Sunday 12 July 2026
Saddex filin oo dhaadheer ayaa dhowaan ku kulmay tartanka bandhigga Berlin International Film Festival wareegiisii 76-aad, oo la qabtay intii u dhaxaysay 12-kii illaa 22-kii Feberwari sannadkan, kuwaas oo kala ah “Josephine” oo ay agaasintay Beth de Araújo, “Nina Roza” ee ay agaasintay Geneviève Dulude-De Celles, iyo “Flies” oo uu agaasime ka yahay Fernando Eimbcke, waxa ay ka midaysan yihiin qaabka ay dhacdooyinku uga duulayaan carruurta. Waa run, saddexda filinba xaglo kala duwan ayey kala istaagayaan. Hase yeeshee, ugu dambayn, carruurnimadu waxay u tahay xudunta sheekada, waana dhaqaajiyaha ugu weyn ee dhacdooyinka iyo laamaha sheekada. inkasta oo ay kala duwan yihiin sheekooyinka, jilayaasha, juqraafiyadda, luqadda, iyo xitaa deegaanka iyo waqtiga filin kasta. Sidoo kale, qaab-dhismeedka, muuqaaleed, midabbada iyo farsamooyinka kale ee bilicda ayaa si muuqata u kala gadisanaa, si waafaqsan astaanta agaasime kasta.
Filinnadani waxay ka duulayaan mawduucyo soo bandhigaya adduunka dadka waaweyn iyo dhibaatooyinka haysta iyada oo lagu eegayo indhaha saddex carruur ah oo ku jira da’o isku mid ah, dhammaantoodna ka yar yihiin toban sanno. Sidaas darteed, saddexda sheeko waxay si toos ah ama dadban ugu heshiinayaan in carruurnimadu aanay ahayn oo keliya marxalad da’eed oo nuqsaan leh, balse ay leedahay aragti iyo dhugasho gooni ah, isla markaana inta badan ku dhisan fahan qaman. Waa run in marar badan ay ku dhisan tahay aragti daacadnimo ah iyo falcelinno carruurnimo oo dabiici ah, laakiin arrintaasi waxay marar badan u saamaxdaa carruurta inay akhriyaan, kala furfuraan oo dib u qaabeeyaan xaqiiqada si qaan-gaadhnimo leh. Taasina waxay ugu dambayn tusaysaa waxyaabo ay dadka waaweyni awoodi waayeen inay arkaan.
Waxa filinnada muhiimadda siinayaa waa inay ka fogaadeen qaabka caadiga ah ee looga hadlo dunida carruurta ama carruurnimada guud ahaan. Badanaa waxa la soo bandhigaa dadka waaweyn oo ku dhex milmaya dunida carruurta, iskuna dayaya inay fahmaan ama xalliyaan dhibaatooyinkooda. Laakiin saddexdan filin, xaajadu way gadisantahay.
Dhanka daraamada, dhacdooyinka waaweyn ee saddexda filinba waxay u leexdaan geesaha sheekada, halka xudunta sheekadu ay xoogga saarayso saamaynta raadadka nafsiga ah. Sidoo kale, waxa aad moodaa saddexda filin in ay heshiis ku galeen dhamaadka, oo ay dhacdooyinku dhamaadka furnaadaan oo aan la xallin; su’aalihii la soo bandhigayna ay sii taagnaadaan, halka isbeddellada dhacayaana ay noqdaan qaar aad u kooban.
“Josephine” Waa filinkii labaad ee dheer ee ay agaasintay gabadha Baraasil-Mareykanka ah Beth de Araújo, waxa ay agaasimuhu si taxaddar iyo geesinimo leh ugu dhowaanaysaa si ay u sawirto xaaladda nafsadeed iyo dareen ee gabadha yar ee siddeed jirka ah, Josephine (Mason Reeves), kadib markii ay soo martay waayo-aragnimo lama filaan ah oo qallafsan taas oo gilgishay adduunkeeda, inkastoo aanay si buuxda u dhugan baaxadda dhibku inta uu le’gyahay.
Amakaaggu kuma ekaan sida ay u arkayso Josephine foolxumada ku dhacday, balse waxay ku fidaysaa amakaagyo kale oo horseedaya in ay u dhaqanto sidii qof weyn oo qaan-gaadh ah, iyo iyadoo ku khasbanaanaysa dhex galka dadka waaweyn, sharraxdo wixii dhacay, ugu dambaynna marag noqoto.
