Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Ceerigaabo: Diyaargarowga Shirar Nabadeed oo Muhiim ah

20 October, 2025
Image
Ceerigaabo: Diyaargarowga Shirar Nabadeed oo Muhiim ah
Xuquuqda sawirka: Future brothers
Share

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xayiraado ku soo rogay qayb ahaan isu socodka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, iyada oo la isu diyaarinayo kulamo nabadeed oo uu ka qaybgalayo Madaxweyneha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, iyo ergo ka socota beelaha dega bariga gobolkaas oo ay wada-hadallo heer bulsho iyo siyaasadeed ahi uga socdeen Ceerigaabo, toddobaadyadii la soo dhaafay.

Madaxweyneha Somaliland oo la filayo in uu berri u anbabaxo Ceerigaabo ayaa waxa uu la kulmi doonaa waxgaradka gobolka waxanu ka shaqeyn doonaa in la soo afmeero qayb ka mid ah nabadda gobollada bari, sida uu qorshuhu yahay. Wejigan hadda socda ayaa waxa uu u dhexeeyaa saddex beelood oo ka mid ah afarta beelood ee ugu weynaa magaalada Ceerigaabo waxana hagaysa xukuumadda Somaliland oo ay in muddo ah ka joogeen Guddida Nabadda ee uu magacaabay Madaxweyne Cirro iyo xubno xukuumadeed, waxana ilaa hadda la isla gaadhay heshiisyo nabadeed oo bulsho oo ay ka mid yihiin in laga heshiiyay dilal hore oo beelaha dhexmaray.

Kulanka loo madlan yahay ee uu daaran yahay socdaalka Madaxweyne Cirro ayaa waxa qayb ka ah suldaanka guud ee beelaha Warsangali, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, waxana laga gaadhi doonaa heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan nabadda Ceerigaabo iyo dib u soo celinta dadkii hore uga qaxay magaalada.

Magaalada Ceerigaabo ayaa ka mid ahayd meelihii ay saameeyeen colaadihii labo sannadood ka hor ka qarxay bariga Somaliland, xilligaas oo ay maleeshiyaad qabiil iyo ciidamada Somaliland ku dagaallameen gobolka Sool waxana ay dagaalladaasi keeneen isku dhacyo qabiil oo ku baahay deegaanno dhawr ah. Dhammaadkii sannadkii hore ayaa maleeshiyaad ku xidhan Laascaanood ay colaad ka abaabuleen magaalada Ceerigaabo taas oo horseedday isku-dhacyo hubeysan oo ay ku lug yeesheen ciidamadii beelaha iyo ciidanka Somaliland, ugu dambeynna keenay in qaar ka mid ah beelihii degganaa magaaladu ay ka qaxaan welina kaga maqan yihiin colaaddaas soo gaadhay magaalada.

Madaxweyneha Somaliland ayaa markii la doortayba ku tallaabsaday tallaabooyin dhanka nabadda ah oo ku aaddan gobollada bariga Somaliland, kuwaas oo isugu jiray hub ka dhigista ciidamadii beelaha ee xulafada la ahaa ciidanka Somaliland, waxana uu ku baaqay gogol nabadeed oo uu dhigay Ceerigaabo. Waxa uu sidoo kale dhisay Guddi Nabadeed oo ka shaqeysay arrimahan. Nabaddan uu ka shaqeeyay Madaxweyne Cirro ayaa waxa illaa hadda aqbalay mid ka mid ah beelihii Sanaag oo hadda lagu soo xidhi doono Ceerigaabo. Ha se ahaato e, dadaallada nabadda ayaan weli wax horumar ah ka sameyn dhanka gobolka Sool oo qaybo ka mid ah laga dhisay dhawaan maamul ay taageerayso Dawladda Federaalka Soomaaliya, lana hadalhayo in uu dhawaan iman doono Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qaybgalaya caleemosaarka madaxweyne dhawaan lagu doortay halkaas oo ay dabada ka riixaysay Muqdisho.

Dhanka kale, waxa dhawaan is afgarad arrimaha Sanaag ku saabsan gaadhay Somaliland iyo Puntland oo labadooduba ku gacansaydhay maamulka laga dhisay Laascaanood ee ay taageerayso dawladda Soomaaliya. Somaliland iyo Puntland waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan nabadda Sanaag iyo la dagaallanka argagixisada.