Skip to main content

Sunday 9 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Casriga Gumaadka: Faallo Akhris - Q. 1aad

5 November, 2025
Image
Casriga Gumaadka: Faallo Akhris
Share

Waxaynnu gorfayn, soo koobid iyo iyo akhris ku samaynaynaa buugga Pankaj Mishra ee “Dunida Qasa Ka Dambaysa”, oo aaminsan in aanay xaaladda Qasa ahayn dhibaato Falasdiin ku kooban, se ay tahay dhacdo caalami ah oo daaha ka qaadaysa burburka ismoodsiiskii “insaaniyad la wadaago”, ee dhashay wixii ka dambeeyey 1945-kii. Waxa uu buuggu caddaynayaa sida xusuustii Gumaadka Naasiga looga dhigtay halbeeg la xushay oo loo adeegsado u kala qaybinta aadamaha “dhibbaneyaal mudan diirnax” iyo “dhibbaneyaal looma ooyaan ah”, sidoo kalena loogu adeegsaday u jidbixinta xadgudubka gumeysi cusub oo Falasdiiniyiinta xaqooda lagu duudsiyo. Buugga oo dib ugu laabanaya sooyaalka, suugaanta iyo falsafaddu, waxa uu caddaynayaa in aqoonyahanka iyo qoraayadu ay ka qayb qaateen laba mid uun: sharciyeynta baabi’intan ama horjoogsigeeda.

Qasa waxa ay tusaale nool u tahay Dunida Koonfureed oo ay u caddaynayso sida tijaabooyinkii gumeysiga iyo cunsuriyaddu weli usii socdaan. Se farqiga amakaagga leh ee Mishra ku nuuxnuuxsanayaa waa in dhibbaneyaashu kolkan ay si toos ah inoogu soo tebinayaan dhibtooda, dunidoo dhammina aanay dheg jalaq u siinayn. Qasa waxa ay sidan ku noqonaysaa shaybaadh wakhti oo innagu khasbaya dib uga fekeridda macnaha xusuusta iyo caddaaladda. Duni dhex dabbaalanaysa dhiig, qalalaase iyo burbur, haddana Qasa xaaladdeedu waa wax dagaal ka ballaadhan, waa wax dhaafsiisan dhibaato Falasdiin. Waa xaalad daaha ka qaadaysa hoobashada ismoodsiisyo dunida haystay tan iyo 1945-kii, kolkaas oo dad badani aamineen in Gumaadkii Naasigu dhidibbada u taagay halbeegga udub-dhexaadka sharka, damiirka aadamannimana wax ka bartay. Hase ahaatee, sawirrada carruurta ku hoos gubanaya burburka dugsiyadooda, dumarka ku balanbalaya waddooyinka Rafax iyo aabbayaasha maydkii carruurtooda hor haya kamaradaha dunidu, waxa ay dhaliyeen wayddiin adag oo ah: haddiiba qarnigii labaatanaad halbeegga sharka laga dhigay Gumaadkii Naasiga, qarnigan 21aad-na muxuu kashifayaa xilli aynnu u jeedno gumaad si toos ah hawada looga soo tebiyo, se dunidu aanay ka gilgilan?

Pankaj Mishra, oo ah qoraa iyo mufaker Hindiyaan ah, oo hore ugu sooyaaleeyey gumeysiga iyo raadadkiisii buugaggiisa “Age of Anger” iyo “From the Ruins of Empire”, waxa uu mar kale soo saaray buuggiisan “World After Gaza”, si uu mar kale farta u saaro qaddiyad dunida ka oogan. Buuggu Falasdiin keligeed kuma saabsana, ee waa buug ka hadlaya duni dhan oo laga siibay sheegashooyinkeedii anshax. Mishra waxa uu buuggan ku hoos qorayaa cadaadiska “burburka anshax” ee ku khasbay in uu qirto: “Waxa aan dareemay in aan ku khasbanahay qoridda buuggan, si aan isaga dhimo wareerka iga qabsaday hoobashada anshaxa sida ballaadhan u dumaya”. Arrinkan ku riixay qoraalku ma aha mid gudbaya, ee waa ka falcelinta dhacdo taariikheed oo uu aaminsanyahay in Qasa ay tahay muraayad caalami ah, sidoo kalena tahay shaybaadhka soo saaraya khalkhalka sees ee ku jira nidaamka caalamiga ah, xusuusta Galbeedka, iyo sawirka aqoonyahanka iyo suugaanta.