Subax deggan, iyada oo kula jimicsanaysa aabbaheed barxadda gurigooda, Josephine waxay goob joog u noqonaysaa haweeney si arxan darro ah loo kufsanayo. Gabadha yari iyadoo yaabban oo gebi ahaanba awood la’aan ah, ayay aamusni ku daawanaysaa waxa dhacaya, iyada oo aan fahmin siday wax yihiin ama awoodin inay wax ka qabato. Iyadoo laga eegayo indhaheeda, ayeynu daawanaynaa, kula noolaanaynaana naxdinta daqiiqado u muuqda kuwo aan dhammaanayn. Inkastoo agaasimaddu muuqaalka innaga fogaysay, oo doorasho farsamo oo geesinimo leh adeegsatay, oo ah inay ku koobnaato oo keliya falcelinta gabadha. Taas waxay u ahayd muujin in aanay gabadha yari qaylin, cararin ama ooyin; iyadoo baraad la’aantu xukumaysay xaaladda, yaraanta da’deeda aawadeed. Dhacdadaas ayaa ku riixaysa in ay xaalad gasho, in ay habeen ku boodo sariirta waalidkeed oo ay weerarto aabbaheed iyadoo u malaynaysa inuu kufsanayo hooyadeed. Waa muuqaal awood badan oo naxdin leh. Iyada oo u maraysa Josephine, agaasimaddu kuma eka falanqayn nafsadeed iyo raad-raaca saamaynta naxdinta, balse waxay dhaliilaysaa awood-darrada, daryeel la’aanta iyo xitaa dhaawaca ay u geysteen booliska, garsoorka iyo qoyskuba, waxay muujinaysaa sida ay ugu kordhiyeen naxdinno kale halka ay ka caawin lahaayeen gabadha yar inay ka gudubto. Sidaas darteed, waayo-aragnimada qadhaadh ee Josephine ayaa dadka waaweyn ku baraarujinaysa baahi degdeg ah oo loo qabo dib u eegista hay’adaha iyo nidaamyada jira, iyo hababka loola tacaalo xaaladaha lama filaanka ah ee noocan ah, si dhibbanayaasha, gaar ahaan carruurta, aan keligood looga tegin inay wajahaan adduun aan degganayn iyaga oo aan helin taageero dhab ah. Si kastaba ha ahaatee, filinku wuxuu hadh gelinayaa rajada isbeddel dhab ah.
Filinka “Nina Roza” ee ay agaasintay Geneviève Dulude-De Celles, oo u dhalatay Kanaya ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Silver Bear for Best Screenplay”, waxa ay agaasimaddu sidoo kale si ula kac ah diiradda u saaraysaa qulqulka iyo la socodka xasaasiga ah ee dareenka jilayaasha si qoto dheer, badalka in ay adeegsato sheeko qalalan oo toos ah.
Halka “Josephine” ay sheekada gebigeeduba ku wareegaysay hal shakhsiyad, “Nina Roza” waxaan ku arkaynaa laba tiir ama laba shakhsiyadood: gabadha leh hibada farshaxanka ee Nina (Sofia Stanina), iyo farshaxamiistaha ahna khabiirka fanka Mikhail (Galin Stoev).
Halka “Josephine” ay naxdinta iyo mugdigu ahaayeen xudunta sheekada iyo laamaheeda hoose, “Nina Roza” waxay diiradda saaraysaa milicsiga adag ee mawduucyada aqoonsiga, qurbaha, afka, aabbanimada, qoyska iyo xidhiidhka ay la leeyihiin farshaxanka.
Agaasimaddu sheekada filinka uma soo bandhigayso qaabka caadada ah ee toosan. Inkastoo dhacdooyinka badankooda laga eegayo dhanka Mikhail, haddana waxay u kala gudbaysaa taaganta, xusuusta la soo celinayo, xasuusihii hore, muuqaallo mala-awaal ah, iyo sawirro qasan. Wakhtiyadu way is dhex galayaan, fakaagyaduna soo baxayaan, jahwareer xagga dambe fasirkiisa laga fahmi doonana uu iman doono, haba murganaadee. Taasi waxay xoojinaysaa in sheekada iyo dhacdooyinku aanay kala go’nayn xaaladaha nafsadeed ee jilaha hoggaaminaya ama xitaa jilayaasha kale. Waxaa ka mid ah Roza (Michelle Tzontchev), gabadha uu dhalay Mikhail, inkastoo aanay door muhiim ah ku lahayn filinka haddana saamayn weyn ayey ku leedahay noloshiisa iyo dareenkiisa dembiyeed ee in uu ku fashilmay aabbanimada.
