Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Casharrada ay Soomaaliya ka baran karto Botoswaana

21 July, 2026
Image
Casharrada ay Soomaaliya ka baran karto Botoswaana
Share

Botoswaana waa dal Afrikada koonfureed dhaca oo leh dhinacyo waayo-aragnimo oo ay Soomaaliya wadaagaan, sida dhaqan xoolo-dhaqato, dhul qallan iyo dhaxal gumaysi, waxayna Soomaaliya xorriyaddeeda ka danbaysay muddo lix sanno ah (waxay gobonnimada qaadatay sannaddii 1966). Dalka sidan oo idil Soomaaliya ugu tejribo dhow kolkii uu xorriyadda qaadanayey dhaqaalihiisu aad ayuu u burbursanaa, oo dakhliga qofku waxa uu sannadkii ka yaraa 80 doollar oo keli ah. 

Waddanku waxa uu caan ku yahay xoolaha, sidaas oo ay tahay sannad walba waxa naafayn jiray abaaro daran, xanuunno iyo daryeelxumo caafimaad. Kolkii uu xorriyadda qaadanayey dalka miisaaniyaddiisa waxa si weyn u kabi jiray isticmaarkii Ingiriiska, mana lahayn lacag qaran oo rasmi ah—oo waxa uu lacag ahaan u adeegsan jiray lacagta dalka Koonfur Afrika ilaa laga soo gaadhayey sannaddii 1976 markaas oo la sameeyey lacag qaran oo gaar ah. 

Botoswaana waxay xuduud la leedahay dalka Koonfur Afrika oo culays daran ku hayey, sida oo kalana ay aad ugu tiirsanayd. Bilmetal; gaadiidka, isgaadhsiinta, soo dejinta alaabaha, iyo waxbarashada ayuu dalku aad ugu tiirsanaa oo badi indheergaradkii iyo hoggaankii dalka xorriyadda ka dib salka dhulka u dhigay waxay xaaddireen dugsiyada waddankaas.

Ingiriisku kolkii uu waddanka ka kacay wax kaabayaal dhaqaale ah oo hagaagsan kama uusan tegin. Waxbarashadu aad ayey suququl u ahayd, dalkuna waxa uu ahaa mid dibudhacsan. Botoswaana xaaladdeeda dhaqaale, waxbarasho iyo maamul sidan ayey u taallay markii ay xorriyadda hananaysay. Kolkii se isticmaarku kacay ee ay taladii la wareegeen dalku waxa uu cagta saaray maamul dawladnimo oo xasilloon, koboc dhaqaale oo waara, hay’ado dawladeed oo shaqaynaya, hannaan waxbarasho oo la majeerto iyo nidaam dimuqraaddiyadeed oo xilalka si deggen loogu kala wareego, taas oo Afrika muunad u noqotay. 

Waxa iswayddiin leh: maxaa Soomaaliya dib u dhigay Botoswaana oo dal la tejribo ahna horumariyey? Waa wayddiin ay lamahuraan tahay in hagaag la isu wayddiiyo oo laamaha aqoondhalinta lagu niqaasho. Intaa marka laga yimaaddo, curiskan koobani waxa uu daarran yahay in uu wax ka tilmaamo arrimaha saamaxay horumarka Botoswaana ee suurtageliyey koboc dhaqaale iyo haykal dawladnimo oo deggan, kuwaas oo cashar u noqon kara Soomaaliya oo weli ku hadhsan liiska dawladaha fashilmay ee la ildaran dawlad-xumada, amni darrada iyo saboolnimada. Abbaarta qoraalku waa in uu beegsado cunsurrada go’aamiyey horumarka Botoswaana oo ah dal Afrika ka sheeggan.

