Saturday 6 December 2025
Gumaadka, xadgudubka iyo xasuuqu ma aha wax siyaasiyiintu keligood sameeyaan. Intan buu Pankaj Mishra ina xasuusinayaa isagoo u kuurgalaya suugaanyahankii iyo mufakiriintii ka qayb qaatay dib u qaabaynta wacyiga Galbeed ee ku saabsan Falasdiin iyo Israa’iil. Suugaantu, marka halkan la joogo, ma aha sirmaqabto ama dhexdhexaad, ee waxa ay kaalin ka qaadatay soo saaridda sawirro Falasdiiniyiinta ka dhigaya dad aan la arkayn amaba aan mudnayn diirnax iyo damqasho. Wayddiinta uu halkan Mishra keenayaa keliya ma aha siyaasad ee xitaa waa aqoon: sooyaalka yaa qora? Yaa xaddida cidda noqonaysa aadame iyo cidda aan noqonayn?
Magacyada uu soo qaadanayaa waa kuwo soo jiidasho leh. Saul Bellow, qoraagii reer Maraykan ee abaalmarinta Noobasha helay, waxa uu qoray sheekooyin shaqo ahaan la falgalay ololaha dawladnimada Israa’iil, oo sheekooyinkiisa Yahuuddu waxa ay kaga soo muuqanayaan geesiyaal aan la loodin sooyaalka, halka Carabtu kaga soo muuqdaan khalfiyad qarsoon ama cawaannimo. Martha Gellhorn, suxufiyad iyo sheekoyahan caan ah, may qarsan jirin liididda Falasdiiniyiinta iyo in ay Carabta u aragto bulsho dib-u-dhacsan oo aan mudnayn la damqasho. Mary MacArthur ayaa sidoo kale Carabta Liibiya ku tilmaantay bulsho laga “wiswiso”, sida in ay xaqiijinayso in bulshooyinka qaarkood aanay diiwaan ku lahayn insaaniyada. Qoraalladani, haba noqdeen kuwo shakhsi ahe, haddana waa kuwa abuuray waxa uu Edward Siciid ugu yeedho “Arkiifiyada Suugaanta Gumeysiga”, iyadoo caqliyadda galbeedka u diyaarisa qaab sharciyad siinaya xadgudubka oo u jidbixinaya fogaynta.
Mishra kuma koobsanayo dhaleecaynta uun, ee sidoo kale dhinaca kalena waa soo bandhigayaa: aqoonyahan ku dhiirraday iskacaabbinta mawjadda xooggan, oo dhibaatada iyo silica u arka dhibaato aadame oo aan loo dabri karin hayb ama diin. Simone Weil oo ku doodaysa in xadgudubku gef yahay meesha uu doono ha ka dhacee. Hannah Arendt, oo si badheedh ah u dhaliishay maxkamadayntii Eichmann, sidoo kalena aamintay in Gumaadkii Yahuudda oo loo rogo agab siyaasadeed uu halis ku yahay dhibbaneyaasha laftooda. Waxa kale oo ka mid ah Boaz Evron, mufakirkii Israa’iiliga ahaa xadgudubka dawladda Yahuudda gudaha ka fashilanayey, qoraayadda reer Talyaani ee Natalia Ginzburg, oo diiddan dadnimotirka lagu wado Falasdiiniyiinta. Qoraayadani, haba koobnaadaane, waxa ay caddaynayaan in suugaantu noqon karto meel iskcaabbin, ee keliya aanay gawaanraacin talisyada.
