Skip to main content

Sunday 19 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Waraysi

Cabdullaahi M Cawsey: "Xaaladda Soomaaliyi ku jirto waxay qofka ku sababi kartaa cillado nafsadeed”

12 May, 2025
Image
CMC
Share

Sidii qarankii Soomaaliyeed u burburay waxa laga bixi la'yahay xasilloonidarro bulsheed. Waxa abuurmay bulsho nooc kale ah. Waxa macruuf ah kolka ay ummaddu gasho hoobad bulsheed oo dhan walba ah in isbeddel weyni ku dhaco qaayasoorradeedii, sida oo kalana xadhgalo qaabdhismeedkeedii bulsheed. Buuggiisa "Losing the Art of Survival and Dignity", Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan waxa uu ku gaalaabixiyey is dhalanrogga bulsheed ee Soomaalida ku dhacay. Waxa uu faaqiday sida ay Soomaalidu u lumisay ahaanshaheedii, qabkeedii, kalsoonideedii, ismaamulkeedii iyo dadnimadeedii ummadeed. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida nolosha wadciga Soomaaliya ka jirtay u soosaartay qof khalkhallo iyo cillado nafsadeed ku furan yihiin. Waxa uu xusay sida doogtu u aafaysay nolosha bulsheed ee Soomaalida, taas oo uu u cuskanayo dhinacyo kala geddisan, waxa se qayb ka ah hoobadka ummadeed ee la galay. Taas oo shidaalisay burburka nafsadeed/maskaxeed ee Soomaalida soo gaadhay.

Burburkii bulsheed ee la galay waxa uu sababay dhiillo iyo qayladhaan xooggan oo ku aaddan caafimaadka dhimirka. Hore waxay Hay'adda Caafimaadka Adduunku (WHO), u sheegtay in qiyaastii 40% dadka Soomaaliya ku nool ay la ildaran yihiin khalkhallo nafsadeed/maskaxeed. Laakiin deraasad dhawaan dhalad ah oo la sameeyey sannaddii 2023, waxay xustay in qiyaastii in ka badan 76% ummadda Soomaaliyeed ay la nooshahay xaalado nafsadeed/maskaxeed. Deraasaddu waxa ay tibaaxday in xanuunnada dhimirka ee Soomaalidu uu aad u kordhay. Waxyaabaha sababa waxa liiska hore galay dagaallada, abaaraha, maandooriyaha, shaqo la'aanta iyo xasilloonidarrada siyaasadeed. Dhallinyarada Soomaaliyeed baa ugu badan xanuunnada dhimirka. Waxa la xusay in jirrada doogreeb (Post-traumatic stress disorder) ay tahay ta labaad ee ugu badan xanuunnada maskaxeed.

Haddaba, Cabdullaahi Maxamed Cawsey oo ah caalim nafeed oo muddo dheer ka shaqaynayey caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya ayaan kala sheekaystay mawduuc ku saabsan: sida xaaladaha qallafsan ee Soomaaliya ka taagnaa saddexdii tobanguuro ee ugu danbeeyey raad ugu yeesheen saykoolojiyadda ruuxa Soomaaliga ah. Cabdullaahi M. Cawsey wuxuu ku takhasusay cilmiga bulshaha (sociology) iyo Kasmanafeedda oo wuxuu ka baxay jaamacadda Toronto ee dalka Kanada. Waa baante nafeed (psychotherapist), oo leh in ka badan toban sano oo waayo'aragnimo ah. Waxa uu la-taliye nafeed kaga soo shaqeeyey xarumo kala duduwan oo isugu jira: jaamacado, cusbitaallo iyo hay'ado caalami ah, haddii ay noqoto Kanada iyo Soomaaliya. Dhanka kale waxa uu siiyaa talabixin iyo baanasho nafeed dadka la ildaran xanuunnada nafsadeed/maskaxeed sida qulubka, diiqadda, walaaca, doogta, walafka (addiction) iyo saykoosiska. Cabdullaahi, waa la-asaasaha (co-founder), xarunta la magacbaxday "Primesom Counselling Services", oo ah xarun fadhigeedu yahay magaalada Garoowe oo bixisa adeegyada caafimaadka dhimirka.         
Mudane Cawsey warraysigan uu Geeska siiyey waxa uu kaga warramay qaybaha ay xanuunnada dhimirku u kala baxaan, waxa sababa, iyo maanhagga taban ee ay Soomaalidu ka haysato. Sida oo kale waxa uu ka warramay burburka Soomaaliya ka jira sida ay u saamaysay saykoolojiyadda bulshada. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in burburku soosaaray insaan "belo-u-joog ah", oo aaminaaddu ku yar tahay. Sida oo kalana xidhiidhadiisu ay ku dhisan yihiin wax isdhaafsi. Dhanka kale, waxa uu ka faallooday caqabadaha ku horgudban laanta caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in caqabadaha oo idili isugu biyashubanayaan dawladxumada. Ugu danbayntii waxa uu ku tagay in xoogga la saaro nabad-dhisidda iyo dawlad-dhisidda si bulshadu salka dhulka u dhigato, ka dibna wax looga qabto caqabadaha caafimaadka dhimirka ka jira.

