Thursday 22 January 2026
Sheeko-xariiradu waa farshaxan suugaaneed oo aadanuhu u hindisay si uu ugu abuuro curis maldahan oo uu xaalad markaas taagan ama soo socota uga golleeyahay, ama in lagu kaydiyo sooyaalka iyo dhaqannada togan ama taban ee ay bulsho gaar ah leedahay. Waa hab aqooneed dadka lagu baro anshaxa iyo hiddaha qumman ee ummaddaas iyada oo loo soo gudbinayo qaab murti iyo madadaalo ku dheehan tahay. Si guud, waa hal-abuur bulsheed, haseyeeshee mararka qaar ayaa waxaa dhacda in qolo ama hayb bulshada ka mid ah ka dhigato agabka sheeko-hiddeedda awood ay ku maquuniso ama ku jinsifaquuqdo haybaha kale. Sheeko-xariirada la yidhaa Carraweelo waa mid ka mid ah sheekooyinka uu labka Soomaalidu hal-abuurtay si uu ugu wiiqo hanka iyo sumcadda dhiggiisa dhaddigga.
Sheeko-xariirooyinka Soomaalidu waxaa marar badan laga dheehan karaa gefaf iyo hagardaamayn ka dhan ah dheddiga. Waxaa geyiga Soomaalidu degto shaacsane ka ahayd sheeko-xariiro dulucdeedu tahay duridda hoggaaminta haweenka; waxay si cad oo aan gabbasho lahayn u suuradxumaynaysaa hoggaanka iyo garashada dheddiga. Waxay weriyaan in haweeney Carraweelo la dhihi jiray ay mar ka talin jirtay dhulka Soomaalida. Sida ay sheekadu dhigayso, haweenaydaasi waxay ku kici jirtay falal anshaxa iyo dadnimada baalmarsan. Waxay samayn jirtay xumaan walba oo ay nimanka ku ciribtiri karto, iyadoo ka dhigtay qaar ay dhufaanto iyo qaar ay xabaal-mooriso ilaa ay ugu dambeyn ku baxday gacanta labka.
Sida uu Axmed Cartan Xange ku xusay buuggiisa Sheeko-xariirooyin soomaaliyeed: Folktales from Somalia (1995), Carraweelo waxay adeegsatay dhagar ay ku hanatay hoggaanka. Waxay haweenkii kale ku dhiirrigelisay inay shaqada guriga raggooda u xilsaaraan muddo kooban, si ay fursad ugu helaan inay iyagu talada ragga kala wareegaan—xeeladdaas oo markii dambe sidii ay u qorsheeyeen ugu rumowday.
Sheekadu waxay ka dhigaysaa dumarka duul mar haddii ay xil qabtaan noqonaya; "Shinbiri maalin bay dab qaadday, maalintiinna gurigeedii bay ku gubtay."
Haddaba, nuxurka halkan ku jira muxuu yahay? In ragga shaqada guriga loo diro si doorkoodii "geed-ka-talinta" u dayacmo, waxay caddaynaysaa in sheekadani ay tahay mid "lab-sameey" ah. Waxay farriintu muujinaysaa in hoggaanku yahay meel uu ninku iska leeyahay, haddii ay haweenku damaaciyaanna ay keliya qaab khayaano ah ku hanan karaan maaddaama aysan asalka hore gar u lahayn talada. Waa aragtida ninka in shaqada gurigu tahay wax hoos u dhigaya, hoggaamintuna ay ragganimadiisa xoojinayso. Ninka ayaa u arka shaqada gurigu inay tahay xaajo Xaawaley. Waa sidii odayadii hore u dhihi jireen: "Naagtu dhagar la’aan si toos ah guul uma gaari karto." Waana farriinta ay ku haltabinayaan isla sheekadan Carraweelo oo ah luuqad-labeed oo qayaxan.