Waxa mudan u fiirsi in Mishra uu muhiimad gaar ah siinayo Primo Levi iyo John Emery, oo labadooduba ka badbaaday Gumaadkii Naasiga. Primo Levi, oo walaac iyo walbahaar kala kulmay is waafajinta ku faanidda haybtiisa Yahuudinnimo iyo shakigiisa sharcinnimada dawladda sheeganaysa in ay isaga metesho, waxa uu farriin ku qoray: “Mararka qaar waxa aan is wayddiiyaa in dhab ahaan ku abtirsado bulshada Yahuudda”. Dhinaca kale, John Emery, oo dagaal iskacaabbin ah la galay Naasiga, jidhdilna la kulmay, waxa uu ku dhex wareeray iswaafajinta hankiisii hore ee Israa’iil iyo falalkeedii ka dib 1967-kii, kolkaas oo ay qabsatay Daanta Galbeed iyo Qasa, oo ay bilawday siyaasadda jidhdilka lagula kacayo maxaabbiista Falasdiiniyiinta. Kuwan badbaaday waxa ay iska diideen in ay xusuustii mucaskaraadkii Naasiga u beddelaan tigidh dambidhaaf oo loogu seeto dheereeyo falalka Israa’iil. Siday kuu doodeen, ka aamuska xadgudubku waa uun dhibtii oo oo qaab kale loo sii wado.
Bandhigga Mishra iyo fikradahiisa sare halkan bay ku duuganyihiin: suugaantu ereyo uun maaha, ee waa awood ka qayb qaadata samaynta caqliyadda akhlaaqeed. Kolka Bellow ama Gellhorn ay wax lid ku ah Falasdiiniyiinta qorayaan, mawqifkooda shakhsiyeed oo keliya ma cabbirayaan ee waxa ay xididdaynayaan sawirasho guud oo qofka Falasdiiniga ah ka dhigaysa jire aan mudnayn nolol iyo u diirnax. Kolka Weil, Levi ama Arendt ay sidan cagsigeeda qorayaanna, waxa ay daaqad u furayaan xusuusta aadamannimo, si ay inoo xasuusiyaan in aan dhibbaneha lagu dabri karin isir ama diin.
Arrinka halista u weyn lehi, sida Mishra tilmaamayo, waa in suugaanta lafteedu qayb ka noqotay mashiinka gumaysiga. Reer Galbeedku keliya may kootaysan awoodda milatari iyo siyaasadeed, ee sidoo kale waxa ay kooto ku xidheen awoodda tebinta. Falasdiiniyiintu, sida Edward Siciid qorayo, waxa lagu tilmaami karaa “dad bilaa Freud ama bilaa Chagall ah” – macnaha bilaa tiirar dhaqan iyo aqoon ah oo awooda in ay silicooda iyo dhibtooda sharciyeeyaan si ay qayb uga noqdaan diiwaanka caalamiga ah. Sawirkan dhaqan, ma aha ka badbadis, ee waa aasaasi si dhibbaneyaasha looga fogeeyo xusuusta. Gumaadkii Naasigu sababta uu dhibaato caalami ah u noqday waa in lagu qoray, lagu sawiray ama lagu heesay dhaqanka Galbeedka dhexdiisa, halka Jabkii Falasdiin (falkii qasabka lagu qaxiyey shacabka Falasdiin) aanu helin cid metesha, amaba si badheedh ah loo yasay.
Dib u akhrinta Mishra ee taageerada sidan ahi waxa ay aqoonyahanka badhtanka u gelinaysaa dagaalka socda: ma ka markhaati baa gumaadka mise waa ka qayb u jidbixintiisa? Ereygu dhexdhexaad ma noqdo, ee laba cidhif mid buu marayaa: in uu xoojiyo darafka fogaynta iyo gumeynta, ama in uu cod siiyo dhibbanayaasha. Waa sababta uu Mishra dib usoo celinayo dhaxalkii Edward Siciid ee metelaadda aqoonyahanka iyo kaalinta indheergaradka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in kaalinta aqoonyahanku aanay ahayn sii xoojinta gawaanraaca, se ay tahay iskacaabbin.
Suugaantu ereyo uun maaha, ee waa awood ka qayb qaadata samaynta caqliyadda akhlaaqeed. Waa awood dulmi jira lagu taageeri karo oo lagu sharciyeyn karo ama lagu diidi karo oo laga ga hortagi karo.