Axmed Xisaam Miido: Haddii aan ku bilaabo wayddiin furfurasho u ah waraysigeenna: waa maxay xanuunnada dhimirku? Maxaa se ugu waaweyn oo sababa?

Cabdullaahi Maxamed Cawsey: Mahadsanid. Xanuunnada dhimirku waa xaalado caafimaad oo tilmaamaya in inta badan ay khalkhallo ku yimaaddeen saddex arrin oo kala ah: dareenka, habfekerka iyo habdhaqanka qofka. Kolka saddexdani khalkhal galo waxa qofka ku yimaadda xanuunno nafsadeed/maskaxeed oo kala heerar ah. Xanuunnada dhimirka qaybo ayay leeyihiin waxana ka mid ah: diiqadda, walaaca, qulubka, saykoosiska iyo doogreeb (Post-traumatic stress disorder, oo ah khalkhal nafsadeed oo qofka soo gaadha, kaas oo ka dhasha dhacdo argagax leh oo uu qofku la kulmo. Jugta qofka ku dhacda waxay reebtaa ladh iyo xanuun aad u daran). Qodobbada ugu waaweyn ee sababa xanuunnada nafsadeed waxa ka mid ah: dagaallada, xadgudubyada jinsiga ah, dhaqaalexumada, shaqo la'aanta, doogta, masiibooyinka dabiiciga ah iyo mukhaadaraadka. Waxa intaa raacsan oo sababi kara xaalado baylooji oo la xidhiidha hiddaha qofka.

AXM: Waxaan ogsoonnahay in Soomaalidu maanhag taban ay ka haysato caafimaadka dhimirka. Bal faahfaahin naga sii qodobkaas?    

CMC: Dhaqanka Soomaalidu waxa uu caafimaadka dhimirka la xidhiidhiyaa waxyaabo ka baxsan habraacyada cilmiga ah ee degsan. Waxa ay inta badan u tiiriyaan arrimo diin ku saabsan sida sixir, jin iyo ciqaab Alle—iyaga oo aaminsan in wax dahsooni ay ciddardari karto sida oo kalena durreyn karto. Taasi waxa ay keentaa in dadka xanuunnada dhimirka qaba aanay helin daryeelkii dhabta ahaa ee ay u baahnaayeen, maaddaama sababihii ay waxani ku dhaceen loo tiiriyey "cid" kale. Sidaa awgeed waxa buuxsama goobaha cilaajyada, oo ah meelo aan munaasib ku ahayn dadka la ildaran xanuunnada dhimirka. Waxa dhacda in bukaanka la xidho, la jidhdilo oo loo la dhaqmo si ka baxsan dadnimada, taas oo keeni karta in bukaanka xaaladdiisii looga sii daro. Maanhagga ay Soomaalidu ka haysato xanuunnada dhimirku waa mid taban, oo u baahan wacyi gelin iyo in si aqoomaysan loogu sharraxo waxa sida dhabta ah keena jirrooyinka nafsadeed.

AXM: Saddexdii tobanguuro ee ugu danbeeyey Soomaalida waxa isugu tagay: dagaallo, abaaro, busaarad, dawladxumo, burbur qoys, burbur tacliineed, xagjirnimo diineed iyo qabiil. Haddaba intaas oo ayaandarro nololeed ah sidee raad ugu yeesheen caafimaadka dhimirka ee Soomaalida?

