Monday 24 March 2025
Qiyaastii waxaan daawaday wax ku dhow ama ka badan toban Gungaar. Gungaar, waa barnaamij ka baxa Telefishanka Qaranka Soomaaliya oo lagu waraysto xubnaha laga qabto Ururka al-shabaab (AS). Haddaba, tobankaa barnaamij ee lagu kala waraystay xubnaha kala duwan ee AS, waxaa jirta wax ay ka sinnaayeen, waana in raggii la waraysanayay ay hoy u ahayd deegaanka Ceelasha-biyaha! Gungaar daawatayba, maqashay Ceelasha-biyaha. Haddaba, sadarradan soo socda ee kooban waxaan si guud uga warramaynnaa xaalka deegaankaas.
Ceelasha-biyaha waxay ku taallaa gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ayna hoostagtaa degmada Afgooye oo ah caasimadda gobolkaas. Magaalada Muqdisho waxay u jirtaa 10km, waa haddii laga tiriyo Ex-kontorool Afgooye. Jihada koonfur ayay caasimadda Muqdisho ka xigtaa. Ceelasha-biyaha, waa deegaan ay duruufi samaysay. Waa deegaan ballaaran oo markaad taagan tahay bartankiisa aad jiho kasta u dhaqaaqi karto 8km ilaa 10km oo deegaan rasmi ah. Walow aan la sameyn tirakoob saxa inta ogaalkayga ah, haddana dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa hal milyan iyo dheeraad.
Dhismihii u horreeyay ee deegaanka Ceelasha-biyaha laga qotomiyay waxay ahayd Wakaaladda Biyaha Soomaaliya oo ay dawladda Jarmalku dhistay sannadii 1978. Balse goorta uu deegaanka cammirmay waxay ahayd 2006-2007, goortii ay ciidamada Itoobbiyaanku soo galeen magaalada Muqdisho. Waxaa la sheegaa in ciidamada Itoobbiyaanku ay dadka bareen inay ka guuri karaan caasimadda oo ay dhisan karaan mid kale. Ceelasha, waxaa lagu tilmaamaa inay tahay magaalada saddexaad ee ugu weyn baaxad ahaan iyo dad ahaan kaddib Muqdisho iyo Hargaysa. Waxa ay leedahay labo suuq oo waaweyn oo la kala dhaho; suuqa Bakaaraha labaad iyo suuqa Safa iyo Marwa. Midka hore waxa uu asaasmay 2007, goortii ay reer Muqdisho ka qaxeen dagaalkii Itoobbiyaanka. Waana sababta loogu bixiyay Bakaarihii labaad. Midka kalena waxa uu asaasmay ka dib markay meeshu deegaan rasmi ah noqotay.
Wasaaradda Maaliyadda Koonfurgalbeed oo samaysay tirakoobka xogtii u dambaysay ee canshuuraha laga aruriyay gobollada Baay iyo Bakool waxaa ka badnayd canshuurtii laga qaaday deegaanka Ceelasha-biyaha. Tusaale, suuqa khudaarta ee deegaanka oo kaliya ayaa lagu sheegaa inay maalinkii dhex wareegto lacag lagu qiyaaso boqol kun oo dollar. sidaas awgeed, Ceelasha-biyihu waa caasimad ka ag dhisan caasimadda dalka ee Muqdisho.
Marka laga tago inay tahay caasimad caasimad ka dhinac-qotonsan, waxaa kale oo aan ku soo koobi karaa labo kalmadood; waana inay tahay halka ay Muqdisho u soo wada maraan quudkeeda iyo qaraxeedu! Boqolkiiba sagaashan khudaarta iyo noocyadeeda kala duwan waxa ay Xamar uga timaaddaa Afgooye iyo Shabeellaha Hoose, iyada oo ay u soo marto deegaankan. Si la mida, boqolkiiba sagaashan qaraxa, qoriga iyo qofkii adeegsan lahaa waxa ay Xamar uga yimaaddaan isla Afgooye iyo Shabeellaha Hoose, iyada oo ay soo maraan deegaanka isla deegaankan.. Kolkaa CEELASHA-BIYAHA inta ay Xamar noolayso oo ay qudaar ka dharjiso in lamida ayay qarxisaa oo ay qaarajisaa.
Waxaa kale oo iyadane meesha ku jirta habka ay Ceelasha-biyaha u dhisan tahay ee isku raranka ah inay aad u saacidayso ururka Alshabaab (AS). Oo maxay u saacidiwaysay soo AS qayb kama ahayn naqshadda ay u dhismaysay iyaga oo ka lahaa dan istiraatiijiyadeed oo sirdoon ah. Deegaankani waa halka ay u soo hoydaan xubnaha dhaka-jabiyaasha ah ee AS iyo Daascish, kaddib markay mid kasta goonnideeda u soo ugaarsatay xubnaha dawladda, iyagane halkan isku sii ugaarsada.
