Sinnaan-la'aanta dhaqaale waxa ay noqotay doodda ugu weyn ee qarnigan aan ku jirno, iyada oo is-weydiinta asaasiga ahi tahay sababta hantida adduunku ugu ururtay koox yar oo soocane ah, halka bulshada inteeda badani ay ku jirto rafad iyo qahar nololeed oo joogto ah. Dooddan, oo in muddo ah ku jirtay dhuumasho iyo gabbasho, waxaa si weyn fagaarayaasha culuumta dhaqaalaha u soo geliyay Thomas Piketty, oo ah buuni dhaqaale oo u dhashay dalka Faransiiska, isla markaana ah khabiir ku xeel-dheer kooteysiga hantida iyo taariikhda dakhliga.
Piketty waxa uu caan ku noqday baadhitaankiisa qotada dheer ee ku saabsan taariikhda qaybinta hantida iyo dakhliga, isaga oo adeegsanaya xog la ururinayay muddo 15 sano ka badan. Buuggiisa weyn ee Capital in the Twenty-First Century, waxa uu dunida oo dhan hadal-hayn uga abuuray xogtiisa taariikheed ee tifatiran iyo sida layaabka leh ee uu tafkiik ugu sameeyay nidaamka hantigoosadka.
Buuggani kuma ekaan oo keliya in uu soo bandhigo tirooyin iyo xisaabaad qallalan, balse waxa uu su'aal geliyay aaminsanaanta aasaasiga ah ee cilmiga dhaqaalaha casriga ah. Taas oo buuggan ka dhigtey mid dunida oo dhan laga hadlo. Waxa uu si badheedh ah u soo bandhigay in nidaamka hantigoosadku aanu ahayn mid iskiis isu saxaya, balse uu yahay mashiin si dabiici ah u soo saara kala-qaybsanaan. Su'aasha ugu weyn ee uu buuggu isku dayay in uu ka jawaabo ayaa ah: Nidaamka suuqa xorta ahi miyuu si dabiici ah u yareeyaa sinnaan-la'aanta hantida, mise isaga ayaa si toos ah u abuura eel iyo kala-qaybsanaan bulsho oo sii fida?
Si aan u fahamno qiimaha buuggan, waa in aan dib u milicsanno xaaladdii taariikheed ee uu ku soo beegmay. Laga soo bilaabo 1980-meeyadii, doodaha dhaqaaluhu waxa ay isu beddeleen kacaankii siyaasadaha suuqa xorta ah ee loo yaqaan 'Neoliberalism', kuwaas oo ay hormuud ka ahaayeen hoggaamiyeyaashii reer Galbeedka sida Ronald Reagan iyo Margaret Thatcher. Xilligaas waxaa la aaminsanaa aragtida ah in marka la yareeyo canshuuraha dadka qaniga ah, hantidu ay si dabiici ah hoos ugu soo daadan doonto bulshada inteeda kale "trickle-down economics", iyada oo korriinka dhaqaaluhu uu aakhirkii gaadhi doono dadka oo dhan.
Intaa waxa u dheeraa in aqoonyahannada dhaqaaluhu ay in badan aaminsanaayeen aragtida 'Kuznets Curve' oo uu hindisay Simon Kuznets kontomeeyadii. Aragtidaasi waxa ay ku doodi jirtay in marka waddanku uu bilaabo warshadaynta, sinnaan-la'aantu ay kor u kacdo, balse marka dhaqaaluhu uu bislaado, in sinnaan-la'aantu ay si dabiici ah hoos ugu dhacdo, taas oo la micno ah in koboca dhaqaaluhu uu yahay daawada sinnaan-la'aanta. Si kastaba ha ahaatee, Piketty waxa uu si cad uga soo horjeestay aragtidaas. Sababta uu Piketty ugu guuleystay in uu aragtidan burburiyo waxa ay tahay tayada xogtiisa. Intii uu adeegsan lahaa xogaha ra'yi-ururinta oo inta badan khalda dakhliga dadka aadka u qanisan, Piketty iyo cilmi-baadhayaal kale waxay ay ururiyeen xogaha canshuuraha ee ku dhawaad 300 oo sano oo taariikh ah.
Xogtaasi waxa ay daaha ka rogtay xaqiiqo qadhaadh: hoobadka ku yimid sinnaan-la'aanta badhtamihii qarnigii 20-aad (1945-1975) ma ahayn isbeddel dabiici ah, balse waxay ahayd dhacdo ku-meel-gaadh ah oo ka dhalatay burburkii hantida ee labadii Dagaal ee Adduunka iyo dhibaatooyinkii dhaqaale ee 1930-meeyadii, oo ay wehelisay canshuuro si weyn loogu kordhiyay dadka hodanka ah. Markii xaaladdaasi dhammaatay ee la gaadhay 1980-meeyadii, nidaamkii hantigoosadku waxa uu dib ugu noqday dabeecaddiisii asalka ahayd ee ahayd in uu hantida isugu ururiyo koox yar.
