Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Cali Jimcaale: Suugaanyahan Dhaxal Sooc ah Ka Tegay

7 April, 2026
Image
Cali Jimcaale: Suugaanyahan Dhaxal Sooc ah Ka Tegay
Share

Cali Jimcaale Axmed waxa uu sannadkii 1958-kii ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibbis. Tacliinta asaasiga ah waxa uu ku qaatay Dugsiga hoose dhexe ee Shibbis, halka uu dugsiga sare na waxa uu ka baxay dugsiga 15ka May. Waxa uu shahaadada kowaad ka qaatay Jaamacadda Lafoole gugii 1979-kii isaga oo ku takhasusay kulliyadda waxbarashada si gaar ah luuqadaha Ingiriisiga iyo Soomaaliga. Mudane Jimcaale waxa uu ahaa ruux firfircoon, oo wax akhriska iyo aqoon daalacashada aad u jecel. Muddadii uu Lafoole wax ka dhiganayey waxa uu noqday Guddoomiyaha Aydhiyoolojidaha ee Ardayda, sida oo kale waxa uu tifaftire guud ka noqday wargeys ardaydu soo saari jirtay oo la odhan jiray Baraha.

Cali Jimcaale waagii uu tacliinta baranayey Soomaaliya waxay ahayd dal horusocod ah, waxana waddanka si weyn uga socday dedaalladii casriyeynta kuwaas oo majaal walba galay. Sidaa awgeed, waxa uu kansho u helay in uu galo goobtii la odhan jiray Xalane oo ka mid ahayd xarumaha lagu dhaqan-tolo dadka si loo oggolaysiiyo mabaadi'da kacaanka iyo falsafadda hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. "Xalane waxay ahayd goob dadka lagaga xalo afkaarta hantigoosadka iyo imbiriyaaliyadda", ayuu yidhi mar uu ka hadlayey sida Xalane uga guurtay goob ku astaysan halgan ummadeed isuguna beddeshay meel soo saarta bulsho horusocod ah.

Intii uu Xalane ku jiray waxa uu asaasay urur dhallinyarada ardayda ah oo uu madax u noqday. Waxa uuna soo nooleeyey oo uu tifaftire ka noqday wargeys la odhan jiray Codka Xalane. Cali Jimcaale firfircoonidii iyo abaabulkii uu u dhashay awgeed waxay Xalane isku barteen rag ka mid ah hormuudkii Golaha Sare ee Kacaanka sida Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar iyo Xuseen Kulmiye Afrax. Waxa intaas dheer in ay jawigaas isku barteen Cabdiraxmaan Cayddiid Dhadhable oo ka mid ahaa horusocodkii indheergaradka Soomaalida. Waxa xusid mudan in Maxamed Siyaad Barre kolkii danbe ay rafiiq noqdeen, waxana jirta in uu mar madax u ahaa guddi loo xilsaaray in ay qoraan taariikh-nololeedka Siyaad Barre.

Cali Jimcaale kolkii uu dhammeeyey jaamacadda waxa uu macallin ka noqday Lafoole, waxa uuna sii hawlgeliyey dedaalladiisii aqoondhalinta iyo fekercurinta xanbaarsanaa. Muddadii uu dalka joogay waxa uu maqaallo ku daabici jiray wargeyskii la odhan jiray Heegan, oo ahaa wargeyska keli ah ee Ingiriisi ah ee toddobaadle ah ee Soomaaliya ka soo bixi jiray, sida oo kale waxa uu wax ku qori jiray Xiddigta Oktoobar. Intaa waxa dheer in uu idaacadda kulahaa barnaamij toddobaadle ah oo la odhan jiray: "Qoraalka iyo Qoraaga." Sida uu marar badan ka sheekeeyey kolka dib loo fiiriyo dedaalladaas oo dhan waxa si mug leh looga dhex arki karaa in doodihii uu markii danbe ku shaacbaxay in xididkooda hore ay u noqonayaan shaqooyinkii uu ka soo bilaabay waayihiisii waxbarasho ee Muqdisho iyo xaaladdii bulsho-siyaasadeed ee dalku ku jiray, kuwaas oo carriyey in uu saaxadda deraasaadka Soomaalida keeno doodo wax badan ku biiriyey dibuqeexidda Soomaalida haddii ay noqoto dhanka dhaqanka, bulshada, afka, taariikhda iyo isirkaba.