Filinku wuxuu ka bilaabmayaa soo bandhigista farshaxanka gabadha Bulgarian-ka ah Nina, gabadha yar ee hibadeeda shakiga la geliyey, in ay dhab ahaan iyadu sawirtay, oo la is leeyahay cid kale ayaa ka caawisay, sida waalidkeed, maadaama farshaxankeedu muujiyey biseyl iyo hal-abuur aan caadi ahayn. Sidaas darteed, farshaxamiistaha iyo qiimeeyaha fanka Mikhail ayaa loo dirayaa Bulgaria (isagoo asal ahaan halkaas ka soo jeeda) si uu u xaqiijiyo hibada Nina iyo shaxanka ay samayso. Laakiin safarkiisa shaqo wuxuu si degdeg ah isugu beddelayaa in uu wajaho waayihiisii hore, waddanka, luqadda, qurbaha, tacabirka iyo hilowga uu soo maray, iyo noloshiisa Kanada. Iyo qadiyado jiritaan, sida aqoonsiga, iyo ka tirsanaanta. Dhanka kale, in uu Nina u tagaa kama dhigna oo keliya marmarsiiyo uu Mikhail ugu laabto dalkiisa. Waa run, waa ka qayb, se jiritaankeedu wuxuu saldhig u yahay soo bandhigista aragtiyo badan oo khusaysa fanka, siiba xidhiidhka ka dhexeeya hal-abuurka, hibada, assalnimada iyo ku milanka suuqyada fanka, bandhigyada iyo tadhahaadda. Taasi waxay horseedaysaa su’aalo ku saabsan quutoqaadhka fanka iyo fanaanka, iyo suuq-geynta hibada. Sidaas darteed, arrintu ma ahayn quus ama cadho keliya markii Mikhail uu Nina oo cadhaysan kibriit u dhiibay, iyadoo doonaysa inay gubto sawirradeeda. Inkastoo uu markii hore aad uga naxay falkeeda, haddana wuxuu doonayay inuu ilaaliyo daacadnimada hibadeeda hal-abuur iyo mustaqbalkeeda, iyo guud ahaan nasahidda fanka, isaga oo ka ilaalinaya in la liido ama badeecad laga dhigo, inta ay suuragal tahay.
Qoraalka filinku waxa uu ku guuleystay in uu abuuro oo sharraxo isdiiddooyin iyo isbarbardhigyo ku ciyaaraya khadadka sheekada, sida labada jilaa ee ugu muhiimsan, Nina iyo Mikhail. Tusaale ahaan: daacadnimada Nina marka loo eego dhaawaca Mikhail gudihiisa gubaya, hibadeeda dhalanka ah marka loo eego xidhiidhka qalloocan ee Mikhail fanka la leeyahay, go’aankeeda iyo hal-adayggeeda marka loo eego jahawareerkiisa, tabaryaridiisa iyo cabsidiisa.
Safarka Mikhail wuxuu isu beddelayaa socdaal uu ku indho-dillaacsanayo xidhiidhka uu la leeyahay inanta uu dhalay, naftiisa, fanka, qurbaha iyo ahaanshiyihiisa si guud. Si kastaba ha ahaatee, ugu dambayn wax go’aan ah kama gaadhayo arrimahan: Nina, Roza, farshaxanka, fanka, noloshiisa, ama xitaa inuu sii wato ku noolaanshiyaha qurbaha ama ku nagaado dalkiisa.
