Friday 17 April 2026
Waxa maalintii Salaasada, 31-ka Maaris ee sannadkan 2026, ku geeriyooday Maraykanka aqoonyahankii iyo qoraagii Soomaaliyeed, Cali Jimcaale Axmed, oo hadda jiray 71 sannaood, waxana ay aqoonta Geeska Afrika sidaas ku wayday mid ka mid ah codadkii aqooneed ee ugu jaad-goonisaa uguna dhisnaa. Waxa uu Cali Jimcaale Axmed koobsaday suugaanta, sheekada, naqdiska iyo macallinimada jaamacadeed, kaas oo qayb weyn oo mashruuciisa fikir ka mid ah xoogga ku saaray in uu dib su’aalo u geliyo muuqaalka Soomaaliya, si ka baxsan aragtiyaha liinbaxay ee gumeysigii ka hadhay iyo kuwa ku soo kooba xayndaabka siyaasadeed oo keliya. Waxa uu shahaadada u sarreysa (PhD) ku sameeyay isbarbardhigga suugaaneed oo uu kaga qaatay Jaamicadd Kaalifoorniya ku taalla ee Loss Angeles, waxana uu bare sare ka noqday Queen’s College iyo Xarunta Darasaaradaha Saree e Jaamacadda New York. Dhanka kale, waxa ay daneyntiisa fikir u badnayd suugaanta Afrika iyo Islaamka, maansada, sooyaal afeedka dhaqan iyo su’aalaha ku saabsan xidhiidhka murugsan ee suugaanta iyo siyaasadda.
Inta aanu u guurin Maraykanka, horraantii siddeetaneeyada, waxa uu Cali Jimcaale ahaa nin ka muuqda saaxada aqooneed ee Soomaalida, isaga oo ka dhex muuqday wargeysyada iyo idaacaddaba; waxa uu tifaftire ka soo noqday wargeyskii Vigilance oo ahaa toddobaadlaha keliya ee Ingiriisi ku baxa oo warqtigaas laga soo saari jiray Soomaaliya. Xilli hore ayaa uu Cali Jimcaale u jeedsaday in uu wax ka qoro qaybaha bulsho ee ay garbisay sheeko-wadareedda bulsho, gaar ahaan xirfadleyda oo lagu riixo martabadaha hoose ee sallaanka bulsho, xilligaas oo in arrintan laga hadlaa aanay, siyaasad, ahaan fududeyn. Idaacadda waxa uu ka tebin jiray barnaamij toddobaadle ah oo cinwaankiisu ahaa “Qoraalka iyo Qoraaga” kaas oo uu ku martiqaadi jiray suugaanyahanno kuna baray dhegeysteyaasha tibaaxo loo soo turjumay af Soomaali. Waxa ka mid ahayd sheekada maadsiga ah ee Ngugi wa Thinog’o oo ku saabsan waxgaradka Afrika ee ku tookha baabuurta Mercedes ee ay ku dhex wataan faqriga badhtankiisa, waxana uu af Soomaali ugu turjumay “Raggii Mersheedisyada”. Arrintan ayaa sameysay sansaankii u horreeyay ee habfikirkiisa iyo aaminaaddiisa ah in aqoonta dhaqan ay tahay tubta lagu fahmi karo bulshada, lagu dhegeysan karo codka kuwa la takooro, laguna soo bandhigi karo weyddiimaha ay siyaasaddu jeceshahay in la qariyo.
Waxa uu Cali Jimcaale Axmed gaadhay New York, 30kii Diisember, in yar ka hor inta aanu bilaabin waxbarashadiisa sare, sannadkii 1983-kii, waxanu ka sii watay shahaadooyinka labaad (master) iyo saddexaad (PhD) oo uu ka diyaariyay jaamicadda Kaalifoorniya ee Los Angeles. Waxa uu intaas ka hor madax ka noqday tifaftirka majaladda Ufahamu ee isla jaamicaddaas, intii u dhexeysay sannadihi 1987 – 1989-kii. Halkaas ayaa uu ka soo sameysmay mashruuciisa fikir oo markan si cad u hanaqaaday, isaga oo isku darsaday in uu aqoon ahaan si fiican ugu dhismay iyo in uu si joogto ah ugu foogmay masalada Soomaalida oo ah isku-dhafan sooyaaleed, dhaqameed iyo aqooneed oo u baahan in gebi ahaanba dib looga fikiro.