Hoggaan Fiiradheer iyo Hay’ado Dawladeed

Cabdi Ismaaciil Samatar buuggiisa la yidhaahdo, “An African Miracle: State and Class Leadership and Colonial Legacy in Botswana Development”, waxa uu xididka horumarka Botoswaana ku ururiyey hoggaankii siyaasadeed ee xorriyadda ka dib dalka qabtay, kuwaas oo uu u tixgeliyey in ay ahaayeen dad fiiradheer, iskuxidhan, dhishibiliin leh oo ajendayaal qaran xanbaarsan. Xukunkii dawladnimo waxay u adeegsadeen horumarinta bulshada iyo isu ururintooda, kama aysan shaqayn dano shakhsi ah, xoolo urursi iyo hooshka wixii dadka ka dhexeeyey. 

Mudane Samatar, waxa uu cod dheer ku sheegay in aan horumarka Botoswaana la fahmi karin iyada oo aan la dersin dabaqaddii siyaasadeed ee talada qabatay. Hoggaankaasi waxa uu hortebin ka dhigtay mashruucyo isugu jira qaran-dhis iyo dawlad-dhis, wax walbana wax uu ka soo unkay taxadka, maaddaama aanay isticmaarkii waxba ka dhaxlin. Sidaa awgeed, horukaca iyo taabbagalka dalka waxay asaas uga dhigeen labo qodob oo maguuraan ah: xirfad iyo mudnaan (waa in dadka lagu xusho karti iyo hufnaan, halkii lagu xulan lahaa cidda uu yahay iyo halka uu ka soo jeedo).

Dalku ma uusan haysan xirfadlayaal ku filan, oo hawlaha dawladda ku fayla. Taa awgeed, dawladdu waxay dooratay in ay ajaanib adeegsato, si shaqaalaheeda ugu tababbarto, ka dibna ay hawsha ula wareegto. Labadan qodob waxay noqdeen muxarrigga ugu weyn ee dalka dhaqaajiyey, oo intaas ka dib dalku waxa uu cagta la helay toobiyaha horumarka. Halkaa waxa ka dhashay nidaam biruqraaddi ah oo ku dhisan karti, hufnaan iyo waxqabad, sida oo kalana leh madax bannaani gaar ah.

Botoswaana waxay ku meelmartay oo horumar degdeg ah ku gaadhay waa in bilowgiiba laga shaqeeyey hay’ado dawladeed oo sal adag ku taagan waxtarna leh. Joe Studwell oo ah aqoonyahan ka faallooda horumarka dalalka waxa uu buuggiisa dhowaan (2026) soo baxay ee la dhaho: “How Africa Works: Success and Failure on the World's Last Developmental Frontier”, ku sheegay in Botoswaana xaqiijisay wax uu u bixiyey: hay’ado mudnaaneed (meritocratic institutions), oo ah hay’ado dawladeed oo shaqaynaya, waxgal ah, oo awood leh. 

Mudane Joe Studwell, waxa uu bogaadin u miisay dabaqaddii siyaasadeed ee xukunka qabatay, gaar ahaan Serets Khama, madaxweynihii koowaad ee dalka. Waxa uu ahaa hoggaamiye fogaan arag ah, mutacallin ah oo jaamacadaha Galbeedka ka soo baxay, sida oo kalana ka yimi qoys xukun oo aristoqraaddi ah. Waxa uu ahaa shakhsigii gobonnimada dalka hoggaamiyey, dabaqad urursan udubdhexaad u noqday, oo hay’ado dawladeed oo kaalingal ahna taagay. 

Dhismaha hay’aduhu waa seeska dawladnimada casriga ah. Islaxisaabtan, maamulwanaag, horumar dhaqaale iyo xasillooni siyaasadeed intaba suurtagal ma aha haddii aanay jirin hay’ado dawladeed oo macno leh. Hoggankii siyaasadeed ee Botoswaana waxay si dhab ah u garteen muhiimadda hay’adaha dawladeedi leeyihiin.

Botoswaana waa dal qaabdhismeedkiisa bulsheed uu yahay qabaa’il. Hindise sare ayaa loo keenay qaabkii loo maarayn lahaa kaalinta madaxda dhaqanku ku yeelan karaan dawladnimada casriga ah, maaddaama ka hor isticmaarka ay dhaqanku ahaayeen hoggaanka dhabta ah ee bulshada. Sidaa awgeed, waxa la isku falkiyey haykalkii dawladnimada casriga ahaa iyo ismaamulkii dhaqan ee bulshada. 

