Tuesday 19 May 2026
Ma la odhan karaa sheekada Falasdiin waa sheekada hadda ugu muhiimsan dunida? Se ma la odhan karaa guuxa xooggan ee ka dhashay xadgudubkii ugu dambeeyey ee Qasa lagula kacay waxa uu furayaa jid cusub oo lagu baraarugo, sidoo kalena waxa uu sababay in damiirkii caalamiga ahaa gilgisho, laga soo bilaabo markii isir-sifaynta iyo qaxinta Falasdiiniyiinta la bilaabay?
Kolkaynnu ku laabanno sannadkii 1948-kii, waxa aynnu ogaanaynaa in heerka musiibadu ku weynayd dunida Carbeed, waxaanay taasi ka caddahay in judhiiba la sameeyey ciidamo si tadawuc ah u hawlgala, lagana soo ururiyey dalal dhawr oo kala ah: Masar, Ciraaq, Suuriya, Urdun, Yaman, Lubnaan iyo Sucuudiga, ciidankan oo loo bixiyey ciidanka badbaadada. Ciidamadan waxa garab socday ciidamo kale oo Carbeed oo Falasdiin u galay inay xorreeyaan, se natiijadii waxa ay noqotay mid amakaag ah, siiba in Falasdiiniyiinta loo qaxiyey xuduudda, iyadoo ciidamadaasi ku taliyeen inay sugaan natiijada dagaalka, amaba Falasdiiniyiinta oo ka baxsanaya xasuuqii dhacayey.
Hadda, marka heer caalami la eegayo, waxa aynnu arkaynaa in dhaqdhaqaaqyo bulsheed oo badani jiraan, qaarkood na caalami yihiin, arrinkan oo ka markhaati ah jiritaanka isbeddel sooyaalka casrigaa ah, ama si ka qotodheer haddii loo dhigo, albaab cusub oo isbeddel gogoldhig u ah.
Innagoo arrinkan ka qiyaas qaadanayna, suurogal ma tahay inaynu guusha Sahraan Mamdaani u aragno qayb ka mid ah isbeddelkan, ninkan oo ah soogalootiga muslimka ah, u hiiliya qaddiyadda Falasdiiniyiinta, kuna guulaystay maayarnimada magaalada Niyuu Yook xaruntii ugu weynayd ee Sahyuuniyada ka dib Israa’iil? Si gaar ah, iyadoo lagu ogyahay Mamdaani mawaaqiftiisa kasoo horjeedda dagaalka iyo inuu ku tilmaamo xasuuq iyo gumaad, ahna mawqif kasoo horjeeda sida maamulka Maraykan jecelyahay, caksina ku ah, haba noqoto magaalada uu maayirka ka yahay.
Kolkaynnu usoo laabanno Falasdiinta taariikhiga ah, haddii aynnu ka sheekayno joogitaankii Yahuudda ee halkaas, waxa aynnu ogaanaynaa in qayb ka mid ah tafiirtii Yahuudda Falasdiin meeshan ku dhaqnaayeen, iyagoo tafiir u ah awoowyaashoodii asal ahaan dhulka degganaa, waana ka hor intaanay bilaaban daadgurayntii abaabulnayd ee Sahyuuniyadu ee taariikhda cusub. Yahuuddu waxa ay qayb ka ahaayeen bulshada Falasdiin, waxa ay siteen waraaqo sugitaan iyo baasaaboorro Falasdiini ah, bulshadaas Yahuudda ahina waxa ay dhammaadkii xukunkii Cusmaaniyiinta deggenaayeen afar magaalo oo kala ah: Safad, Dabriya, al-Khaliil iyo Qudus.
Taariikhyahannada aan ku raadaysmin wararka kusoo arooray buugagga diintu, waxa ay joogitaanka Yahuudda ee Falasdiin u daliishadaan raadadka sooyaal, waxaanay joogitaankooda kasoo bilaabaan qarnigii lixaad ee miilaadiga ka hor, luuqadda kolkaas sida weyn loogaga hadli jiray Falasdiinna waxa ay ahayd Aaraamiga. Falasdiin waxa ay xilliyo kala duwan oo sooyaalka ah la kulantay mawjado duullaanno ah, dhacdooyinkaas awgoodna, qaybo badan oo Yahuudda ka mid ahi waxa ay qaateen diimo kale, sida Islaamka iyo Kiristaanka, afkooduna waxa uu noqday Carabi.