Haddii uu jiro waxsoosaar soo koobi kara ubucda fikir ee Cali Jimcaale waa buuggiisa caanka ah, ‘Curinta Soomaaliya – Invention of Somalia’, kaas oo noqday bartii badhay daraasadaha Soomaalida, sababta oo ah iskuma koobin in uu keliya tilmaamo dhibaatada e, waxa uu abbaaray sidii asal ahaanba lagu keenay fikradda ‘Soomaaliya’ lafteeda ee ay uga dhex sameysantay aqoonta gumeysiga iyo midda qaran, labadaba. Waxa uu Jimcaale deedafeeyay fasiraadaha kor-ka-xaadiska ah ee burburka u sibirsaara ‘qabyaaladda’ oo qudha, waxana ay isaga iyo cilmibaadheyaal kale dib-u-eegsi ku sameeyeen sheekooyinka ma-dhaafaanka noqday ee ku saabsan is-ahaanta isir ee Soomaaalida, asalka Soomaaliga, halka uu Islaamku kaga jiro, sooyaalka magaalooyinkii xeebaha Soomaaliya (Banaadir), metalaadda dumarka iyo xaaladda koox-bulsheedyada Baantuuga. Waxa ugu sii muhiimsan in uu buuggani ka raray doodda “sababta ay u fashilantay dawladdu’ una raray dood ka sii qotodheer oo ku saabsan ‘sidee ayaa ay, asal ahaanba, u sameysantay haybta Soomaalidu, yaa se xaq u yeeshay in uu qeexo oo uu wariyo?’
Dhanka aragtida naqdiska lafteeda, waxa uu ka qoray buuggiisa “Waagii Dharaarow: Suugaanta, Qabiillada, iyo Dawladda-Qaran ee Soomaaliya – Daybreak Is near: Literature, Clans, and the Nation-State in Somalia” oo uu si weyn oo naqdis ah ugu furfurayo suugaanta, qabiilka iyo qaranka Soomaaliya. Wax kale oo ay daneyntiisa aqooneed ee suugaanta Soomaalida ee casriga ahi ku xidid leedahay isla mawduuciisii diktoorada ee isbarbardhigga suugaanta ee Jaamicaddii Kaalifoorniya, sannadkii 1989-kii, oo uu kaga warramay suugaan afeedka Soomaalida iyo dunida Nuuradiin Faarax ee sheekotebinta.
Sidaas oo ay tahay, kama uu mid ahayn Cali Jimcaale Axmed kuwa ku gaabsaday cambaareynta gumeysiga oo ay ka dhigteen sababta burburka oo dhan. Waxa uu, isagu, ahaa naaqid kulul marka laga hadlayo qaab-dhismeedka gudaha ee Soomaalia iyo jirrooyinka bulsho-siyaasadeed ee laftoodu ka qaybqaatay curashada silica iyo sii fidintiisa. Wareysiyo iyo qoraallo badan ayaa uu ku diiday in burburka oo dhan loo aaneeyo faragalinta dibedda, isaga oo aan isla jeerkaasna eed-tirayn faragalintaas iyo raadkeeda aafeed. Waxa ay naqdintiisa uu labada dhanba u ridaa si cad uga muuqataa mawqifkii uu ka qaatay go’aankii xayiraadda safarka ee Maraykanku saaray Soomaalida oo uu u arkay in uu yahay ciqaab dheeri oo la saaray shacab, marka horeba, la rafaadsanaa dagaal iyo duqeyn. Waxa uu in Soomaalida laga xayiro codsiga magangalyo ku tilmaamay arrin uga sii daraysa silica ay ku jiraan. Waxa ay, sidoo kale, aragtidiisani ka muuqataa sidii uu xilli hore u akhriyay dagaalka sokeeye oo uu bilowgiiba ka arkay halista marxaladda la galay, ka dib burburka taliskii Siyaad Barre, kolkaas oo uu xayndaabkiisa qabiil ka maqlayay kuwo leh; “Hadda, innaga ayaa taladii haysanna” markaas oo ay isaga u caddayd in garashadaas kala-adkaanta qabiil aanay suuragal ahayn in ay dhisto qaran. Waxa intaas ka sii muhiimsan in aanu marna ka gebban in uu xoogaggii haybtiisa qabiil u xanbaariyo qayb ka mid ah eedda burburintii Muqdisho, waxana uu ku baaqi jiray dhisidda xarun qaran oo loo siman yahay oo qaadi kart cid kaste oo ay ku jiraan qaybaha bulsho ee la takooro iyo Baantuugu. Halkan ayaa ay si gaar ah uga muuqataa in uu jaad-gooni ahaa; uma uu jilcin haybtiisa, mana miciinsan doodda is-dhibbaneynta ee fudud, ee waxa uu codsaday in dib-u-eegis dhab ah lagu sameeyo dhinacyada qiyamka iyo siyaasadda oo laga bilaabo gudaha, inta aan laga hadlin faragalinta dibedda.
