Ku soo dhawow akhriste cadadkii koobaad ee warsidaha Geeska. Waxanu ku soo qaadannay mawduucyo kala duwan; fikirka, siyaasadda, dhaqanka, buugaagta iyo wararka.
Falanqeynta, waxa uu Maxamed Dayfuuri lafagur ku sameeyay kacdoonnada faca Z iyo isbeddellada siyaasadeed. Baadhitaannada saxaafadeed, kaalinta Boosaaso ee dagaalka Suudaan? Faallooyinka buugaagta; ‘Dunida Qasa ka Dib – raadka ‘Casriga Gumaadka’, iyo riwaayadda ‘Codad Dabaylo Sidaan’ oo ku saabsan jirrabka ay kelitaliyeyaashu u maraan awoodda. Wareysiyada, waxa uu Cabdifataax Barwaani ku dagalfaagay ‘Dabeecadda Soomaaliga iyo Dawlad-dhiska’. Dhanka fikirkana, Cabdisiciid Ismaaciil ayaa soo turjumay: Naga Asaruuro Afkayaga, Si aan u Hilmaanno Haybtayada. Aroortii Cagajiid la Qafaashay, sheekadii Hawd, ayuu Maxamed Xirsi dib ugu akhriyay qaabyaalkii Kacaanka.
Haddii ay kuu cuntantay, fadlan la wadaag saaxiibbada.