Udub-dhexaadka doodda Piketty waxa ay ku qotontaa qaaciidadan xisaabeed ee fudud balse qotada iyo micnaha weyn xambaarsan: r > g. Halkan, r waxa ay u taagan tahay heerka celceliska soo-noqoshada raasumaalka taas oo ka kooban dhammaan dakhliga ka yimaada hantida la maalgashaday sida ijaarka guryaha, saami-qaybsiga shirkadaha, dulsaarka, iyo faa'iidada guud ee ganacsiga. Dhinaca kale, g waxa ay u taagan tahay koboca dhaqaalaha, taas oo ah heerka uu koro dakhliga qaranka oo ay ku jirto kordhinta mushaharka la siiyo shaqaalaha.
Piketty waxa uu si qoto dheer u sharraxayaa in marka r > g, hantidu ay si xawli ah ugu ururto dadka markii horeba lahaa raasumaalka. Taariikh ahaan, faa'iidada raasumaalku (r) waxa ay inta badan ahaan jirtay meel u dhaxaysa 4% illaa 5% sannadkii, halka koboca guud ee dhaqaaluhu (g) uu u dhexayn jiray 1% illaa 1.5%. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in hantidii hore u jirtay ay is-dhasho oo ay ka kobac badan tahay hantida cusub ee laga abuurayo shaqada iyo dhididka.
Si aan tusaale fudud u soo qaadanno, qofka leh guryo ama saamiyo shirkadeed, hantidiisu waxay si degdeg ah uga horumaraysaa qofka subax walba u kaca shaqo oo mushahar uun ku tiirsan. Natiijadu waxa ay noqonaysaa in farqiga bulshada ee dhinaca hantidu uu sii fido, maadaama awoodda wax-iibsi ee mulkiilayaasha raasumaalku ay mar walba ka horreyso kororka mushaharka shaqaalaha. Qaaciidadani waxa ay si buuxda u sharraxaysaa sababta uu nidaamku si dabiici ah ugu janjeedho in uu abuuro sinnaan-la'aan xad-dhaaf ah.
Falanqaynta buuggan waxa lagu soo koobi karaa afar tiir oo aasaasi ah kuwaas oo qaabeeya sida hantidu u sameysanto una ururto:
Raasumaalka ayaa ka faa'iido badan shaqada: Sida xogtu muujinayso, cududda hantida la maalgashaday ayaa inta badan soo saarta dakhli aad uga ballaadhan kan laga helo shaqada muruqa iyo maskaxda. Nidaamka maaliyadeed ee casriga ahi waxa uu dammaanad qaadaa in lacagtu ay lacag kale dhasho, iyada oo aanay milkiilayaashu qaban shaqo adag. Tani waa dabeecadda aasaasiga ah ee abuurta kala-fogaanshaha dakhliga.
Hantida la iska dhaxlo : Mid ka mid ah fariimaha ugu cabsida badan ee Piketty waa dib-u-soo-nooleynta "raasumaaliyadda dhaxalka". Qarnigii 19-aad iyo horraantii kii 20-aad (xilligii loo yaqaanay Belle Époque), hantida la iska dhaxlo ayaa ka badnayd tan la shaqaysto. Dagaalladii Adduunka ayaa nidaamkaas burburiyay. Balse maanta, waxa aan dib ugu laabanaynaa saqaafad ay hantida dhaxalka ahi ka muhiimsan tahay hal-abuurka iyo shaqada adag. Tani waxay dhalinaysaa in bulshadu isu beddesho mid kala sarraysa oo uu xukumo dabaqad cusub oo rentiers ah (dad ku nool hanti ay dhaxleen oo aan shaqayn).
Sinnaan-la'aanta Dakhliga: In kasta oo waddamada qaar (gaar ahaan Maraykanka) sinnaan-la'aantu aanay ahayn oo keliya dhaxalka, haddana waxaa si aad ah u kala fogaaday mushaharka. Waxaa soo baxday dabaqad loo yaqaan 'Supermanagers' ama maareeyayaasha sare ee shirkadaha waaweyn, kuwaas oo isa-siiya mushaharro iyo saamiyo gaadhaya malaayiin doolar. Tani ma ahan mid ku salaysan wax-soo-saarkooda dhabta ah, balse waa natiijo ka dhalatay isbeddel ku yimid anshaxa iyo dhaqanka shirkadaha, halkaas oo awoodda go'aan-qaadashadu ay ku ururtay gacanta maareeyayaasha.