Qasa waxa ka socdaa dagaal uun ma aha ee waa wax ka ballaadhan, waa wax dhaafsiisan dhibaato Falasdiin. Waa xaalad daaha ka qaadaysa hoobashada ismoodsiisyo dunida haystay tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka ka dib. Waa shaybaadh lagu eegayo raadkii gumeysiga iyo masuuliyadda akhlaaqeed ee saaran indheergaradka.

Bilawgaba, Mishra waxa uu buuggiisa si qayaxan ugu faahfaahinayaa in waxa Qasa ka socdaa uu soo bandhigayo in dhibbaneyaashu aanay sinnayn. Waxa jira dhibbaneyaal mudan diirnax, waxa kale oo jira dhibbaneyaal aan mudnayn, oo si hoose loo tirtiri karo. Reer Galbeedka xusuusta Gumaadkii Naasiga halbeegga uga dhigay sharka, ayaa isla halbeeggaas u beddelay agab siyaasadeed oo ay ugu jidbixiyaan xadgudub gumeysi oo cusub. Sidaas darteed, hal-ku-dhiggii ahaa “arrinkaasi dib uma soo laaban doono” waxa uu kusoo ururay ballanqaad cidhiidhi ah oo ah “[Gumaadku] dib uguma soo laaban doono Yahuudda oo keliya”. Falasdiiniyiintu ballanqaadkan marka la joogo [ma mudna], oo waxa lagu hoos gumaadayaa hadaltirada amni, diin iyo siyaasadeed, iyadoo weliba cidda ku dhiirrata inay gumaadkan ku sheegto xasuuq ama isir-sifayn, lagu tuhmayo colaadinta Simitiga.

Awoodda gorfayneed ee buuggu kuma eka uun taxliilinta siyaasadeed, ee sidoo kale waxa uu dib ugu laabanayaa sooyaalka, xusuusta iyo suugaanta. Waxa uu ka bilaabayaa Sigmund Freud, oo ka digay in gaboodfalayaashu aanay keligood gumaadka samayn, se dambiyadoodu quutaan aamuska shacabka iyo taageeradooda. Waxa uu uga gudbayaa Hannah Arendt, oo “macnobeelka sharka” u aragta furaha fahanka sida ay suurogal u tahay in aadamaha oo dhammi uga qayb qaato dil-wadareedka iyagoo u maraya bayrooqaraadiyada, oggolaanshaha ama danayn la’aanta. Ka dib, Mishra arrimahan oo dhan ayuu kusoo xidhayaa Qasa iyo in dunidu tijaabo cusub marayso: malaayiin dad baa si iskood ah markhaati uga ah jariimo si toos ah shaashaduhu usoo gudbinayaan, se haddana u dhaqmaya sidii oo aanu arrinku khusayn.

Mishra waxa uu xusayaa in baroorta [xaafaddii Yahuudda laga dejiyey magaalada Waarso] “Warsaw Ghetto” ee 1943, oo uu gabyaa Czeslaw Milosz kaga sheekaynayo maansadiisa Campo dei Fiori, ay hadda ka taagantahay Qasa. Farqigu se waa in baroortaas hore aanay cidna gaadhin, halka baroorta Qasa hadda si toos ah loo tebiyo, haddana iskadhagoolayn [la moodo in sida taa hore oo kale aan loo ogayn] lagula dhaqmo. Waa farqi argagax weyn leh: dhibbaneyaashu kolkan waxa ay dardaarannadooda kusoo qoraan barta X, sawirrada maydkooda waxa ay kusoo gudbiyaan TikTok, waxa ay gargaar ka codsanayaan shaashadaha hortooda, tebin toos ah ayaanay ku nafbaxaan. Burburka anshax ee buuggu ka duulayaa waa kan: markii koowaad sooyaalka, dhibbaneyaal gumaad baa caddaymo ka reebaya geeridooda, se dunidu qaab madaddaalo aan dhaamin ay u daawanaysaa.