Mudane Cali Jimcaale sannaddii 1983-kii ayuu waxa uu Maraykanka ugu baxay waxbarasho dibadeed. Waxa uu dabshidkii 1989-kii Jaamacadda Kallifoorniya, Loos Anjalis ka qaatay shahaadada sare ee Ph.D. Waxa uu ku takhsusay isbarbardhigga suugaanta, waxa uuna tiisadiisii ku diyaariyey qoraaga iyo noofaliistaha Soomaaliyeed ee Nuuraddiin Faarax. Ciwaanka tiisadu waxay ahayd: "Tradition, Anomaly and the Wave for the Future: Somali Oral Literature, Nuruddin Farah and Written Somali Prose Fiction." Intii uu Maraykan joogay waxa uu sii geeddigeliyey shaqooyinkii aqoon baahinta. Waxa uu tifaftire guud ka noqday joornalkii la odhan jiray Ufahamu (wuxuu ahaa joornal deraasaadka Afrika ku saabsan oo raacsanaa Jaamacadda Kallifoorniya. Xarafraac ahaan macnaha ereygu waa aan is fahanno. Waxa uu tafatire ka ahaa intii u dhaxaysay 1987—1989). Joornalka waxa uu ka sameeyey qayb khaas ah oo arrimaha Soomaaliya lagaga hadlo taas oo uu ku kasbaday in lagu xukumo ruux aan dalka laga oggolayn (persona non-grata ), maaddaama uu foolxumooyinkii xukunkii askarta wax ka qori jiray. Sida oo kale, Cali Jimcaale waxa uu asaasayaasheeda iyo tafatirayaasheeda ka mid noqday Wargeyska Cilmibaadhista Soomaalida (Journal of Somali Studies). Intaa waxa dheer in uu madax u noqday Ururka Cilmibaadhista Soomaalida ee Waqooyiga Maraykanka (Somali Studies Association of North America).

Cali Jimcaale waxa uu ahaa qoraa, gabyaa iyo shakhsi u dooda bulshooyinka cododkooda la aamusiiyo ee la cabbudhiyo. Waxa uu qoray buugag dhawr ah, waxa uu la-qore ka noqday kuwo kale, waxa uuna tifaftiray tiro kale oo buugag ah. Waxa intaa dhaafsiisan in uu curiyey sheekooyin gaagaaban iyo gabayo. Waxqabadyadiisu waxay xoogga saaraan masalada dhaqanka, haybta, qarannimada, suugaanta Afrika iyo halka ay iska galaan siyaasadda iyo suugaanta. Waxsoosaarkiisa waxa loo turjumay luuqado badan. Kol kale waxa uu bare sare ka noqday Queens College, oo ka tirsan Jaamacadda New York, waxa uuna muddo dheer ahaa Madax Isbarbardhigga Suugaanta. Waxa uu bixin jiray maaddooyin ku tacalluqa suugaanta Afrika, Bariga Dhexe iyo tan Yurub. Waxa uu ahaa indheergarad dhab ah oo waxqabad raandhiis ah ka tegay.

Waaxaha danbe ee qoraalkeenna waxa aynu kaga hadlaynaa lafagurka iyo naqdinta uu ku sameeyey suugaanta Soomaalida iyo doodihiisa la xidhiidha cilmibaadhista Soomaalida iyo dibu-eegista uu ku sameeyey habnololeedka Soomaalida.