Doorka Dawladaha: Dawladuhu door weyn ayay ku leeyihiin xakamaynta ama sii-deynta sinnaan-la'aanta. Siyaasadaha maaliyadda, cashuuraha oo si weyn looga dhimay dadka taajiriinta ah (top marginal tax rates), iyo hoos-u-dhaca ku yimid tayada waxbarashada dowladeed, ayaa dhammaantood ka qayb qaatay abuuritaanka kala-fogaanshahan. Doorka dawladdu ma ahan mid dhex-dhexaad ah; siyaasadahooda ayaa go'aamiya in farqiga dhaqaale uu weynaado.
Buuggani waxa uu kaga duwan yahay buugaag badan oo dhaqaale xogta baaxadda leh ee uu adeegsaday. Piketty iyo kooxdiisu waxa ay aruuriyeen, nadiifiyeen, oo ay falanqeeyeen xogaha canshuuraha iyo diiwaannada maaliyadeed ee waddamada waaweyn sida Faransiiska, Maraykanka, Ingiriiska, iyo Jarmalka, xogtaas oo soo bilaabanaysa qarnigii 18-aad. Tani waa shaqo cilmi-baadhiseed oo baaxad weyn leh.
Si kastaba ha ahaatee, qodobkan aad ayuu muhiim u yahay in si caddaalad ah loo qaadaa-dhigo. Qoraalkan looma wada riyaaqin, waxaana loo soo jeediyay dhaliilo dhowr ah oo cul-culus:
Dhaliilaha Xogta: Jariidadda maaliyadda ee Financial Times ayaa daabacday warbixinno ay ku doodayaan in Piketty uu khaladaad xisaabeed ku sameeyay xogtiisa qaarkeed, gaar ahaan xogta la xidhiidha hantida gudaha dalka Ingiriiska, iyaga oo sheegay inuu xogta qaar si xag-jir ah u fasiray si uu dooddiisa u xoojiyo. Inkasta oo Piketty uu si adag isku difaacay, dhaliishani waxay abuurtay shaki gaar ah.
Doodda Hantida Guryaha : Mid ka mid ah dhaliilaha ugu muhiimsan waxaa soo jeediyay dhaqaaleyahan Matthew Rognlie, kaas oo ku dooday in kor u kaca weyn ee ku yimid saamiga raasumaalka ee qarniyadii u dambeeyay uu inta badan ka yimid qiimaha guryaha iyo dhulka oo qaaliyoobay, ee uusan ka imaan mashiinnada, teknoolojiyadda ama warshadaha la maalgashaday. Haddii hantida maguurtada ah meesha laga saaro, korriinka raasumaalku ma ahan mid argagax leh.
Dhaliilaha Xalalka uu Soo Jeediyay: Qaar badan ayaa aaminsan in xalalka uu Piketty soo jeediyay (sida Canshuurta Caalamiga ah) ay yihiin xamaasad siyaasadeed oo aan caqli-gal ahayn. Sidoo kale, dhaqaaleyahanno kale waxay ku doodaan in hal-abuurka iyo teknoolojiyaddu beddelaan natiijada qaaciidada r > g, maadaama hal-abuurka cusubi uu baabi'iyo hantidii hore .
Si looga hortago dhibaatadan weyn iyo dib-u-soo-noqoshada bulsho u kala qaybsan hantiile aan shaqayn iyo shaqeeye sabool ah, Piketty waxa uu soo jeediyay xal geesinimo leh balse adag: hirgelinta Canshuurta Hantida Caalamiga ah.
Sida ay u shaqayn lahayd nidaamkani waa in la sameeyo daah-furnaan maaliyadeed oo caalami ah. Dadka hantida badan leh waxaa laga qaadi lahaa canshuur sannadle ah oo gaaraysa 0.1\% illaa 0.5\% kuwa hantidoodu dhex-dhexaadka tahay, iyo 1\% illaa 2\% (ama ka badan) kuwa leh bilyannada doolar. Faa'iidooyinka aragtidan waxaa ka mid ah in ay joojinayso isku-ururka hantida ee xadka dhaaftay, yareynayso awoodda kooteysiga oligarchy, isla markaana ay maalgelinayso adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha dhaqaale.
