Skip to main content

Sunday 9 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Cadawgayga cadawgiisu waa saaxiibkay

26 August, 2025
Image
Geeska Cover
Share

Dadka arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa iyo hoggaanka bulshada ayaa dib u furay xuduudka eretariya ee ka gudba tuulada Zalambessa, waa shan sanno ka dib oo uu xuduuddani xidhnayd. Marka si guud loo eego, waa tallaabo u muuqanaysa horumar wanaagsan oo uu deegaanku sameeyey, se haddana waa tallaabo qayb yar ka noqonaysa sheekada muddada dheer soo taxnayd. Jabhadda TPLF iyo Eretariya waxa ay si ku meelgaadh ah u wanaajiyeen xidhoodhkooda, iyagoo u dan leh in ay si wadajir ah uga hortagaan dagaal ay xukuumadda Itoobiya soo qaaddo. Muddadii u dhaxaysay 2020 ilaa 2022, deegaanka Tigrayga waxa ka socday dagaal xukuumadda Itoobiya oo ay Eretariyana garabsiinayso ay ka wadday deegaankan iyo TPLF. Sidaas darteed, isbahaysiga cusub ee aan la filayn, una dhexeeya Eretariya iyo TPLF waa gar in uu cabsi dhaliyo, suurogalnimada dagaal hor lehna kiciyo.

Xidhiidhka TPLF iyo nidaamka ka taliya Eretariya waxa uu soo maray wejiyo dhawr ah oo kala geddisan, waana xidhiidh soo bilaabmay markii labada dhinacba ahaayeen jabhado, toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii. Bilawgaas xidhiidhkooda, labada jabhadood waxa ay iska garabsadeen in ay xukunka ka tuuraan nidaamkii Mingiste, ee ka arriminayey Itoobiya, iyo in Jabhaddii Xorraynta Bulshada Eretariya loo oggolaado madaxbannaani. Kolkii ay ku guulaysteen hawshaas, 1991-kii, labada jabhadoodna hoggaanka u qabteen labada dal, xidhiidh wanaagsan ayay weli sii lahaayeen, ilaa xidhiidhkaasi weji kale yeeshay, oo sannadkii 1998-kii labada dal galeen dagaal ku salaysan khilaaf xuduudda ah, oo laba sanno socday. Dagaalkaasi waxa uu xidhiidhkii TPLF oo Itoobiya ka talinaysay iyo Eretariya dhexdhigay colaad joogto ah.

15 sannadood oo colaad iyo dagaal furan ah ka dib, bilihii u dambeeyey waxa dhacay arrin aan la saadaalin, lana rumaysan karin. Ka dib markii TPLF lafteedu kala jabtay, kuna loollantay maamulka deegaanka Tigrayga, xukuumadda Eretariya waxa ay garab siisay, dhinacna la noqotay labada garab ee TPLF u kala jabtay, garabkan oo uu hoggaaminayo Debretsion Gebremichael. TPLF oo hore u midaysnayd, waxa ay u kala jabtay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Debretsion Gebremicheal iyo Getachew Reda, oo madaxweynaha kumeelgaadhka ah ee deegaanka ahaa, Federaalkuna taageersanaa, waana muddadii u dhaxaysay markii uu dhammaaday dagaalka Tigraygu ilaa bishii Maaris ee 2025. Kolkii dambe Getachew waxa loo magacaabay in uu la taliye u noqdo xukuumadda Federaalka, waxaanu diwaangaliyey xisbi siyaasadeed cusub, oo Guddiga Doorashooyinka Itoobiya oggolaaday. Isla kolkan loo oggolaanayo xisbigiisa, waxa masuuliyiin xukuumadda Itoobiya ahi diideen in TPLF noqoto xisbi siyaasadeed oo doorashooyinka ka qaybgali kara.

Amintan isbeddelladu ka socdaan deegaankii Tigrayga, Eretariya waxa ay ku guulaysatay in ay isbeddellada qayb ka noqoto, oo ay isbahaysi aan la filayn u noqoto TPLF, iyadoo ku socota caqliyadda ah “cadawgayga cadawgiisu waa saaxiibkay”. Istiraatiijiyaddani kuma cusba hoggaanka Eretariya, oo waa mid ay hore u adeegsadeen kolkii ay Eretariya heshiis nabadeed la gashay Abi Axmed sannadkii 2018, oo kolkaas xukunka ku cusbaa, waxaanu ahaa heshiis soo afjaray sooyaalkii colaadeed ee labada dal. Heshiiska ka hor, marnaba lama filayn isku soo dhawaansho iyo heshiis labada dal galaan.

Balse judhiiba jidka heshiiskani qaaday ayaa daaha ka qaaday in wanaajinta xidhiidhka labada dal looga dan lahaa isu bahaysiga dagaal ba’an oo deegaanka Tigrayga ka dhacay. khilaaf xooggan baa marka koowaad soo kala dhexgalay maamulka deegaanka Tigrayga, oo ay hoggaanka haysay TPLF iyo xukuumadda Federaalka Itoobiya, xukuumadduna waxa ay doorashooyinkii deegaankan ka dhacay 2020-kii ku tilmaantay doorasho sharciga baalmarsan. Khilaafkaasi waxa uu sababay in Federaalku milatari ahaan deegaanka u farageliyo, waxaana qarxay dagaal laba sanno socday, oo ciidamada Federaalka Itoobiya iyo ciidamada Eretariya oo isku dhinac ahi dagaal ku wadeen TPLF iyo bulshada rayidka ah ee deegaanka. Warbixin ay diyaarisay The Sentry bishii Juun ee sannadkan 2025, waxa lagu faahfaahiyey boobka abaabulan ee ciidamada Eretariya ka gaysteen deegaanka iyo xadgudubyada xuquuqda aadamaha ka dhanka ah ee ay kula kaceen bulshada rayidka ah.

