ah;

  • in la qaado tallaabooyin lagu dabar-goynayo taranka kooxda;

  • in si khasab ah carruurta kooxda loogu wareejiyo koox kale.

Ereyga “genocide”, ama xasuuq, waxaa curiyey sharci-yaqaan Raphael Lemkin kadib xasuuqii Nazi-ga, waxaana badanaa loola jeedaa dembi aad u weyn oo leh ujeeddo cad oo baaxad ballaadhan, sida gumaadkii lix milyan oo Yuhuud ah ama xasuuqii boqollaalka kun ee Tutsi-ga ahaa ee lagu laayey Ruwanda 1994-kii.

Laakiin qeexidda Lemkin, inkastoo ay tilmaamayso dembi weyn oo muuqda, waxay sidoo kale xasuuqa u qeexaysaa si kale: waa hannaan maalinle ah oo lagu burburinayo jiritaanka bulsho iyo siyaasad ee koox qaran: “Guud ahaan, khasab ma aha in uu xasuuqu noqdo burbur degdeg ah oo loo geysto qaran ama koox, laga reebo haddii lagu fuliyo gumaad oo dhammaan xubnaha lagu laayo. Hase yeeshee, xasuuqu waxa uu tilmaamayaa qorshe isku dubaridan oo falal kala duwan ah oo lagu burburinayo aasaaska nolosha kooxaha qaran, ujeeddaduna tahay in la baabi’iyo jiritaankooda.”

Xasuuq-dhismeedka

Iyadoo Lemkin uu tilmaamayo qeexidda caadiga ah ee ku xusan heshiiska, haddana wuxuu sidoo kale tilmaamayaa nooc tartiib-tartiib u sii xoogaysanaya oo xasuuqa kamid ah, kaas oo uu Patrick Wolfe ugu yeedhay “xasuuq-dhismeed” (ama xasuuqa nidaamsan) maqaaladiisii aasaaska u noqday ee “Gumaysiga deegaamaynta iyo dabar-goynta dadka asaliga ah” (2006).

Mark Levin iyo Eric Cheyfitz waxay sidoo kale arrintan kaga hadleen buuggooda “Israa’iil, Falastiin iyo suugaanta xasuuqa”. (Israel, Palestine and the Poetics of Genocide). Xaaladdan, Wolfe wuxuu ku qeexayaa “caqliga cidhibtirka” in uu yahay qaabka bulsho amar-kutaaglayn ku dhisan, oo si joogto ah u dhista hay’ado iyo nidaamyo dadka asaliga ah aan u oggolaan in ay horumaraan.

Cheyfitz xiisihiisa gumaysiga deegaamaynta wuxuu ka bilaabmay Maraykanka. Isagoo cilmi-baadhe daraasaadka Maraykanka ah, wuxuu si gaar ah u eegay sida Maraykanku isu deegaameeyey iyo sida taasi u qaabaysay qaranimadiisa. Aqoonyahanka demogaraaf-ka Russell Thornton wuxuu qiyaasay in 1492-kii ay ku noolaayeen dhulka hadda loo yaqaan 48-ka gobol ee Maraykanka hoose in ka badan shan milyan oo qof oo asali ah. Dhammaadka qarnigaas, xasuuq ba’an kadib, waxa hadhay kaliya rubuc milyan. Taasina waxay waafaqaysaa labada nooc ee xasuuq ee kor lagu sheegay, iyadoo dhulkoodiina ay la wareegeen muhaajiriin ka yimid dalal Yurub ah.

Baaxad 1.894 bilyan ekar oo ka kooban 48-da gobol ee hoose — dhul ay dadka asaliga ahi deggenaayeen 1492-kii isla markaana u furnaa — maanta waxay ka haystaan kaliya 68.5 milyan akar, taas oo u dhiganta 3.46% oo keliya dhulkii asalka ahaa.

Dhulkani waxa uu hoos yimaadaa nidaamka loo yaqaan Federal Indian Law, oo ah nidaam “sharci” gumeysi ah oo soo bilaabmay horraantii qarnigii 19-aad, ujeeddadiisuna aanay ahayn caddaalad, balse ay tahay xakamaynta dadka asaliga ah. Tusaale ahaan, dacwad-gelinta dambiyada waaweyn ee ka dhaca deegaannada loo qoondeeyey dadka asaliga ah waxay gacanta u gashaa maamulka federaalka, taas oo si weyn uga gaabisa bixinta kheyraadka lagama maarmaanka ah isla markaana aan bixin dhiirrigelin ku filan, taas oo si weyn u kordhisa dambiyada deegaannada dadka asaliga ahi ku nool yihiin.