Haddaba, maxay u adag tahay in la hirgeliyo? Caqabadaha siyaasadeed ayaa ah kuwa ugu waaweyn. Nidaamkani wuxuu u baahan yahay iskaashi caalami ah oo aan hore loo arag. Haddii waddan keliya uu canshuurtaas soo rogo, dadka qaniga ah waxay hantidooda ula cararayaan waddamo kale ama goobo ka caagan canshuuraha (Tax havens). Sidaa darteed, hirgelinteedu waa riyo siyaasadeed oo aad u adag, balse Piketty waxa uu ku doodayaa in ay tahay "hiigsi aasaasi ah" oo la doonayo in si tartiib-tartiib ah dunidu ugu guurto.
Si aan u fahamno miisaanka buuggan, waxaa habboon in aan barbar dhigno dhiganayaashii waaweynaa ee soo maray taariikhda dhaqaalaha:
Karl Marx iyo Buuggiisa Capital: Marx waxa uu aaminsanaa in nidaamka hantigoosadku is-burburin doono sababo la xidhiidha "hoos u dhaca heerka faa'iidada". Piketty waxa uu ka duwan yahay Marx; isagu uma arko in nidaamku si dabiici ah u burburayo, balse wuxuu aaminsan yahay in faa'iidada raasumaalku (r) ay ahaan doonto mid sarreysa oo xasilloon, taas oo keenaysa in sinnaan-la'aantu cirka isku shareerto isaga oo aan nidaamku dumin.
Adam Smith iyo Buuggiisa The Wealth of Nations: Smith waxa uu aaminsanaa awoodda "Gacanta qarsoon" ee suuqa xorta ah, isaga oo rajo weyn ka qabay in danaha gaarka ah ee shakhsiga ay aakhirkii u adeegi doonaan danta guud ee bulshada. Piketty aragtidiisu way ka duwan tahay tan; wuxuu na tusayaa in suuqa xorta ahi, haddii aan gacanta dawladda lagu faragelin, uu yahay mashiin soo saara kala-qaybsanaan halis gelin karta dimuquraadiyadda qudheeda.
Daron Acemoglu & James A. Robinson iyo Buuggooda Why Nations Fail: Buuggani waxa uu xoogga saarayaa in "Hay'adaha" Institutions - hadday yihiin kuwa loo wada dhan yahay (inclusive) ama kuwa dadka wax ka gurta (extractive) - ay yihiin kuwa go'aamiya guusha ummadaha. Halka Acemoglu iyo Robinson ay dhibaatada u arkaan mid ka timaada siyaasiyiinta iyo hay'adaha xun, Piketty wuxuu aaminsan yahay in dhibaatadu ay ku dhex jirto dabeecadda asaasiga ah ee raasumaalka laftiisa, xitaa haddii hay'aduhu ay si wanaagsan u shaqaynayaan.
Hadii aan buugga iska dhex eegno, Falanqaynta Piketty, in kasta oo ay inta badan ku salaysan tahay dalalka reer Galbeedka, haddana fariinta ku jirtaa si weyn ayay u taabanaysaa waddamada dhaqaalahoodu soo korayo, oo ay ku jirto Afrika iyo Soomaaliya.
Qaaradda Afrika, r > g waxa ay isku muujisaa siyaabo aad u xanuun badan. Koboca dhaqaalaha qaaradda ayaa inta badan ahaa mid gaabis ah marka loo eego heerka faa'iidada ay samaynayaan shirkadaha shisheeye iyo maalqabeennada gudaha ah. Hantida qaaradda qaybteeda ugu weyn waxaa loo dhoofiyaa dibedda iyada oo la adeegsanayo qulqulka lacagaha sharci-darrada ah (illicit financial flows). Tani waxay ka dhigan tahay in raasumaalku uu koro, balse uusan dhalin horumar waara oo bulshada wada gaadha.
Maxay Soomaaliya ka baran kartaa dooddan? Soomaaliya waa waddan kasoo kabanaya burbur, dhaqaalihiisuna uu inta badan yahay mid aan diiwaangashnayn. Dalka gudihiisa, hantidu waxa ay inta badan ku urursan tahay gacan yar iyada oo la adeegsanayo isku-xidhnaan qabiil, shabakado ganacsi oo kooban (sida isgaadhsiinta iyo xawaaladaha), iyo maalgashiga dhulka. Xaqiiqada dhabta ah ee Soomaaliya waa mid si cad u muujinaysa qaaciidada r > g. Tusaale ahaan, qiimaha dhulka iyo guryaha ee caasimadda Muqdisho ayaa cirka isku shareeray sannadihii u dambeeyay, iyada oo faa'iidada laga helo dhulkaasi ay si weyn uga badan tahay koboca dakhliga caadiga ah ee qofka Soomaaliga ah ee shaqeeya. Qofkii dhul iibsaday toban sano ka hor, hantidiisu waxay u korodhay si layaab leh, halka qofka mushaharka u shaqeeyaa uu ku jiro rafad maalinle ah si uu u maareeyo sicir-bararka. Taasi oo ka dhigan in hantidii hore ay is-dhashay, taas oo abuuraysa dabaqad "Rentier" ah oo ku nool ijaarka guryaha, halka dhalinyarada shaqaynaysaa aysan waligood awoodi doonin inay guri iibsadaan.
