Sunday 9 November 2025
Dadka u taariikheeya suugaantu, waxa ay suugaanta Afrika u qaybiyaan jiilal kala duwan oo kala habqoraal ah, qaddiyadaha ay xoogga saaraanna kala geddisan yihiin. Jiilka koowaad, oo inta badan lagu magacaabo “aasaasayaasha”, waxa ku jira qoraayo ay ka mid yihiin Chinua Achebe (1930 – 2013) iyo Kofi Awoonor (1935 – 2013). Qoraalladooda waxa udubdhexaad u ah mawduucyada ahaanshaha Afrika, gumeysiga, la dirirkiisa iyo dhaqan-afeedka hodanka ah ee qaaradda.
Jiilka labaad ee suugaanta Afrika waxa uu hanaqaaday xorriyaddii Afrika kaddib. Qoraayo ay ka mid yihiin Ngugi wa Thiang’o (1938 – 2025) iyo Jack Mapanje (1932 – 2022) waxa ay qoraalladooda si qotodheer ugu faalleeyaan caqabadaha bulsho iyo siyaasadeed ee ay waajaheen dawladihii gumeysiga dabadii. Waxa ay si xooggan uga hadleen qaddiyado ay ka mid yihiin midnimada Afrika, saboolnimada, caddaalad darrada iyo socdaalka.
Jiilka saddexaad waxa uu labada jiil ee hore kaga duwanyahay wax ka qoridda mawduucyo kala duwan iyo kala geddisanaanta habqoraalkooda. Qoraayada jiilkani waxa ay qoraalladooda ku kulmiyaan hal-abuur isku mila casriyawga iyo soojireenka, waxaanay ku soo daraan qaddiyadaha caalamiga ah. Waxa kale oo xiiso leh in jiil afaraad hadda hanaqaadayo.
Cabdiraxmaan Waaberi, oo ah qoraa hibooyin badan, sannadkii 1965-kiina ku dhashay Jabbuuti, waxa uu ka tirsanyahay jiilka saddexaad ee qoraayada Afrika. Gorfeeyeyaal badani waxa ay u arkaan biriishka isku xidha labada fac ee saddexaad iyo afaraad. Jiilkiisa saddexaad waxa ay ku barbaareen dalal Afrikaan ah oo madaxbannaan, walow qaarkood dhallaanimadoodii gumeysiga kusoo hoos noolaadeen. Waxa kale oo mudan in la sheego, in jiilka saddexaad, ee Cabdiraxmaan Waaberi ka midka yahay, uu dhaxlay sees adag oo suugaanta Afrika yeelatay. Seeska ay dhigeen qoraayo hore, sida Chinua Achebe, Kofi Awoonor iyo Wole Soyinka, waxa uu xididka u adkeeyey suugaanta Afrika. Seeskani waxa uu suugaanta Afrika siiyey aqoonsi u gaar ah, waxa lagu qaadaadhigay qaddiyado ku salaysan deegaanka suugaantan, waxqabadyo hal-abuur oo dunida ka muuqdayna waa la soo saaray. Ka sokow seeskan uu dhaxlay Jiilka Cabdiraxmaan Waaberi, haddana duruufta casrigoodu waxa ay ku khasabtay in suugaantoodu dhaafto Afrika, oo ay qaataan aragti caalami ah oo intii hore ka ballaadhan. Sidan waxa ku soo ifbaxay suugaanta qurbaha iyo socdaalka, oo wax-soo-saarkooda qoraal qayb ka noqotay.