Si la mid ah sida uu Edward Siciid u fadeexaynayo istishraaqa, oo uu u arkay shabakad aqooneed oo u adeegta gumeysiga iyo muquuninta, Mishra isna waxa uu daaha ka qaadayaa in suugaanta Galbeedku ka qayb qaadatay qaabaynta sawirka ah in Israa’iil laga dhigo dhibbane abadi ah, halka Falasdiiniga laga dhigo weerar ama ugu yaraan wax aan muuqan. Suugaantu, kolkan, ma aha uun muraayadda waaqaca ee waaba warshadda waaqaca. Sidan uu Mishra u taxliiyey waxa ay dhalinaysaa baaqa ah in wax la iska wayddiiyo aqoonta lafteeda: sidee sheekofaneed hub isugu rogtay? Sidee maanso dhibbaneyaasha ugu soo celin kartaa dadnimadooda?
Casri gumaad iyo ummulodoox, oo weliba tebin toos ah lagu soo daayo, wayddiintu kuma ururayso yaa wax duqeeyey iyo yaa la dilay, ee sidoo kale waxa ay gaadhaysaa yaa wax qoray iyo yaa u aamusay? Xaaladdan gudubtay awgeed ayaa uu Mishra leeyahay: suugaantu waa fagaare kale oo gumaadka ama iskacaabbintiisa ah. Markan waa Bellow iyo Gellhorn oo dhinac ah, iyo Arendt, Emery iyo Levi oo iyana dhinac kale ah. Waxa inoo cad in ereyga la yidhaahdaa uu sharciyeeyo gumaadka ama fadeexeeyo. Halkan bay masuuliyadda indheergaradku imanaysaa: in uu si badheedh ah u doorto dhinaca uu la jiro iyo xusuusta uu doonayo in uu ka qayb qaato falkinteeda.
Bilawgii dagaalkaba, waxa cad in kala qaybsanka dunidu aanu ku koobnayn Israa’iil iyo Falasdiiniyiinta oo keliya, ee khariiddadii dunida u kala qaybiyey laba garab: garab Galbeed oo Maraykan iyo Yurub hoggaaminayaan, foolxumooyinka Israa’iilna ku dadaya siyaasad iyo milatari ahaanba, iyo garab kale oo aan hal dhinac ahayn, se u badan Dunida Koonfureed, Qasana u arka muraayadda hadda taagan ee soo bandhigaysa khibraddoodii gumeysiga iyo cabudhinta. Halkan waxa uu Mishra furayaa xagal cusub: Qasa ma aha fagaare dagaal gudeed ama xitaa gobol, ee waa muraayad si toos ah looga dhex arkayo sooyaal dheer oo muquunin iyo gumeysi ah, waa tijaabo dhaafsiisan xuduudda Falasdiin, oo taabanaysa dareennada bulshooyin dhan.
Jaamacadaha Maraykanka iyo Ingiriiska, sidoo kale waddooyina Johanisbeeg, Niyuu Delhi iyo Buenos Aires, dhaqdhaqaaqyo arday ama dhallinyaro ayaa isagu soo baxay, iyagoo kor u qaadaya sawirrada Qasa, waana wax doodda miiska keenaya. Dhaqdhaqaaqyadaasi Qasa uma arkaan keliya war maalinle ah ama dhibaato fog oo cidhif kale ka jirta, iyaga waa u summad dagaal intaa ka ballaadhan oo lagula jiro imbiryaaliyada iyo midab-takoorka. Hadalkii Nelson Mandeella ee caanka noqday, “xorriyadda Koonfur Afrika waa mid kala dhantaalan inta aanay Falasdiin xor ahayn”, waxa uu dib ugu soo cusboonaaday fac cusub oo iskacaabbinta Falasdiiniyiinta u arka sii joogtaynta dagaalka dadka aan caddaanka ahayni kula jiraan caqliyadda muquuninta caddaanka. Laakiin haddana, awoodda gorfayneed ee Mishra mar kale