Bulshada Yahuudda ah ee Falasdiin, laga soo bilaabo sannadkii 70 ilaa 1881-kii Miilaadiga waxa loo yaqaannaa Baalishoof-kii hore, tiradooduna waxa ay gaadhaysay ilaa 25 kun sida waafaqsan tirakoobyada rasmiga ah ee wakaaladdii Yahuudda ee xilligaas. Khilaafka u dhexeeya kooxaha Yahuudda ah ee Sahyuuniyada taageersan iyo kuwa ku mucaaradka ah ee Falasdiin joogaa waxa uu soo ifbaxay labaataneeyadii qarnigii 20aad, ka dib markii la dilay Yacquub de Haan, oo ahaa afhayeenka rasmiga ah ee xisbigii Agudat Yisrael, oo kasoo horjeeday samaynta dawlad Yahuudeed.
Waxa soojiidasho leh in xuska magaca Yahuud kusoo arooray axdi qarameedkii Falasdiin ee soo baxay 1964-kii, iyada oo la adeegsaday hadalka ah: “Yahuuddu asal ahaan Falasdiin kasoo jeedda, waxa loo tixgalinayaa Falasdiiniyiin, haddii ay rabaan inay nabad iyo hiil kula noolaadaan Falasdiin”. Laakiin, tebinta Israa’iil waa ay iska dhegomarisay adeegsiga ereybixinta “Yahuudda Falasdiiniyiinta”, sababo siyaasadeed iyo aydhiyoolajiyadeed awgood; oo Sahyuuniyadu waxa ay aqoonsiga diineed ee Yahuudda ka dhigtay waxa salka u ah qawmiyadda iyo aqonsiga qaran, waxaana la rabay in la dhex galiyo Yahuudda doolaalka ah ee dhawaan timi, oo laga dhigo muwaaddiniin asal ah, lamana rabin in wax kaladuwanaansho ahi u dhexeeyo kuwa cusub iyo kuwa sii degganaa Falasdiin.
Kolkii socdaallada Sahyuuniyadu bilaabmeen, ku abtirsashada Yahuuddii Falasdiin ee Sahyuuniyadu waxa ay noqotay mid ku jirta booska abtirsi isir, ku abtirsi la’aantuna waxa ay noqotay cambaar, qofka aan samaynna waxa ay noqotay in la takooro oo la jaro, mararka qaarna uu qixin la kulmo. Siddeetanaadkii qarnigii labaatanaad, ka dib markii dawladda Israa’iil la dhisay, Yahuudda waxa la siiyey dhalashada Israa’iil, waxaanay noqdeen muwaaddiniin xuquuq dhamays ah leh, walow kuwo badani kasoo horjeedeen Sahyuuniyada, oo ay diideen dhalashada Israa’iil. Diidmadaasi waxa ay dhalisay khalkhal iyo kaladhantaalni qaanuun, arrinkan oo sababay in lagu khasbo dhalasho qaadashada. Xorraynta maxbuus Naadir Sadaqa ee heshiiskii kala beddelashada maxaabiista ee 13-kii Aktoobar 2025, waa caddaynta jiritaanka iyo soo taxnaanta Yahuud Falasdiini ah oo Saamiriyiin ah.
