Skip to main content

Wednesday 19 February 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Carabta Iyo maxkamadda Denbiyada Caalamiga ah

28 November, 2024
Image
Qasa
Dibad baxayaal taageersan qadiyadda Falastiin oo hor tuman dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah Israa'iil, Janaayo 11, 2024 (Waxa qaaday STR/NurPhoto via Getty Images)
Share

Baaqii Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ahi ka soo saartay soo qabashada Benyamin Netanyahu iyo Wasiirkii Difaaca ee Yoav Gallant waxa uu dunida ku soo dabbaalay miyirqab iyo dheellitir, ugu yaraanna waxa uu muujiyey in dunidu aanay isku raaci karin xaglinta faraha ka baxday ee dunida badankeedu u xaglisay Israa’iil, iyada oo dalal badan u dhaqmeen sida in Israa’iil tahay dal wax kasta oo aan dalalka kale u bannaanayn u bannaanyahay. Hase ahaatee, in ka badan inta uu baaqaasi miyirqabka iyo dheellitirnaanta ku darsaday, ayaa uu kashifay sooyaalka laba-wejiilaynta dalal badan oo hadda u sacab tumaya baaqan, se marar kale oo isla Maxkamaddani codsatay in dad dambiilayaal ah la soo qabto dhaleecayn iyo olole ka dhan ah baaqaas waday.

Bishii Maaris ee 2009-kii, maxkamaddu waxa ay soo saartay waaran lagu soo xidhayo madaxweynihii Suudaan ee xilligaas, Cumar Xasan al-Bashiir, kolkaas oo lagu tuhmay in uu galay dambiyo ka dhan ah aadamaha oo ay ku naf waayeen laba boqol oo kun, laba milyan oo kalena ay qaxeen. Dagaalkii Daarfuur ee 2003-dii taariikhdu waxa ay u diwaangelisay mid ka mid ah dagaalladii gaystay xasuuqyada ugu badan casrigan. Dalalka Carbeed waa ay ka aamuseen warbaahin ahaan iyo siyaasad ahaanba. Dhibbanayaasha dagaalku ma ahayn Carab, se kuwa dambiyada dagaal ka gaystay Daarfuur waxa ay ahaayeen Carab, tani waa sababta dalalka Carbeed uga aamuseen dambiyadii laga galay Daarfuur, ulana safteen oo ay garabka u siiyeen al-Bashiir, Wasiirkii Difaac ee xilligaas Muxammad Xuseen iyo badhasaabkii gobolka Kurdifaan, Axmed Haaruun. Markan oo kale, waxa loo fasiranayaa in xasuuqa aanay Maraykanka iyo Israa’iil geysan aan loo aqoonsanayn xasuuq, ka hortaggiisa iyo ciqaabtiisana loo arko faragelin shisheeye iyo gumaysi cusub.

Madaxdii Carbeed ee ku kulmay shirkii Jaamacadda Dalalka Carabta ee 2009-kii waxa ay isku raaceen in ay dhaliilaan baaqii Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee soo qabashada Cumar Xasan al-Bashiir. Si la mid ah dalalka Carabta, Midawga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamkuba waxa ay dhaleeceeyeen baaqaas, waxaanay ereyo badan oo dhaleecayn ah ka soo qaateen baaqii dalalka Carabta. Dalal badan oo Carbeed ayaa sidoo kale goonnidooda u soo saaray baaq ay ku dhaleecaynayaan soo qabashada al-Bashiir, soo dhaweeyey in al-Bashiir dalkooda iman karo oo aan la qaban karin. Waa falcelin muujinaysay in dambiilaha, kol haddii uu kula diin, isir ama dhaqan yahay, lala safto gar iyo gar darraba. Waxa xusid mudan in dalalka Carbeed ee immika soo dhaweeyey soo qabashada Netanyahu, keliya laba dal oo keliya ay saxeexeen heshiiskii Rooma ee lagu aasaasay Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah, oo maalmahan dalalka Carbeed hambalyaynayaan. Labadaas dal waa Tuunis iyo Urdun. Waxa xusid mudan in Urdun soo dhawaysay al-Bashiir oo Maxkamadda Caalamiga ahi raadinayso, hadda se ay ka mid tahay dalalka raba in Maxkamaddu soo qabato Netanyahu.

Waxa cad in halbeegyada la isku qasay, oo caddaaladda la siyaasadeeyey. Ereybixinaha beesha caalamka iyo reer Galbeedka waxa ay dalalku soo qaataan marka arrinku taaganyahay Israa’iil, mararka kale se waxa loo arkaa faragelin iyo gumaysi. Waxa la yaab leh in ololihii lagu dhaleecaynayay Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah iyo garsoorihii xilligaas ee soo qabashada al-Bashiir, kuma uu koobnayn madaxda Carabta, balse shacabka laftiisa ayaa ka dibadbaxay magaalo kasta oo Carbeed, kana soo horjeeday “Imbiryaaliyada” “faragelinta reer Galbeedka” iyo “ku xadgudubka madaxbannaanida”.

Xaaladdan oo kale looma helayo tilmaan aan ahayn laba wejiilayn iyo munaafaqad lagula dhaqmayo caddaaladda iyo haayadaha caalamiga ah. Kol haddii arrinku sidan yahayna, waa ay adkaanaysaa in aynnu dood gar ah helno, oo aynnu dunida ka codsanno caddaalad loo siman yahay.  

Maqaalkan waxa laga soo turjumay madasha al-Carab al-Jadiid.

Qoraallada kale ee qoraaga