Cabdiraxmaan Cali Waaberi waxa uu 1965-kii ku dhashay Jabbuuti, oo ah laba iyo toban sanno ka hor markii dalkani xorriyadda ka qaatay Faransiiska, 1977-kii. Cabdiraxmaan Waaberi oo labaatan jir ah, 1978-kii, waxa uu u guuray Faransiiska, waxaanu qaatay dhalashadiisa. Waxa uu halkan ku sii watay waxbarashadiisa luuqadda Ingiriisiga iyo suugaanteeda, waxaanu diblooma sare ka qaatay suugaanta Ingiriisiga. Dabadeed, waxa uu dhammaystiray heerkiisa waxbarasho ee diktoorada (PhD), mashruuciisa qalinjabintana waxa uu ku gorfeeyey dhaxalka qoraal ee qoraaga Soomaaliga ah ee Nuuraddiin Faarax.
Sooyaalkiisa akaadamiga ahi waxa uu u saamaxay in uu noqdo bare jaamacadda George Washington ka dhiga suugaanta Faransiiska iyo Faraankfooniga. Laga soo bilaabo markii uu qaatay heerkiisa waxbarasho ee diktoorada, Cabdiraxmaan Waaberi waxa uu cilmibaadhihiisa xoogga ku saaray gorfaynta sooyaalka suugaanta Afrikada saxaraha ka hoosaysa. Inta badan waraysiyadiisa waxa uu ku xusaa in saqaafadda Carbeed tiir dhexaad u tahay hanaqaadka hal-abuurkiisa qoraal. Saamaynahan isku Milan – saamaynta Faransiiska dalkiisa gumeystay, ta Ingiriiska uu waxbarashadiisa ku qaatay iyo ta Carabiga ee saqaafaddiisa qaabaysay, ayaa xagasha uu qoraagani wax ka eego ka dhigaysa jaadgoonni.
Cabdiraxmaan Waaberi oo ah qoraa darka suugaanta iyo qoraalka dhinacyo badan ka darsaday, waxa uu qoraa gabayga, sheekofaneedda iyo sheekada gaaban, waxaana u dheer ka qaybqaadashada maqaallada iyo gorfaynta suugaanta, iyo ku hawlanaanta shaqada akaamadiga ah. Dedaalladiisa gorfaynta iyo akaadamiga waxa si qayaxan uga muuqanaya sooyaalkiisa mihnadeed. Hibadiisa gabay waxa laga dheehanayaa ururiskiisa suugaaneed ee “Naming the Dawn”. Marka ay dhanka sheekofaneedda tahay, waxa uu ku caanbaxay hal-abuur ay ka mid tahay sheekada “Harvest of Skulls”. Ururiskiisa sheekada gaaban ee “The Land Without Shadows”, waxa uu soo bandhigayaa hal-abuurkiisa sheekada gaaban. Wax-soo-saarkan iyo in kale oo badaniba waxa ay seeska u dhigeen sumcaddiisa la xidhiidha gabayga, sheekofaneedda iyo sheekada gaaban ee hal-abuurka leh.
Sidaas darteed, la yaab ma laha in wax-soo-saarkiisu qaddirin ballaadhan ka helo akhristayaasha dunida daafaheeda ku kala sugan, siiba markii qoraalladiisa loo tarjumay luuqado badan, oo ay ka mid yihiin Ingiriisiga, Jarmalka, Talyaaniga, Burtuqiiska, Seerbiga iyo Isbaanishka. Cabdiraxmaan Waaberi waxa uu ku guulaystay abaalmarinno heerkoodu sarreeyo, oo ay ka mid tahay Abaalmarinta Kaadamiga Faransiiska ee Sayniska, Suugaanta iyo Fanka, iyo abaalmarinta weyn ee Suugaanta Afrikada Madaw.
Caannimada uu Cabdiraxmaan Waaberi ka dhex helay suugaanta Afrika, hal-abuur ahaan iyo akaadami ahaanba, waxa ay sababtay in uu ka qaybgalo maxfallo caalami ah oo badan. Waxa ka mid ah in uu madax ka ahaa guddigii garsoorka doorkii labaad ee abaalmarinta suugaanta ee “Codka Faransiiska”, oo ay qabanqaabisay Idaacadda Caalamiga ah ee Faransiiska ah oo kaashanaysa madbacadda Lattes iyo Cite Internationale des Arts.