Taariikhda xasuuq-dhismeedka oo sii socota

Mid kamid ah natiijooyinka taariikhdan “xasuuqa” ah ee sii socda dhisme ahaan, dadka asaliga ah — oo ay ku jiraan Hindida Maraykanka (waa magaca sharci ee dadka asaliga ah ee 48-ka gobol), iyo dadka Alaska ee asaliga ah, iyo dadka Hawaii ee asaliga ah — waa kuwa ugu saboolsan Maraykanka. Saboolnimadaas oo dowladdu ay yareyn karto ayaa si weyn u waxyeelleysaa noloshooda.

Hindida Maraykanka iyo dadka Alaska asaliga ah waxay leeyihiin heerarka dhimashada ugu sarreeya iyo cimriga ugu gaaban Maraykanka. Sidoo kale, heerka xabsi-galkooda jeelasha gobolada iyo kuwa federaalku waa labanlaabka celceliska dalka.

“Qaddar lama huraan ah” iyo “shicibkii la doortay”

Falastiinta la haysto waa goobta kale ee gumaysiga deegaamaynta ee Eric Cheyfitz uu diiradda saaro, sababo tacliimeed, siyaasadeed iyo shaqsiyadeed awgood. Sababahaas waxaa ka mid ah in qoyskiisu asal ahaan Yuhuud yahay, mid ka mid ah gabdhihiisa afarta ah iyo saddexda carruur ee ay dhashay (awoowga u yahay) waa muwaadiniin Israa’iiliyiin ah.

Sababihiisa tacliimeed, oo uu si faahfaahsan ugu sharraxay qoraalladiisa, waxay la xidhiidhaan fahankiisa ajendayaasha aydhiyoolajiyadeed iyo kuwa taariikheed ee shidaaliya deegaamaynta Maraykanka iyo mashruuca Sahyuuniyadda. Kuwaas oo ah fekradda Maraykanka ee “qaddar lama huraan ah” (Manifest Destiny) iyo ta u dhiganta ee Yuhuudda “shicibkii la doortay”, oo aydhiyoolajiyadda Sahyuuniyaddu — kuma jiraan Yuhuudda kale— u fasirto in uu jiro xidhiidh gaar ah oo Ilaaha “Yuhuudda” lala leeyahay, isla markaana sheeganaya lahaanshiyaha dhulka Falastiin, dhammaan Yuhuudda dunida ku baahsan.

Hase yeeshee, dadkaas badankoodu ma aha Sahyuuniyiin (xitaa Yuhuud badan iyo ururro Yuhuud ah ayaa ka soo horjeeda Sahyuuniyadda), sida Maraykanka intiisa badani aanay u rumaysnayn “qaddar lama huraan ah” ama xitaa qaarkood aanay waligoodba maqal. haddana, labada fekradoodba waxa adeegsaday, welina adeegsada, awoodaha talada haya si ay ugu qiil raadiyaan ka xayuubinta dadka asaliga ah dhulkooda, iyada oo loo marayo gumaysiga deegaamaynta.

Iyadoo ay ka gaadhay Maraykanka fekradda “qaddar lama huraan ah” heerkeedii ugu sarreeyey qarnigii 19-aad, haddana maanta waxa uu qayb ka yahay fiditaanka boqortooyadiisa (ee “awoodda ugu weyn dunida”). Sahyuuniyaddu si cad ayay u sii waddaa is ballaadhinteeda tan iyo 1917-kii, iyadoo ku xaragoota muujinta cunsuriyad iyo cadaawad ka dhan ah Falastiiniyiinta (tusaale ahaan, tilmaamaha ay u adeegsato dowladda Israa’iil Falastiiniyiinta ay ku xasuuqayso Qasa waxa kamid ah: “argagixiso” ama “dugaag aadane u eg”).

Xeryaha dadka asaliga ah lagu xabiso

Marka loo eego Sahyuuniyadda iyo “qaddar lama huraan ah” si isbarbardhig ah oo ka mid ah gumaysiga deegaamaynta, Cheyfitz wuxuu leeyahay Israa’iil maanta waxay maraysaa marxalad la mid ah Maraykankii qarnigii 19-aad: xeryo milatari oo lagu xabiso dadka asaliga ah, kuwaas oo Maraykanku u bixiyey illaa hadana ugu yeedho “Qoondada Hindida” (Indian Reservations).