Filinka “Flies” ee uu sameeyay Mexican-ka Fernando Eimbcke, agaasimuhu wuxuu sidoo kale si ula kac ah u ururinayaa dareennada ka dhasha laxdaad yaryar oo si tartiib ah isu dhisaya si ugu dambayn ay u sameeyaan sawir guud oo soo bandhigaya dhibaatooyinka kelinimada, isku dayga lagu xakameynayo nolosha iyo arrimaha maalinlaha ah, nuglaanta shakhsiga iyo baahida loo qabo dadka kale. Intaas waxaa dheer, dhibaatooyinka dhaqaale oo qofka ku khasba inta badan in uu u baahdo la macaamilka dadka kale, una oggolaado inay ka gudbaan xuduudo markii hore mamnuuc ka ahaa. Dusha sare, filinku wuxuu u muuqdaa mid aad u fudud, ama xitaa sheeko hore loo arkay, isla markaana si weyn loo sii saadaalin karo halka ay dhacdooyinku u socdaan iyo sida jilayaashu u dhaqmi doonaan. Hase yeeshee, awooddiisu waxay ku jirtaa habka loo soo bandhigay sheekada, shakhsiyadda cajiibka ah ee wiilka yar, iyo sida faahfaahinta loo tolay loona ururiyay iyada oo aan lagu dhicin ku celcelin.
Bilowga, waxa aynu baranaynaa Olga (Teresita Sánchez), oo leh nolol si adag u nidaamsan, dhibsatana dunida ku hareersan, xitaa dukhsiga yar ee qolkeeda ku wareegaya. Waxaa cad in nidaamkan u muuqda mid raaxo leh uu dhab ahaantii qarinayo isdiidooyin waaweyn, oo ay ugu yartahay madhnaan, kelinimo iyo nuglaansho. Caddeyntuna waxay weeye, in marka hal arrin oo cusub, haba yaraadee, uu soo galo nidaamkeeda nololeed ee adag, ay si buuxda isu beddesho dunideedu ugu shubtana tamar cusub nolosheeda. Se su’aashu waxay tahay: ma si dhab ah ayay dunideedu isu beddeshay mise dheellitirkeeda ayaa si ku meel gaar ah u qasmay? ama ugu yaraan ma garatay in dukhsiga ama “qofka kale” ayna suurogal ahayn in laga takhaluso?
“Dukhsiga” ama “qofka kale” waxa lagu mataalayaa wiilka yar ee gurigeeda ku nool dhib badnidiisa, firfircoonidiisa, tamartiisa, maqiiqnaantiisa iyo faduulbadnaantiisa darteed, oo lagu magacaabo Cristian (Bastián Escobar). Daacadnimadiisa iyo dhaqankiisu waxay dib u qaabeeyaan dunida dadka ku hareeraysan, ama tusaale ahaan in uu dib u qaabeeyo aragtiyo badan oo ay Olga ka haysatay dunida ku xeeran kuwaas oo ay illowday ama aanay danayn siin.
Bilowga, Olga aad bay uga cadhoonaysaa marka ay ogaato in Cristian si lama filaan ah gurigeeda ku soo galay, kadib iyadoo u malaynaysay in uu aabbihii qolka keligii degi doono. Waa kadib marka ay ku qasbanaato, baahi dhaqaale darteed, in ay kirayso qol ka bannaan gurigeeda, si ay biilal ugu bixiso. Markay ogaato isdabamarintaas, waxay aabbaha, Tolio (Hugo Ramírez) u qabanaysaa dhawr cisho oo uu guriga kaga guuro.
Olga waxay isku daydaa in ay joogitaanka wiilka ula dhaqanto sidii arrin ku meel gaadh ah oo nolosheeda kusoo dhex dhacday. Waxay ku dadaalaysaa inay wax walba meeshooda ku ilaaliso iyadoo isku hubaynaysa ad-adayg. Hase yeeshee, si tartiib tartiib ah ayay ugu damqanaysaa wiilka yar, maqnaanshiyaha badan ee aabbihii iyo kelinimada uu dareemayo darteed, markaas ayay faragelinaysaa nolosha wiilka yar si ay daryeel ugu muujiso. Waxay u oggolaanaysaa in uu ka gudbo xeerarkii iyo xuduudihii nolosheeda ay u dhigtay, ilaa heer ay ula dhaqanto hooyo oo kale, maadaama ay hooyadiisa dhabta ahi xaalad daran isbitaalka u taallo. Waxay ka caawinaysaa in uu isbitaalka ku soo booqdo, waxaanay la wadaagaysaa xiisaha uu u qabo ciyaaraha elektaroonigga ah ee uu had iyo jeer ciyaaro. Ugu dambaynna, labadooduba waxay wadaagi doonaan dareenno jiritaan oo qadhaadh, kuwaas oo salka ku haya kala-tag iyo kala-fogaanshiyo.
Waxa laga soo turumay halkan.