Casrigan hadda la joogo, Yahuudda Falasdiiniyiinta ah hal bulsho laguma sheegi karo; kuma urursana hal meel, carruurta may barin Carabiga, dhaqamadoodiina waa ay milmeen. Iyadoo intani jirto, haddana waxa weli jira kooxo badan oo dhaqamadoodii Falasdiiniga ahaa kusii dheggan, waxaana ka mid ah Saamiriyiinta, oo ku kala filiqsan magaalooyinka Naabulis iyo gobolka Xawluun. Waxa kale oo jira Yahuudda asalraaca ah, loona yaqaan Xariidiyiinta, oo deggan Qudus, Mayaa Shicraym iyo Beyt Sheymaysh, ilaashadana dharkoodii dhaqanka ahaa, diida codaynta doorashooyinka, sidoo kalena aan oggolaan kaalmada maaliyadeed ee xukuumadda.
Arrinka la xidhiidha jiritaanka kooxo Yahuud ah oo Israa’iil dawlad ahaan u diiddan, aaminsanna in dawladnimadaasi ka hor imanayso aaminaadahooda Yahuudeed ee soojireenka ahi ma aha arrin qarsoon, sida Neturei Karta, oo ah kooxda ugu caansan se aan ahayn midda keli ah ee jirta, oo waxa kale oo jira sida ururka “Codka Yahuudda Nabadda”, kooxda “Yahuud u Midaysan Kahortagga Sahyuuniyada”, kooxda Satmar iyo qaybo ka mid ah Yahuudda Hasidic, waxa intan soo raaca shakhsiyado Yahuud ah oo caan ah, oo samaynta dawlad Yahuudeed iyo falalka ay ku kacayso ee barakicinta Falasdiinida ah u arka gef taariikheed iyo cambaar ay tahay in laga takhalluso, Sahyuuniyadana u arka dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ololaha diineed uga faa’idaysanaya inay sandullayntooda hirgaliyaan.
Kolka aynnu isla qaadanno jiritaanka dhaqdhaqaaq caalami ah oo kasoo horjeeda habdhaqanka gumeysi ee ay Israa’iil qaadatay xilligan, waxa habboon inaynu xusno qaar ka mid ah magacyada Yahuudda la yaqaan ee golayaasha casriga ah hormuudka ka ah, si weynna hadalladooda loo qaato, shakhsiyaadkaas qaarkood waxa ay soo saareen buugag ka warramaysa oo faahfaahinaya aragtidooda iyo mawqifyadooda ay ka qabaan gumeynta Falasdiin iyo dhulboobka. Kolkan waxa aynnu soo bandhigaynaa shakhsiyaadka ugu caansan ee mashruucan kasoo horjeeda.
Waa faylasuuf, xeeldheere afeed iyo mufekir siyaasadeed oo Yahuud-Maraykan ah, caanna ah. 1928-kii ayaa uu dhashay, waxaana lagu tiriyaa shakhsiyadaha ugu cadcad taageerada qaddiyadda Falasdiin, iyo dadka ugu dhaliisha xooggan siyaasadaha Maraykan iyo Israa’iil. Chomasky waxa uu booqasho ku tagay Qasa sannadkii 2012, waxaanu tagay Jaamacadda Islaamiga ah isaga oo la socda wafdi ka kooban toban aqoonyahan oo ka kala socday Maraykan, Faransiis, Ingiriiska iyo Kanada, si ay uga qaybgalaan shir-cilmiyeed ku saabsan afafka iyo suugaanta. Chomasky waxa uu xoojiyey taageeradiisa shacabka Falasdiin, waxaanu codsaday in Israa’iil xayiraadda ka qaaddo Qasa.
Sida kusoo aroortay buugga uu cinwaanka uga dhigay “Ku Saabsan Falasdiin”, oo uu la qoray Ilan Pape, Chomasky waxa uu aaminsanyahay in siyaasadda Israa’iil ee ay soo duufsashada tirada ugu badan ee Yahuud ahi keeni doonto jabkeeda, sidoo kalena gef isdil ah ay ku dhacday sannadkii 1971-kii, kolkii ay diidday heshiis nabadeed oo buuxa oo ay Masar xilligaas soo bandhigtay. Waxa kale oo uu ka dayriyey in Israa’iil qaadatay siyaasadda isballaadhinta, halkii ay ka qaadan lahayd nabad, arrinkanina uu keenayo inay noqoto dal dunida dayro ka ah oo aan sharciyad lahayn, taageerada Maraykanna noqonayso jidka kaliya ee ay ku jiri karto.