Naqdintii Suugaanta iyo Dooddii Cilmibaadhista Soomaalida

Cali Jimcaale waxa uu sannaddii 1995-kii soo saaray buug uu tifaftiray oo la yidhaahdo, "The Invention of Somalia." Waa buug ka kooban qoraallo kala duwan oo ay curiyeen aqoonyahanno isugu jira Soomaali iyo shisheeye. Buuggani waxa uu bedka keenay aragti cilmibaadhista Soomaalida ku cusub oo ku doodaysa in Soomaalidu tahay bulsho kala duwan dhanka dhaqanka, afka, taariikhda iyo isirkaba. Waxa uu beegsaday sida Soomaalida looga hadlo in aanay ahayn si loo dhan yahay, taa lidkeeda se ay tahay hab koox gaar ah u afduuban oo ah geellayda. Aqoonyahannadani waxay soo bandhigeen in taariikhda la sheegaba ay tahay tan xooladhaqatada, sidaa awgeed waxay cod dheer ku sheegeen in loo baahan yahay in dibu-eegis taariikheed lagu sameeyo qaabka Soomaalida wax looga qoro, oo waxay leeyihiin, timir laf baa ku jirta. Mudane Cali Jimcaale maqaal uu buugga ku leeyahay waxa uu ugu jidbixiyey in Soomaalida indhaha lagu dersay ay tahay indhihii isticmaarka iyo saqaafadiisa. Maaddaama majaalkiisu uu ahaa suugaan waxa uu irridda uga galay sida suugaanta xooladhaqatada loogu dhisay qarannimadii Soomaalida. Waxa uu tumay ereybixin uu u bixiyey: “Daraawiishaynta dawladnimada (Dervishization of state)”, oo nuxur ahaan ku arooraysa sida loo geeddigeliyey taariikhdii isticmaar la dirirka ee Daraawiishta iyo suugaantoodii iyada oo gebi ahaanba la dafiray dhaqdhaqaaqyadii kale ee xornimaddoonka ee Soomaalida. Waxa la naaxiyey, la awoodsiiyey, sida oo kalana dawladnimadii isticmaarka ka dib tiirar looga dhigay halgankii taariikheed ee xoolaraacatada ayuu tilmaamay.

Waxa uu naqdiyey doodda Sayidka u tixgelinaysa in uu ahaa halyey qaran, wuxuu caddeeyey in aan sidaas oo dhan la isugu waafaqi karin. Maxaa yeelay, halganka Sayidka waxa ka buuxa iimo badan kolkaa in sidaas loogu dhiirrado ma aha qodob meesha qabta ayuu xusayaa. Saciid Sheekh Samatar ayaa hadda ka hor sheegay in Sayidku yahay aabbaha qarannimada casriga ah ee Soomaalida, taas oo muran xooggan dhalisay. Biyashubka curiskan iyo dhigganahan waa in wixii aan xoolaraacatada ahayn taariikhdoodii, waxsoosaarkoodii feker, hidde iyo suugaanba si kas ah loo aasay. Cali Jimcaale waxa uu ka warramay qiso tusaale u ah ibtilada Soomaaliya haysata. Waxa uu ka sheekeeyey nin furihii gurigiisa meel mugdi ah kaga lumay. Furihii ayuu raadiyey, sidii uu u raadinayey ayuu bilays u yimi oo uu warsaday waxa ka lumay. Kolkaas ayuu yidhi fure ayaa iga lumay. Bilaysku dhankoodii ayey ka galeen baadigoobkii furaha. Markii waxba la waayey ayey bilaysku waxay wayddiiyeen ma hubtaa in uu halkan kaaga lumay? Wuxuu ku warceliyey, maya, ee wuxuu igaga lumay halkaas shishiye ee mugdiga ah. Haddaba, maxaad halkan uga baadhbaadhaysaa ayey wayddiiyeen? Markaas ayuu ku jawaabay halkani waa meesha keli ah ee iftiin leh. Tusaalahani waxa uu soo dhowaynaaa in xalka Soomaaliya laga raadgurayo meel aanu jirin iyo in aan si qumman loo dersin waxa sababay musiibadii qaranjabka iyo halaaggii colaadda sokeeye. Weli waxa dawlad-dhiska Soomaaliya lagu wadaa jidkii ay ku burburtay. Cabdi Kuusow sida uu xusayna Soomaaliya waxa loo dhisay qaab khaldan oo aan horusocodnimo keenayn.