waxa ay ku duugantahay in aanu keliya ku koobsanayn isgarabtaaggan, ee sidoo kale uu dul istaagayo isdiiddooyinkiisa. Hindiya oo uu Mishra u dhashay, waa tusaalaha ugu cad ee isdiiddadani ka muuqato. Dalkan hoggaaminayey Dhaqdhaqaaqii Dhexdhexaadnimada ee kontonaadkii qarnigii hore, sidoo kalena calanka u siday iskacaabbinta gumeysiga iyadoo la safan dalalkii Masar, Yuguslaafiya iyo Indooneesiya, maanta waxa ay is aragtaa iyadoo si kastoo hore uga dhow Israa’iil. Raysalwasaaraheedu kama labalabayn in uu taageero xaqa Israa’iil ay u leedahay in ay is difaacdo, sidoo kalena, siyaasadaha gudeed ee Hindiya lagu fasiro is’haysi qoomiyadeed iyo diineed oo mandiq ahaan u dhow kuwa Sahyuuniyada. Bulshadii ka sheekaysay xadgudubkii gumeysiga Ingiriis waxa xukuma xisbi qawmi ah, oo dib usoo saara agabkii gumeysi, una adeegsada muslimiinta laga badanyahay, iyadoo ka faa’idaysanaysa isbahaysiga ay kula jirto Galbeedka.
Mishra isbeddelkan keliya uma arko khiyaano, ee sidoo kale waxa uu u arkaa dhibaato caalami ah oo qotodheer: gumeysigii kuma soo afjarmin ka bixitaankii awoodaha Yurub ee Eeshiya iyo Afrika, ee habdhaqankiisii waxa uu dib isugu soo cusboonaysiiyaa nidaamyo maxalli ah oo kasoo ergisatay cabudhintii iyo maquunintii, oo bulshadeed ama deriskeeda ku dabbaqda. Haddii qarnigii 20aad la arkay dhaqdhaqaaqyo xornimodoon oo waddani ah, korna loo qaaday hal-ku-dhigyada caddaaladda iyo sinnaanta, qarniga 21aadna waxa uu marayaa in isla dalalkaasi isu beddeleen garabka nidaamka gumeysi ee cusub, iyagoo ka faa’idaysanaya isbahaysiga ay Galbeedka kula jiraan.
Tan ka sokow, haddana Dunida Koonfureed kama madhna codad iskacaabbin cusub ah. Laga bilaabo Cape Town ilaa Karaaji, iyo Santiyaago illaa Jakaarta, waxa isa soo taraya mawjado garab u ah Falasdiin, oo ay hoggaaminayaan jiil cusub oo Qasa u arka summadda dagaal iyagana khuseeya. Facaasi qaddiyadda Falasdiin uma arkaan loollan gobol, ee waxa ay u arkaan takoor caalami ah oo dunida loogu qaybinayo dhibbaneyaal mudan damqasho iyo dhibbanayaal la dadnimo tiray. Sidaas darteed, wax lala yaabo ma aha in aynnu aragno dallado shaqaale oo Laatin Ameerika ah ama dhaqdhaqaaqyo dhallinyaro oo Afrika iyo Jaamacadaha Eeshiya ku sugan oo kor u qaadaya hal-ku-dhigga “dhammaanteen Qasa ayaynu nahay”.
Weli se waxa jirta isdiddo oo halka dhaqdhaqaaqyadani ka metelayaan dareen bulsho oo la damqanaya Falasdiiniyiinta, xukuumadaha Dunida Koonfureed waxa ay u hoggaansanyihiin isle’egyo siyaasadeed iyo dhaqaale oo u dhawaynaya Galbeedka. Hindiya ayaa tusaalaha ugu cad ah, haddana waxa la xusi karaa Baraasiil ama Koonfur Afrika oo taageeradooda Falasdiin fagaarayaasha dunida ka sheegay, sidaas oo ay tahay ma jabin karaan ku dabafayliddooda nidaamka dhaqaale ee caalamiga ah ee awoodaha waaweyni maamulaan.