Chomasky waxa uu aaminsanyahay in taageerada weyn ee uu Maraykan siiyo Israa’iil aanay u damqasho ahayn, se sababteedu tahay in Israa’iil u adeegayso siyaasadaha Maraykan iyo danihiisa. Chomasky waxa uu u janjeedhaa xalka labada dawladood, weliba si waafaqsan shuruudihii Jeenaweri 1967-kii, waana sida uu ku nuuxnuuxsaday hadal uu ka hor jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 14-kii Aktoobar 2014, isagoo u arkay xal caalami ahaan la isku raacsan yahay.
Waxa uu ku dhashay Xayfa sannadkii 1954-kii, waxaanu ka dhashay qoys Yahuud ah oo kasoo guuray Jarmalka, iyagoo dhiirrigelin ka helay Wakaaladda Sahyuuniyada. Waxa uu ka shaqeeyey ciidanka Israa’iil sannadkii 1973-kii, se ugu dambayn waa uu mucaaraday Sahyuuniyada. Pape waxa lagu tiriyaa taariikhyahannada cusub, buugaggiisa ugu caansanna waxa ka mid ah buuggiisa: “Isir-sifaynta Falasdiin”, oo lagu tiriyo buugagga ugu dhiirran ee carinaya tebinta Israa’iil ee la xidhiidha Falasdiin. Waxa uu hanjabaado dil ah la kulmay marar dhawr ah, ka dib markii lagu tuhmay inuu ceebaynayo sooyaalka, arrinkan oo ku khasbay inuu ka tago Israa’iil sannadkii 2005, oo uu dego Ingiriiska, isagoo macallin ka noqday jaamacadda Exeter.
Pape waxa uu xusayaa in mid ka mid ah sababaha ku khasbay inuu ka tago Xayfa ay tahay inuu u cabsaday ammaankiisa, halka sabab kalena ahayd inuu dareemay “go’doon dhaqan”, sababtoo ah waxa u diidmo adag kala kulmay bulshadiisa, waxaanu lagu tilmaamay “budhcad waalan”, se haddana weli waxa uu aaminsanyahay inuu ku abtirsado bulsho xadgudubyo xad ka bax ah gaysanaysa, oo kula kacaysa Falasdiiniyiinta, sidaas darteed waajibkiisu yahay inuu diido, xitaa haddii arrinkani go’doominayo oo lagu dayrinayo.
Pape waxa uu la kulmay mufakirkii Falasdiini-Maraykanka ahaa ee Idwaard Siciid, waxaanu caddeeyey in manhajkiisa akaadami uu ahaa il ku ilhaamisay qoraalladiisa Falasdiin ku saabsan.
Kolkii uu Pape ahaa 19 jir, waxa uu gutay shaqada qaran ee waajibka ah ee ciidanka Israa’iil, muddo saddex sanno ah, Dagaalkii Aktoobar ee 1973, waxa uu joogay buuraha Golan, si uu ula dagaallamo ciidamada Suuriyaanka ah, waxaanu leeyahay: “Waxa aan xusuustaa taliyaha oo nagu leh inay waajib tahay dilka carruurta Carabta ahi, haddii kale waxa ay u weynaanayaan siday noo dili lahaayeen”. Waxa uu tilmaamayaa in aan buugaggiisa loo tarjumin Cibri, waana isla qaab kale oo dayrin iyo goyn ah, si aanu waxqabadkiisu u dhex oollin fagaarayaasha akaadamiga ah ee Israa’iil.
Pape waxa uu taageersanyahay xalka dawlad keli ah oo cid kasta isku in u jirta, isagoo u arka xalka xoojinaya fekradda ah in dhulku mid yahay, bulshaduna mid tahay, waxaanu dhiirrigeliyaa in aan la isku dhiibin nuskhada Sahyuuniyada ee xalka labada dawladood, sababtoo ah waxa uu u arkaa in ay salka ku hayso qabsashada dhulka ugu badan ee suurogal ah.