Marka dhinacan laga eego, Qasa waa goolad cusub oo bilaabantay. Gumaadkii Naasigu haddii uu qarxiyey wacyigii qarnigii 20aad, Qasana waxa ay qarxinaysaa wacyiga qarniga 21aad. Duni ka horraysay Qasa ayaa jirtay, sidoo kale waxa jirta duni Qasa ka dambaysa. Qaanuunkii caalamiga ahaa ee la dhisay ka dib 1945-kii waa uu lumiyey sharciyaddiisii, xuquuqdii aadame ee kor loo qaaday iyadoo laga dhigayo halbeeg caalami ahi way duntay ka dib eexdan muuqata, dimuqraaddiyadihii libaraaliga ahaa ee ku heesayey insaaniyad la wadaagaana waxa ay lasoo baxeen wejigoodii dhabta ahaa ee gumeysiga cusub ahaa.

Laakiin, muhiimadda hordhaca buuggu ma aha uun tixidda liis dheer oo tuhun ah, ee sidoo kale, waa dib ugu laabashada masuuliyadda aqoonyahanka, indheergaradka iyo suugaanyahanka. Mishra waxa ina xasuusinayaa in suugaantu yeelatay kaalin laba weji leh: qoraayo waaweyn baa ka qayb qaatay – sida Saul Bellow iyo Martha Gellhorn – shaydaamaynta Falasdiiniyiinta iyo u jidbixinta baabbi’intooda, halka kuwo kale – Simone Weil iyo Hannah Arendt – ay yeesheen geesinnimada in ay xanuunka u arkaan xanuun aadame, shuruud la’aan. Kolkan, Mishra waxa uu ina hor dhigayaa su’aal adag oo ah: ereygu ma awoodaa ka hortagidda gumaad, ama ma ka qayb qaadan karaa?

Gumaadkii Naasigu haddii uu qarxiyey wacyigii qarnigii 20aad, Qasana waxa ay qarxinaysaa wacyiga qarniga 21aad.

Dhammaadka hordhacu waxa uu akhristaha soo hordhigayaa sawir qayaxan: Qasa ma aha dagaal keliya, waa muraayad muujinaysa burburka ismoodsiiska “insaaniyad laga simanyahay” oo la hirgaliyey Dagaalkii Labaad ka dib. Qasa waa shaybaadh caalami ah, oo reer Galbeedka hiddahoodii gumeysi dhabarka u saaraysa, aqoonyahanka masuuliyaddiisa anshax tunka u saaraysa, akhriste kastaana kala kulmayo weydiin dhab ah: ma waxa aynnu taagannahay dhammaadka mashruucii Gumeysiga ka dib, mise dhalashada gumeysi cusub oo kasii qadhaadh?

Awoodda Xusuusta: Gumaadkii Yuhuudda illaa Qasa

Kolkii Yurub 1945-kii ka dib ay dejisay sheekadeeda ku saabsan Gumaadkii Naasiga, waxa ay ka dhigtay “barriiqasho akhlaaqeed” oo aan dunida mar dambe laga oggolaan doonin. Hase ahaatee, Pankaj Mishra waxa uu xusayaa in ballanqaadkani aanu ahayn mid loo dhammaa oo keliya cid gaar ahi xulatay. Reer Galbeedka, Gumaadkii Naasiga udub-dhexaadka sharka ka dhigay, waa isla Galbeedka iska dhagooleeyey in malaayiin dad oo reer Eeshiya iyo Afrika ahi xaalado la mid ah oo gumaad mareen kalana kulmeen awoodihii gumeysi ee isla jeerkan ballanqaadaya “in aanay dib usoo laabanayn”. Sidaas darteed, Gumaadkii Naasigu marka akhriska Mishra la eego waa halbeeg laba weji leh: agab dib-u-qaabayn u ah aqoonsiga anshax ee Galbeedka, iyo hub loogu jidbixiyo xadgudubka cusub ee Falasdiiniyiinta lagu hayo.