Tartankan oo loogu talogalay qoraayada Afrika ee dhallinyarada ah, waxa ka qaybqaatay dad ka badan 350. Sidoo kale, Cabdiraxmaan Waaberi waxa uu ka qaybgalay Mahrajaanka Maraakish doorkiisii saddexaad, oo dhacay 25-kii Feebarwari, 2025. Waa mahrajaan kulmiyey qoraayo iyo haldoor Afrikaan ah oo ka badan afartan, in ka badan labaatan dawladoodna ka socday. Waa Mahrajaan muujiyey jaadadka kala duwan ee jaadgoonniga ah ee suugaanta Afrika leedahay.
Cabdiraxmaan Waaberi waxa uu qoraayo badan kaga soocanyahay in uu iskaga tallaabo jaadadka kala duwan ee suugaanta, haddii ay noqoto, sheekada gaaban, sheekofaneedda, amaba gabayga. Waa jaadadka kala duwan ee wax-soo-saarkiisu koobsanayo, sida “Divine Song”, “Transit”, “The Passage of Tears” iyo “Nomads”. Haddaba, aynnu si kooban wax uga iftiiminno wax-soo-saarkiisan saddexda jaad ee suugaanta ah isaga gudbay, innagoo sidoo kalena guudmarayna mawduucyadiisa, gorfaynta lagu sameeyey iyo saamaynta uu ku yeeshay suugaanta Afrika.
Qoraagan reer Jabbuuti, waxa uu hayaankiisa qoraal ku bilaabay jaadka sheekada gaaban, isagoo 1994-kii soo saaray ururiska sheekooyinka gaaban ah ee “The Land Without Shadows”. Ururiskan waxa lagu qaabbilayn bogaadin iyo danayn ballaadhan, sababtuna waa qaabqoraalkiisa qurxoon iyo mawduucyada mudnaanta leh ee uu buuggu qaadaadhigay. Waa buugga mutaystay Abaalmarinta Akaadamiyadda Faransiiska ee Sayniska, Suugaanta iyo Fanka. Kuwo badan oo ka mid ah qoraayada sheekofaneedda, sheekada gaabani waxa ay u tahay barbilawga geeddigooda qoraalku ka bilaabmay iyo jidka ay u mareen sheekada dheer ee falkin ahaan ka adag ta gaaban. Waa isla toobiyaha uu Waaberi qaaday, ee dhabbaha sheekofaneedda ku riday.
Sheekofaneedyo dhawr ah ayuu soo saaray Cabdiraxmaan Waaberi, oo ay ka mid yihiin: “Transit”, Harvest of Skulls”, iyo “Nomads”. Sheekada danbe ee “Nomads” oo soo baxday 1996-kii, waa mid ka mid ah wax-soo-saarkiisii ugu horreeyey, waxaanay meteshay marxalad lafdhabar u ah geeddigiisa hal-abuur. Waa sheekofaneed u soo jiidday caannimo ballaadhan, kuna biirtay suugaanta caalamiga ah ee Faransiiska ku qoran. Gorfeeyayaashu waxa ay sheekadan ku tilmaameen mid ka mid ah miidda ugu bilan, uguna ashqaraarka badan wax-soo-saarkiisa. Waa sheeko uu isku milayo dunida mala’awaalka iyo jiquraafiga rasmiga ah, kuna soo bandhigayo toolmoonaanta habtebintiisa. Gorfeeyayaashu waxa sheekadan u arkaan mid kulansata isku darka gabayga, sheeko-tebinta, xasuusaha qofeed iyo gorfaynta bulsheed iyo siyaasadeedba, oo ah waxa ku sababay in uu Waaberi dibad-wareeg toban sanno ku noqdo Faransiiska.