Ilan Pape waxa kale ee uu aaminsanyahay in Sahyuuniyada, oo mashruuc gumeysi ahi, tahay waxa si toos ah uga hor keenay dawladdiisa iyo bulshadiisa. Waxaanu u dagaallamay inuu ka baxo oo ka fogaado, isagoo ku tilmaama “falsafad cunsuriyadeed oo shar badan”, waxaanu arrinkan ku xoojiyey hadalkiisa ah: “Cilmibaadhisahaygu waxa ay igu dhaliyeen isbeddel, haddana isuma arko Sahyuuni”. Waxa kale oo uu sheegay in safarkii uu kaga goostay Sahyuuniyadu keliya aanu ahayn isbeddel feker, aydhiyoolajiyadeed iyo siyaasadeed, se sidoo kale uu ahaa isbeddel iyo khibrad dareen xanuun badan oo sababtay in uu dayro ka dareemo deegaankiisii. Waa taariikhyahan aaminsan in waxa ugu muhiimsan ee ay tahay inuu xooggaa saaraa yahay: “inuu noqdo qof bulshadiisa muraayad hor haya, oo leh bal eega heerka xumaantiinna”.
Waa dadkii dhashay Diisambar 1953-kii, waa qoraa iyo dhaqdhaqaaqe siyaasadeed oo Yahuudi ah, laguna yaqaan taageeradiisa qaddiyadda Falasdiin. Finkelstein waxa uu hormuud ka yahay baraha bulsho ee cusub, waxaana lagu yaqaan muuqaallada kookooban, ha noqdaan hadallo uu jeedinayo ama goosgooska waraysiyo talafeeshannadu la yeesheen. Badanka waxa uu si qarracan ah uga hadlaa gumaadkii Yahuuddu kala kulantay Yurub, isagoo ah ilme awoowgii iyo ayeeydii yihiin dadkii gumaadkaas ka badbaaday, waxaanu ku lammaaniyaa diidmadiisa in isla musiibadaas oo kale lagula kaco bulshada Falasdiin, oo isla Yahuuddii ku samayso.
Sooyaalkiisa diidmada Sahyuuniyadu waxa ay bilaabantay kolkii uu mashruuciisa diktoorada si gaar ah ugu eegay baadhidda sheegashooyinka qoraa Joan Peters ay ku qortay buuggeeda “Sooyaal Hore”, buuggan oo ay kusoo bandhigayso sooyaalka dimuqaraafi ee Falasdiin, iyadoo sheeganaysa in usoo socdaalidda dhulkan ay bilaabeen Carabtu in ka badan Yahuudda, iyadoo meesha ka saaraysa in imaatinka Yahuuddu uu sababay barakicinta dad, si ka duwan sida lagu ogyahay sheekada barakicinta Falasdiiniyiinta.
Finkelstein waxa uu buuggeeda oo soodhawayn weyn helay ku tilmaamay khiyaamo weyn. Finkelstein waxa uu la kulmay cadaadis badan aragtiyihiisa awgood, waxaanu iska casilay shaqadiisii jaamacadda DePaul ee magaalada Shikaago, sannadkii 2007.
Waa taariikhyahan Yahuudi-Ciraaqi ah, waxaanu Baqdaad ku dhashay sannadkii 1945-kii. Waxa uu sitaa labada jinsiyadood ee Ingiriiska iyo Israa’iil, waana bare Jaamacadda Oxford ka dhiga xidhiidhada caalamiga ah, sidoo kalena waa mid ka mid ah taariikhyahannada cusub, laguna tiriyo dadka ugu fahanka qotodadheer loollanka Carabta iyo Israa’iil. Danayntiisa sooyaalka Israa’iil waxa uu soo bilaabmay sannadkii 1987-kii, kolkaas oo uu xilka ah cilmibaadhe akaadami iyo borofaysar ka helay maxadka St. Antony ee Oxford, kormeere khaariji ahna uu u noqday mashruucii diktoorada ee Ilan Pape.