Odaydhaqameedka waxa dawladnimada looga jaray Golaha Guurtida, oo ah aqal kaalin lamadhaafaan ah ku leh arrimaha bulsheed iyo dhaqan. Dawrkoodu waa talabixin iyo in ay si dhab ah u metelaan arrimaha la xidhiidha xeerarka dhaqanka iyo qabaa’ilka. Waa biriish u dhexeeya hoggaanka dhaqan iyo hay’adaha maamul ee casriga ah. Sida macruufka ah wax shuqul ah kuma leh siyaasad iyo sharcidejin. Aqalkaas cidda ka tirsan ee haabka gelisa in ay siyaasad gasho waxa waajib ku ah in ay istiqaalayso jagada, ka dibna ay ku biirto ururrada siyaasadeed (tan marar kala duwan ayey Botoswaana ka dhacday). 

In sidan kaalintii dhaqanka loo maareeyey waxay sahashay xasillooni, midnimo, sharciyad iyo is-haysad bulsheed, waxayna dalka ka ilaalisay iskudhac u dhexeeya dhaqanka iyo dawladnimada, taas oo ah jirro dalalkii Afrika ee isticmaarka ka dib oo ay Soomaaliya ugu horrayso la ildaran yihiin. Guusha Botoswaana waxay ka timi kolkii sharciyaddii dhaqan lagu dhafay hay’adihii dimuqraaddiyadeed ee casriga ahaa.

Botoswaana arrimaha lagu majeerto waxa ugu horreeya horumarka dhaqaale ee degdegga ah ee ay ku tallaabsatay. Sida aynu kor ku soo xusnay dalku waxa uu ahaa mid sabool ah markii uu xorriyadda qaatay, dakhliga qofkuna waxa uu ahaa mid aad u hooseeya. Laakiin soddon sanno ka dib (1996), waddanku waxa uu noqday mid dhaqaalihiisu koboc fiican ku jiro, dakhliga qofkuna waxa uu sannadkii gaadhay 1,800 oo doollar. Haatan tirakoobkii sannaddii 2023 waxa uu ahaa 7,300 oo doollar. Waa la dareemi karaa isbeddelka weyn ee dhacay. 

Botoswaana waxay caan ku tahay xoolaha nool, gaar ahaan lo’da. Bilowgii hore dhaqaalaha waddanku xoolahaas ayuu ku tiirsanaa (inta aanan macdanta dhaymanka la helin) oo dakhli fiican ka soo geli jiray. Haddii kolkii hore xoolaha ay abaar darani layn jirtay hadda waxa loo sameeyey daryeel caafimaad, ilaalin iyo kawarqab. Intaa waxa dheer in xoolihii la casriyeeyey iyada oo la isku daray siyaasad dawladeed, maalgashi iyo baadigoobka suuqyo caalami ah. 

Waxa la tayeeyey caafimaadka xoolaha, waxa la dhisay kaabayaal dhaqaale, waxana la sameeyey hay’ad u xilsaaran hilibka xoolaha, oo sannaddii 1965 waxa la yagleelay Hay’adda Hilibka Botoswaana (Botswana Meat Commission). Iskaashiga hay’addan iyo dawladda oo wada jira waxa u suurtagashay in Botoswaana ay buuxiso heerarka tayada caafimaadka hilibka ee Yurub, taas oo dalka u furtay irrid dhaqaale oo weyn, waxana dhacday in hilibka lo’da loo dhoofiyo suuqa Midowga Yurub. Dakhligii xoolaha ka soo xerooday ayaa lagu maalgeliyey waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhaqaalaha Botoswaana waxa uu si layaab leh isu beddelay 1970-meeyadii kolkii la helay macdanta dhaymanka oo dalku hodan ku yahay. Joe Studwell waxa uu qoray: “helitaanka dhaymanku waxa uu Botoswaana u horseeday horumar degdeg ah.” Dalal badan oo Afrika ka mid ah helitaanka khayraadku waxa uu ku sababay colaado sokeeye, khilaaf jiitamay iyo burbur. Laakiin Botoswaana qodobkan way ka badbaadday oo dakhligii ka soo galay dhaymanka waxay u adeegsatay maalgelinta waxbarashada, xoojinta hay’adaha dawliga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale. Halkaas waxa ka dhashay in Botoswaana soo gasho dalalka Afrikada saxaraha ka hoosaysa ee dhakhliga shakhsiga ahi sarreeyo. 