CMC: Nololxumada Soomaaliya ka jirta si weyn ayey saamayn ugu yeelatay caafimaadka dhimirka ee Soomaalida, oo waxa abuurmay doog wadareed (collective trauma), sababtay rejaxumo, kala'aaminbax iyo xumafilasho gaadhiisan in qofku noqdo belo-u-joog wax walba oo dhaca u qaata in wax ka darani ay dhici karaan. Xanuunnada dhimirka ee dadka ku dhaca way ku kala duwan yihiin sida ay u muujiyaan. Waxa jira dadka qaar ku muujiya qaab khalkhallo nafsad-jidheed ah (Psychosomatic disorders), oo waxa uu qofku ka cabanayaa ay tahay xanuunno jidheed sida madax-xanuun, dhabar-xanuun iyo wixii la halmaala, isaga oo aan garan karin habkii uu ku cabbiri lahaa khalkhalka iyo dareenka maskaxdiisa ku furan. Bilmetal, Soomaaliya cusbitaalladu aad ayey ugu badan yihiin, dadka tagaana way badan yihiin, sida oo kalena daawadu aad ayey ugu badan tahay. Waxaa yaab leh in Soomaalidu tiradoodu yar tahay kolka loo fiiriyo bulshooyinka kale. Haddana waxay xaalado caafimaad u dhooban yihiin cusbitaallada Hindiya, Kiiniya, Itoobbiya iyo Turkiga. Taasi marka waxay tilmaamaysaa khalkhallo nafsad-jidheed, maaddaama dadku aanay fahansanayn xanuunnadii nafsadeed, oo aanay helayn adeeggii caafimaadka maskaxda, waxa dhacda in uu si kale xanuunnadii walaaca iyo qulubku jidhkooda u muujiyo. Dhan kale nolosha Soomaaliya ka jirta waxay soo saartay qof aan deggenayn oo salkacsan. Qof aan qorshayaal fog degsan karin, laakiin ka fekeraya sidii uu maalintaa uu nool yahay u badbaadi lahaa. Caalaamadaha ugu waaweyn ee qofka Soomaaliga ah lagu garan karo burburkii kaddib waxa ka mid ah: is aaminaad la'aan. In qofku uusan cidna aaminaad ku qabin, in xidhiidhadiisa oo idili ay ku dhisan yihiin wax isdhaafsi (transactional relationship). Dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan waxay soosaareen qof uu khalkhal ku furan yahay: dareenkiisa, habfekerkiisa iyo habdhaqankiisa. Marka qofku way sahlan tahay in uu xanaaqo, waa laga yaabaa in aad habdhaqan yaab leh ku aragto, iyo in habfekerkiisu taban yahay. Marka taasi waxay carqaladaynaysaa xidhiidhadiisa bulsheed oo dhan. Waxa xusid mudan in dhammaanteen si iyo si kaleba ay inoo saamaysay xaaladda ay Soomaaliya ku jirtay soddonkii sanno.

AXM: Waa maxay caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan laanta caafimaadka dhimirka?

CMC: Caqabadda ugu weyn waa aqoon la'aan. Dadku ma fahansana waxa uu yahay caafimaadka dhimirku iyo muhiimadda uu leeyahay. Sida laga war qabo, asalka caafimaad oo dhami waa caafimaadka maskaxda, taas ayeysan Soomaalidu ku baraarugsanayn. Waxa jira caqabad kale oo ah boogayn (stigma), oo ah in ceebaal laga dhigo xanuunnada dhimirka, in dadka qaba la takooro, la xanto, oo laga dhigo wax aan laga hadli karin. Marka taasi waxay keentay in xanuunnadii la qarsado, in qofku haddii uu dhaho xanuun dhimir baa i haya in uu sumcaddiisa iyo sharafkiisa u cabsado. Maxaa wacay, waxa jira maahmaahyo dhammaantood boogayn tilmaamaya oo ay ka mid yihiin: "dhimir tagay dhaqso kuma yimaaddo", "laf jabtay sideedii kuma noqoto", iyo "qof waashay wuu ladnaaday mooyee wuu bugsaday ma leh." Marka boogayntu waa mushkilad weyn oo hortaagan caafimaadka dhimirka. Dhanka kale waxa jira caqabad kale oo la xidhiidha adeegyada caafimaadka maskaxda. Waxaan jirin dhakhaatiir Kasmanafeedda bartay oo dalka oo dhan ku filan, ma jiro adeeg caafimaad oo tayo leh. Sida oo kale waxaan jirin maalgelin dawladeed oo caafimaadka dhimirka ku saabsan. Waxaas oo caqabado ah mar haddii ay jiraan, waxaa timi in meelo kale adeeg caafimaad laga raadsado. Sidaa awgeed waxay dadku buuxdhaafiyeen cilaajyada, halkaas oo aysan joogin xirfadlayaal aqoon hagaagsan u leh caafimaadka dhimirka. Taasina waxay horseedday dhibaatooyin badan oo caafimaad. 