Shlaim waxa uu dhawaan qoray taariikh-nololeedkiisa, isagoo ku ururiyey buug uu cinwaan uga dhigay: “Saddexda Duni: Xusuusqorka Yahuudi-Carbeed”. Waa buug sidoo kalena lagu tiriyo u sooyaalaynta Yahuudda Carbeed, oo sida uu ku tilmaamayo, ah dad barlaawayaal ah, oo qaab waalli ah loogu sandulleeyey ka qaybqaadashada samaynta mashruuca Sahyuuniyada. Waxa uu buugga dhexdiisa ku doodayaa in isaga iyo qoyskiisu dhibbanayaal u yihiin Sahyuuniyada xididdada u siibtay salkoodii Carbeed, qasabna lagaga siibay jinsiyaddoodii asalka ahayd, oo lagu soo dhex tuuray bulsho cunsuri ah, oo u qaabbishay qaab ah inay yihiin doolaal dib u dhacsan, oo gaadhsiisan heer lagu rusheeyo sunta cayayaanka, si loo tuso liidashadooda.
Shlaim, xasuusqorkiisa, Sahyuuniyada uma dhaliilayo sidii qof ka baxsan, ee waxa uu u dhaliilayaa inuu yahay dhibbane ubacdeeda ku jira; Israa’iil nafsad ahaan bay burburisay, xitaa isagoo akaadami ahaan UK ku dhex guulaystay. Waxa uu aaminsanyahay in colaadda Carabta iyo Yahuuddu aanay ahayn colaad waajib ah oo la qoray, ee ay tahay natiijada aydhiyoolajiyado gumeysi oo dhulboob ah.
Qoraa iyo weriye dhashay sannadkii 1953-kii, kuna nool Israa’iil, oo la xisaabiyo garabka bidix ee Israa’iil. Waxa uu qoraa maqaallo uu xoogga ku saarayo haysashada Israa’iil ee dhulalka Falasdiin. Maqaalladiisa waxa lagu faafiyaa wargayska “Haaretz” oo mucaaradka taabacsan. Qaar ka mid ah dadka Israa’iil ayaa ku tilmaama “weriye geesi ah”, halka dad kalena u arkaan “inuu faafiyo dacaayadaha Xamaas”. Sannadkii 2004-tii ayaa uu soo saaray buuggiisa: “Nolosha iyo Geerida Xilliga Gumeysiga Israa’iil: Cunaqabataynta Qasa”.
Levy waxa uu kasoo muuqdaa barnaamijyo dhawr ah oo waraysiyo ah, qaar ka mid ah waraysiyadaasna waxa uu yidhi: “Waxaan arki jiray dadka la degaameeyey oo jaraya dhirta saytuunka, ciidamada oo si xun ula dhaqmaya dumarka Falasdiinida ah, waxaanan hubay in falalkaasi ay yihiin jaadgoonni aan ka turjumayn siyaasadda xukuumadda”. Hadalka isagoo wata ayuu yidhi: “Se wakhti dheer bay qaadatay inaan ogaado in arrimahani aanay ahayn jaadgoonni, ee ay shaqada dhabta ah ee xukuumadda tahay”. Levy waxa uu isku tilmaamaa waddani Israa’iili ah, waxaanu dhaliilaa waxa uu ku magacaabo “indhabeelnimo anshax” oo Israa’iiliyiinta haysata oo ka dhashay gumeysiga iyo dagaallada. Dhisidda degaamaynta waxa uu ku tilmaamaa “haayadda ugu dambiga badan sooyaalka Israa’iil, waxaanu ku dooday in dhibaatada Falasdiiniyiinta ku haysata Qasa ay ku sababto inuu ka xishoodo ahaanshihiisa Israa’iili. Waxa uu kaalintiisa kusoo koobaa hadalkiisa ah: “Kaalintayda fududi waa in aan Israa’iiliyiinta ka hor istaago gaadhidda maalin ay yidhaahdaan: maannaan ogayn”.