Cali Jimcaale oo mar la wayddiiyey farriinta buuggu wado, waxa uu ku warceliyey in sideeda bannaanba uu buuggu ku baaqayo in Soomaalidu wadahadasho, sheekaysato, oo is fahanto si loo dhiso dawladnimo sal adag ku taagan oo haybaha kala duduwan ee Soomaalidu leedahay ilaalinaysa. Isaga oo ergeysanaya meeris ka mid ah maansadii abwaan Gaarriye ee Dabataxan waxa uu ujeedka buugga ku dhadhaweeyey: "Isku soo dabbaal oo/ Waxaan doonayaa qaran/ Qaran dhaama kii dumay.” Waxa xusid mudan in doodda uu dugsigani ku baaqayo ee ah in dibu-eegis taariikheed la sameeyo (revisionist of thought) in uu burburkii ka dib wax badan ka gooyey waaqaca bulsho-siyaasadeed ee Soomaalida. Dugsigan waxa hoggaan u ah aqoonyahanno ay ka mid yihiin: Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Eenow, Cabdi Kuusow iyo Maxamed Eenow.

Dr. Cali Jimcaale shaqo la taaban karo ayuu ka qabtay geeddisocodka ay suugaanta Soomaalidu soo martay lixdankii sanno ee ugu danbeeyey. Waxa yaab leh falkinta hagaagsan ee uu ku sameeyey min waagii gobonnimaddoonka, kolkii dawladnimada la hantay, ammintii ay askartu taladii ummadeed afduubatay ilaa iyo markii is xasuuqa sokeeye la dhex galay. Intaba wajiyada ay suugaantu yeelanaysay ayuu wax badan ka qoray, tacliiqiyey, oo welibana raaciyey sida ay ku wanaagsanaan lahayd in ay suugaantu noqoto. Buuggiisa caqiibada leh ee la yidhaahdo; "Daybreak is Near: Literature, Clans, and the Nation-state in Somalia", ayuu shaqadaas waxgalka ah ku kaydiyey. Kolka horeba waxa uu xusay in dawladnimadii Soomaaliya ee lixdankii lagu dhisay suugaantii xooladhaqatada iyo guubaabadeedii waddaniyadda. Marxaladaha ay suugaan afeeddu soo martay ayuu kala dhigdhigay. Waxa uu tilmaamay xilligii maamulladii rayidka in suugaantu ay ku jirtay kaalin dawlad-dhisid iyo wax toosin ah. Waxay naqdinaysay saboolnimada, adeegxumada dawladeed, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa hay'adihii dawladeed wiiqay. Waxa uu soo qaadanayaa abwaan Cabdi Muxumed Amiin sida ay suugaantiisu waagaas u ahayd mid dawladnimada wanaagsan ka hadasha. Waxa la mid ah Cali Sugulle oo si waafi ah uga hadlay sida aanay isu qaban karin nidaamka qabiilka iyo mabaad'ida u degsan dawlad-qarammeedda casriga ah ee insaanka. Waa kolkii uu lahaa: “Dhagax iyo dab layskuma dhuftee kaladhawraay/Wax ka dhigan qabiil qaran la dhex geshee kaladhawraay." Waxa jidkaas hayey badi suugaanlaydii waagaas.