Haddaba, sidee ayay canshuuraha iyo maamulka hantidu u saameeyaan horumarka? Sida uu Piketty caddeeyay, dawlad la'aanta ama itaaldarrida hay'adaha dowladeed waxay fursad siisaa kuwa hantida leh in aysan bixin wax canshuur ah. Soomaaliya gudaheeda, ma jirto nidaam adag oo hantida maguurtada ah ama macaash-macaash Corporate tax si dhab ah loo qaado. Tani waxay keenaysaa in waddanku uu noqdo mid u shaqeeya milkiilayaasha raasumaalka oo keliya. Waddamada dhaqaalahoodu soo korayo waa in ay bartaan in koboc dhaqaale oo aan la socon siyaasado canshuureed oo cadaalad ahi uusan dhalinayn horumar waara. Nidaam maamul hantiyeed oo daah-furan iyo dhisidda hay'ado ururiya canshuuraha, ayaa ah jidka keliya ee looga fogaan karo in nabadda iyo kobac dhaqaale ee dalku ay faa'iido u noqdaan koox kooban, halka shacabkuna uu kasii daro. Haddii aan dibuqaabaynta nidaamka canshuuraha iyo qaybinta dakhliga si dhab ah loo hirgelin, waxaa suurtagal ah in bulshada Soomaaliyeed ay sii kala fogaato, taas oo dhalin karta xasillooni-darro bulsho oo hor leh iyo bur-bur ku yimaada rajada dawlad-dhisidda.
Isku soo wada duuboo, buugga Capital in the Twenty-First Century waa mid ka mid ah dhiganayaasha ugu saamaynta badan xilligan, waxa uuna si cilmiyeysan inoo tusayaa in nidaamka hantigoosadku, haddii aan dawladdu xakameyn, uu si dabiici ah u abuuro sinnaan-la'aan dhaqaale oo xad-dhaaf ah. Piketty waxa uu si qancin leh u caddeeyay in faa'iidada hantidu ka xawli badan tahay koboca dhaqaalaha (r > g), taasina ay tahay isha cududda hantida ee gacmaha yar ku ururta. Aragtidiisu waa mid cilmi ahaan awood badan, gaar ahaan falanqayntiisa xogta taariikhiga ah ee saddexda qarni, inkasta oo xalalka uu soo jeediyay—sida canshuurta caalamiga ah—ay la kulmeen dhaliilo la xidhiidha suurtagalnimadooda hirgelineed ee dhabta ah.
Ma sax baa aragtidiisu? In badan, haa. Xogtiisu waxay qeexaysaa isbeddelladii taariikheed. Meelaha ay ku xooggan tahay waxaa ka mid ah in uu burburiyay khuraafaadkii ahaa in koboca dhaqaaluhu uu si toos ah u yareeyo faqriga, isaga oo bixiyay caddaymo tirooyin ah. Meelaha ay ku liidatona waxaa ka mid ah in uu qiimo dhimis ku sameeyay doorka hal-abuurka (innovation), awoodda dabeecadaha siyaasadeed, iyo faa'iidooyinka wax-soo-saarka caalamiga ah.
Buuggani waxa uu inoo furayaa waddo aan ku fahmi karno dabeecadda nidaamka dhaqaale ee adduunka aan ku nool nahay. Akhristaha Soomaaliyeed waxa uu si gaar ah uga baran karaa in hantida macne la'aanta isku urursanaysaa aanay abuurin dhaqaale caafimaad qaba, in sinnaan-la'aantu aanay ahayn mid dabiici ah ama qaddaran, balse ay tahay natiijo ka dhalatay siyaasadaha dhaqaale iyo daciifnimada nidaamka canshuuraha. Sidaa darteed, si loo abuuro bulsho caddaalad ah, waa in la helaa dawlad adag oo qaadda tallaabooyin geesinimo leh oo hantida dib ugu qaybisa si xaq ah, korna u qaadda adeegyada bulshada iyo tayada nolosha ee dadka danyarta ah.