Intii uu jaamicadda joogay, waxa uu Cali Jimcaale Axmed qaabeeyay falsafad dhanka aqoon-tebinta ama waxbarista ah oo u muuqatay in ay si iskeed ah ugu xidhiidhsan tahay fikirkiisa naqdiska ku dhisan. Waxa uu ugu yeedhi jiray ‘Wax-dhigista hal-abuurka leh’ waxana ay ku qotontaa jabinta qoqobka u dhexeeya laamaha aqoonta ee kala duwan, iyo deedafeynta in aqoonta loo eego sidii oo ay tahay jasiirado kala go’an. Si uu aragtidan u sharraxo, waxa uu mar kaste soo qaadan jiray tusaalihiisii joogtada ahaa ee “ Maroodiga iyo saddexdii indhoole” oo uu ardayda ugu sharrixi jiray in suugaanta oo keli ahi aanay ku filnayn in lagu fahmo bulsho, sida aanay ugu filnayn siyaasadda ama aqoonta antaraboolijiga amaba taariikhda oo keli keli u taagani. Laamahan aqooneed, mid kasteba waxa ay soo bandhigtaa dhinac ka mid ah muuqaalka guud, laakiin ma wada gaadho. Isaga oo halkaas ka duulaya ayaa uu ardaydiisa ku boorrin jiray in ay tibaaxaha suugaanta la akhriyaan dhigaallada kale ee ay isa soo galaan; sida taariikhda, siyaasadda iyo kasmo-bulsheedda, aragtidoodana ay ku dhisaan natiijadeeda, halkii ay ku kaaftoomi lahaayeen ku celcelinta duluc hore loo diyaariyay. Aragtidan oo kulmisay weyddiimaha habka Sokraatiga ah (Socratic Questioning) iyo u furnaanta kala-jaadsanaantu ma ahayn keliya dookh aqoon-bariseed e, waxa ay qayb ka ahayd saameyntiisa akaademiyeed iyo, sidoo kale, maamul ee xarumaha waxbarasho, waxana uu ku helay abaalmarinta horbaxnimada (excellence) ee waxbarista oo uu sannadkii 1994-kii ka qaatay Queens College.
Dhanka waxsoosaarkiisa suugaanta, waxa uu u dhexeeyaa dhinacyada naqdiska, maansada iyo sheekotebinta. Marka laga tago waxsoosaarkiisa akaademiga ah, waxa uu Cali Jimcaale ka tagay tiro diiwaanno ah oo codkiisa maansada ku ladhay dareen-taabashooyin; waxa ka mid ah ‘Cabsi waa Sac – Fear Is a Cow – 2002’, ‘Qulubka Qurbaha - Diaspora Blue; 2005’, iyo ‘Marka ay Dameeruhu Dhalaan Weylo – When Donkeys Give Birth to Calves; 2012’. Waxa kale oo uu ka qaybqaatay soosaarista buugga “Jidka u Raadku ku Yar yahay: Fiirooyin ku Saabsan Suugaanta Geeska Afrika – the Road Less Travelled: Reflections on the Literature of the Horn of Africa; 2008’ waxana uu buuggani sii ballaadhiyay kaalintiisa iyo daneyntiisa masalada Soomaalida oo waxa uu u fidiyay guud ahaan Geeska Afrika. Mar dambe, waxa uu soo saaray sheekadiisa Soomaaliga ah ee ‘Gaso, Ganuun iyo Gasiin; 2020’ taas oo ay hordhaca u sameysay Queens College oo ku tilmaantay tijaabo sheeko-tebineed oo gaar uga muuqata sooyaalka gaaban ee sheekada ku qoran af Soomaaliga. In uu dib ugu soo noqday, markan dambe, in uu af Soomaali wax ku qoraa waxa ay qayb ka tahay aragtiyihiisii uu sida cad ugu difaaci jiray afafka Afrika oo uu ku doodi jiray in afafkaas oo wax lagu qoraa aanay ahayn keliya dookh jecleysi ah e, tahay tallaabo dhaqan oo ay bulshooyinkaasi ku soo ceshanayaan xaqa ay u leeyihiin in ay iyagu iska hadlaan, oo ay gudahooda ka soo hadlaan kuna hadlaan afkooda iyo tijaabooyinkooda.
Marka aan, guud ahaan, sidaas u eegno, Cali Jimcaale Axmed kama tagin keliya taxaneyaal badan oo buugaag iyo waxsoosaar ah e, waxa uu ka qaybqaatay hal-abuuridda habab hor leh oo loo akhriyo looguna fikiro arrinta Soomaalida, iyada oo loo marayo suugaan afeedda iyo midda qoranba, iyo iyada oo si gaar ah loo dhuganayo qaybaha la halmaamay iyo is-diiddooyinka gudeed ka jira Soomaalida, waxana laga yaabaa in arrinta galbashadiisa ku cusleynaysa goleyaasha aqoonta dhaqan iyo midda akaademi, labadaba, ay tahay in uu ka tirsanaa tiro yar oo koobsatay kal-nugeylka gabyaaga, dhugashada cilmibaadheha, habraacsamaanta aqoonyahanka jaamicadeed, iyo werwerka aqoonyahanka guud, waxana uu ku sugnaaday, xitaa xilliyadii ay ugu adkayd baadhistiisa dagaalka iyo dibed-meerku, difaaca xaqa ay Soomaalidu u leedahay in ay iyagu dib u qoraan haybta dalkooda.