Dhinacyada dagaalka ku lugta lahaa waxa ay dagaalka ka dib deegaanka ka dhaliyeen saamayno aan loola qasdin. Heshiiskii Biritooriya ee 2022, waxa uu soo afjaray dagaalkii Federaalka iyo TPLF u dhexeeyey, se waxa uu ahaa heshiis xaddidan. Eretariya oo dagaalka kula jirtay Itoobiya, heshiiska lagama qaybgelin, lagamana soo qaadin dhinacyada is haysta, walow ciidamadeedu deegaannadii lagu dagaallamay ku sugnaayeen xitaa dagaalka dabadii. Heshiiskani waxa uu xukuumadda Federaalka ee Itoobiya ku dhiirrigeliyey in ay hoos u dhigto awooddii TPLF, oo ahaa Xisbi leh saameyn ta Federalka aan ka dhicin. Jilcinta awooddii TPLF waxa ka dhashay in Itoobiya dib u soo celiso damaceedii dhul-ballaadhsiga ahaa. Itoobiya waxa ay shaacisay xaqa ay u leedahay in ay bad hesho, hadalkaasina waxa uu keenay khilaaf cusub oo Itoobiya ula badheedho Soomaaliya iyo Eretariya. Khilaafkii Soomaaliya waxa la xalliyey dhammaadkii 2024, ka dib markii Turkigu labada dhinac dhexdhexaadiyey, sidaas darteed, waxa ay falanqeeyayaashu ka digeen in dagaal Itoobiya iyo Eretariya oo TPLF la socoto dhex maraa uu aad u dhow yahay.

Xaaladda sannadkan 2025, waa mid aad ugu ififaalo eg tii bilawgii 2020, walow xaaladdan hadda ay jaangoynayaan xidhiidho cusub, dhinaca kalena ay jirto fursad qalalaase dhaca lagaga hortagi karo. Masuuliyiinta Asmara, Addis Ababa iyo Maqalle midna diyaaar uma aha dagaal cusub, oo dhammaantood waxa ay la daalaadhacayaan suququl dhaqaale. Itoobiyi, ka sokow xaaladdan jirta, waxa kale oo ay la daalaadhacaysaa maaraynta kacdoonno kala duwan oo ku socda, siiba kuwa deegaannada Amxaarada iyo Oromada, oo dhabarka ka jabinaya damaceeda helidda badda. Bishii Feebarwari ee 2025, Eretariya waxa ay amartay in abaabul qaran la galo, walow xog aad u kooban laga hayo xaaladda dhabta ah ee hadda ciidamadeedu ku suganyihiin, oo u badan dad la ciidameeyey. TPLF lafteedu waxa ay waajahaysaa caqabado waaweyn, waxaanay baahi u qabtaa midnimo iyo awooddii dagaalkii Tigraygu kala daadiyey.

Hadallada xanafta leh ee joogtada ah iyo dhacdooyinka sida lamafilaanka ah u dhacay waxa ay xaaladda awalba kacsanayd u beddeli karaan dagaal toos ah, weliba marka la eego doorashooyinka Federaalka ee qabsoomi doona 2026-ka. Sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah in hoggaanka dhinacyadu u fiirsadaan hadalladooda. Khilaafka gudeed ee ka dhexjira TPLF iyo in Eretariya u soo dhawaatay cadawgeedii hore ee TPLF, waa astaamo bixinaya digniin  oo u baahan in si diblumaasiyadaysan xaaladda loo dejiyo, dagaal toos ah na laga fogaado. Waxa kale oo loo baahanyahay in dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Eretariya ay galaan dhinacyo kale, sida Turkiga ama Sucuudiga, oo danaynaya deggenaanshaha gobolka. Labadan dal waa kuwii hore u qabtay dhexdhexaadin, sida in Turkigu dhexdhexaadiyey Soomaaliya iyo Itoobiya 2024, Sucuudiguna dhexdhexaadiyey heshiiskii Itoobiya iyo Eretariya sannadkii 2018-kii. Dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta cusub ee Maraykanku ka bilaabay ayaa noqon kara jid lagu daydo, dalalka dhexdhexaadintaas samaynayaana ay ku ilaashan karaan danahooda dhaqaale.

Haddii ay dedaalladaasi fashilmaan, ismaandhaafka dhinacyaduna sii socdo, oo uu ugu dambayn isku rogo dagaal toos ah, kolkaas waxa lagama maarmaan noqonaysa faragelin khasab ah, tusaale ahaan, in Maraykanka iyo Yurub ay cunaqabatayn cusub ku soo rogaan hoggaanka labada dal ee Itoobiya iyo Eretariya. Waxa kale oo dedaal lagu bixin karaa curyaaminta shabakadaha maaliyadeed ee aan rasmiga ahayn ee Eretariya, lana dabagalo dadka sida sharcidarrada ah uga shaqeeya.

Itoobiya hadda waxa lagu tilmaami karaa dal dagaal ka soo doogay, se sooyaalkeedu waxa uu ina barayaa sida fudud ee nabaddu ku burburto. Eretariya oo ah dal go’doon kaga jira duniduna, waxa uu halis weyn ka wadaa gobolka, sidaas darteed, Geeska Afrika, waa mid qarka u saran dagaal. Waa sababta aan looga maarmayn heshiisiin iyo in cunaqabatayn la saaro damaca dhul-ballaadhsiga iyo khalkhalgelinta gobolka.