Codadka iska caabbinta ah ee ka dhex jira Dunida Koonfureed Qasa uma arkaan keliya war maalinle ah ama dhibaato fog oo cidhif kale ka jirta, ee waxa ay u tahay summad dagaal oo intaa ka ballaadhan oo lagula jiro imbiryaaliyada iyo midab-takoorka.
Mishra isdiiddadan waxa uu u aanaynayaa in ay qayb ka tahay dumitaanka ballaadhan ee mashruucii “Gumeysiga-ka-dib”. Mashruucan waxa loo bilaabay in uu aqlabiyadda caalamiga ah – bulshooyinka Eeshiya, Afrika iyo Laatiinka – siiyo cod iyo kaalin ay ku yeeshaan sooyaalka, se kumuu guulaysan furfuridda seeska awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed ee la isku muquuniyo. Natiijada fashilkaasi waa in weli bulshooyinka koonfurta dunidu ku hoos noolyihiin caqliyaddii awoodda, xitaa wejiyadii iyo qaababkiiba ha isbeddelaane. Arrin marka uu sidan yahay, Qasa waa imtixaan iyo shaybaadh: Koonfurta Caalamiga ahi masoo ceshan karaa iskaashigii uu la soocmay kontonaadkii iyo lixdanaadkii, mise qawmiyadda bulsho la ciyaarka ah yo isbahaysiyada cusub ayaa ka takhallusay hankaas?
Sida uu Mishra qabo, jawaabtu weli way furantahay. Se waa uu arkaa fac cusub – ardayda jaamacadaha Galbeed iyo ololeeyayaasha Carbeed iyo Afrikaan – oo bilaabay dib u qeexidda isbahaysiga oo kolkan saldhig looga dhigay akhlaaq se aan looga dhigin siyaasad. Facaasi ciidamo iyo xukuumado ma laha, se sida Mishra tilmaamayo waxa ay leeyihiin “tijaabo nafsadeed oo la wadaago”: wacyiga in ay markhaati ka yihiin gumaadka sida tooska ah loo tebiyo, iyo in ka aamuskoodu ka qayb qaadashada gumaadkaas yahay.
Ugu dambayn, Mishra Qasa uma arko dhibaato maxalli ah, ee waa muraayad si qayaxan u muujinaysa sida dunidu ugu kala qaybsantay laba garab: koox kooban oo awoodda leh, xadgudubkana sharciyeysa iyo aqlabiyad ku hoos nool xadgudubka awooddaas. Se aqlabiyaddani, si kasta oo ay u itaal darantahayba, waxa ay haddana leedahay biqil cusub oo iskacaabbin ah. Awoodda Qasa halkan bay ku jirtaa: mar kale dib usoo celisay wax iska weydiinta caddaaladda caalamiga ah, Falasdiinna waxa ay ka dhigtay summadda koobsanaysa dagaal Gumaysiga ka dib ah, oo qarniga 21aad ah.
Akhristaha buuggani waxa uu dhanka kale uga baxayaa isaga oo ku raran wayddiimo ka badan jawaabaha uu bixinayo. Buuggu xalal indhosarcaad ah ma keenayo, mana diyaarinayo khariiddado cusub oo siyaasadeed, se waxa uu ku guulaysanayaa intaasba in ka qotodheer oo ah: daah ka faydidda isdiiddooyin casri dhan iyo qaawinta sheekada “insaaniyada la wadaago” ee lagu bishaareeyey ka dib 1945-kii. Awoodda buuggu waa mid ku duugan in uu ku dhiirrado dib u furidda faylka xusuusta. Ballanqaadkii akhlaaqeed ee ka dhashay Gumaadkii Naasiga – in aanu dib usoo laaban – waa uu noqday agab cid gaar ahi xulato oo ay u adeegsato u jidbixinta gumaad cusub. Faydankan uu Mishra luuqadda xooggan kusoo bandhigayo, akhristaha waxa uu ka dhigayaa mid dib ugu laabta lamataabtaan dhaqanka Galbeedku sannaddo badan u saldhigayey: yaa xaq u leh in uu dhibbane noqdo? Yaa leh awoodda qeexidda sharka? Ma suurogal baa in uu jiro “halbeed caalami ah” oo loo adeegsato silica, se bulshooyin dhan laga reebo diiwaankan?