Isdiiddada yaabka lihi halkan bay ku jirtaa: sida Aime Cesaire qoraalkiisii 1950-kii ee gumeysiga uu ku doodayo, Naasigu sidiisaba kama leexan jidkii xaddaaradda Galbeedka, ee waxa uu joogtaynayey uun caqliyaddoodii gumeysi. Gumaadka Naasigu cidla kama dhalan, ee waa isla hababkii gumaad ee hore loogu adeegsaday bulshooyinkii la gumeysanayey. Ingiriisku waa kuwii falkinayey macaluushii Hindiya malaayiinka qof ku galaafatay, Biljimku waa kuwii Koongo ka dhigay harada dhiigga ah, Faransiiskuna waa kuwii Aljeeriya ku duqaynayey gaaska suntan ah. Hitler waxa keliya ee uu sameeyey waa in uu falalkan iyo hababkan usoo dhoofiyey qaaraddii Yurub. Sidaas oo ay tahay, Dagaalka ka dib, Yurub waxa ay dib u qaabaysay xusuusteeda qaab u oggolaada in la illaawo xidhiidhka arrimahan ka dhexeeya iyo in ay isku hal mar isu soo bandhigto dhibbane iyo garsoore labadaba.

Halkan buu Mishra kusoo qaadanayaa akhrinta Hannah Arendt, oo macnotirka sharka u aragtay furaha fahanka awoodda aadamuhu u leeyahay ka qayb qaadashada dil loo dhanyahay, weliba iyadoo aan la ogayn ama aan laga hor iman, se loo marayo oggolaansho iyo bayrooqaraaddiyad. Arrinka Qasa ka socdaa laga bilaabo go’doonka lagu maamulayo garaadka macmalka ah, illaa xaddidaadda baraha la duqaynayo ee loo adeegsanayo loogardamka waa wax muujinaya nuskhad cusub oo ah caadiyeynta sharka. Askariga dagaallamayaa qofka Falasdiiniga ah uma arko aadame, ee wuxuu u arkaa bartilmaameed xaddidan oo lambar lagu jaangooyey. Sharka iyo xadgudubku kolkan waxa uu isu beddelayaa rootiin maamul, oo lagu maaraynayo shaashadaha koombiyuutarka iyo xogaha jaajuusnimo.

Labo wajiilaynta Reer Galbeedka waxa ka mid ah in ay dhan ka xusaan xasuuqii uu Naasigu u gaystay Yahuudda oo ah foolkooda dhab ah, dhanka kale na ka gaabsadaan xasuuqa Qasa ka socda ama taageero u fidiyaan kuwa wada.

Arendt iyo Cesaire ka sokow, Mishra waxa uu ina xusuusinayaa Jooraj Orwell, oo 1945-kii qoray in “Falasdiin tahay qaddiyad midab”, macnaha salkeedu waa cunsuriyad: cidda loo arko dhibbaneyaal caddaan ah, waa la qiraa dhibtooda, halka madowga ama midabbada kale (bunniga) geeridooda iyo silicooda loo arko dheeraad la iska illaawi karo. Waa arrin dib inoogu celinaya James Baldwin oo 1967-kii qoray: “Dhibta Yahuudda la baday waxa loo aqoonsanyahay qayb ka mid ah sooyaalka anshax ee dunida, se ta madowga looma arko”. Falasdiiniyiintu, sida Mishra ku doodayo, jidkaas oo kale ayay maanta ku suganyihiin: dhibbanayaal aan la aqoonsanayn, oo lagu silcinayo meel ka baxsan “xasuusta anshax” ee Gumaadka Naasiga kootada loogu xidhay.