Sheekofaneeddiisa “The Harvest of Skulls”, oo soo baxday sannadkii 2000, waxa ay tebinaysaa dhacdooyinka bahalnimada ah ee ku habsaday dalal badan oo Afrika ah. Si gaar ah, sheekadu waxa ay u tebinaysaa xasuuqii Ruwaandha ee 1994-kii, oo ay malleeshiyaadka Huutuugu gumaad abaabulan kula beegsadeen dad lagu qiyaasay 500 kun ilaa hal milyan oo Tuutsi ah, xisbi haldoorkii dalku majaraha u hayayna lagu tuhmay iskudubarridka xasuuqaas. Mid ka mid ah dadka sheekadan gorfeeyey, waxa uu tilmaamayaa in sheekadani la gaar tahay afka suugaamaysan iyo sheekada waaqaca ah ee isku milan. Sheekadu waxa ay tebinteeda u cuskanaysaa khibradda iyo qiraallada dadkii ka badbaaday xasuuqaas, oo uu Cabdiraxmaan Waaberi ka soo ururiyey mar uu safar ku tagay Ruwaandha. Waxa uu waraysiyo ka qaaday dad goobjoog u ahaa dhacdooyinkaas tiiraanyada leh, waxaanay la wadaageen khibraddooda iyo xitaa mashaacirtooda kala duwan ee kala metelaysa labadii dhinac ee is laayay.
Ururiskiisa gabay ee “The Naming of the Dawn”, oo soo baxay 1998-kii, waa ururis ka soo mudhbaxay gabayadiisa. Waxa uu akhristayaasha ka haqabtirayaa meerisyada uu macnahooda ka soo qaatay sheekooyinkii nebiyada, Quraanka iyo suugaantii kalaasigga ahayd, sida sheekada jacayl ee Carbeed, kalaasiggana ah ee “Qays iyo Layla”. Waaberi sidoo kale, waxa uu sharfay gabyaagii hore, isagoo soo saaray ururis gabayo ah oo soo bandhigaya xidhiidho sooyaal iyo saqaafadeed oo xeeldheer una dhexeeya dalkiisa Jabbuuti iyo Bariga Dhexe. Ururiskiisan, waxa uu Waaberi dirayaa farriin xooggan oo ah: “Xeerku ma aha jidka ina geeya isha”. Waa farriin uu ugu baaqayo dadka khalad fahma tafsiirka nusuusta diiniga ah, doorbidana tafsiir duug ah oo xagjir ah.
Gabayga “Qudhac” waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan gabayadiisa, oo ay Ingiriisi u tarjuntay Nancy Naomi Carlson. Waa gabay dhirta ka xushay geedka qudhaca, oo uu ku tilmaamay geed baarkiisa riyuhu salooshaan oo dhaameelkiisa iyo caleemihiisana dheefsadaan, jirriddiisana qudhaanjadu susunto, oo ay guntiisa hoy ka dhigato. Waxa uu si ashqaraar ah ereyo fudud ugu cabbirayaa sawirka geedkaas riyuhu salooshaan, se isla riyahaasi si fudud ula cagabidhyoodaan qudhaanjada guntiisa hoyga ka dhigatay. Laakiin waxa is wayddiin leh, ma intan uun buu macnaha gabaygu ku eegyahay, mise sarbeeb ka xeeldheer macnaha dusha ah ayaa jirta? Waxa aan aaminsanahay in gabaygu sarbeeb wato, oo uu si ka fiirsi leh gabayaagu geedkan u xushay.
Xulashada gabyaagu waxa ay geedkan siinaysaa mudnaan, taas oo ah in geedkani leeyahay macno ka duwan geed kasta oo kale, tusaale, geed-cadayga. Geedka qudhaca ee uu cinwaanka uga dhigay gabayga , araartana u ahi waxa uu xidid ku leeyahay dhaqanka Afrika, waana geed u taagan nolol, dhabar’adayg iyo barako, una dheeryihiin muhiimaddiisa diineed iyo dheefta uu u leeyahay nolosha Afrikaanka.