Sidee Botoswaana horumarkan oo idil ku dhalisay? Wayddiintan waxa inooga jawaabay mutacallimiinta kala ah Daron Acemoglu iyo James Robinson oo waxay ku qoreen buuggooda caanka ah ee “Why Nations Fail”, waxay ku doodeen: “tan iyo waagaas, Botoswaan waxay ahayd dal dimuqraaddi ah, waxa la qabtaa doorashooyin joogto ah oo tartan furan leh, mana aysan soo marin colaad sokeeye iyo afgenbi. Dawladdu waxay dhistay hay’ado dhaqaale oo ilaaliya xuquuqda lahaanshaha hantida, suga xasilloonida dhaqaalaha guud, isla markaana dhiirrigeliya horumarinta suuq dhaqaale oo loo dhan yahay.” 

Masalada musuqa oo Afrika la hadhay, Botoswaana waxay ku jirtaa dalalka ugu musuqa yar Afrika oo tiraba labo dal uun baa ka horreeya. Kolka la soo ururiyo, Botoswaana lixdan sanno oo ay xortay waxay ku guulaysatay qaran-dhis dawladeed oo la taaban karo iyo horumar dhaqaale/siyaasadeed oo xawaare sare jaray. Tan waxay ku suurtagashay oo keli ah labo qodob oo mudnaantooda leh: 1) dabaqad siyaasadeed oo iskuxidhan, heshiis ah, oo aragti leh; iyo 2) hay’ado dawladeed oo barroosin adag ku taagan.

Haddaba, Soomaaliya casharrada ay ka baran karto Botoswaana waa labadaas qodob, oo ay ka sii hoosbaxayaan ajendayaal qaran oo hortebin leh.. Soomaaliya laga soo bilaabo waagii ay gobonnimada qaadatay ilaa hadda waxa haykalkeeda dawladeed shiiqiyey dabaqad siyaasadeed oo ku sifaysan musuqmaasuq, kartixumo, wejigarad, dhaca hantida dadweyne iyo damac xad-ka-bax ah oo xididkiisu isugu biyashubanayo xukun dherersi. Waxa laamihii dawladda la wareegay shakhsiyaad dufanjecel iyo dibnaleef miidhan ah, kuwaas oo ku qunsada dano shakhsiyadeed, kooxeed, qoys iyo qabiil. Dawladnimadii ayey macne tireen, rejadii shacabka ayey xabaaleen, laan walba oo maamulna hog waraabeed dadka lagu dhiigmiirto ayey u rogeen. 

Cabdi Samatar horukac Botoswaana waxa uu sal uga dhigay dabaqad siyaasadeed oo aragti qaran lahayd, sida oo kale dibudhaca Soomaaliya waxa uu udubdhexaad uga dhigay dabaqad siyaasadeed oo ku tilmaaman kartidarro, macaashdoon, eex, iyo qaraaba-kiil. Curiskiisii ugu danbeeyey qodobkan ayuu ku tacalluqay isaga oo hoosta ka xarriiqay in dabaqaddan bulshada laga xoreeyo, si dawladnimadu dadka u gaadho.

Guntii iyo gebagebadii, waxaan qabaa in Soomaaliya waddanka Botoswaana ka baran karto casharro dawladeed oo dhaxalgal ah oo ay ugu horreeyaan qodobbada aan kor ku xusay iyo kuwo kale oo badan. Abwaan Hadraawi (1990) gabaygiisa “Gudgude”, waxa uu ku jira meeris odhanaya: “Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geyngeyne…….Garashadana ogsoonow inay, xaaja badan goyso.”

Qoraallada kale ee qoraaga