Taariikhyahanka Rashid Khalidi waxa uu dhulka Falastiin ee la haysto ku tilmaamaa “jasiirado xabsiyo dusha ka furan oo waaweyn” (buugiisa Sawraca Falastiin). Jasiiraddaas waxa la dhahaa Qasa, oo hadda Israa’iil ku hayso xasuuq ba’an oo illaa hadda sii socda, waxa si ka micne ballaadhan loogu yaqaannaa “xabsiga furan ee dunida ugu weyn”. Sidaas awgeed, Daanta Galbeed iyo Qudus Bari waa dhulal kala go’an oo hoos yimaadda xukunka milatari ee Israa’iil, iyadoo ay taageerayso Maamulka Falastiin oo iskaashi la leh, “xaaladdu marba way sii xumaanaysaa marka la gaadho xalka laba dowladood, sababo la xidhiidha dhalanteedyo lagu nafaqeeyey maanka Maamulka Falastiin kaas oo lagu aasaasay Heshiisyadii Oslo 1993-kii. Maamulkaasi dhab ahaantii waa hay’ad aan lahayn madax-bannaani, awood sharciyeed, ama xukun dhameystiran. Si kale haddii loo dhigo, waa maamul aan awood dhab ah lahayn. Maamulka Falastiin waxa uu noqday sida qandaraas-hoosaad u shaqeeya Israa’iil, taas oo qayb ahaan qarisay xaqiiqda ah in dhulkaasi uu ku jiro gacan gumeysi milatari oo Israa’iili ah, kaas oo si buuxda u maamula amniga iyo kheyraadka dhammaan dhulka Daanta Galbeed tan iyo 1967-kii”.

“Soocnaanshiyaha” Maraykan iyo Israa’iil

Daraasaadka isbarbardhigga ah ee ku saabsan isticmaarka deegaamaynta ee Falastiin iyo Waqooyiga Maraykanku waxay inaga caawiyaan fahanka sida labada dal ay si qoto dheer oo waxyeello leh isugu xidhan yihiin, iyo sida “soocnaanshiyaha” Maraykanka iyo Israa’iil isu galo.

Cheyfitz wuxuu “soocnaanshiyaha” u fasirtaa sida ay Maraykanka iyo Israa’iil ugu muunadeeyaan taariikhdooda sidii inay ka maqanyihiin liiska taariikhda gumaysiga imbiryaaliga ah ee reer Yurub, halka dhab ahaantii ay laftoodu yihiin sii socodka taariikhdaas. Buugga “Dowladda Yuhuudda” (ama Jarmal ahaan “Dowladda dadka Yuhuudda ah”, 1896-kii) ee Theodor Herzl — oo loo arko buugga aasaaska u ah Sahyuuniyadda — wuxuu si cad u muujinayaa fekraddan: “Falastiin waa dhulkeennii taariikhiga ahaa ee aan la illoobi karin… waa in aynu ka dhignaa qayb ka mid ah difaaca Yurub ee ka dhanka ah Aasiya, iyo qalcad ilbaxnimo oo wajahda cawaannimada”.

Cheyfitz wuxuu ereyga “dadka Yuhuudda” gelinayaa calaamado xigasho, maadaama dhammaan qowmiyaduhu ay yihiin “dhismooyin mala-awaal ah”, oo waa sheekooyin laga sameeyo asal-wadaag, ama sheeko-baraley laga curiyo dad ku kala duwan dhaqan, siyaasad iyo bulsho ahaan, oo hal sharci mideeyo.

Buuggiisa “Hal-abuuridda dadka Yuhuudda” (The Invention of the Jewish People), taariikhyahanka Israa’iiliga ah ee jaamacadda Tel Abiib, Shlomo Sand, wuxuu sheegayaa in “Axdiga Hore” (Old Testament) uu dhaqdhaqaaqa Sahyuuniyadda iyo Israa’iil u soo bandhigo sheeko qaran oo mideysan, taas oo loo adeegsaday astaan lagu xoojiyo qaranimada. isla markaana “Kolkii badh ka mid ah daahfurka raadadka qadiimiga ahi ay halis geliyeen sawirka taariikheed ee Yuhuudda, isagoo soo bandhigay taariikh isku xidhan oo toosan, si dhif ah ayaa loo soo xigan jiray raadadkaas; haddii la soo hadal qaadona, si degdeg ah ayaa loo illoobi jiray. Baahiyaha qarannimo waxay abuureen gacan adag oo bir ah oo ka hortagtay in laga leexdo sheekooyinka caanka noqday.”

Darbiga birta ah

Ta iyadna yaabka leh, hoggaamiyihii Sahyuuniyadda ee faashiistaha ahaa Vladimir (Ze’ev) Jabotinsky (1880-kii–1940-kii) wuxuu qiray in uu jiro isku ekaanshiyaha u dhexeeya dadka asaliga ah ee Maraykanka iyo Carabta Falastiin, inkastoo uu u soo bandhigay hab takoor badhaxtiran ah. Maqaalkiisa asaaska ahaa ee “Darbiga Birta” (1923-kii), oo si weyn u saameeyey siyaasadda Israa’iil ee ilaa maanta sii socota (xitaa maanta waxaa loo adeegsadaa hawlgallada milatari ee takoorka isir, sida hawlgalka Daanta Galbeed ka socda oo loo adeegsaday magaca “Iron Wall Operation”), Jabotinsky wuxuu cabiray doonistiisa in uu nabad kula noolaado Carabta Falastiin, inkastoo uu gowska danbe ku xejiyey in la dhiso dowlad ay Yuhuuddu aqlabiyad ka yihiin. Hase yeeshee, dhinaca kale, ma uu arkin waddo aan dagaal ahayn oo lagu gaadhi karo wada noolaanshahaas nabadeed.