Sheekadu waxa ay tilmaamaysaa in dhammaan raggii la shaqaynayay Carraweelo ay ahaayeen kuwo la dhufaanay oo xiniinyaha laga siibay. Waxaa halkan ku hoos jira faham ah in uu san nin labo xiniinyoodle ah marnaba ku hoos noolaan karin xukunka dheddigga, ama ay haweenku u talin karaan keliya ragga daciifka ah. Marka dhaqanka Soomaaliyeed laga eego, xiniinyuhu waa astaanta awoodda, sharafta, iyo geesinimada; haddii ay meesha ka baxaanna, astaamahaas oo dhan ayaa la baxaya. Waxaa sheekadan ku xadfan inaan "ninka ragga ah" marnaba aqbalayn taliska naagta; waana halkaas meesha laga garanayo in Carraweelo ay tahay sheeko ay curisay maskax labeed. Waa sheeko loo allifay si haweenka looga cabsi-geliyo talada, loogana dhigo arrin ka baxsan garashadooda, maadaama isla sheekadani ay werinayso in naaguhu maskax-yaryihiin oo aanay wax hoggaamin karin.
Haddaba, aynu si qoto dheer u dhuganno bal in dardaaranka Carraweelo loo tiiriyo uu yahay wax dhab ahaantii lagu tilmaami karo aragti ka timid garaad dumar iyo in kale:
"Gardarro ku dedaala, oohinna ku dara; waxaad ka dhaxlaysaan in la yiraahdo gabadha waa laga gardaran yahay." Qodobkani wuxuu si toos ah u sawirayaa aragtida ragga ee ah in haweenku aysan ka garaabin dulmiga ay gaystaan, iyagoo u adeegsanaya oohinta mararsiiyo ay ku helaan dareenka bulshada. Waa weedh ka timid garaad lab, waana mid looga gol-leeyahay in lagu muujiyo in aysan haweenku garqaadan karin gef kasta oo ay falaan.
"Ragga ku dedaala, inkirna ku dara; waxaad ka helaysaan in la idin yiraahdo “waa gabar xishood badan." Ragga badsada, se qariya oo inkira ninka ayaa aaminsan in uu galmada isagu ku galladan yahay naagtuna ku hoosayso. Baahida jinsi in kasta oo ay tahay fal labada dhinac u siman yihiin, haddana ninka ayaa guul ku hela, halka haweenka looga dhigo ceeb; waana sababta dardaarankan loogu ekeysiiyay mid dumar, ayadoo gunta hoose laga dhadhansan karo in uu yahay aragti nimeed maaddaama ay iyagu ceeb u yaqaannaan.
"Wixii aad yeeli doontaan, diida marka hore dumaroow." Tani waxay la macno tahay: qariya dareenkiinna iyo doonistiinna. Dhaqanka lab-sameyga ah ayaa abuuray muuqaalka haweenayda aan hadli karin, doodi karin, ama xaqeeda dhacsan karin, maaddaama mar walba lagu aamusiyo "gabadh baad tahay". Sidaas darteed, dardaarankani sinnaba uma noqon karo mid ka yimid garaad dheddig.
Hoggaamintu ma ahaan arrin ku xiran jinsi, balse waa mas'uuliyad u baahan garaad iyo xilkasnimo. Tayada go’aan-qaadashada iyo aragti-dheeridu na waa karti qofeed oo ka madaxbannaan haybta dheddigga iyo labka. Hoggaaminta dheddiga, sida ku xusan Qur'aanka waa hoggaamin caadifad ka maran oo caqligu saldhig u yahay. Waxaana loo cuskan karaa sidii ay reer Saba ugu liibaaneen hoggaamintii Balqiis. Taas lidkeeda wuxuu Eebbe innoo warramay ummado ay niman hoggaamiyeen oo halaagsamay.
Sooyaaalka casriga ah iyo waayo-aragnimaduna waxay muujinayaan dalal badan oo ay haweenku hoggaamiyeen oo xassillooni iyo horumar ku tallaabsaday. Waxay tani caddaynaysaa in hoggaamintu tahay mas'uuliyad ku xiran tayada qofka, ee aanay ahayn arrin ragganimo qusaysa. Sida ay sayniska, taariikhda iyo diintuba ka marag-kacayso tayada hoggaaminta laguma miisaamo jinsi, balse waxaa lagu miisaamaa xilkasnimo iyo xikmad.
Ugu danbeyn Carraweelo waa shakhsiyad maqaarsaar ah iyo haweeney guntiino xidhan oo ay nimanku u curiyeen si ay naagaha talada uga ilaashadaan. Waa sawir soojireen ah oo maanka ninka ku soo daabacnaa qarniyo badan, kaas oo uu u hindistay si uu uga dhigto xeelad uu naagta Soomaaliyeed xilka uga xigsado, isla markaana ku duro tayada hoggaaminteeda.