Ceelasha-biyaha iyada oo ay tahay masrax furan oo ay isku ugaarsadaan AS, Daashi iyo dawladda ayaa haddane waxaa ku yaalla laba saldhig oo kamid ah kuwa ugu waaweyn ee dalka. Midka koowaad waa saldhigga Siinka-Dheer oo ah mid ka mida fadhiyada ugu waaweyn ciidamada militariga Soomaaliya ee laga ilaaliyo magaalada Muqdisho. Midka labaadna waa saldhigga Arbacow oo ah mid ka mida saldhigyada ugu waaweyn ee ATMIS ee ay dalka ka samaysay, laakiin hadda lagu wareejiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gorgor.
Deegaankani waa halka ay AS ka ilaaliso hawdka Shabeellaha Hoose, dhanka kalena ka weerarto Muqdisho. Waa halka la keeno qaraxyada iyo qoryaha laga keenay hawdka Afgooye, deedna laga soo qaado oo Xamar la soo galiyo. Waa halka la dajiyo naftood-haligayaasha doobabka ah ee u ooman toddobaatanka iyo labadaxuuralciin ee aysan helaynin iyo dagaalyahannada gala oo ka dagaallama dhismayaasha bartilmaamyada ah. Waa halka ay u hoydaan amniyaadka iyo madax-jabiska AS, marka ay shaqadoodii ugaarsiga ahayd ee Muqdisho soo dhammaystaan. Waa halka la soo mariyo gawaarida qaraxa ah ee lagu soo farsameeyo hawdka Shabeellaha Hoose. Waa halka ay ku duugan yihiin badi kaydka hubka ee amniyaadka Muqdisho ka hawlgala.
Inta badan guryaha ku yaallaceelasha biyaha , goobaha waxbarashada iyo meel kasta oo muhiim ah waxaa ku lifaaqan kooxda AS. Haddii aad u socotid Wilaayaadka kooxda AS, waxaa khasab kugu ah inaad raacdid gaari ku sugan ceelasha-biyaha. Gawaarida Nohada loo yaqaano ayaa intooda badan u shaqeeya kooxda AS. Ceelasha-biyaha waxaanba ku tilmaami karnaa caasimadda labaad ee AS kadib Jilib.
Sababta hay’adda sirdoonka ee NISA bishii August 2024 loo dajiyay Ceelasha-biyaha ayaa ahayd in Sanbalooshe uu ka fekeray inuu ugxaanta meesha taasho uu burburiyo. Waa sababta labo isbuuc kaliya markay NISA degenayd deegaanka ay xanuun daran u dareemeen AS. Tusaale, labo gaari oo layla calaawi ah oo buruuf ah ayay u qorsheeyeen inay ku soo afjaraan saldhigga Roob Da’ay. Qiimaha halkii gaari iyo qarax iyo hawl ee ugu baxday waxaa lagu qiyaasaa $40,000, kolkaa waxa ay noqonaysaa iskudarka lacagtaasi $80,000. Subaxa ay qaraxa ku dhufteen xerada NISA, habeenkeeda 13 hoobiye ayay soo tuureen. Halkaa waxaa laga fahmi karaa in labadii gaari ay fashilmeen oo aysan gaarin hadafkoodii. Waxay u muuqataa in Sanbaloolshe uu xiniinyo taabtay yaha AS oo xanuunjiyay.
Dhammaadka bishii Ogos 2024 waxay AS qarxisay suuqa Safa iyo Marwa oo gubtay, iyada oo sababta ahayd inay ganacsatada suuqa badankooda xirteen CCTV oo ay ku amartay hay’adda NISA. Imika waxa uu loollan ka socdaa Ceelasha-biyaha iyo deegaannada kale ee daafaha caasimadda dhaca. Dawladda oo gacan ku dhigta Ceelasha-biyaha oo gudaheeda sifaysa waxay ka dhigan tahay iyada oo soo afjartay oo salka ka rujisay Wilaayada Gobolka Banaadir ee AS, iyo caasimadda dalka ee Muqdisho oo yeelata dammaanadqaad amni oo buuxa. Waxaan qiyaasayaa in Taliyaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu istusay mar haddii Mahad Maxamed Salaad si uun u xaliyay caasimadda gudaheeda, in isagane uu xaliyo daafaha magaalada.