Waa muusiishan caan ah oo tuma sagsafoonka jaaska, sidoo kalena waa qoraa sheekoyahan ah. Waxa uu ku dhashay magaalada Telaabiib, isagoo ka dhashay qoys Yahuud Calmaani ah, waxaanu naftiisa ku tilmaamaa Falasdiini Cibriga ku hadla. Waxa uu deggan yahay Ingiriiska, laga soo bilaabo sannadkii 1994-kii, waxaanu muusigiisa kusoo bandhigaa fagaarayaasheeda, iyo mahrajaannada kale ee dunidaba. Atzmon waxa uu hore uga tirsanaa ciidanka gumeysiga Israa’iil, waxaanu leeyahay afar buug oo uu qaddiyadda Falasdiin kaga hadlayo. Buuggiisa “Yaa Wareersan”, ayaa uu si weyn ugu kashifayaa xaqiiqada dawladda, dhaqamadeedana iska fogaynayaa. Dhallinyaranimadiisii waxa uu u xammaasadaysnaa inuu ciidanka ka shaqeeyo, ka hor intaanu ogaan in dawladdan xasuuq iyo gumaad lagu dhisay, oo bulshada Falasdiin laga barakiciyey deegaannadooda. Kolka uu yaqiinsaday in uu xadgudubkaas kaalmaynayo, ayaa uu ka tagay Israa’iil, dibna aanu ugu soo laaban. Waxa uu ka tanaasulay jinsiyaddiisa Israa’iil, waxaanu noqday dadka ugu ad’adag ee kasoo horjeeda dhaqamada gumeysi ee Israa’iil. Waxa uu Israa’iil ku tilmaamaa dal la nacay, oo xadgudubka iyo xumaanta kusii fogaanaya. Waxa uu isku tilmaamaa in uu qaddiyadda Falasdiin u taageerayo sabab waajibnimo anshax ah, oo aan sinaba looga tanaasuli karin difaaceeda, sababatoo ah waa faranta dagaalka sharka ee ay wadaan Sahyuuniyadu.
Waxa jira Yahuud kale oo caan ah oo deggan meel ka baxsan Israa’iil, sida Moritz Goodman, oo mufakir Yahuudi ah, sidoo kalena ka mid ah dadkii aadka uga soo horjeedsaday mashruuca Sahyuuniyada dhammaadkii qarnigii 19aad, waxa kale oo jira Benjamin Friedman ganacsade Maraykan, aadna uga soo horjeeda Sahyuuniyada, waxa soo raaca Brian Eno, oo ah muusishan iyo soosaare reer Ingiriis ah, iyo Natalie Portman oo ah jilaayad Yahuudi-Maraykan ah, oo diidday inay guddoonto “Abaalmarinta Israa’iil” sannadkii 2018, aadna u dhaliishay qabsashada dhulalka ku yaalla xaafadda Alshaykh Jarraax, waxaanay ka mid tahay codadkii dhawaan sida weyn uga soo horjeeday dagaalka Qasa.
Mareegta “Ruushka Maanta” waxa ay 22-kii Aktoobar, 2025 soo bandhigtay, iyadoo kasoo xiganaysa Wargayska The Guardian, warka ku saabsan farriin furan oo ay saxeexeen 450 qof oo Yahuud caana ah, oo codsaday in cunaqabatayno lagu soo rogo Israa’iil dambiyadeeda dagaal ee ay Qasa ka waddo awgood. Dadyowga saxeexay farriinta waxa ka mid ah guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Israa’iil, Avraham Burg, ninkii hore ee wadahadallada nabadda u qaabbilsanaa Israa’iil, Daniel Levy, qraaga Yahuudi-Kanadiyaanka ah Naomi Klein, filin soosaaraha reer Ingiriis ee Jonathan Glazer, iyo dad kale oo badan.
Mawaaqifta shakhsiyadahan iyo kooxahan kala duwani, oo qaarkood yihiin mucaaradka bidixda ah ee gudaha Israa’iil ku sugan, ma aha wax cusub, oo waa natiijo dabiici ah, sababtoo ah bulshooyinka oo dhammi qaddiyad iskuma wada raaci karaan.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.