Tilmaanta labaad ee buuggu leeyahay waa in aanu ku koobnayn gorfaynta siyaasadda ama qaanuunka, ee uu suugaanta iyo fekerka dhex keenayo doodda. Laga soo bilaabo Bellow ilaa Mary MacArthur, iyo min Arendt ilaa Levi, Mishra waxa uu muujinayaa in aanay ereyadu dhexdhexaad ahayn: xadgudubkay sharciyeeyaan ama way fadeexadeeyaan. Suugaantu sidan bay ku tahay garabka gumaadka ama iskacaabbintiisa. Kolkan buu Mishra soo galayaa dhaxalkii Edward Siciid, si uu usii xoojiyo in indheergaradka dhabta ahi aanu ahayn gawaanraaca sida loo badanyahay doorbida, se uu yahay ka dhiirrada ee iskacaabbin gala, xitaa haddii ay qiimo sare ku tagayso. Malaha se waxa intaasba ka muhiimsani waa in uu Qasa dhex dhigayo xeedho caalami ah. Siduu ku doodayo, xaaladda Qasa jaadgoonni ma ah, ee waa sii socoshada sooyaal dheer oo gumaysi iyo takoor. Waa muraayadda faydaysa in mashruuckii “Gumaysiga ka dib” aanu guulaysan, oo dunidu ku laabatay mandiqii ahaa “awooddaa xaqa abuurta”, loona laabtay isirro-hoosaad u harraadan dhiig. Se haddana waxa uu arkaa in codadka Dunida Koonfureed – arday jaamacadaha Galbeed iyo dhaqdhaqaaqyo shacbi oo Afrika iyo Eeshiya ah – ay yididdiilo leeyihiin, haba itaal darnaadeene.
Gebogebada buuggu ma aha mid raaxo leh. Mishra waxa uu ku adkaysanayaa in waxa Qasa ka socdaa aanu si fudud ku tirmayn: fac dhan oo dhallinyaro ah baa la noolaaday tijaabo ah in ay markhaati ka noqdaan gumaad si toos ah daqiiqad kasta loo soo tebiyo, cidina se aanay dheg jalaq u siin. Khibraddani waxa ay raad qotodheer kaga tagi doontaa wacyiga caalamiga ah, waxaanay dib usoo celin weydiinta ah: maxay ka dhigantahay in aynnu aadame nahay xilli dhibbanayaasha lagu qiyaaso miisaanka midabka, jiquraafiga iyo siyaasadda.
Buuggan “Dunida Qasa Ka Dambaysa” ma aha mid ku kooban Falasdiin, waa mid ka hadlaya dunidu siday u ekaan doonto Qasa dabadeed: duni weyday ismoodsiiskii, oo niqaabkii dhigtay. Waa isla buug ku baaqaya dib u fikirid: haddiiba insaaniyada la wadaagaa ku duntay Qasa, waxa kale ee aynnu dib u dhisi karnaa waa maxay? Suugaanta iyo fikirku se qayb ma ka qaadan karaan dib-u-dhiskaas, mise waxa mar kale loo adeegsan u jidbixinta gumaadka? Weydiimahan buu Mishra uga tagayaa akhristihiisa, qoraal koobsanaya tebin, gorfayn falsafadeed iyo naqdin siyaasadeed iyo dhaqan. Buug fajaciso ah, se lagama maarmaan ah. Waxa uu ina xasuusinayaa in Qasa aanay dhib Falasdiin ahayn, ee shaybaadh caalami ah tahay, oo dhammaanteen – aamus ama ereyo – kaga qayb qaadanayno.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan, waxaana soo turjumay Maxamuud Bulxan