Sarbeebta gabayaagu uga socdo sawirka uu ku bixiyey gabaygu walow ay u furantahay fasiraado kala duwan, sababtoo ah sarbeebta ayaaba leh dabeecadda ku kala duwanaanshaha fasiraadaha e, haddana anigu waxa aan aaminsanahay in farriinta uu gabyaagu soo gudbinayaa ku dhex maldahantahay qudhaca laftiisa.
Geedkani waa tilmaanta nolosha, dhabar’adayga iyo barakada, waa geed naflayda oo dhammi wax ka dheefto, kuna habboon dabeecadda qaaradda Afrika iyo Jabbuuti.
Qayb ka mid ah humaagga uu bixinayo, waxa ka muuqda in Afrika, cadaw dibadeed dhagar u maleegayo (riyaha). Si kastoo se cadawgaasi awood isu bidayo, waa mid uu u ekaysiiyey riyahaas taagta daran, ee qudhaanjadu dhibi karto. Cadawgani waxa uu abbaarayaa baarka sare (baarka geedka ama caleemaha). Qaybta kale ee humaagga, waxa ka muuqda in Afrika cadaw gudeed mijaxaabinayo (qudhaanjada), kaas oo gunta ka fagaya, oo ah qaybta saamaynta ugu xumi soo gaadhayso. Halkan, gabyaagu waxa uu inooga digayaa cadawga gudeed, marka la barbardhigo ka dibadda.
Guudmarkaas kooban ee aynnu ku samaynnay wax-soo-saarka Waaberi kaddib, waxa habboon in aynnu soo koobno tilmaamaha jaadgoonniga ah ee hal-abuurkiisa iyo dhinacyada cusub ee ay soo gudbinayaan. Akhristaha sida wacan ula socda qoraallada Waaberi, waxa uu dareemayaa in tilmaamaha wax-soo-saarkiisu ku duuganyihiin muhiimad siinta dhinacyada mala’awaalka, maadda iyo gabayga.
Qoraallada Waaberi waxa ay ku suntanyihiin hilaw qotodheer, oo uu ku soo gudbiyo luuqad u fudud fahanka. Intaas waxa u dheer, in qoraalladiisu cod cusub iyo hannaan cusub u soo gudbinayaan hayaanka suugaanta Afrika, isla jeerkaasna, waa qoraallo ka hor imanaya sheekooyinka siyaasadda iyo tookha. Gabayga Waaberi waxa ku cusub bud-dhigashada meel cayiman oo uu iska helo, una noqota daaqad uu innaga tuso xaqiiqada.
Sida aynnu soo xusnay, qoraagan jaadadka kala duwan ee suugaanta isaga tallaaba, ee kulmistay dhaqannada Carabiga, Faransiiska iyo Ingiriisku, waa hir ka dhex muuqda jiilkiisa saddexaad ee qoraayada Afrika. Laga yaabaa in aanu ahayn hirka kaliya ee muuqda, haddana waa qoraa goobjoog u soo ahaa waayihii ka danbeeyey xornimada dalkiisa iyo xornimada dalal kale oo Afrikaanka ahba.
Waaberi iyo jiilkiisuba waxa ay qoraalladooda ku dul istaageen mawduucyo kala geddisan, waxaanay hindiseen habab cusub oo si qayaxan wax looga akhristo. Waxa kale ee mudan sheegid ayaa ah; in Waaberi iyo jiilkiisu aanay kala xigtaysan soojireenka iyo casriyawga, ee taas beddelkeeda ay isku ladheen, waxayna taasi qoraalladooda siisay weji cusub oo casrigooda u gaar ah. Intaas waxa dheer, Waaberi kuma koobsan qaddiyadaha u gaarka ah Afrika, ee waxa uu si furan uga hadlay qaddiyado caalami ah, isaga oo jidkan gogoldhig uga dhigaya jiilasha soo socda ee qoraayada Afrika.