Marxaladda taas xigta waa kolkii uu kacaanku dhashay ee suugaantiiba loo adeegsaday in lagu ammaano taliska Maxamed Siyaad Barre. Waa amminta la allifay heesaha Siyaad Barre ku sheegaya aabbaha garashada, aarkii Afrika, wehelkii calanka iyo waalidkii ummadda. Waa kolka lagu addimayo ee la leeyahay caynaanka hay weligaa hay. Suugaantii xilligaas jirtay waa mid la kacaameeyey, oo la askariyeeyey, sida oo kalana ka madhan hal'abuur sare oo la cayn ah xilligii ka horreeyey ee xorriyadda fekerka iyo ra'yi dhiibashadu aanay denbiga ahayn. Waxa xusid mudan in isla waqtigaas oo ku beegan dabayaaqadii xukunkii askarta in suugaantu ay noqotay mucaarad mintid ah, oo weliba mararka qaar ay gaadhay in si foolxun looga hadlo qabyaaladda iyo u kala abtirinta Soomaalida ay kelitalisnimada siyaasadeedi aafaysay. Suugaantii mucaaradka noqotay waxay qaadhaan weyn ku biirisay in xukunkii askarta xididdada loo siibo, oo dharaar cad lagu indho kala qaado iyada oo colaad sokeeye la dhex jiifo.

Marxaladda ugu danbaysa ee suugaantu gashay waa xilligii colaadda sokeeye. Bilowgii sagaashannadii waxa ugu badan ee wax laga tirinayey waxay ahaayeen anafadii colaadda, burburkii dhacay, qaxii iyo ayaandarradii baas ee la dhex galay. Mudane Jimcaale waxa uu soo qaadanayaa suugaan ka hadlaysa sida colaaddu u gamaarisay noloshii bulsheed ee Muqdisho iyo dadkeedii, si gaar ah reer Xamarka. Waxa uu soo qaadanayaa Maxamed Sheegow oo leh: "Xamar maxaa loo xumayhaa/Xaasidnimada loo xabbadayhaa/Dad xalaal quudata aa/Xudduntooda ku duuganee/Maxaa loo xasuuqaa?" Waxa la allifay heeso kale oo dariiqaas saaran oo ay ka mid ahaayeen: "Aqoon Yaabis", "Galbataye isdabaqabo", iyo "hala isdilo xaq maaha." Suugaantan iyo kuwo kale oo badan waxay ka hadlayeen dagaalkii la galay waxa laga taransaday, waana marxalad kale oo ay suugaantu qaadday lixdankii sanno ee ugu danbeeyey. Mudane Jimcaale waxa uu soo faagay iimaha ay suugaantu leedahay, waxa uuna sheegay in suugaantu aanay magaaloobin, oo weli ku ladhan tahay hiddihii miyiga iyo in fahankeenna dawladnimo, magaalagal, iyo adduun’arag uu qaabeeyey adabka raacatada, oo ah kan keli ah ee laga shaqeeyey soddonkii sano ee dawladnimada la haystay.

Gunaanad

Dr. Cali Jimcaale waxa uu ka mid ahaa midhadhka mutacallimiinta ah ee aqoon baahin iyo hawsheed u go'ay. Waxa uu ahaa shakhsi saqaafadiisu ballaadhan tahay oo darka aqoonta ka cabbay meelo kala geddisan iyo rugcaddaa garoonka cilmibaadhista Afrika iyo tan Soomaalidaba aad looga yaqaanno. Suugaan dhaadhi si toolmoon u falkiyey geeddisocodka ay suugaanta caalamku soo martay ayuu ahaa. Mudane Cali Jimcaale magaalada New York, carriga Maraykanka ayuu ku xijaabtay Maarso 31, 2026—iyada oo ay sidaas ugu soo gebagebowday nolol dhammaanteed u badan aqoondhalin iyo aragticurin. Waxa uu ahaa macallin iyo xilkas ummadeed oo muqdar ah oo bahda tacliinta caalamka, Afrika iyo Soomaaliduba ay wayday.

Qoraalkani wuxuun buu daarranaa goosan yar oo ka mid ah noloshiisii ballaadhnayd oo dabcan aan si sahlan looga gayoon karin iyo dulmar kooban oo ku saabsan doodihiisii cilmibaadhista Soomaalida. Qofkii danayn xooggan u qaba waxa uu dib ugu laaban karaa buugaggiisa, qoraalladiisa iyo muxaaddaraadkiisa tirada badan ee rugaha aqoonta ku kaydsan.

Qoraallada kale ee qoraaga