Isaga oo difaacaya “derbiga Birta” waxa uu Jabotinsky is barbar dhigay deegaamaynta Sahyuuniyadda iyo midda Yurub ee labada Maraykan, sida laga filayey, isaga oo labadaba u sawiray qaab dhamays ah: “Kuwii ‘sahmiyeyaasha waaweyn ahaa’ ee Ingiriiska, Iskootishka iyo Holland ka soo kala jeeday, waxay ku suntanaayeen dhaqan heer sarreeya… may rabin in ay Hindidu ku noolaadaan nabad oo keliya, xitaa waxay u naxariisan jireen cayayaanka; balse dadka asaliga ahi waxay si isku mid ah ugu adkaysan jireen iska caabinta deegaameeyayaal ‘ilbax ah’ iyo kuwo ‘aan ilbax ahayn’ labadaba.”

Isla wakhtigaas, Jabotinsky wuxuu muujinayaa is-diiddo deegaameysi oo ku aaddan dadka asaliga ah: isagoo amaanaya geesinimada iyo iska caabinta dadka asaliga ah, isla markaana xaqiraya, isaga oo leh: “Carabtu waxay naga dambeeyaan 500 oo sanno xagga dhaqanka; ruux ahaan ma laha dulqaadkeenna oo kale ama awooddeenna rabitaan, balse tani waa dhammaan kala duwanaanshaha jira”. Maskaxda gumaystaha, Carabtu waxay si fudud u noqdaan beddelka dadka asaliga ah ee labada Maraykan.

Diidmada taariikhda gumaysiga deegaameysan

Bilowgii mashruuca Sahyuuniyadda ee Falastiin, waxaan aragnaa isku dhafka milatariga iyo cunsuriyadda tan iyo Ballankii Balfour 1917-kii, kaas oo furay waddada xasuuqa Qasa iyo dhul ballaadhiska Israa’iil, iyadoo ay si buuxda u taageerayso dowladda Maraykanku.

Hadallada Jabotinsky waxay tirtirayaan xasuuqii dadka asaliga ah ee Maraykanka, kaas oo weli qaab-dhismeed ahaan u sii socda xitaa ka dib dhammaadkii xasuuqa dadka asaliga ah ee qarnigii 19-aad, sida xasuuqa Falastiin oo isna qaab-dhismeed ahaan u bilaabmay 1917-kii, isla markaana si ba’an u muuqday tan iyo 1948-kii.

Qirashadii Jabotinsky ee hore oo ahayd in Yuhuuddu yihiin deegaameeyayaal halka Carabtu yihiin dadka asaliga ah, (inkastoo aanu aqoonsanayn Falastiin qaran ahaan) waxay ka hor imanaysaa hal-ku-dheggii Sahyuuniyadda ee ahaa: “Dhul aan dad lahayn oo loogu talagalay dad aan dhul lahayn”. Laakiin markii Sahyuuniyaddu ay dhistay “darbiga birta” ee Falastiin, isla markaana si qasab ah 1948-kii ugu beddeshay dhulka Falastiin “Israa’iil”, hal-ku-dheggan waxaa loo adeegsaday in lagu tirtiro taariikhda dhabta ah ee gumaysiga deegaamaynta. Tani waxay u suurtagelisay mar danbe in ay Ra’iisul Wasaare Golda Meir 1969-kii tidhaahdo: “Wax la yidhaa Falastiiniyiin ma jirin… waligeed ma jirin”, waa kolkii ay Yuhuuddu billowday deegaamaynta Falastiin iyadoo wadata calanka Sahyuuniyadda.

Ugu dambayn, Cheyfitz wuxuu ku soo gabagabeynayaa in, iyadoo la diidayo taariikhdooda dhul-ballaadhsi ee sii socda, badi Israa’iiliyiintu maanta waxa ay sheegtaan inay yihiin dadka asaliga ah ee Falastiin, isla markaana ay leeyihiin xuquuq gaar ah oo dhulkaas ah iyagoo ku salaynaya inay yihiin “shicibka la doortay”. Sheegashadan — ha ahaato Waqooyiga Maraykanka ama Falastiin e — waxaa loogu meel dayaa xasuuqa.

  • Waxa laga soo turjumay halkan