Se arrinka ugu halista badani waa in aan xusuusta wakhtiga loo deynin si ay iskeed u samaysanto, ee sidaa cagsigeeda dib-u-warshadayn siyaasadaysan lagu sameeyey lixdanaadkii qarnigii 20aad. Mishra waxa uu tilmaamayaa in maxkamadayntii Eichman ee Qudus ka dhacday 1961-kii, ay ahayd xilliga Gumaadkii Naasiga loo beddelay sheeko loo adeegsado agab sharciyeeya dawladda Yahuudda. Arrinku kuma koobnaan xasuustii dhibbanayaasha, ee waxa uu isku beddelay sal siyaasadeed oo u jidbixiya in Israa’iil tahay meesha kaliya ee Yahuuddu ku badbadi karto. Isla kolkan, waxa suurogalay in Falasdiiniyiinta la shaydaameeyo iyadoo lala barbar dhigayo Naasiyiintii, amaba Carabta lagu tuhmayo inay la jireen Hitler. Qaabkan ayay xusuustu ku noqotay agab sharciyadda cid ka qaada [mid kalena siiya].

Waxa kasii halis badan waxa horeba, in Maraykanku kaalin udub-dhexaad ka qaatay “maraykiyeynta xusuustan”. Kacaamiddii Dhaqdhaqaaqa Injiiliga ah ka dib, ololaha Tawraatiga ahi waxa uu la falgalay fikradda ah “Isbahaysiga Muqaddaska ah” ee Israa’iil, ku laabashada Yahuudda ee Falasdiinna waxa loo sawiray shardiga imaanshaha labaad ee Masiixa. Isla falgalkan Laahuutka iyo siyaasaddu waxa uu taageerada Israa’iil ka dhigay mid aan shardi la hordhigi karin oo ah qaddiyad gudeed oo Maraykan, halkii ay ka noqon lahayd wax khiyaar loo haysto oo diblumaasiyad ku sal leh. Jarmalkuna, gefkiisii taariikhiga ahaa waxa uu u beddelay taageero aan shardi hor oollin oo uu siiyo Israa’iil, dhaliil kasta oo loo soo jeediyo siyaasadaha gumeysiga Yahuuddana waxa uu u arkaa khiyaamaynta xusuusta Gumaadkii Naasiga. Qaabkan ayaa uu Galbeedka oo dhammi ugu gacangalay xusuus xul ah: xusuus dhibaatada Yahuudda gaadhsiinaysa derejo caalami, se aasaysa silica bulshooyinka ku hoos gumaysan aamuska caalamiga ah.

Qasa waxa ay maanta daaha ka qaadaysaa xusuustaas. Gumaadka Israa’iil waddaa waa mid daqiiqad daqiiqad loo tebinayo: aabbayaal sida maydadkii carruurtooda, hooyooyin burburka ka dhex barooranaya iyo carruur nabadgalyaynaya dunida oo usoo marinaya shaashadaha talefoonnadooda. Markii koowaad taariikhda, Mishra sida uu qorayo, “dhibbanayaasha ayaa isla wakhtiga waxani dhacayaan soo gudbinaya xasuuqooda”. Intan oo jirta, haddana dunidu may dhaqaaqin. Fajacisadu halkan bay ku jirtaa: xusuustii ballanqaadday in aanay dib usoo noqon, waxa ay isu beddeshay agab loo adeegsado gumaadka cusub.

Kolkan, Mishra waxa uu akhristaha hor dhigayaa su’aal weyn: xusuusta Gumaadkii Naasigu ma noqon kartaa halbeegga sharka, haddiiba loo adeegsanayo u jidbixinta gumaad kale? Se reer Galbeedku xaq ma u leeyahay in uu weli iska dhigo ilaaliyaha anshaxa, xilli uu ka aamusanyahay gumaadka sida tooska ah loo tebinayo?

Xusuustu, sida Mishra soo bandhigayo, ma aha diiwaan sooyaal, ee waa awood halbeeg oo jaangoysa cidda aadame loo arkayo iyo cidda sheekada laga tirayo. Dunida Qasa ka dambaysa, la iskama indhotiri karo faydankan. Gumaadkii Naasiga, ee mar ahaa seeska “insaaniyada la wadaago”, maanta waxa uu noqday halbeeg cid gaar ahi xulatay oo kashifaya soohdinta insaaniyadaas lafteeda.

…. La soco Q. 2aad

Qoraallada kale ee qoraaga