AXM: Maxaa lagu la tacaali karaa jirrooyinka nafsadeed/maskaxeed haddii ay noqoto heer qofeed iyo mid bulsheed?  

CMC: Haddii uu qofku qabo xanuunno dhimir oo culus sida kuwa saykoosiska, waxa muhiim ah in qoyskiisu fahmo in la caawiyo oo la geeyo goobaha munaasibka ku ah caafimaadka dhimirka. Laakiin si guud shakhsiga caadiga ah, waxa waajib ku ah in uu ku baraarugo in xaaladda Soomaaliya ka jirta ay qofka ku keeni karto khalkhallo iyo cillado nafsadeed. Sidaa awgeed waa in uu la yimaaddo hannaan uu ku maaraynayo noloshiisa, haddii ay noqoto dareenkiisa, habfekerkiisa, habdhaqankiisa iyo xidhiidhadiisa bulsheed. Sida oo kale waa in uu iska ilaaliyo meelaha uu cadaadisku uga imanayo (sources of stress). Waa in qofku noloshiisa isu dheellitiro, waa in uu naftiisa mudnaan siiyo, waa in aanu culaysyada nololeed ee aanu xammili karin isku qaadin, oo uu masuuliyadaha iska yareeyo. Waa in uu maanhaggiisa hagaajiyo si toganna u fekero. Ugu danbayntii waa in qofku isku dayo haddii uu awoodi karo in uu ku noolaado meel amni ah isaga iyo qoyskiisuba. Midda bulshada haddii aan u gudbo, waa in la sameeyo wacyigelin ballaadhan haddii ay noqoto: masaajiddada, xarumaha waxbarashada, baraha bulshada, idaacadaha iyo meel walba oo dad farriin laga gaadhsiin karo. In la kobciyo adeegga caafimaadka maskaxda, in kor loo qaado tirada la-taliyayaasha nafsiga ah, oo la tababbaro. In xarumaha dadweynuhu isugu yimaaddaan shakhsiyaadka jooga lagu tababbaro waxa la yidhaahdo, gargaarka nafsadeed ee degdegga ah (Psychological First Aid), si ay u caawiyaan haddii ay la kulmaan qof nafsad ahaan kacsan, oo habdhaqan aan hagaagsanayn ku kacaya. In dawladdu samayso shuruuc iyo siyaasado cad oo taageeraya caafimaadka dhimirka laguna daro manhajka guud ee waxbarashada.

AXM: Deraasaddii ugu danbaysay ee la sameeyey sannaddii 2023, waxay ahayd qayladhaan, iyada oo xustay xaaladda caafimaadka dhimirka ee Soomaalidu in ay marayso meel afkalaqaad ah. Haddaba wayddiintaydu waxay tahay sidee lagu dhisi karaa wacyigelin guud iyo siyaasado dhab ah oo lagu xallinayo, laguna xakamaynayo qayladhaantaas isa soo taraysa ee ku aaddan caafimaadka dhimirka? Waa maxay se talabixintaadu?

CMC: Waxaan ka mid ahay dadka xanuunnada dhimirka ka fiiriya dhinaca bulshada. Inta badan waxaan fiiriyaa waxa qofka ku keena xanuunnada dhimirka. Soomaaliya haddii aad dhugato waxa ugu badan ee bulshada ku sababa xanuunnada maskaxeed waa xaaladda qarracanka ah ee waddanku ku jiro. Inta aan wax kale la qaban waa in marka hore la abbaaro waxa xanuunnada dhimirka sababay sida—dawlad la'aanta, saboolnimada baahsan, shaqo la'aanta iyo dagaallada sokeeye. Sidaa darteedna waa in xoogga la saaro nabad-dhisidda iyo dawlad-dhisidda. Waa in laga shaqeeyo sidii bulshadu u nasan lahayd ee ay salka dhulka u dhigi lahayd. Kolka intaa la qabto waxa imanaysa in wacyigelin guud la sameeyo, oo la la diriro wax walba oo caqabad ku ah caafimaadka dhimirka, kuwaas oo qaybo badan oo ka mid ahi aynu soo xusnay. Waxa kale oo imanaysa in dawladdu samayso xeerar iyo siyaasado ku aaddan caafimaadka dhimirka.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Xayiraaddii Kacaanka ee Fekerka

Buug

Xasuusihii Muqdisho